Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Labaad ee Dalka Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta soo xirey shirka looga hadlayey qorshayaasha hortebinta u leh Wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimilada oo labadii maalmood la soo dhaafay ka socdey Magaaalada Muqdisho.
Shirkan ayaa looga hadlayey sidii xal waara looga gaari lahaa qorshayaasha muhiimka ee Xukuumadda DanQaran ee ku qotoma saameynta ay dalkeenna ku reebtay Isbeddelka Cimilada iyo dardargelinta howlaha Wasaaradda Deegaanka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka hadlayey munaasabadda, ayaa sheegey in Wasaaradda looga baahan yahay in ay door firfircoon ka qaadato sidii wax looga qaban lahaa saameyn kala duwan ee ay dalkeenna ku reebtay isbeddelka cimilada dunida.
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay Madaxa Ciidanka Dabdamiska Guud ee Dalka Kuwait, Major General Talal Mohammed Al-Roumi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada tababarrada, qalabaynta, iyo horumarinta adeegyada dabdamiska iyo gurmadka degdega ah. Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay isdhaafsiga aqoonta iyo khibradaha la xiriira guud ahaan maareynta xaaladaha degdega ah ee dabku ugu horreeyo iyo halisaha la xiriira nuucyada kala duwan ee musiibooyinka.
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Gaza — Xamas ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto saddex qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay xabbad-joojinta ka jirta Marinka Gaza.
Xamas ayaa hore ugu hanjabtay in ay dib u dhigi doonto sii daynta maxaabiista, iyada oo ku eedeysay Israa’iil in ay ku guuldareysatay fulinta ballanqaadyadeeda, oo ay ka mid yihiin oggolaanshaha gelitaanka teendhooyin iyo hoy, iyo sidoo kale jebinta qodobbada xabbad-joojinta.
Israa’iil, oo taageero ka helaysa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa iyaduna ku hanjabtay in ay dib u billaabi doonto howlgalladeeda militari haddii aan la sii deynin maxaabiista.
Ma jirin wax jawaab ah oo degdeg ah oo ka soo baxay Israa’iil kadib warka Xamas, hase yeeshee tallaabadan ayaa u muuqata mid oggolaanaysa in xabbad-joojintu sii socoto waqtigan xaadirka ah, inkastoo mustaqbalka heshiiska nabadeed uu weli mugdi ku jiro.
Xamas ayaa sheegtay in wafdigeedu wadahadallo la yeeshay mas’uuliyiinta Masar ee Qaahira, isla markaana ay xiriir la sameeyeen Ra’iisul Wasaaraha Qatar si loo keeno Gaza teendhooyin dheeraad ah, sahay caafimaad, shidaal iyo qalab culus oo lagu nadiifiyo burburka — arrintaas oo ahayd dalabkooda ugu weyn maalmihii la soo dhaafay.
Bayaan ay soo saartay, Xamas waxay sheegtay in dhex-dhexaadiyeyaashu ay ballanqaadeen in “dhammaan caqabadaha la qaadi doono.”
Daqiiqado kadib, afhayeenka Xamas, Cabdul Laahiif al-Qanuu, ayaa khadka taleefanka ugu xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Associated Press in saddexda maxbuus la sii deyn doono Sabtida.
Telefishinka qaranka Masar ee Qahera TV, oo si dhow ula shaqeeya hay’adaha ammaanka dalkaasi, ayaa ku warramay in Masar iyo Qatar ay ku guuleysteen xallinta khilaafka.
Labada dal ee Carbeed ayaa door muhiim ah ka qaatay dhex-dhexaadinta Xamas, iyagoo fududeeyay heshiiska xabbad-joojinta oo dhaqan galay Janaayo, kadib 15 bilood oo dagaal ah.
Heshiiska xabbad-joojinta ayaa si kastaba wajahaya caqabado culus toddobaadyada soo socda.
Wajiga koowaad ayaa dhammaan doona horraanta bisha Maarso, lamana gaarin weli wadahadallo qoto dheer oo ku saabsan wejiga labaad, kaasoo Xamas ay ku sii deyn doonto tobannaan maxaabiis ah, iyada oo Israa’iil laga doonayo in ay soo afjarto dagaalka.
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Maxkamadda degmada Waabari ee gobolka Banaadir, ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday nin iyo xaaskiisa oo lagu eedeeyay in ay iska duubeen muuqaalo badan oo anshax-xumo, kuwaa ay ku doonayeen in ay ku helaan lacago baad ah.
Ninkan iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in ay iska duubeen 124 muuqaal oo anshax-xumo ah, waxaana muuqaaladan loo diray waalidka gabadha oo la sheegay in dalka dibadiisa ku nool yihiin, si lacago looqa qaato iyada oo loogu hanjabayay in muuqaalladan baraha bulshada lagu baahinayo.
Xeer ilaalinta dacwada kusoo oogay lamaanahan ayaa sheegay in ay isla ogaayeen sheekadan ayna doonayeen in lacag uga helaan waalidka gabadha, si ay uga badbaadaan sumacda dil ku timaada magacooda una arkaan muuqaallada oo baraha bulshada ku baahay.
Guddoomiyaha maxkamadda degmada Hodan Abshir Cumar Cabdullaahi , ayaana sheegay in kiiskan loo keenay uu ahaa mid aad ula yaabeen, waxa uuna min labo sanno oo xabsi ah ku riday lamaanaha ku kacay falkan dhaqan-xumada ah.
Falkan ay ku kaceen lamaanahan is qabay ayaa dad badan aad ula yaabeen, waxa ayna dadka qaar sheegeen in lamaanahan u muuqdaan kuwa aan ashax laheyn oo cabtoy ah, kuwaa oo isku raacay hanjabinta waalidka gabadha dhalay, si ay lacago baad ahna uga qaataan.
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Guddiga doorashooyinka oo war culus kasoo saaray Carqaladeyn lagu sameeyey Ururada siyaasadeed.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Ururka beeralayda Qaadka ee dalka Kenya ayaa dalbaday in qiimaha Jaadka loo iib gaynayo Soomaaliya lagu kordhiyo Sh300 halkii kiilo. Dhoofiyayaasha Jaadka ayay codsadeen in lagu cadaadiyo in ay bixiyaan ilaa 200,000 oo ah Shilinka Kenya halkii jawaan oo jaadka nooca Griid ah.
“Baadhitaankayaga, waxaan ogaanay in halkii kiilo jaad ah uu Muqdisho ku iibsamo ilaa Sh5,700, halka beeraleydu ay helaan kaliya Sh300. Waxaan kaliya weydiisanaynaa dhoofiyayaasha in ay beeraleyda u qoondeeyaan Sh1,000 oo dheeri ah. Waa wax lala yaabo in kharashka gaadiidka lagu geeyo Muqdisho uu ka badan yahay Sh3,000 halkii kiilo,” ayuu yiri guddoomiyaha beeralayda Qaadka dalka Kenya Mr. Karuiru.
Wuxuu intaa ku daray in beeraleyda iyo ganacsatada jaadka ee deegaanka ay isla garteen in ay sii wadaan joojinta dhoofinta qaadka ilaa laga fulinayo dalabkooda.
“Waxaan diyaar u nahay in aan u dulqaadanno dhibaatooyinka dhaqaale si aan u helno qiime caddaalad ah,” ayuu adkeeyay.
Guddiga Qiimeynta Jaadka ee Hay’adda Beeraha iyo Cuntada (AFA) ayaa aqoonsaday cabashooyinka beeraleyda iyo ganacsatada. Guddoomiyaha guddiga, Mr. James Mithika, ayaa xaqiijiyay in ay la kulmeen dhinacyada ay quseyso, isla markaana ay soo jeediyeen hannaan cusub oo qiimeyn ah.
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle, oo hoggaaminaya wafdiga Dowladda Soomaaliya kaga qeyb-galaya Madasha 6-aad ee Dalalka Carabta ee Yaraynta Khataraha Musiibooyinka ee ka socda dalka Kuwait, ayaa kulan wax-ku-ool ah la qaatay wafdiga matalaya dowladda Muritaaniya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Deegaanka iyo Horumarka Waara, Mrs. Messouda Mint Baham.
Kulankan labada wafdi ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga labada dal ee la xiriira khibrad-wadaagga iyo horumarinta hababka digniinta ee ka hortagga musiibooyinka, halka Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA uu xusay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato kobcinta awoodaha farsamo ee ku aaddan hirgalinta xarunta digniinta hore ee ay qorshaynayso Wasaaradda Deegaanka ee Muritaaniya.
Wafdiga Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale muujiyay sida ay uga go’an tahay in iskaashi dhow iyo wada-shaqeyn lala yeesho dalalka gobolka si loo xoojiyo dadaallada yareynta khataraha musiibooyinka iyo ka hortagga saameyntooda.
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Saameynta qaadka iyo Haweenka Ka ganacsado.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali & Sahro Gabre
Farsamadii ::Abdiraxmaan Macalin