Home Blog Page 1234

New airstrikes in Somalia’s Puntland kill more than 30 Daesh fighters.

0

Thursday Febr 13, 2025  {HMC} More than thirty fighters from the Somalia-based Daesh/ISIS terror group were killed Wednesday in new airstrikes in the northern Puntland province of Bari, according to security officials.

The strikes targeted Daesh/ISIS positions in the Sheebaab area of the Almiskaad mountains of the Bar region.

Puntland Counterterrorism Operations said most of those killed in the air raid were foreigners without specifying the countries of origin.

“Two airstrikes that took place tonight in the Sheebaab area of the Calmiskaad mountains killed more than 30 ISIS terrorists, most of whom were foreigners, and destroyed the supply vehicle they were transporting,” the counterterrorism unit wrote on X.

The strikes came one day after security forces in the northeastern semiautonomous state of Puntland said they killed more than 60 ISIS (Daesh) terrorists.

The operation on Tuesday involved a coordinated air and ground assault against the terrorists in the mountainous area of the Bari region, according to Gen. Mohamoud Fadhigo, spokesperson for the Puntland Counter-Terrorism Operation.

The United States Africa Command (AFRICOM) said Tuesday that a Feb. 1 airstrike it carried out against ISIS killed 14 terrorists, including a senior leader.

The strike targeted senior ISIS-Somalia leadership in a series of cave complexes approximately 50 miles (80 kilometers) southeast of the port city of Bosaso, the capital of the northeastern Bari region.

Among those killed was Ahmed Maeleninine, a key ISIS recruiter, financier and external operations leader “responsible for the deployment of jihadists into the United States and across Europe.”

Security forces have been conducting operations against the terror group for more than a month, liberating large areas from its control.

Somalia has been plagued by insecurity for years, with the main threats emanating from the al-Shabaab and ISIS terror groups.

Since 2007, al-Shabaab has been fighting the Somali government and the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) — a multidimensional mission authorized by the African Union and mandated by the UN Security Council.

The terror group has stepped up attacks since Somali President Hassan Sheikh Mohamud declared an “all-out war” against it.

Garissa MCAs tell off critics of ID vetting abolishment.

0

Thursday Febr 13, 2025  {HMC} A section of Garissa MCAs have told off critics opposing the abolishment of the Identity Card vetting process for citizens in the north eastern region arguing that the time has come for all Kenyans to be treated equally regardless of their ethnicity.

Last week, while on the North eastern region tour, President William Ruto signed a proclamation scrapping vetting requirements for Kenyans living on the border counties which was introduced in 1990 on national security concerns.

Leaders opposed to this move argue that by doing away with the vetting process, enemies could find an opening to acquire the National IDs, infiltrate our security systems and pose a threat to our national security which could lead to a crisis.

But in a rejoinder, Garissa MCAs led by Baraki Ward MCA Hassan Geley termed the utterances made by Trans Nzoia Governor George Natembea, where he said that the abolishment of the vetting will be a gateway for the al Shabaab to acquire Kenyan ID cards, misleading and politically motivated.

Speaking to the press outside their offices, the MCAs said that the people of the north eastern region have been marginalised for long and denied their rights in issuance of the National Identify cards and that nobody can purport to police them now that the President has made the process easier for them.

“We are not children of a lesser God, we are Muslims, and Kenyans who belong in this country. Our people need to get the ID cards the same way other citizens in other regions acquire them. We are law abiding citizens and not al Shabaab,” Geley said.

“This has been a topic of discussion and we want to tell the critics that they will not lecture our people on how to get the ID cards. Getting an ID card is anchored in our constitution in the ways; by birth, by neutralisation and by registration and we are Kenyans by birth,” he added.

Abasigale MCA Mohammed Sheikh on his part regretted that it has been taking Kenyans in the north eastern region at least six months to get their ID cards due to the rigorous process which they are taken through, making them miss out on opportunities that require IDs.

“We want to inform other Kenyans that Kenya is one and there should not be people trying to suppress others just because they come from a certain part of this country. The president wants to unite this country and we should all agree when he is trying to solve a problem that we have been facing,” Sheikh said.

While the vetting process has been scrapped, residents in the affected areas will have to prove citizenship, present a birth certificate and a parent or guardian’s copy of ID and an introduction letter from their chief to apply for their ID cards.

Further, according to the new policy, their parents or guardians will provide their thumbprint and the application forms will still be scrutinised by the Directorate of Criminal Investigations (DCI) and the National Intelligence service (NIS) before their application is processed and ID issued.

Previously, the vetting committee consisted of the Deputy county commissioner or the Assistant county commissioner, civil registration officers, registration officers, three elders nominated by the community and chiefs or their assistants.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {13.02.2025}

Khamiis 13-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiahman Macain Muse 

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Duqeymo Culus oo ka dhacay goobo ay isku aruursanayeen Daacish.

