Home Blog Page 1242

{DAAWO MUUQAALKA} Askar kasoo carartay furimo dagaal oo maxkamad lasoo taagay

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Askar kasoo carartay furimo dagaal oo maxkamad lasoo taagay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Hardanka horyaalka Spain wali wuu furayahay & Barca iyo Real —

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Hardanka horyaalka Spain wali wuu furayahay & Barca iyo Real —

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Sarkaal Maalmo Ka Hor Qabtay Drones Qarax Lagu Soo Xiray Oo Geeriyooday

0

Isniin 10-02-2025 {HMC} Sarkaal lagu magacaabo Jiib Gurey Bootaan oo kamid ahaaa saraakiisha ciidamada Puntland ee dagaalka uga jira buuraha Calmiskaad ayaa u geeriyooday qarax miino oo la kacay.

Sarkaalkaan ayaa 24 saac ka hor baraha bulshada laga sii daayay isagoo sheegayay inuu gacantiisa ku qabtay diyaarad Drones ah oo ay qaraxyo ku xiran yihiin. Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa maalmo ka hor ku ammaanay sarkaalkaan geesinamadiisa.

Sarakalkan ayaa la sheegay in ay la kacday miino dhulka lagu aasay oo uu isku dayay inuu bannaanka usoo saaro. Waxaa la sheegay inuu kamid ahaa saraakiisha ugu firfircoon ee miino saarista u qaabilsanaa ciidamada Puntalnd ee dagaalka kula jiray kooxda Daacish.

Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa saraakiil iyo boqolaal askari ku weyday dagaalka ay kula jirto Daacish, kaasoo soo bilowday dabaqaayadii bishii December ee sannadkii tagay.

Xalay, 5 askari ayaa ku dhaawacmay 7 qarax oo lagu soo xiray diyaaradaha Droneska, kuwaas oo ay kooxda Daacish la eegatay ciidamo katirsan Puntland oo ku sugnaa Togga jacayl.

Labo maalin ka hor ayay ahayd markii 5 askari ay ku geeriyoodeen qarax miino oo lala eegtay gaari ciidan oo ay la socdeen.

Maxay Ka Wada Hadleen DS Iyo Wafdi Ka Socda Hay’adda IOM ?

0

Isniin 10-02-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay wafdi ka socda hay’adda IOM oo uu hoggaaminayey Manuel M Pereira- oo ah madaxa hay’adda IOM ee Soomaaliya.

Kulanka oo ay Wasiirka ku wehliyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar iyo khuburada Wasaaradda qaarkood, ayaa looga wada hadlay wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adda IOM, iyadoo Wasiir Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ay uga mahadcelisay hay’adda IOM wada shaqeynta dhow ee ay la leeyihiin Wasaaradda Qoyska Iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS.

MW Cirro Oo Kulan La Qaatay Komishanka Doorashooyinka Somaliland

0

Isniin 10-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland Mudane, Cabdiramxaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane, Maxamed Aw Cali Cabdi ayaa maanta (10.02.2025) kulan muhiim ah la qaatay Komishanka Doorashooyinka somaliland (KDSL).

Kulankani wuxuu ahaa kii ugu horreeyey mudadii uu Madaxweynuhu xilka dalka hayey, Madaxweynaha ayaa KD uga mahad celiyey booqasho-hawleedka ay ugu yimaadeen Madaxweynaha.

Kulanka ay Komishanka Doorashooyinka  (KD) la qaateen Madaxweynaha ayaa ahaa is-xog waraysi iyo ka wada tashi arrimaha doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool leh, 31.05.2026-ka, waxayna Madaxweynaha uga mahad celiyeen kulanka uu la qaatay.

Komishanku waxa ay Madaxweynaha war bixin guud ka siiyeen habsami-u-socodka hawlaha ay KD uga wakiilka yihiin. Komishanku waxay Madaxweynaha u sheegeen in ay soo gaba-gabeeyeen daraasad qoto dheer oo la xidhiidha dib-u-eegida doorashooyinkii ina soo dhaafay (Post Election Review) iyo ka talo bixinta arrimaha u baahan in la saxo.
Sidoo kale, Komishanka Doorashooyinka waxay Madaxweynaha kala hadleen diyaarinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyin isku-sidkan ee inagu soo fool leh.

Madaxweynaha ayaa KD ku amaanay hirgelinta Doorashadii Xasaasiga ahayd ee Madaxtooyada ee ka qabsoontay Somaliland 13.11.2024. Madaxweynuhu wuxuu KD u sheegay in ay muujiyeen hawl-karnimo, xil-kasnimo, bisayl iyo adkaysi ay ugu jilib dhigeen in masuuliyaddii doorashooyinka Madaxtooyadu ay ku dhammaatay guul.

