Talaado, 11 Feb 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Talaado, 11 Feb 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Talaado 11-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ku yimid magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, taas oo la xiriirta hirgelinta heshiiska iskaashiga dibulamaasiyadeed ee Labada dal ay dhawaan wada gaareen.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalkan Ilham Aliyev iyo Xukuumaddiisa soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen wafdigiisa iyo muhiimadda sare ee ay siinayaan kobcinta xiriirka Labada dal, iyadoo ay tahay booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Soomaaliyeed uu ku yimaado Azerbaijan.
Inta lagu guda jiro booqashada Madaxweynaha, Soomaaliya iyo Azerbaijan waxay kala saxiixi doonaan heshiisyo muhiim ah oo lagu guntayo xiriirka Labada dal, waxayna wafdiga Madaxweynuhu ay kulammo la qaadan doonaan dhiggooda dalkan.
Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh waxay muujinaysaa ahmiyadda ay dowadda Soomaaliya siinayso ballaarinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta dhaqaalaha iyo amniga, si ay uga faa’iidaystaan labada dal iyo shacab ee Soomaaliya iyo Azerbaijani.

Talaado, 11 Feb 2025{HMC} Maxaa sii adkaynaya xaalka xabbad-joojinta Qasa?
Talaado, 11 Feb 2025{HMC} Wasiir khadiija Al Maqsuumi”Gudninka fircooniga ee lagu sameenayo gabdhaha waa xadgudub.
Talaado, 11 Feb 2025{HMC} Wasiir Maxamuud Jeeg””Gabdho badan ayaa naafo u noqday gudniinka””
Talaado, 11 Feb 2025{HMC}Wasiir Maryan”Hablaha Gudninka fircooniga ah halis waxay ugu jiraan umul raac””
Talaado 11-02-2025 {HMC} Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay guddi ka socday ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana ganacsatada Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda la wadaageen cabasho ay qabeen maadaamaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen suuqyada ganacsi ee Magaaladda Muqdisho.
Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u sheegay ganacsatada in Dowladda aysan marnaba raali ka ahayn in ganacsatada culeys la saaro ayna diyaar u tahay xalinta tabashooyinka ay ganacsatada qabaan, waxaana ugu dambeyn lagu balamay in la furo suuqyada ganacsiga ee xiran.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Gudiga Dhaqaalaha, Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Garaad Maxamed Sheekh iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.
Talaado, 11 Feb 2025{HMC} Waxaa mamnuuc idiin ka ah in aad xabad ku ridaan Ciidanka DF”Gudoomiyaha Degmada Luuq”
Talaado, 11 Feb 2025{HMC} Madaxweyne Xasan oo Furimaha u sagootiyay Ciidamo si gaar ah loo tababaray?
Talaado 11-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta sagootiyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada muuqda/ hubaysan ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaasi oo si gaar ah loo siiyey tababarro sare oo la xiriira dagaalka ka dhanka ah AS.
Ciidamadan oo la baray Taqasusyo gaar ah oo la xariira weerarada qorsheysan, ayna tababareen khubaro ka socotay dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah ugu biiri doona howlgallada dalka ka socda ee lagu dagaalamayo AS & D~C, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga, kala dambaynta iyo xasilloonida dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in Ciidamadani ay wax badan ka tari doonaan burburinta godadka ay ku dhuumaaleysanayaan Horjoogeyaasha iyo xubnaha kale ee kooxda, maadama la siiyey tababarro adag, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan Ciidamada Qaranka ee dagaalka kula jira Kooxaha hubeysan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Amniga, isaga oo ku dhiiri galiyay Ciidamada tababarka dhammeystay ka dhabaynta dhaartii ay mareen iyo go’aanka dhaxal galka ah ee ay qaateen ee difaaca dalkooda.