0

Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Duqeymo Culus oo ka dhacay goobo ay isku aruursanayeen Daacish.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa khasaaro ah oo ka dhashay Dab weyn oo Saacado ka socday Baladweyne”Keenadiid Sandhool”

0

Khamiis, 13 Feb 2025{HMC} Maxaa khasaaro ah oo ka dhashay Dab weyn oo Saacado ka socday Baladweyne”Keenadiid Sandhool”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Madaxweyne Donald Trump oo Wacad ku maray in uu dhameynayo Dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Khamiis 13-02-2025 {HMC} — Washington — Madaxweyne Donald Trump ayaa Arbacadi sheegay, in uu si kala gooni gooni ah uu Arbacadi shalay khadka telefoonka kula hadlay, madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine, Vladimir Putin iyo Volodymyr Zelenskiy, kuwaas oo uu sheegay in ay muujiyeen rabitaankooda ku aadan xal nabadeed oo laga gaaro colaadda u dhaxeysa.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in uu saraakiisha sare ee Mareykanka ku amray, billaabidda wadahadallo ay arrintan kala galaan Ruushka iyo Ukraine, si loo dhammeeyo dagaalka ka socda Ukraine.

Wadahadalladan ayaa yimid, saacado kaddib markii uu xoghayaha difaaca Mareykanka uu dalka Jarmalka ka sheegay, in xukuumadda Kyiv ay tahay in ay ka tanaasusho, himilooyinkii ay muddada dheer ku taameeysay ee ah, in ay ku biirto isbaheysiga militariga ee NATO iyo in ay dib u soo ceshato dhammaan dhulkii uu Ruushka ka qabsaday.

Tani ayaa muujisay isbedel weyn oo ku yimid siyaasadihi Washington ee dagaalka Ukraine.

Madaxweyne Trump wuxuu wariyaasha ugu sheegay, in uu madaxweyne Putin uu kula kulmi doono dalka Sacuudiga dhawaan.

Rag gabar diley oo lagu toogtey fagaare ku yaal Baydhabo

Khamiis 13-02-2025 {HMC} — Fagaare ku yaal magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamul Goboleedka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa dil toogasho ah lagula fuliyey labo nin oo lagu helay in ay horay dil ugu geysteen gabar Soomaaliyeed.

Raggan dhallinyarada ah oo lagu kala magacaabi jirey Mukhtaar Maxamed Nuur iyo Nuur Maxamed Xasan oo labaduba 20 sano jirro ah, ayaa lagu helay dilka Luul Cabdiladiif Macallin, taas oo toorrey lala dhacay, ka hor inta aan laga qaadan telefoonka gacanta oo nuuciisu ahaa Samsung A15, sida ay sheegtay maxkamadi.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed oo xukunka toogashada ka akhriyey goobtii lagu fulinayey, ayaa qisaastooda u cuskaday dil bareer ah oo ay 9-kii Fabraayo 2025 ay magaalada Baydhabo ugu geysteen marxuumad Luul.

Dacwad oogayaasha kiiskan ayaa markii hore ku andacoodey in marxuumadda la kufsaday ka hor intii aan la dilin, balse eedeysaneyaasha dambigaas waa lagu waayey.

Sayga marxuumad Luul oo goobta ka hadlay ka gadaal markii xukunka lagu fuliyey raggii diley xaaskiisa, ayaa dowladda Koonfur Galbeed uga mahadnaqay sida ay uga jawaabeen codsi uu u diray maalmo ka hor, kaas oo uu ku dalbaday in caddaalada la mariyo gacan-ku-dhiigleyaasha.

Ninkan oo magaciisa ku soo koobay Ilyaas, islamarkaana lugaha naafo ka ah ayaa warbaahinta la hadlay isagoo kor loo sido, wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay sida dhakhsiyaha leh ee loo fuliyey xukunka.

Fagaaraha ay ka dhacday toogashada raggan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa garsooreyaashii riday xukunka, mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan oo u soo daawasho tagey fulinta xukunka qisaasta ah.

Wasiirrada Caddaaladda iyo Amniga Gudaha Koonfur Galbeed oo qisaasta ka dib warbaahinta la hadlay, ayaa bogaadiyey laamaha ammaanka iyo cid walbo oo gacan ka geysatey soo qabashada gacan-ku-dhiigleyaasha, wuxuuna dhanka kale hay’adaha garsoorka ku ammaanay sida ay u dadajiyeen oofinta xukunka.

Wasiirrada ayaa dhankooda ballanqaaday in dowladda Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay fulinta caddaalada, si loo helo amni iyo kala dambeyn.

Dhacdada lagu diley Luul Cabdiladiif Macallin, ka dibna looga qaatay teleefoon nuuca gacanta lagu qaato ah ayaa soo jiitey dareenka dadweynaha, taas oo keentay in degdeg looga dabatago dadkii falkan geystey.

Gaboodfallada ka dhanka ah haweenka iyo hablaha yaryar, ayaa indhawaalaba ku soo badanayey Soomaaliya, walow inta badan dhibbaneyaashu aysan caddaalad helin sida ay dad badani qabaan.

Ma ahan markii ugu horreysey ee xukun dil ah lagula fuliyo Baydhabo gacan-ku-dhiigleyaal geysta fal-dambiyeedyo indhaha dadweynaha soo jiitey.

Bishii May 2023, maxkamadda ciidamada ee gobolka Baay ayaa dil toogasho ah ku fulisay labo nin oo ku eedeysnaa in ay horay dilal uga geysteen magaalada Baydhabo. Waxaana lagu toogtey fagaare ku yaal magaalada Baydhabo oo ay goobjoog ka ahaayeen dadweyne badan.

Sidoo kale bishii Agoosto 2020, waxaa sidan oo kale goob fagaare loogu toogtey labo nin oo lagu helay in ay gudaha magaalada baydhabo kufsi u geysteen ilmo yar. Ragga la toogtey ayaa loo haystey in ay kufsadeen wiilal yaryar, falkaas oo dadweynaha Baydhabo aad uga gilgisheen islamarkaana dadajiyey xukunkooda.

Si kastaba ha ahaatee dilalka haweenka oo aan horay loogu aqoon bulshada Soomaaliyeed dhexdooda ayaa kiisas la xiriira u muuqdaan baryahaan in aad loo maqalyo meelo kala duwan oo Soomaaliya ah.

Helista Sharciga Dalka British-ka oo la adkeeyey

Khamiis 13-02-2025 {HMC} — Dowladda Britain ayaa Arbacadan sheegtay inay adkeynayso sharciyada socdaalka, si ay uga dhigto mid ku dhowaad aan suurtagal ahayn in muhaajiriinta sharci la’aanta ah ee doonyaha yaryar kusoo gala ay mustaqbalka helaan muwaadannimada British-ka.

Sida ku xusan tilmaamaha cusub, muhaajiriinta kusoo gala badda ama kuwa isku qariya dhabarka gaadiidka waxaa inta badan loo diidi doonaa muwaadannimada.

“Tilmaamahan waxa ay sii xoojinayaan tallaabooyinka caddeynaya in qof kasta oo si sharci-darro ah ku soo gala UK — oo ay ku jiraan kuwa doonyaha yaryar — uu la kulmayo in codsiga muwaadannimada Britain laga diido,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Home Office).

Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ee xisbiga Labour ayaa cadaadis lagu saarayaa inay dhinto soo-galootiga, kaddib markii xisbiga Reform UK ee uu hoggaamiyo Nigel Farage, oo ka soo horjeeda socdaalka, uu doorashadii guud ee u dambeysay ka helay qiyaastii afar milyan oo cod, taasoo ahayd guul aan hore loogu arag xisbi midigta fog.

Hase yeeshee, isbeddelkan sharciyada waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah xildhibaannada Labour.

“Haddii aan qof siino maqaam qaxooti, sax ma aha inaan ka diidno waddada uu ku noqon lahaa muwaadin British ah,” ayay xildhibaan Stella Creasy ku qortay X, iyadoo intaa ku dartay in siyaasaddan ay “waligood ka dhigeyso kuwa heer labaad ah.”

Free Movement, oo ah bog sharciyada socdaalka ah, ayaa sheegay in isbeddelladan ay leeyihiin awood “lagu xannibi karo tiro badan oo qaxooti ah in ay noqdaan muwaadiniin British ah, taasoo dhaqan-gal ah isla markiiba.”

Waxay tilmaamaha la cusbooneysiiyay ku sifeeyeen “mid aad u naceyb badan oo waxyeello ku ah is-dhexgalka.”

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii xildhibaannadu toddobaadkan dood ka yeesheen hindise-sharciyeedka cusub ee Amniga Xuduudaha, Qaxootiga iyo Socdaalka, kaasi oo loogu talagalay in saraakiisha fulinta sharciga la siiyo “awoodo la mid ah kuwa lagula dagaallamo argagixisada” si loo burburiyo kooxaha soo gudbiya muhaajiriinta aan sharciyeysnayn ee ka talaabaya Kanaalka badda.

Socdaalka sharciga ah iyo kan aan sharciga ahayn — oo labaduba haatan maraya heerarkii ugu sarreeyay abid — waxay ahaayeen arrin siyaasadeed oo muhiim ah doorashadii July 2024 oo Starmer uu xilka kula wareegay.

Markii uu xilka la wareegay, wuxuu isla markiiba joojiyay qorshihii ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay ee Conservative-ka, Rishi Sunak, kaas oo ahaa in laga hortago socdaalka sharcidarrada ah ee UK, iyadoo dadka cusub ee imanaya loogu masaafurinayo Rwanda.

Beddelkeeda, wuxuu ballanqaaday inuu “baabi’in doono burcadda” si loo yareeyo tirada.

Qiyaastii 36,816 qof ayaa laga diiwaangeliyay marinka badda ee England iyo Faransiiska u dhexeeya sanadkii 2024, taasoo ah koror 25 boqolkiiba marka loo eego 29,437-kii yimid 2023, sida ay muujinayaan xogta horudhaca ah ee wasaaradda arrimaha gudaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {12.02.2025}

Arbaco 12-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Siddee Wiilkaan Soomaaliyeed uu Amiirkiisii AS ugala wareegay gabadh uu jeclaa.

0

Arbaco, 12 Feb 2025{HMC} Siddee Wiilkaan Soomaaliyeed uu Amiirkiisii AS ugala wareegay gabadh uu jeclaa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA