Home Blog Page 1249

Faahfaahino Kasoo Baxayo Qarax ka Dhacay Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose

0

Sabti 08-02-2025 {HMC} Wara dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo ka dhacay suuqa ku yaalla magaalada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogeyaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in saddex ruux ay qaraxa ku geeriyoodeen oo ah Askar ka tirsan Ciidamada Amniga, halka afar qof shacab ah ay ku dhaawacmeen.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa soo gaarey Hay’addaha Amniga ee gobolka Shabeellada Hoose, iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaan.

Weli kama aysan hadlin laamaha Amniga ee degmada Qoryooley iyo maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco

Wasiir Fartaag Oo Sheegay In Dagaalka Ka Socda Buuraha Calmiskaad Aysan Wax Soomaali Ah Ku jirin

0

Sabti 08-02-2025 {HMC} Wasiirka Aminga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo maanta qeyb ka ahaa Shir jaraa’id oo dhowr kamid ah Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dagaalka ka socda Buuraha Calmiskaad aysan wax Soomaali ah ka dagaalameyn balse ay yihiin dagaalamayaal ajaaniib ah oo kusoo jabtay dagaalkii kooxdaasi lagula galay Wadamada Ciraaq iyo Siiriya.

Wasiir Fartaag waxa uu shaaca ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish inta aysan ku faafin degaano kamid ah Soomaaliya, waxaana uu balan qaaday in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay inay dagaalka ku garab istaagto Ciidamada Puntland.

Wasiir Fartaag ayaa uga digay Shacabka Soomaaliyeed inay maalgeliyaan Kooxaha AS & Daacish oo ay siiyaan lacagaha ay weydiistaan Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay go’aankii Khamiista ee kasoo baxay fadhigii Golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya kaas oo garab istaag loogu muujinayo Ciidamada Puntland si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Kooxda Daacish ee ku jirta Buuraha Calmiskaad.

Dagaalo xoogan ayaa tan iyo Bishii lasoo dhaafay waxaa ay ka soconayaa degaanada Buuraha Gobolka Bari, waxaana Puntland ay qaaday howlgal weyn oo ay ku sheegtay inay kusoo afjareyso Kooxda Daacish ee saldhigyada ka sameeystay Buuraha Bari, waxaana jirta dagaaladii ugu dambeeyay in lagu dilay saraakiil Cadaan ah oo ka barbar dagaalamaysay Kooxda Daacish.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Faah_Faahn: Qaraxa khasaaro geystay oo ka dhacay Qoryooley.

0

Sabti, 08 Feb 2025{HMC} Faah_Faahn: Qaraxa khasaaro geystay oo ka dhacay Qoryooley.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladda Soomaaliya Oo Beenisay In Baasaboorka Dalka loo Diiday Ciidamada Puntland

0

Sabti 08-02-2025 {HMC} Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa been abuur ku tilmaamtay warar dhowaanahaan la isla dhex maraayay baraha Bulshada kaa oo ku saabsanaa in Ciidamadii Puntland ee kusoo dhaawacmay dagaalka Daacish ay Dowladda u diiday in lasiiyo Baasaboorka dalka maadama safar caafimaad oo dibadda ah looqaadayay.

Agaasimaha laanta Hay’adda ee Puntland Cabdullaahi Cismaan Fu’aad. ayaa sheegay in daacayad tahay wararka baraha Bulshada la wareejinayo ee ah in askari kusoo dhaawacmay Dagaalka Daacish Baasaboor loo diiday, waxa uu xusay in xitaa shalay oo Jimco ahayd oo shaqada laga fasaxnaa loo shaqeenayay ciidamadii Puntland ee kusoo dhaawacmay dagaalka si loogu dadejiyo sidii ay Baasaboorka u heli lahaayeen.

“Muwaadinka Soomaaliga ah xaq Dastuuri ah ayuu u leeyahay inuu helo Baasaboorka, Muddo Kooban ayaan Garowe kasoo maqanahay, waxaana u taaganahay sidii aan ciidamadeeni u garab istaagi lahayn, mana jirto cid Baasaboor loo diiday waana daacayad, cadow kula dagaalamaya iyo midka ku shaki gelinaya waxaa daran midka shakiga dadka ka dhex abuuraya” ayuu yiri Agaasimaha laanta Hay’adda ee Puntland Cabdullaahi Cismaan Fu’aad.

