Home Blog Page 1248

{DAAWO MUUQAALKA} Caddaanka Koofur Africa oo diiday in loo soo raro Mareykanka

0

Axad, 09 Feb 2025{HMC}  Caddaanka Koofur Africa oo diiday in loo soo raro Mareykanka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Isra’il oo sii deysay 183 Falastiiniyiin ah

Axad 09-02-2025 {HMC} Isra’il ayaa Sabtidi shalay sii deysay ku dhawaad 200 oo qof oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo ku jiray xabsiyada Isra’il, saacado kaddib marki ay Xamaas shalay subaxdi fasaxday saddex ka mid ah la heystayaasha reer Isra’il.

Hey’adda Laanqeerta Cas ee caalamiga ah ayaa Isra’il kasoo wareejisay 183 Falastiiniyiin ah. Isra’il waxay sheegtay in 18 ka mid ah dadkaasi ay ku xakunnaayeen xabsi daa’in halka 54 kalana ay ku dhaceen xakunno muddo dheer.

Qaarkood ayaa sida la xaqiijiyay xirnaa wax ka badan 200 sannadood. Degmada Beytuuniya ee dhinaca Daanta Galbeed, dad badan ayaa isugu soo baxay si ay u salaamaan maxaabiista iyaga oo lulalay calanka Falastiin kuna qeylinayay erayo ay ku taageerayaan Xamaas.

Bisha Cas waxay sheegtay in 7 ka mid ah maxaabiista Falastiiniyiinta ee ay Isra’il deysay ay xaaladdooda caafimaad liidatay, isla markaana loola cararay isbitaalka.

111 ka mid ah Falastiiniyiinta la soo daayay ayaa kasoo jeeday Gaza, lagana qabtay halkaasi wixi ka danbeeyay kaddib weerarki 7-badi October ee sannadki 2023-ki. Maxkamad la’aan ayay xirnaayeen, waxana si diirran loogu soo dhaweeyay koofurta Gaza.

Dhanka Xamaas, waxay shalay sii daayeen saddex nin oo Isra’iliyiin ah oo ka mid ahaa la heystayaasha ku xirnaa Gaza.

Waxay aheyd marki shanaad oo ay labada dhinac is weydaarteen maxaabiis iyo la heystayaal tan iyo marki uu dhacay wajiga koowaad ee heshiiska xabbad joojinta ee ay dhex dhexaadiyeen, Mareykanka, Masar iyo Qatar.

Caddaanka Koofur Africa oo diiday in loo soo raro Mareykanka

Axad 09-02-2025 {HMC} Kooxo matalo qaar ka mid ah caddaanka laga tirada badan yahay ee Koonfur Afrika ayaa Sabtidii ka jawaabay, qorshe uu madaxweyne Donald Trump ku doonayo in dadkaas dib u dajin qaxootinimo loogu soo raro dalkaan Mareykanka.

Hase yeeshee, laba urur oo matal caddaanka Koofur Africa ayaa ku jawaabay, “waad mahadsantahay laakin maya”. Waxay sheegeen in aysan qaada doonin dalabka Trump ee dib u dajinta caddaanka South Africa loogu sameynayo Mareykanka.

Qorshahan ayaa lagu faahfaahiyay wareegto madaxweyne oo uu Trump saxiixay Jimcihii, taas oo lagu joojiyay dhammaan gargaarka iyo kaalmada dhaqaale ee uu Mareykanka siiso Koonfur Afrika. Aqalka Cad ayaa sheegay in tani looga dan leeyahay in lagu ciqaabo wax uu maamulka Trump ku sheegay “ku xad-gudubka xuquuqda” qaar ka mid ah muwaadiniinteeda caddaanka ah, oo ay ku dhaqaaqday dowladda.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay Dowladda Koofur Africa oo ah dowlad ay muddo ka badan 30 sano majaraha u hayaan siyaasiyiinta madoowga South Africa, in ay ogolaatay weeraro gacan ka hadal ah oo ka dhan ah beeraleyda caddaanka laga tirada badanyahay.

Waxuu kaloo ku eedeeyay, in dowladdu soo saartay sharci lagula wareegayo beeraha caddaanka, iyadoo aanan wax magdhaw ah la siin.

Dowladda Koonfur Afrika ayaa beenisay in ay jiraan weerarro wadajir ah oo lagu qaaday beeraleyda caddaanka ah, iyaga oo sheegtay in sifaha Trump ee sharciga cusub ee dhulka ay ka buuxan macluumaad khaldan iyo marin-habaabin.

Caddaanka Koonfur Afrika ayaa weli guud ahaan ka nolol wanaagsan kuwa madowga ah, in ka badan 30 sano kaddib markii uu dhammaaday nidaamkii midab-takoorka ee caddaanka tirada yar ku hayeen dadka madow, kaas oo soo gaba gaboobay sannadi 1994-kii.

Daraasad uu 2021-kii soo saaray guddiga xuquuqul insaanka ee Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay, in 1% dadka caddaanka ah ay ku nool yihiin saboolnimo marka la barbardhigo 64% dadka madowga ah.

