Sabti, 08 Feb 2025{HMC} Xamaas oo sii deyneysa 3 Israa’iiliyiin ah, kuna bedelanaysa 183 Falastiiniyiin ah
{DAAWO MUUQAALKA} Maxay tahay arrinta dhibka ku haysay Soomaalida Kenya ee uu meesha ka saarayo Madaxweyne Ruto
Sabti, 08 Feb 2025{HMC} Maxay tahay arrinta dhibka ku haysay Soomaalida Kenya ee uu meesha ka saarayo Madaxweyne Ruto
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Ilhaan Cumar oo werar Culus ku qaaday Donald Trump & Elon Musk.
Sabti 08-02-2025 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar oo aad u mucaaradsan siyaasadda Madaxweynaha Dalka Maraykanka ayaa soo jeedisay in gacan adag lagu qabto Donald Trump iyo xulufadiisa oo ay ka dhex xustay maalqabaynta lagu magacaabo Elon Musk.
Ilhaan ayaa sheegtay in ugu horreyn loo baahan yahay in Elon Musk laga reebo arrimaha Siyaasadda, Waxbarashada iyo meelaha kale uusan mansabka ku ahayn si uusan ugu dheelin hannaanka oo yaqaan Maraykanka.
Waxa ay tilmaamtay in Maraykanka lagu garanayo dimuqraadiyad, ilaalinta dastuurka & u adeegista Bulshada balse wax weliba ay isbaddeleen kaddib markii farqaha ay isku xirteen Donald Trump iyo Elon Musk oo la wareegay siyaasadda dalkaas.
“Donald Trump & Elon Musk waxa ay mudan yihiin in laga qabto dhabbaha qaloocan ee Ameerika ay ka wadaan, Dastuurka ayay ku ciyaarayaan, qorshaha kaalmada dibadda lagu joojiyay waa garab istaagga Maraykanka dunida inteeda kale” Ilhaan Cumar.
Ilhaan ayaa dhowr jeer weerar afka ah ku qaadday Donald Trump, Madaxweynaha 47aad ee Dalkaas ayaa qaaday tallaabooyin kala duwan sida mamnuucista kaalmada dibadda, tan Hay’adda Caafimaadka WHO, Arrinta ka dhanka ah Gaza & kuwo kale.
{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaaladii ka dhacay Gobolka Hiiraan.
Sabti, 08 Feb 2025{HMC} Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaaladii ka dhacay Gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Madaxweynayaasha Rwanda iyo Congo oo maanta kulmaya.
Sabti 08-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa Sabtida maanta ah Tanzania kula kulmya dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, iyadoo madaxda gobolku ay ka shirayaan si loo qaboojiyo colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Kooxda hubaysan ee M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa si degdeg ah u qabsatay dhul badan oo ka tirsan gobolka bariga DRC ee macdanta qaniga ku ah, weerarkaasi oo galaaftay nolosha kumannaan qof tiro aad u badanna ay ku barokaceen.
Kooxdan ayaa todobaadkii hore la wareegtay magaalada istiraatijiga ah ee Goma waxayna ku sii siqeysay gobolka ku dhegan ee South Kivu, waana xiisaddii ugu danbaysay ee tobanaan sano oo colaadi ay ka jirtay gobolka.
Kagame iyo Tshisekedi ayaa ka qeybgalaya shir-madaxeed wadajir ah oo ka dhacaya magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania, kaas oo ay isugu imaanayaan 8-da wadan ee Bulshada Bariga Afrika iyo 16-ka dal ee xubinta ka ah urur goboleedka Bulshada Horumarinta dalalka koonfureed ee Afrika.
Rwanda ayaa beenisay in ay taageerto M23 balse warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sanadkii hore ay ku dhawaad 4,000 oo askari ay Rwanda ka joogaan DRC ayna ka faa’iideystaan tahriibinta xaddi badan oo dahab iyo coltan ah -oo ah macdan muhiim u ah telefoonada iyo laptop-yada casriga ah.
Xamaas oo sii deyneysa 3 Israa’iiliyiin ah, kuna bedelanaysa 183 Falastiiniyiin ah
Sabti 08-02-2025 {HMC} Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah oo ay ku beddelanayso 183 maxbuus oo Falastiiniyiin u xiran Israa’iil, waana markii shanaad ee is-dhaafsigan tan iyo markii la gaaray xabad joojinta aan cagaha badan ku taagneyn ee Gaza.
Isdhaafsigaan ayaa imaanaya xilli uu gobolka ka jiro buuq ka dhashay soo jeedintii ka timid madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku aadaneyd in Marinka Gaza laga sifeeyo dadka ku nool iyo in Mareykanka uu la wareego dhulka Falastiiniyiinta.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyey Jimcihii in ay heleen liiska la haystayaasha laga sii deynayo Gaza ka dib markii Xamaas ay daabacday saddex magac oo maxaabiis ah oo la sii daynayo.
Saddexda nin ee lagu wado in la sii daayo Sabtida ayaa kala ah Eli Sharabi, Or Levy iyo Ohad Ben Ami, sida ay sheegtay Xamaas. Magacyadooda waxaa xaqiijiyay xafiiska Netanyahu.
{DAAWO MUUQAALKA} Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya oo ka wadahadlay hirgelinta bayaankii Ankara
Sabti, 08 Feb 2025{HMC} Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya oo ka wadahadlay hirgelinta bayaankii Ankara
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07.02.2025}
Jimco 07-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaal Maanta Ka dhacay Gobolka Hiiraan
Jimco 07-02-2025 {HMC} Dagaalo gobalka Hiiraan ka bilowday waabigii hore ee Saakay ayaa soo gaaray gabaldhaca maanta oo jimco ah.
Dagaaladaan oo aad u cuslaa waxay ka socdaan inta u dhaxeysa deegaanada laamiga ku dhidhirsan Beera_yabaal iyo Hareera deegaanka Jiciboow oo Hoostaga Degmada Buulo_burte.
Dadka deegaanka oo garab ka helaya, Ciidanka xooga dalka oo is garabsanaya iyo Kooxda As, ayuu u dhaxeeyaa dagaaladaan saacadaha badan Socda.
Khasaaro aan wali si rasmi ah loo ogeyn ayaa ka dhashay dagaalka oo kala gaaray dhinacyada wada dagaalamaya, waxaase xusid mudan iyo dagaalka ay guulo ka sheegteen CXD iyo Hogaamiye yaaaha ciidanka Macawisleydda.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Muuse Salaad wehliye oo dagaalka ka hadlay wuxuu sheegay in inta badan deegaanadii lagu dagaalamay haatan ay gacanta ku hayaan ciidanka is garabsanayay Kooxda ay ka qabteen Maxaas iyo hub.
Dhinaca kalle Taliyaha Q:27aad ee Ciidanka xooga dalka ayaa sheegay in lagu guuleystay dagaalkii Maanta dib ay kasoo saari doonaan warbixin marka dagaalka uu soo gabagaboobo.

Trump oo la kulmaya Ra’isul Wasaaraha Japan
Jimco 07-02-2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay maanta oo Jimce ah la kulmaya ra’isul wasaaraha Japan Shigeru Ishiba, xili labadooduba ay ka walaacsan yihiin dhaqaallaha Shiinaha ee sii kobcaya iyo suurtagalnimada dagaal dhaqaale oo qarxa.
Madaxweyne Trump oo xafiiska jooga sedexdii todobaad ee ugu horeeyay xukunkiisa ayay durba foodda is dareen hoggaamiyaasha caasimadaha shisheeye laga soo bilaabo Ottawa illaa Bogota, waxana laga yaabaa in xaalad kale ay dhex marto wadamadii muddada dheer isbahaysiga la ahaa Maraykanka ee Aasiyada baasifiga sida Japan, South Korea, Australia iyo Philippines.
Saaxiibtinimada muddada dheer ee Maraykanku lalahaa wadamadaas ayaa maraysa tijaabo xili uu canshuurro dheeraada ku soo rogay badeecaddaha Shiinaha kuna hanjabay in uu sidaas oo kale ku sameyn doono dallalka ka faa’iideysta dhaqaalaha Maraykanka waa sida uu qabo Madaxqweyne Trump.
Japan waxay si gaar ah ugu tiirsan tahay ganacsiga: waa dhoofiye weyn waxayna ku xisaabtantaa dhoofinta inta badan alaabaheeda iyo kheyraadkeeda dabiiciga ah, qaar badan oo ka mid ah shirkaddaheeda ayaa si qoto dheer u maalgeliya kuna tiirsan Shiinaha
Tokyo waxay la wadaagtaa kooxda amniga qaranka Trump ee ku aaddan himilooyinka caalamiga ah ee Beijing iyo sheegashada dhuleed ee ballaaran ee Aasiya, oo ay ku jirto jasiiradda muhiimka ah ee Taiwan.



