Home Blog Page 1241

Madaxweybe Trump oo ilaa Sabtida u qabtay in lagu sii daayo la heystayaasha Isra’iiliyiinta

0

Talaado 11-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniinti shalay sheegay, in haddii aanan la soo deynin la heytaystayaasha Isra’il ee lagu hayo Gaza duhurnimada Sabtida soo socota, uu soo jeedinayo in la baabi’iyo heshiiska xabbad-joojinta ee Isra’il iyo Xamaas.

Trump wuxuu sheegay in haddii ay taasi la yeeli waayo, ay dhici doonto cadaab daran, isaga oo intaasi raaciyay in go’aanka ugu danbeeya ay leedahay Isra’il.

“Haddii aysan halkaan joohin, dhammaan cadaabta ayaa la fasixi doonaa.” Mar la weydiiyay in in Mareykanka uu ka qeybgali doono si loogu jawaabo Xamaas, haddii aysan soo deyn la heystayaasha, ayuu Trump yiri “Xamaas way ogaan doontaa waxa aan ula jeedo.”

Hadalka adag ee kasoo baxay Trump ayaa yimid saacado kaddib marki ay Xamaas shaacisay shalay, in ay dib u dhigeyso sii deynta la heystayaasha gacantooda ku haray.

Xamaas ayaa ku eedeysay Isra’il in ay jebisay heshiiska xabbad-joojinta ee saddexda todobaad jira, gaar ahaan in ay Falastiinyiinta u diidday dib ugu laabashada qeybo ka mid ah waqooyiga Gaza iyo in ay toogasho iyo duqeymo u geysatay Falastiiniyiinta Gaza.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo wali kasoo baxay Xamaas.

{DAAWO MUUQAALKA} Waa Maxay farqiga u dhaxeeya Bariiska laga soo saaro Soomaaliya iyo midka dibada laga keeno?

0

Talaado, 11 Feb 2025{HMC}  Waa Maxay farqiga u dhaxeeya Bariiska laga soo saaro Soomaaliya iyo midka dibada laga keeno?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} In AS wali ay sii joogaan Gobalka Hiiraan Waxaa u sabab ah DF”Gudoomiye Coomoow ”

0

Talaado, 11 Feb 2025{HMC} In AS wali ay sii joogaan Gobalka Hiiraan Waxaa u sabab ah DF”Gudoomiye Coomoow ”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdooyinka Caalamka 10-02-2025

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Dhacdooyinka Caalamka 10-02-2025

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Waa kuma Hogaamiyaha Kooxda M23?

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Waa kuma Hogaamiyaha Kooxda M23?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Diyaarado Calanka Sido

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Diyaarado Calanka Sido

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiyaha Degmada Luuq”Gudaha Magaalada luuq Maliishiyaad ayaa Kusoo Tuuray Hoobiyayaal”

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Gudoomiyaha Degmada Luuq”Gudaha Magaalada luuq Maliishiyaad ayaa Kusoo Tuuray Hoobiyayaal”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {10.02.2025}

Isniin 10-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimaajid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 10-2025.

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Xisbiga Himilo Qaran Oo War Kasoo Saaray Cabashada Ganacsatada Muqdisho ee ku aadan Canshuuraha

0

Isniin 10-02-2025 {HMC} Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay cabashada Ganacsatada magaalada Muqdisho ee ku aadan Canshuuraha.

Warsaxafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa loogu baaqay madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney wax ka qabtaan culeysyada iyo cabashada ganacsatadu ka muujiyaan Canshuurta.

“Madaxda dowladda waxaan ugu baaqaynaa inaan dhegaha laga fureysan dareenka shacabka caasimadda oo xiligaan wajahaya culeysyadii ugu xumaa ee ka dhashay canshuuraha tirada badan” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale Warsaxafadeedka ku sheegay in Canshuuraha lagu soo rogay ganacsatada ay yihiin qaarkood kuwa baxsan xeerarka maaliyadeed.

“Dowladda Federaalka waxaa looga baahan yahay iney la imaato hanaan canshuur qaadis oo ka hufan musuqmaasuq, sad-bursi iyo awood sheegasho sharciga ka baxsan” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay Himilo Qaran.

Warsaxafadeedkaan kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalintii sadaxaad uu u xiran yahay Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha cabasho ganacsatadu ka qabaan Canshuuraha.