Madaxweynuhu wuxuu Komishanka Doorashooyinka (KD) u sheegay in ay dib u eegis iyo daraasaadba ku sameeyaan wixii khaladaad iyo caqabado ah eek a soo baxay doorashadii ina dhaaftay, sida looga bixi karo laguna sixi karo caqabadahaa iyo duruusta aynu ka baran karno si aynu mustaqbalka uga digtoonaano caqabadaa iyaga ah.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu KD u xaqiijiyey in uu fulayo ballanqaadkii uu Madaxweynuhu la galay shacabka SL ee ahaa in aanu jiri doonin dib dhac ku yimaada Doorashooyinka, sidaa darteedna ay Doorashooyinka isku-sidkan ee inagu soo fool lihi ay, Idamka Allah ku qabsoomi doonaan xilliga loo muddeeyey, taasoo ah 31/05/2026-ka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu komishanka doorashooyinka u sheegay una ballan qaaday in Xukuumadda Wadajir iyo Wax-qabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay ay diyaar u tahay in ay bixiso wixii dhaqaale ah ee ku baxaya qabsoomidda Doorashooyinka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu KD u sheegay in ay qayb iyo hormoodba ka noqon doonaan dib-u-habaynta lagu samayn doona hannaanka doorashooyinka iyo weliba dib u eegidda qaabka diwaangelinta codbixiyeyaasha.

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu waxa uu komishanka doorashooyinka faray in ay soo diyaariyaan khariidaddii iyo qorsihii Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka (Election Road Map), doorashooyinkaa oo somaliland ka qabsoomi doona 31/05/2026-ka.

DFS Oo Dubaay kaga Qeyb Gashay Shirka Sanadlaha Ah Ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta

0

Isniin 10-02-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Hey’adaha Maaliyadda dalalka Carabta, Qeybta Horumarinta Dhaqaalaha meertadiisii 9-aad oo lagu qabanayo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, iyada oo uu barbar soconayo kulanka Sanadlaha ah ee Kulanka Dowladaha Adduunka. 𝐖𝐨𝐫𝐥𝐝 𝐆𝐨𝐯𝐞𝐫𝐧𝐦𝐞𝐧𝐭𝐬 𝐒𝐮𝐛𝐦𝐢𝐭.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo furitaankii shirka khudbad kooban ka jeediyay ayaa waxa uu diiradda ku saaray arrimaha horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya iyo qorshayaasha maalgalineed ee mudnaanta gaarka ah ay siinayso Xukumadda Dan Qaran.

Mudane Wasiir Biixi ayaa sidoo kale xusay sida ay Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo casriyeynta ilaha dakhliga gudaha oo horseed unoqonaya horumar maaliyadeed.

Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale qudbad ka jeedisay Kristalina Georgieva oo ah Madaxa Guud ee Hey’adda Lacagta Adduunka IMF, waxa ay dalalka carbeed ugu baaqday in ay abuuraan fursado dhaqaale oo lagu xoojinayo hannaanka ka soo kabashada aafooyinka, iyada oo fursado looga dhigayo bulshooyinka soo koraya.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay Go’aanka uu soo saaray Madaxweynaha Chana.?

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Maxay tahay Go’aanka uu soo saaray Madaxweynaha Chana.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {10-02-2025}

Isniin 10-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

 

{DAAWO MUUQAALKA} Baarlamaanka Soomaaliya oo Balan qaaday Doorasho qof iyo cod ah in ay dhaceeyso.

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Baarlamaanka Soomaaliya oo Balan qaaday Doorasho qof iyo cod ah in ay dhaceeyso.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Muxuu Mamulka Gobolka Banaadir Ka Codsaday Hay’adaha U Xilsaaran Dastuurka ?

0

Isniin 10-02-2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa ka qeyb galay Shirka La-tashiga Hay’adaha Dastuurka ee heer Dowlad Goboleed iyo Maamulada kale ee dalka, kaasi loogu hadlayo soo jeedinta Wax ka bedelka cutubta 5-aad illaa 9-aad iyo dhameestirka Dastuurka KMG ee dalka.

“rabitaanka iyo doonista siyaasadeed ee bulshada Gobolka Banaadir ee la xiriirta MAQAAMKA IYO MATALAADDA waa in Magaalada Muqdisho ay noqoto Maamul Dawlad Goboleed buuxa ah, sidoo kalena ay ugu yaraan Aqalka sare ku yeelato kuraas matalaadeed oo dhan 21 Sanatar” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda uu Dhameestirka Dastuurka u leeyahay Qaran dhiska dalka iyo Dawladnimada asigoona ka codsaday hey’adaha Dawladda ee u xilsaaran Dastuurka in ay tixgeliyaan doonista iyo rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa lagu soo bandhigi doonaa warbixinta qabyo Qoraalka Cutubyada 5aad ilaa 9 aad ee la filayo in la horgeeyo labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si loo dhameystiro Dastuurka dalka.