{DAAWO MUUQAALKA} Dhacdooyinka Caalamka.

0

Sabti, 08 Feb 2025{HMC} Dhacdooyinka Caalamka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Elon Musk oo loo diiday Helida xogta maaliyadeed Maraykanka.

Sabti 08-02-2025 {HMC} Garsoore Federaal Ah Oo Xayiray Xafiiska Dawladda Ee Elon Musk (Doge) Inuu Helo Xogta Maaliyadeed Ee Malaayiin Maraykan Ah

Garsoore federaal ah ayaa ka joojiyey Xafiiska Hufnaanta Dawladda (Doge) ee uu hogaamiyo Elon Musk, isku deygoodii ahaa helitaanka xogta maaliyadeed ee malaayiin qof oo Maraykan ah oo ku jira kaydka Wasaaradda Maaliyadda, sida ku cad dukumentiyada maxkamadda.

Garsooraha Maxkamadda Degmada ee Mareykanka, Paul A. Engelmayer, ayaa Sabtidii soo saaray amar horudhac ah oo ka hortagaya helitaanka xogtaas, isagoo amray Musk iyo kooxdiisa in ay isla markiiba burburiyaan nuqul kasta oo ay hayaan.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii 19 Xeer-ilaaliye Guud oo gobollada Mareykanka ka kala socda ay dacwad ka gudbiyeen maamulka Trump, kadib markii Doge, oo ah barnaamij lagu dhimayo qarashka dawladda oo uu hogaaminayo Musk, loo ogolaaday inuu helo xogta maaliyadeed.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay ku doodeen in helitaanka xogtan ay jebinayso sharciga federaalka, maadaama Musk uu yahay “shaqaale gaar ah”, halka Doge-na aysan ahayn waax rasmi ah oo ka tirsan dowladda.

Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay Aqalka Cad, Madaxweyne Donald Trump, ama Musk laftiisa.

Xeer-ilaaliyeyaasha gobollada oo ah kuwa Dimuqraadi ah, ayaa Jimcihii dacwad ka gudbiyay Trump, Wasaaradda Maaliyadda, iyo Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent.

Amarka maxkamadda ee Engelmayer oo la sii daayay aroornimadii Sabtida ayaa lagu sheegay in gobolladu ay la kulmi doonaan “dhibaato aan laga soo kaban karin” haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

“Arrintaas waxay sabab u tahay khatarta sare ee xog sir ah oo la faafin karo, iyo halista sii kordheysa ee ah in nidaamyada xog-ururinta ay noqdaan kuwo si fudud loo jabsan karo,” ayaa lagu yidhi amarka maxkamadda.

Amarka ayaa xaddidaya Trump iyo mas’uuliyiinta kale inaysan siin karin xogta Wasaaradda Maaliyadda shaqaale gaar ah, magcaabis siyaasadeed, ama shaqaale kale oo ka baxsan wasaaradda.

Waxaa kale oo maxkamaddu amartay in qof kasta oo horey u helay xogta la mamnuucay uu isla markiiba burburiyo nuqul kasta oo uu haysto.

Xayiraaddan waxay sii jiri doontaa ilaa dhegaysiga maxkamadda ee xiga oo la qaban doono 14-ka Febraayo.

Musk, oo ah bilyaneer dhinaca tiknoolajiyadda ah, ayaa door weyn ku lahaa isbeddelada waaweyn ee ka dhacay dowladda Maraykanka intii uu Trump hayay xafiiskiisa muddo xileedkiisan labaad, iyadoo Doge uu horseeday dhimista miisaaniyadda hay’adda USAID, oo ka shaqeysa bixinta gargaar malaayiin doollar ah oo caalami ah.

XIGASHO BBC

Wiil Soomaali ah oo Hindiya loogu sameeyey qalliin xubinta taranka ah.

Sabti 08-02-2025 {HMC} Wiil Soomaaliyeed oo 19 jir ah, oo xubintiisa taranka ku waayay caabuq daran oo ka dhashay gudniin lagu sameeyey carruurnimadiisii, ayaa si guul leh loogu sameeyay qalliin dib abqaalid ah ama beerid ah, kaas oo ka dhacay Isbitaalka Medicover ee magaalada Hyderabad ee dalka Hindiya.

Qalliinkan oo socday in ka badan 10 saacadood ayaa dib loogu soo celiyey shaqadii kaadida iyo awooddii galmada, taasoo soo afjartay sannado badan oo murugo iyo dhibaato jidheed iyo maskaxeed ah oo uu la noolaa wiilkani, sida ay ku warrameen warbaahinta gudaha ee Hindiya.

Qofka bukaanka ah ayaa sannado badan la daalaa dhacayay dhaawacyo culus oo ka dhashay gudniinkiisii carruurnimo, taas oo keentay in uu u raadsado xal caafimaad dalal kala duwan ah oo dibedda ah.

Si kastaba ha ahaatee, dadaalkiisii hore ayaan midho dhalin, waxaana markii dambe uu go’aansaday inuu tago dalka Hindiya si loogu helo xal waara.