Dhinaca Kale Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Soomaaliya Mustafa Dhuxulow ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish, waxa uu tilmaamay inay dhaqan gelinayaan fariinta Madaxweynaha Soomaaliya ee ah in waqtigaan adag si weyn loo garab istaago ciidanka Puntland.

Mustaf Dhuxulow ayaa uga mahadceliyay Shaqaalaha Hay’adda sida weyn ay maalmihii lasoo dhaafay ee hagar la’aanta ah iyo waqtiga dheeraadka ah ay kubixiyeen inay u adeegaan Ciidamada Puntland ee iyagu kusoo dhaawacmay dagaalka ka socda Buuraha Gobolka Bari.

{DAAWO MUUQAALKA} Ma aqbaleyno in la carqaladeeyo ganacsiga Suuqa Bakaaraha””Gudoomiyaha D.Howl_Wadaag””

0

Sabti, 08 Feb 2025{HMC} Ma aqbaleyno in la carqaladeeyo ganacsiga Suuqa Bakaaraha””Gudoomiyaha D.Howl_Wadaag””

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} DF oo isu guurineysa Lamaane kasoo ,Muuqday Maxkamadda Ciidamadda?

0

Sabti, 08 Feb 2025{HMC} DF oo isu guurineysa Lamaane kasoo ,Muuqday Maxkamadda Ciidamadda?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxay Kawada Hadleen Soomaaliya iyo Kuwait ?

0

Sabti 08-02-2025 {HMC} Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Kuwait, iyada oo uu halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweyay Sarreeye Guuto Maxamed AlQahtani oo ah Madaxweyne ku xigeenka Dab-demiska iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Kuwait.

Safarka Guddoomiyaha iyo wafdigiis ayaa daarran xoojinta iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyo gargaarka bini’aadannimo, iyada oo si gaar loogu hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday siyaabaha loogu hortago xaalada deg-dega ah si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, iyo in wadajir looga howl-galo wax ka qabashada xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya.

Safarka Guddoomiyaha ayaa daarnaa arrimaha xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan maaraynta musiibooyinka iyo gargaarka bini’aadannimo.

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda ayaa naga codsatay in Suuqa la fur Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha

0

Sabti, 08 Feb 2025{HMC} Dowladda ayaa naga codsatay in Suuqa la fur Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} MD Guudlaawe Oo Kormeeray Laamiyadda laga Hirgelinayo Magaalada Jowhar

0

Sabti 08-02-2025 {HMC}  Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray laamiyada waa weyn ee laga hirgelinayo magaalada Jowhar.

Injineerada iyo shaqaallaha dhismaha shirkadda Adeegsan ayaa ku gudajiray shaqadda waqtiga uu kormeerayey Madaxweynaha.
Wejiga 1-aad ee diyaarinta jidadka ayaa gabogabo ah goobaha qaar waxaana lagu wadaa dhawaan in lagu bilaabo laamiga.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa soo indho-indheeyay dhammaan jidadka ay shaqadda ka socoto
“Waxaan kormeeray jidadka ay shaqadda ka socoto dhawaan ayaa lagu bilaabi doonaa laamiga. Arrintan waxa ay gacan ka geysan doontaa isku-socodka iyo qurruxda magaalada Jowhar.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa ugu baaqay dadka shacabka inay u dulqaataan muddada ay shaqadda socoto

Madaxweeyne Xasan “Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo”

0

Sabti 08-02-2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dalladaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kaas oo laga hadlayey xal u helidda colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC).

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda shirkan uu u leeyahay xasilloonida gobolka, waxa uuna soo bandhigay sida Soomaaliya oo ka mid ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay uga go’an tahay xoojinta doorka Afrika ee xal u helista dhibaatooyinka ka jira qaaradda.

“Colaadda ka taagan bariga DRC waa musiibo bini’aadantinimo, waxayna u baahan tahay tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo nabad waarta. Diblomaasiyadda wadajirka ah ee labada urur waa fure muhiim ah si loo yareeyo xiisadaha, waana in xal lagu raadiyaa wadahadal iyo is-afgarad, halkii dagaal xal looga dhigi lahaa,” Ayuu Yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay dadaallada nabadeed ee ay hogaaminayaan EAC iyo SADC, islamarkaana ay diyaar u tahay in ay gacan ka geysato xalka colaadda DRC, iyada oo ka faa’iideysaneysa waayo-aragnimadeeda dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nabadda.