Axad 09-02-2025 {HMC} Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socda Dowladda Norway, oo uu hoggaaminayay Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Socdaalka, Mudane Knut Holm.
Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn wafdiga si diirran u soo dhaweeyay isla markaana uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Dowladda Norway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo xiriirka labada dhinac, iyadoo Agaasimaha Guud uu si gaar ah ula wadaagay qorshaha dhismaha Machadka Tababarada ee Hay’adda, kaas oo kor u qaadi doona aqoonta iyo khibradda saraakiisha.
Madaxa Xiriirka Caalamiga ee Socdaalka dalka Norway Mudane Knut Holm ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud soo dhawaynta, waxaa uuna xusay isagoo tixgelinaya codsiga Agaasimaha Guud in Dowladda Norway ay gacan ka geysan doonto sare u qaadista aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliyeed iyo hirgelinta qorsheyaasha horumarineed ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.
Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Dowladda Norway
{DAAWO MUUQAALKA} Sacuudiga oo ka hor yimid qorshe Israa’iil ku dooneyso in dhulkooda looga raro Falastiiniyiinta.
Axad, 09 Feb 2025{HMC} Sacuudiga oo ka hor yimid qorshe Israa’iil ku dooneyso in dhulkooda looga raro Falastiiniyiinta.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Hal-abuure Asad Xaajiyoow Oo Lagu Soo Dhaweeyay Wasaaradda Qoyska
Axad 09-02-2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hal-abuure Asad Xaajiyoow oo ka mid ah Hal Abuureyaasha Soomaaliyeed ee Baraha Bulshada.
Kulankan soo dhaweynta ah ee ay Wasiir Amb Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ugu sameysay xarunta Wasaaradda waxaa ku wehliyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Mohamed Osman Omar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar, waxaana Wasiirka ay ku dhiirigelisay Hal-abuure Asad Xaajiyoow go’aannada geesinimada leh ee uu noloshiisa ku maareeyey kadib dhaawacii AS oo uusan is dhiibin.
Dhinaca kale Hal-abuure Asad Xaajiyoow ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya soo dhaweynta ay ugu sameysay xarunta Wasaaradda iyo dareenka damqashada leh ee ay u muujisay
{DAAWO MUUQAALKA} Isbitaalka Hilaal ee Magaalada Baladweyne oo lagu soo kordhiyay daaweynta Taranka Raga.
Axad, 09 Feb 2025{HMC} Isbitaalka Hilaal ee Magaalada Baladweyne oo lagu soo kordhiyay daaweynta Taranka Raga.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Faahfaahino Kasoo Baxayo Dagaal Qasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Degmada Luuq
Axad 09-02-2025 {HMC} Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu goordhaw ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed.
Dagaalka ayaa lasoo warinaya inuu ahaa mid aad u xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, kasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday dagaal beeleedka, waxaana ku dhaawacmay 2 ruux oo kale.
Odoyaasha dhaqanka degmada Luuq ee gobolka ayaa haatan wada dadaalo ku aadan daminta dagaal beeleedkaan khasaaraha kala duwan geystay.
Si kastaba ha ahaatee dagaalkaan dib uga dhex qarxay labadaan maleeshiyo beeleed ayaa kuso aadaya, iyadoo dhawaan uun heshiis nabadeed la kala dhex dhigay beelaahaan walalaaha ah ee wada dega degmadaas.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka Degmada Luuq oo ku aadan dagaalka maanta markale dib uga soo cusboonaaday magaalada Luuq ee gobolka Gedo.
Puntland Oo Ka Laabaneyso Aqbalaadda Qorshaha Trump Ee Martigelinta Falastiiniyiinta
Axad 09-02-2025 {HMC} Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa sheegtay in ka Puntland ahaan aysan diyaar u ahayn martigelinta Shacabka reer Gaza iyadoo la eegayo qorshaha Dowladda Mareykanka ay ku dooneyso inay dadkaasi uga barakiciso dhulkoodi si qaxooti ahaanna laga fakaraayo in la geeyo meelo kamid ah Soomaaliya sida degaanada Puntland iyo Somaliland.
War saxaafadeedka kasoo baxay oo ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa lagu yiri “Waxaan meesha ka saaraynaa hadal uu wasiir ku xigeenka warfaafinta u sheegay wargeyska Telegraph ee soo baxay February 8, 2025. hadalka uu jeediyayna kaliya waa aragtidiisa gaarka ah oo aan matalin mowqifka Dowlad Goboleedka Puntland.”.
Sidoo kale waxaa intaas lagu daray warsaaxafeedka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee Puntland in Puntland ay ixtiraameyso xuquuqda Falastiiniyiinta si ay nabad iyo barwaaqo ugu noolaadaan dhulkoodi.
Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa xustay in Soomaaliya ay leedahay ballan taariikhi ah oo lagu taageerayo Falastiin maadama ay haysato Xubinnimada Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka OIC .
Hadalka kasoo yeeray wasaaradda warfaafinta ayaa imaanaya maalin kadib markii uu Yacquub Maxamed Cabdullaahi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Puntland uu u sheegay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa Dalka UK in ka Dowlad Goboleedka Puntland ahaan ay ku faraxsan yihiin in ay marti galiyaan qaxootiga Gaza, ilaa iyo inta ay si iskood ah u imaanayaan.
{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Xasan oo booqday ciidamadii ku dhaawacmay dagaalka AS ee Hiiraan.
Axad, 09 Feb 2025{HMC} Madaxweyne Xasan oo booqday ciidamadii ku dhaawacmay dagaalka AS ee Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Laftagareen oo Saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada
Axad 09-02-2025 {HMC} Madaxweynaha DowladdaGoboleedka Koonfur Galbeed Cabdıcasııs Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Saxiixay Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Gargaarka Bani’aadanimada.
Hindise Sharciyeedkaan ayaa waxaa diyaarisay Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Hindise Sharciyeedkan ayaa ah mid ku Salaysan Xoojinta Iskaashiga, Ilaalinta Gargaarka iyo Isla Xisaabtan Qaabka Cusub ee Maaraynta Gargaarka iyo Gaarsiinta Gargaarka Dadkii loogu talagalay.
“Aad baan ugu faraxsannahay in aan u sameyno sharci, gargaarka Bani’aadanimada oo dadka tabaaleysan loogu tala galay sida ay ahayd in uu ku gaaro, sharci ilaaliyo kana warhaayo”. ayuu yiri, MW Cabdicasiis Laftagareen.
Dhanka kale, Munaasabadda Saxiixa Hindise Sharciyeedka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirro ka tirsan Xukuumada Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Hay’addaha Caalamiga ah, iyo kuwa maxalliga ah.
Hindise Sharciyeedkan ayaa ah mid ku Salaysan in la xoojiyo Iskaashiga, Ilaalinta Gargaarka iyo Maaraynta Gargaarka iyo Gaarsiinta Gargaarka Dadkii loogu talagalay.
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {09-02-2025}
Axad 09-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadow & Sahro Gabre
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
{DAAWO MUUQAALKA} “Waa nala qaawiyay, xoog ayaa nagala saaray gurigii”Ururka Haweenka.
Axad, 09 Feb 2025{HMC} “Waa nala qaawiyay, xoog ayaa nagala saaray gurigii”Ururka Haweenka.



