Arbaco, 12 Feb 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Dowladda Masar oo War Kasoo Saartay Barakicinta Gaza
Arbaco 12-02-2025 {HMC} Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ayaa sheegtay in dib u dhis lagu sameyn karo Magaalada Gaza iyada oo aanay la barakicin Shacabka Magaaladaas degen ee dhowaan dib uga soo laabtay colaaddii ugu waqtiga dheereed ay la kulmaan.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in ay dhinac taagan yihiin hannaan weliba oo dib u dhis ah iyada oo loo marayo nabadgalyo iyo in aan la sal kicin ama la dhibaateen Dadka Magaaladaas.
“Waa wax wanaagsan oo qurux badan haddii dib loo dhisayo Magaalada Gaza, Trump waxa aan ku raacsanahay dib u dhiska Magaaladaas balse kuma taageersanin in la barakiciyo Dadkaas xaaladaha adag soo maray, Gaza dib waa loo dhisi karaa iyada oo aan la barakicin Dadkeeda” Ayaa lagu yiri warka kaoso baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.
Masar ayaa sheegtay in ay diyaar la tahay qorshe weliba oo loo marayo hannaanka wanaagsan ee nabadgalyada, waxa ay walaac ka muujisay in hadallada adag ee la is dhaafsanayo ay burburiyaan xabbad-joojinta waqtiga badan la geliyay.
Xukuumadda Qaahira ayaa biya kama dhibcaan ka dhigtay xuquuqda Dadka Falastiin oo ay sheegtay in ay u baahan yihiin Dowlad awood buuxda leh oo ka shaqeysa horumarkooda iyo jiritaankooda Mustaqbalka sida hadalka loo dhigay.
Masar oo eedeyn culus kala kulantay dagaalkii Israa’iil ay ku qaadday Magaalada Gaza sabab la xiriirta in ay is hor istaagtay gargaarkii u gudbi lahaa Dadkaas ayaa haatan waji kale lasoo baxday, waxa ay si cad u diiday damaca Trump ee ka dhanka ah Magaaladaas.
{DAAWO MUUQAALKA} Xariirkii Arimaha dibada Daacishta Soomaaliya oo go’ay kadib dilka Hogaamiyahoodii.
Arbaco, 12 Feb 2025{HMC} Xariirkii Arimaha dibada Daacishta Soomaaliya oo go’ay kadib dilka Hogaamiyahoodii.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Burcad Badeed Soomaali Ah Oo Lagu Qabtay Xeebaha Soomaaliya
Arbaco 12-02-2025 {HMC} Markab nuuca dagaalka ah oo laga lee yahay dalka Hindiya ayaa saacad ka hor gacanta ku dhigay dabley hubaysan oo dhawaan xeebaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal ka af-duubtay doon kalluumeysi Yemen laga lee yahay.
Ilo wareedyo sirdoon ayaa xaqiijinaya in markab dagaal oo laga lee yahay Hindiya uu goor dhaweyd gacanta ku dhigay 8 nin oo hubaysan kuwaasi oo maalmo ka hor doon kalluumeysi ku af-duubtay xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Dableyda gacanta lagu dhigay oo dhammaantood ka soo jeeda Puntland ayaa subaxnimadii hore ee saaka goob ka baxsan biyaha Soomaaliya ku weeraray doon kalluumeysi oo Hindiya laga lee yahay taasi oo dalbatay gurmad deg deg ah islamarkaana uu soo gaaray markab dagaal.
Wararka ayaa sheegaya in dableyda gacanta lagu dhigay ay saaka ku weerar tageen doontii maalmo ka hor ay af-duubteen balse iyagii gacanta lagu dhigay islamarkaana laga furtay doontii kalluumeysi oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Hindiya.
{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya oo loogu Deeqay Malaayiin Dollar
Arbaco, 12 Feb 2025{HMC} Soomaaliya oo loogu Deeqay Malaayiin Dollar
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUUQAALKA} Booliska Soomaaliya oo Faah Faahin ka bixiyay Dagaal muqdisho ka dhacay
Arbaco, 12 Feb 2025{HMC} Booliska Soomaaliya oo Faah Faahin ka bixiyay Dagaal muqdisho ka dhacay
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Ganacsiga Suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho oo maanta dib u furmay
Arbaco 12-02-2025 {HMC} Waxaa saakay dib loo furay goobaha Ganacsiga ee Suuqyada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Suuqa ugu weyn ee Bakaaraha oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay xirnaa.
Dib u furista suuqa ayaa timid kadib markii ay kulmeen Guddiga ay ku mideysan yihiin ganacsatada gobolka Banaadir iyo kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayna wada gaareen is faham hordhac ah oo ku aadan cabashadooda.
Xubno ka tirsan Guddiga Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa u sheegay Sheekh Aadan Madoobe in dhibaato xoogan ay ku qabaan lacagaha aan hakadka lahayn ee dowladda Federaalka marba dhinac uga keeneyso sidaas awgeed loo baahan yahay in xal waara loo raadiyo.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ganacsatada faray iney dib u furaan goobahooda ganacsiga, islamarkaana laga dulqaadayo culeysyada caqabadda ku noqday ee sababay in la xiro inta goobaha ganacsi ee muhiimka ah ee ku yaala Muqdisho.
Xirnaashaha suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn guud ahaan dalka ayaa ah mid soo noq noqotay, waxaana ganacsatadu ay mar walba u xiraan goobahooda ganacsi cabashooyin ku aadan canshuuraadka dowladdu kusoo rogto, taasoo ay sheegeen ineysan suurtagalin karin sii furnaashaha ganacsiyadooda.
Africom Oo War Kasoo Saartay Duqeymo Ka Dhacay Buuraleyda Gobolka Bari
Arbaco 12-02-2025 {HMC} War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee jooga Afrika, ee Africom ayaa lagu faahfaahiyay howlgalada ka dhanka ah D~C ee ka socda Soomaaliya, gaar ahaan bartilmaameedyadii dhawaan ka dhacay buuralayda gobolka Bari ee Puntlanad.
“Taliska Africom oo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 1-dii febraayo ee sanadakan 2025 wuxuu howlgala lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal sare oo ka tirsanaa argagixisada daacish ka fuliyay buuraha ay ku dhuumaalaysanayeen oo qayaas ahaantii 50 mile dhanka koonfur bari kaga beegan magaala xeebeedka Boosaaso” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka Africom.
Waxaa lagu sheegay qoraalka in 14 xubnood oo ka tirsanaa daacish lagu khaarijiyay howlgalkaasi, islamarkaana aanay jirin wax dhibaato ah oo soo gaartay dadka rayidka ah.
Africom ayaa cadeysay in xubnaha la dilay uu ku jiray horjooge sare oo u qaabilsanaa daacish qorista,xubnaha, dhinaca dhaqaalaha, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Axmed maleninine oo Africom sheegtay in uu masuul ka ahaa in xubnaha uu u safriyo wadamada yurub iyo mareykanka sida qoraalka lagu sheegay.
Hadalka Africom ayaa imaanaya iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey ay sii xoogeysanayeen howlgalada ka dhanka ah daacish ee ka socda buuralayda gobolka Bari, kuwaasi oo lagu gaarsiyay dhimasho iyo dhaawac, iyagoo laga qabsaday goobihii ay ka soo abaabulayeen dagaalka.
Tani ayaa qeyb ka ah qorshe dowladad Soomaaliya ay ku doonayso in guud ahaan dalka looga sifeeyo AS & D~C ,waxaana howlgalo lamid ah ay ka socdaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Ciidanka Dowladda Oo Guulo Ka Sheegtay Dagaal Ka Dhacay D. Xarardheere
Arbaco 12-02-2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno katirsan AS.
Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii Ciidamadu ay heleen xog sheegaysa in AS ay dhagar u soo maleegaayaan shacabka ku nool deegaannada nabada ah ee horay looga xoreeyey kuwaas oo isku aruursanayey Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadaad.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa warbaahinta u xaqiijiyey inay dileen xubno ka tirsan kooxda, sidoo kalena ay burburiyey dhowr fariisin oo ay ku sugnaayeen AS.
{DAAWO MUQAALKA} Xalwo ma kala dhoofi Kartaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho?
Arbaco, 12 Feb 2025{HMC} Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo laga Mumnuucay in laga dhoofiyo hadiyadihii Xalwada ee loo qaadi jiray Soomaalida ku nool Dalka Dibadiisa.