Baaritaanka caafimaad ee la sameeyay ayaa muujiyay in caabuqii ka dhashay gudniinkiisa carruurnimo uu sababay burbur xun oo keenay inuu gebi ahaanba waayo xubintiisa taranka. Waxa kale oo uu lahaa dhibaato dhanka kaadida ah oo ka dhalatay dhagxaan samaysmay, taasoo sii murjisay xaaladdiisa.

Koox dhakhaatiir ah oo uu hogaaminayay Dr. A.V. Ravi Kumar, khabiir sare oo dhanka kaadi-mareenka iyo cudurrada ragga ah, iyo Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar, dhakhtar ku takhasusay qalliinnada dib-u-dhisidda iyo qurxinta, ayaa si taxaddar leh u diyaariyay qorshaha qalliinka, sida warbaahintu ka soo xigatay cisbitaalka.

Tallaabada koowaad ee daaweynta ayaa ahayd in la nadiifiyo marinada kaadida, lagana saaro dhagxaantii xannibay. Taas oo markii ay xaalad caadi gaadhay, ay dhakhaatiirtu guda galeen qalliinka dib-u-dhisidda xubinta taranka.

Si loo dhiso xubinta cusub, dhakhaatiirtu waxay adeegsadeen maqaar, xididdada dhiigga, neerfaha iyo unugyada laga jaray cududda bukaanka. Dr. Ravi Kumar ayaa sharxay in cududda ay tahay meesha ugu habboon ee laga qaado unugyada maqaarka maadaama ay u eg tahay maqaarka xubinta taranka, halka lugta—oo ah meel kale oo la isticmaalo—aysan ku habboonayn kiiskan maadaama maqaarkeedu uu ka dhumuc weynaa, taasoo ka dhigi lahayd mid aan si sax ah loo qaabeyn karin.

Intii lagu guda jiray qalliinkan lagu magacaabo microvascular-ka oo socday 10 saacadood, dhakhaatiirtu waxay si taxaddar leh ugu isugu rakibeen xididdada dhiigga, neerfaha iyo unugyada si ay u dhisaan xubinta cusub.

Waxa kale oo la sameeyay marin cusub oo kaadi-mareen ah, iyada oo laga dhigay xubin caadi ah oo la isticmaali karo, hadday tahay dhanka kaadida iyo awoodaheedii kaleba.

Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar ayaa xaqiijiyay in qalliinku si guul ah u dhacay, isagoo warbaahinta gudaha u sheegay:

“Bukaanku hadda si caadi ah ayuu u kaadin karaa, sidoo kale xubintiisa cusub waa la dhisay, waxaana lagu rakibay qalab ka caawiya inuu galmo sameeyo (penile implant). Waxa uu dib u helay dareenkii, wuxuuna awood u yeelan doonaa nolol caadi ah” ayuu yiri.

Bukaanka, oo intii lagu guda jiray sanadkii lasoo dhaafay galay saddex ilaa afar qalliin, ayaa hadda si buuxda u bogsaday, waxaana la filayaa in uu isbitaalka ka baxo maalmaha soo socda.

Waxaana warbaahintu ay ka soo xigatay in uu sheegay in uu haatan dareemayo in culays badani ka degay:

“Sannado badan, waxaan ahaa qof murugaysan, oo dareemaya inuusan dhammaystirnayn. Maanta, waxaan dib u helay sharaftaydii, kalsoonidaydii, iyo fursad aan nolol caadi ah ku noolaado” ayuu yiri bukaanka oo warbaahinta iyo isbitaalkuba ay ka gaabsadeen inay magaciisa sheegaan.

Qalliinkan guuleystay wuxuu calaamad u yahay horumarka caafimaad ee dib-u-dhisidda xubnaha jirka, isagoo rajo cusub u abuuraya dadka la tacaalaya dhibaatooyinka la xiriira dhaawacyada xubnaha taranka.

XIGASHO BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08.02.2025}

Sabti 08-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo mar kale lagu qabtay Ajaaniib tuhun uu galay.

0

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 08-2-2025.

0

Sabti, 08 Feb 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Doowladda oo Sii Daaysay lammaane ku eedeysana in ay ka tirsanaayeen AS.

0

Sabti 08-02-2025 {HMC} Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sii deysay Xafso Maxamed Macalin iyo Abshir Aadan Maxamed oo ah lammaane ku eedeysana in ay ka tirsanaayeen AS.

Abshir ayaa ka soo baxay AS, isaga oo u yimid magaalada Muqdisho Xaaskiisa oo Xafso oo u xirneyd Dowladda Soomaaliya, xilli ay u socotay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Ka dib maalmo ay xirnaayeen Maxkamadda ayaa go’aamisay in xurriyadooda dib loogu celiyo, isla markaasna ay is guursadaan.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta oo uu kamid yahay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga, Cumar Cali Cabdi ayaa ku sugnaa goobta ay ku midoobeen Lamaanaha.

“Abshir waa nin dhalinyarro ah, waana la marin habaabiyay balse hadda waxaa uu arkay in hadda ay dowladnimo jirto” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ayaa taageero dhaqaale siiyay lamaanahan, iyaga oo ugu baaqay in ay guurkooda dhammeystiraan.