Home Blog Page 1235

Mareykanka Oo Shaaciyay in uu Soomaaliya ku Dilay madaxii howlgallada Dibadda ee Kooxda Daacish

0

Arbaco 12-02-2025 {HMC} Bayaan ay soo saareen Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa faahfaafin dheeraad ah ka bixiyey duqayn dhanka cirka ah oo kowdii bishan Febraayo ay ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland, waxaana lagu sheegay in saraakiil muhiim ah lagu bartilmaamaysaday.

Bayaanka waxaa intaa la raaciyay in duqaynta oo lala kaashaday Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, uu talisku fuliyay duqeymo cirka ah oo ka dhan ah Daacishta Soomaaliya 1-dii Febraayo, 2025, waxaa si toos loo beegsaday hoggaanka sare ee Daacish oo ku dhuumaalaysanayay meelo godad ah oo ku yaal qiyaastii 50 mayl meel koonfur bari ka xigta magaalada Boosaaso.

Taliska ayaa hadda shaaciyay in dhowaad 14 ka mid ah xubnaha Daacishta Soomaaliya ay ku dhinteen duqeymahaas, iyada oo aan dad rayid ah waxyeello gaarin.

Africom waxa ay xaqiijisay in Kuwa ku dhintay uu ka mid ahaa “nin lagu magacaabay Axmed Maeleninine, oo ahaa xubin muhiim ah oo maalgelinayay, isla markaana hoggaaminayay hawlgallada dibadda ee Daacish, mas’uulna ka ahaa u dirista jihaadiyiinta gudaha Mareykanka iyo Yurub.”

Warkaan ka soo baxaya taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in “hoos u dhigista awoodda Daacish iyo ururrada argagixisada kale ee qorsheynta iyo fulinta weerarrada khatarta ku ah dhulka Mareykanka, xulufadiisa iyo shacabka ay weli yihiin kuwa ugu muhiimsan ee Taliska uu qaadayo.”

Hadalkaan ayaa imaanaya iyadoo maamulka Puntland uu dagaal ba’an kula jiro Daacishta Soomaaliya, iyadoo dagaalladii ugu dambeyay ay Puntland sheegtay in xubno badan ay kaga dishay Daacish oo ay ajaaniib ku jiraan.

{DAAWO MUQAALKA} Wiil Afgooyo loogu dilay Maxaa u share Gareysay.

0

Arbaco, 12 Feb 2025{HMC} Askari loo dilay muuqaal uu faceboogiisa ku faafiyay Dagmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose sida ay Warbaahinta u sheegeen Dad Gob joogayaal ah.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhalinyaro Haweeney Moobil dartiis u dilay oo Xukun dil toogasho ah Baydhabo lagu Fuliyay.

0

Arbaco, 12 Feb 2025{HMC} Dhalinyaro Haweeney Moobil dartiis u dilay oo Xukun dil toogasho ah Baydhabo lagu Fuliyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Soomaaliya & Azerbaijan Oo Kala Saxiixday Heshiisyo Cusub

0

Arbaco 12-02-2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya Iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Azerbaijan Mudane Zakir Hasanov ayaa magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan ku kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo warshadaha ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Mudane Ilham Aliyev ayaa goobjoog ahaa saxiixa heshiiskaan dhexmaray wasaaradaha gaashaandhigga labada dowladood.

Puntland Oo Heshay Simikaaro Aay Lacago Badani Ugu Jireen D~C

0

Arbaco 12-02-2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in howlgalka ka socda Gobolka Bari gaar ahaan buuraleyda Calmiskaad ay ku qabatay teleefanno lacago badan ay ku heysatay Kooxda Daacish ee dagaalka adag kula jirto.

Puntland ayaa sheegtay in ciidamada howlgalka ku jira markii ay qabteen teleefannada xubno ay ku dileen dagaalka socda ay baareen teleefannadooda kaddibna ay ka heleen Simikaaro qaarkood ay ku jiraan lacago badan.

Mid kamid ah Simikaarrada ay Puntland soo bandhigtay waxaa ku jira lacag gaareysa 180 kun oo doollar iyada oo aanay jirin faah-faahin intaas dheer oo ay ka bixisay sida halka lacagtaas kasoo gashay, qofka sida gaarka ah u maamulayay iyo su’aalaha kale ee Dadka ku taagan.

Mas’uuliyiinta qaar ee Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa ku warramay in lacagtaasi ay tahay mid si qasab ah Kooxda Daacish uga soo qaadday Ganacsatada Deegaannada Dowlad-Goboleedkaas si ay isugu maareyso sida ay hadalka dhigeen.

Dagaalka ka socda Gobolka Bari si gaar ah dhulka buuraleyda ah ayaa sii xooggeystay maalmihii lasoo dhaafay, Puntland waxa ay soo bandhigtay sawirrada ajaanib ay ku dishay howlgalladii ugu dambeeyay halka dhankooda ay ka dhaawacmeen saraakiil iyo ciidamo.

Hargeysa: In Ka Badan 182 Qof Ayaa Laga Helay Xanuunka Kansarka

0

Arbaco 12-02-2025 {HMC} Baaris Caafimaad uu sameeyay Isbitaalka Hargeysa waxaa xannuunka Kansarka laga baaray 680 Bukaan iyada oo laga helay 182 kamid ah Dadkaas, 100 kamid ah Dadka cudurka laga helay waa Dumar sida lagu sheegay xog-baaristaan oo lasoo bandhigay.

Xog-baarista ayaa lagu muujiyay in kiisaska cudurka halista badan ee Kansarka sii kordheen muddooyinkii dambe loona baahan yahay in la sameeyo wacyigelin Bulsho iyo baraaruk laga sameeyo waxyaabaha loo arko in ay sababaan.

Noocyada uga badan ee Kansarka laga helay bukaannada baarista ku maray Isbitaalka Hargeysa waa kan ku dhaca cunaha ama dhuunta sida dadka qaar u garanayaan iyo kan Naasaha oo xaalado kala duwan laga diiwangeliyay.

Kansarka waxa uu kamid yahay cudurrada halista ah qarniyadii ugu dambeeyay sida xowliga ah ku socday, diiwaanka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO waxaa ku jira in sanadkii 2020 ay Cudurkaan u dhinteen 10 Milyan oo ruux guud ahaan Caalamka.

Sanad weliba waxaa guud ahaan la helayaa kiisas la xiriira Xannuunka Kansarka guud ahaan Caalamka, Carruurta ayaa lagu qiyaasay in ay ku dhow yihiin Nus Milyan waana tan keentay in qaar kamid ah Dalalka caalamka laga furo goobo lagu daryeello oo u gaar ah.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {12-02-2025}

Arbaco 12-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdi yare & Shugri Baryare

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DAAWO MUUQAALKA} Suudaan Oo diiday in Bisha Ramadaan Xabad joojin laga dhaqan galiyo Wadankaasi.

0

Arbaco, 12 Feb 2025{HMC} Suudaan Oo diiday in Bisha Ramadaan Xabad joojin laga dhaqan galiyo Wadankaasi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ninka loo haysto dilka afar gabar oo Soomaali ah oo xog cajiib ah laga helay

0

Arbaco, 12 Feb 2025{HMC} Ninka loo haysto dilka afar gabar oo Soomaali ah oo xog cajiib ah laga helay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Azerbaijan OO cabasho ka gudbisey Eritrea

0

Arbaco, 12 Feb 2025{HMC} Dowladda Azerbaijan OO cabasho ka gudbisey Eritrea

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA