Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Mid ka mid ah dalalka Hubka soo saara oo Soomaaliya ka iibinaya Hub casri ah.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Mid ka mid ah dalalka Hubka soo saara oo Soomaaliya ka iibinaya Hub casri ah.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Toogasho kale oo Baydhabo ka dhacday.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa aas ballaaran loogu sameeyay sargaal katirsanaa ciidamada difaaca maamulka Puntland iyo askari kale oo lagu dilay howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad.
Howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad ayaa lagu dilay gaashanle Farxaan Cabdulqaadir Xassan iyo Dable Xasan Maxamuud Nuur , waxa ayna labadan askari dagaal adag la galeen maleeshiyaad katirsanaa kooxda Daacish oo weerar kusoo qaaday.
Saraakiil, masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Boosaaso ayaa ka qeyb galay aaska magaalada Boosaaso loogu sameeyay askartan ku dhintay howlgalka lagula dagaallamayo kooxda Daacish.
Saraakiil iyo ciidamo badan oo katirsanaa maamulka Puntland , ayaa ku nafwaayay howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad, waxaa sidoo kale dagaalka dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen ciidamo kuwaa oo qaarkood dhaawacyadooda loo qaaday dalka dibadiisa.
Ciidamada Puntland ayaana guulo wax ku ool ah ka gaaray howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad, waxa ayna Puntland la wareegeen goobo badan ay horey u joogeen kooxda Daacish, waxa ay sidoo kale dileen in ka badan 100-xubnood oo katirsanaa kooxda Daacish.
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN.
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-Nidaamiyaha Xukuumadda, kaas oo hagaya howlaha waaweyn ay xukuumaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed.
Kulanka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ka hadlayey xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Golaha ayaa meelmariyey heshiis iskaashi amni, kaas oo ay wada gaareen dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq.
Golaha Wasiirrada ayaa dul istaaggay dagaallada ka socda dalka ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo jab-xoog leh ay gaarsiiyeen ciidanka Qaranka, kana saareen degaanno iyo goobo kala duwan oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka, iyada oo laga dilay horjoogeyaal u badan ajaaniib, qaar kalena gacanta lagu dhigay.
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Madaxii hore ee shirkadda Google ayaa sheegay in garaadka macmalka ah ay dhici karto in si xun loogu isticmaalo dagaal baayolojiyeed.
Eric Schmidt ayaa sheegay in haddii “argagixiso” ama dalal “kharriban” ay gacanta ku dhigaan garaad-macmal aad u xoog badan, ay dhici karto khatar weyn oo la mid ah tii Chernobyl.
Mr Schmidt wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in xukuumaduhu ay fahmaan waxa ay shirkadaha gaarka loo leeyahay ka samaynayaan garaadka macmalka, ayna joogteeyaan qaab muraaqibayn ah.
Laakinse wuxuu ka digay in haddii laga badbadiyo xeerarka muraaqibaynta ay taasi ka xannibi doonto dalalka inay si buuxda uga faa’iidaystaan hanaanka garaadka macmalka ee IA.
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Mas’uuliyiinta sare ee amniga Puntland ayaa sheegay inay si buuxda ugu heellan yihiin la dagaallanka kooxda Daacish (ISIS), balse waxay ku booriyeen saaxiibadooda caalamiga ah inay bixiyaan taageero ciidan oo lagama maarmaan ah.
“Wax kasta oo aan hayno waan u huraynaa dagaalkan,” ayuu yiri Jen. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, taliyaha Ciidanka Badda Puntland (PMPF).
“Laakiin si aan u sii wadno hawlgalladeenna oo aan u hubinno guusha, waxaan u baahanahay caawimaad farsamo qalab joojiya drones-ka, baarayaal miino iyo qalabka aragga habeenkii.”
Sarkaalkaan ayaa carrabka ku adkeeyay in aysan doonayn faragelin ciidan oo toos ah oo shisheeye ah. Balse ay codsanayaan taageero dhinaca sahayda iyo xog-wadaagga ah si ay ula dagaallamaan kooxda Daacish oo ka faa’iideystay dhulka adag ee gobolka Bari si ay u sii joogaan degaanada Puntland.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa muddo bil iyo bar dagaal kula jirta kooxda Daacish oo tobankii sano ee ugu dambeeysay isku urursanaysay buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari.
Waa mid kamid ah dagaalladii ugu adkaa oo ay Puntland la gasho kooxda Daacish.
Puntland waxay haatan Daacish ka sifaysay dhul boqolaal KM ah oo ay awal hore ka talin jireen, taasoo u sahashay inay saamayn ku yeeshaan dadka si ay uga qaadaan lacago baad ah.
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Wasiirka Gashaandhiga Israa’iil ayaa Arbacadi wacad ku maray, in cadaab daran oodda laga qaadi doono, haddii Xamaas ay ku guul-darreysato sii deynta la heystayaasha dhammaadka todobaadkan.
Tani ayaa ah hanjabaadi u danbeysay ee ka dhan ah Xamaas oo kasoo baxda Isra’aail, xilli dhex-dhexaadiyaasha ay ku dadaalayaan sidi ay u badbaadin lahaayeen heshiiska 42-ka maalin ah ee ay kala dhex dhigeen Israa’iil iyo Xamaas.
Muranka cusub ee halista ku noqday heshiiska xabbad-joojinta labada dhinac ayaa soo shaac baxay, kaddib marki ay Xamaas ku eedeysay Isra’il in ay jebisay qaar ka mid ah ballan-qaadyadii ay sameysay, oo ay ku jiraan in teendhooyin la gaarsiiyo barakacayaasha Gaza, in gargaarka lasoo geliyo iyo arrimo kale.
Xamaas waxay sheegtay in ay dib u dhigeyso sii deynta la heystayaasha la filayay in Isra’il loo gacan geliyo Sabtida soo socota.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii ka digay, in haddii aan la soo deynin la-haystayaasha Israa’iil ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas.
Waxaa isna hadalkaasi la mid ah ka dhawaajiyay Talaadadi, ra’iisul wasaaraha Isra’il, Banjamin Natanyahu.
Maxmuud Merdawi oo ah sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in ay jiraan “calaamado wanaagsan” oo ah in saddexda qof ka mid ah la heystayaasha ee la qorsheeyay in Sabtida la sii daayo, ay sii deyn toodo dhici doonto, laakiin tilmaamay in kooxdu aysan wali helin ballan-qaadkii Israa’iil ee ahaa in ay u hoggaansanto heshiiska.
Khamiis 13-02-2025 {HMC} Xildhibaan ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo laga soo doorto gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa billaabay olole dhaqaale uruurin ah oo la xiriira codsi ku saabsa in xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga masaafuriyo dalka Mareykanka.
Olalahan ka dhanka ah Ilhaan Cumar ayaa waxaa wada mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, iyaga oo ku eedeyay in dhiirigalineyso in dadka Muhaajiriinta ay yimaadaan Mareykanka.
Xildhibaan Brandon Gill, oo ah cusub oo matalaya degmada 26-aad ee Texas ayaa wada olalaha dhaqaale arruurinta, isaga oo filaya inuu maxkamad la tago Xildhibaan Ilhaan Cumar, isagoo ku boorinaya taageerayaasha inay saxiixaan codsi xiriira xarriga iyo masaafurinta Ilhaan Cumar.
Dhaqdhaaqyada ka dhanka ah Ilhaan Cumar ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay ay kulamo la yeelaneysay Muhaajiriinta iyo dadka soo galootiga eek u sugan dalkaasi.
Sidoo kale, waxaa xusid mudan, in Ilhaan Cumar ay mucaarad weyn ku tahay xisbiga Jamhuuriga ee u hoggaamiyo Madaxweyne Donald Trump.
Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} “Waa in tillaabo laha qaado dadka Suurad xumeynaya amniga” Gudoomiye Yabooh
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA