Home Blog Page 1247

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 09/02/2025

0

Isniin, 10 Feb 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN

{DAAWO MUUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal culus oo ka dhacay degmada Luuq ee gobalka Gedo

0

Axad, 09 Feb 2025{HMC} FAAH FAAHIN Dagaal culus oo ka dhacay degmada Luuq ee gobalka Gedo

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxey ku heshiiyeen Ganacsatada Suuq Bakaaraha iyo Dowllada?.

0

Axad, 09 Feb 2025{HMC}  Maxey ku heshiiyeen Ganacsatada Suuq Bakaaraha iyo Dowllada?.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Hoggaamiyaasha Bariga iyo Koonfurta Afrika oo war kasoo saaray colaada DR Congo.

0

Axad, 09 Feb 2025{HMC} Hoggaamiyaasha Bariga iyo Koonfurta Afrika oo war kasoo saaray colaada DR Congo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiira ka tirsan dowlada oo kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada

0

Axad, 09 Feb 2025{HMC} Wasiira ka tirsan dowlada oo kormeer ku tagay Xarunta Kaydka Cuntada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweynaha Turkiga oo Safaro ku tagayo dalal ku yaala Aasiya iyo Afrika

0

Axad, 09 Feb 2025{HMC}  Madaxweynaha Turkiga oo Safaro ku tagayo dalal ku yaala Aasiya iyo Afrika

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {09.02.2025}

Axad 09-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Ciidamo la wareegay guriga hooyooyinka iyo Xiisad culus oo halkaas ka taagan.

Axad 09-02-2025 {HMC} Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa saaka tegay guriga hooyooyinka, iyaga oo wata gaadiidka dagaalka, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Ciidamada ayaa lasoo wariyay inay xoog ku galeen dhismaha guriga, iyaga oo gebi ahaan la wareegay maadaama uu maalmahaan ka taagnaa muran u dhexeeyay ururka haweenka iyo wasaaradda haweenka iyo xuquul insaanka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada saaka ku jarmaaday guriga hooyooyinka ay xireen qaar kamid ah gabdhihii ku sugnaa guriga, kuwaas oo loogu tegay xafiisyadooda.

Guddoomiyaha ururka haweenka qaranka, Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo wareysi bixisay ayaa si adag uga hadashay falkan, waxayna sheegtay in ciidamo uu soo diray ra’iisul wasaaraha ay soo weerareen gurigooda, ayna xireen qaar kamid ah haweenka.

Batuulo Axmed Gaballe ayaa si weyn u cambaareysay tallaabadan, waxayna sheegtay in xoog loo gala wareegay guriga, iyada oo la adeegsanayo ciidamada ammaanka.

“Gabdhihii ayey garaaceen, kuwa badana waa xireen ciidamada Booliiska oo awood sheeganaya” ayuu tiri guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed.

Muranka gurigan ayaa soo jiitamaayay muddo dheer, wuxuuna soo bilowday xilligii uu wasaaradda joogay wasiir Bashiir Goobe oo hadda loo wareejiyay wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada, iyada oo haatan lagu kala baxay doodii ka taageen guriga.

Ururka Haweenka Soomaaliyeed ayaa in dhowanahaan ka qaylo dhaaminayay arrinta saaka dhacday, waxayna ku doodayeen in guriga ay iyagu leeyihiin, looguna shaqeeyo dumarka.

Erdogan oo Soomaaliya ‘bilad sharaf’ Gudoonsiiyay.

Axad 09-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa bilado gaar ah ku sharfay Dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan dalal kale oo Turkiga ka taageeray wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhul-gariirkii 6-dii Febraayo, 2023.

Maamuuskan ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Magaalooyinka iyo Isbadalka Cimilada.

Munaasabad lagu xusay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegtay dhulgariirka ayaa lagu qabtay Gobolka Adiyaman, Madaxweynaha Turkiga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay Dowladda Soomaaliya.

Recep Tayyip Erdogan ayaa xusay in Jamhuuriyadda Turkiga ay mar walba shacabka Soomaaliyeed garab taagan tahay, si lamid ah sida ay u soo garab istaageen markii uu haleelay dhul gariirkii dadka badan galaaftay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa salaan u diray Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed.

Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Jamhuuriyadda Turkiga Cabdiraxmaan Maxamuud ayaa Madaxweynaha Turkiga ka guddoomay biladda xasuusta, isagoo uga mahadceliyey taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan tahay dalkiisa.

Erdogan ayaa dowladaha lagu casuumay uga mahad celiyey garab istaagooda, sidoo kale kulankaan ayaa lagu gorfeeyey sidii looga hortagi lahaa dhibaatadii ka dhalatay isbadalka Cimiladda.

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamo la wareegay Guriga Hooyooyinka iyo wararkii ugu danbeyay.

0

Axad, 09 Feb 2025{HMC}  Ciidamo la wareegay Guriga Hooyooyinka iyo wararkii ugu danbeyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA