Home Blog Page 1255

Madaxweyne Cirro oo soo dhoweeyey Go’aan uu soo jeediyay Saciid Deni.

0

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro, ayaa soo dhoweeyay baaqii nabadeed ee dhowaan uu soo jeediyay madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo ku saabsan xal ka gaarista colaadda ka taagan magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale sheegay in xiisadda gobolka Sool ay marayso waddo nabadeed.

Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay warar baraha bulshada lagu faafiyay oo lagu sheegay in madaxweynihii hore, Muuse Biixi Cabdi, laga qaaday ilaaladii amnigiisa sugaysay.

Scores killed in Somalia in clash between security forces, Islamic State,.

0

Thursday 6,Febr, 2025 {HMC} Nearly 70 people were killed and up to 50 others wounded during 24 hours of fighting between Islamic State fighters and security forces from Somalia’s Puntland region, officials said Wednesday.

At least 15 Puntland soldiers and more than 50 militants were slain in the fierce fighting around the Dharin and Qurac areas of the Cal Miskaad mountains in Puntland’s Bari region, multiple Puntland security officials told VOA, speaking on condition of anonymity because they were not authorized to brief the media.

In an interview Wednesday with VOA’s Somali Service, a spokesperson for Puntland security operations, Brigadier General Mohamud Mohamed Ahmed, said the fighting, which began Tuesday, was the heaviest since Puntland launched an offensive last month against Islamic State groups that have hideouts in the mountains.

“We have confirmed that at least 57 Islamic State militants, all of them foreigners, were killed during the fighting in the last 24 hours,” Ahmed said.

Ahmed declined to say how many Puntland soldiers were wounded or lost but suggested casualties were heavy.

“The fighting is taking place in a mountainous area where the militants are using improvised explosives. The fighting of this nature in such an environment, the attacking force often suffers more casualties than the defenders,” he said.

VOA could not independently verify the claim of 57 militants killed but graphic video circulated on social media was said to show scenes of militants’ bodies strewn in a mountainous area.

Ahmed said Tuesday night the United Arab Emirates conducted a drone strike against the IS militants in the area to support Puntland forces.

A statement from the Puntland forces said their troops have gained ground.

“Puntland forces have successfully captured the strategic village of Dharin in Togga Jecel, dealing a significant blow to the extremist group’s operational capabilities in the region,” the statement said.

It added: “The forces have expelled the enemy from the areas they fought along the Togga Jecel.”

These latest clashes came just days after U.S. warplanes targeted the Islamic State affiliate in Somalia, hitting what officials described as high-ranking operatives in the terror group’s mountainous stronghold.

U.S. warplanes hit what officials describe as high-ranking operatives of the Islamic State affiliate in Somalia, U.S. President Donald Trump announced on Saturday.

U.S. President Donald Trump announced the airstrike Saturday on social media, describing the main target as a “Senior ISIS Attack Planner and other terrorists he recruited and led.”

Somali President Hassan Sheikh Mohamud thanked the U.S. for its “unwavering support” in the “fight against international terrorism.”

Military campaign

Puntland began a military offensive dubbed “Hilac Campaign” last month against extremist groups in the region following months of preparations.

Claims by Puntland commanders made regarding different battles indicate more than 150 Islamic State militants have been killed.

Puntland’s leader, Said Abdullahi Deni, appealed to the public to support the operation, which he said is aimed at dislodging the Islamic State militants from their hideouts in mountainous areas.

The operation has garnered public support. Monday, hundreds of residents took to the streets of Bosaso, the commercial hub of Puntland state, to demonstrate against the terrorist group and show support for the military campaign.

Puntland is a member state of Somalia but its relationship with the country’s federal government has been strained by political conflicts and the region is considered semi-autonomous.

Analysts say the rift between the two sides has limited any collaboration between the federal government and the Puntland regional state, including the fight against terrorists.

“An operation like this needs logistical support and reinforcements, and the regional states alone cannot handle it. Federal government support and involvement is a must,” Somalia’s former Prime Minister Omar Abdirashid Ali Sharmake told VOA.

“The Islamic State is a common enemy for Somalis. Politicians should separate the national interests and the political differences that can be later solved through negotiations. National interests including security and development should not be politicized,” former national intelligence chief Brigadier General Abdirahman Turyare told VOA.

IS in Puntland

Puntland has endured terrorist attacks perpetrated by al-Shabab and Islamic State militants, but the ongoing military operation appears to be focused on IS.

The group has a relatively small presence in Somalia compared to the al-Qaida-linked al-Shabab, but experts have warned of growing activity.

U.S. military officials and Somali security experts reported that IS increased its membership numbers in Somalia last year.

The group was previously estimated to have between 100 and 400 fighters, but Somali security and intelligence experts say the number has grown to between 500 and 600.

Most of the newcomers are said to be from the Middle East and eastern and northern Africa.

SOURCE VOA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.02.2025}

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Militariga Dalka Sudan oo ku dhowaaday bartamaha Khartuum.

0

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Ilo-wareedyo ciidan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ciidamada Suudaan ay Khamiista maanta “dhinacyo badan” ka weerareen bartamaha magaalada Khartoum, ayagoo ku dhowaaday Qasriga Madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan ciidamada gurmadka deg degga ah (RSF).

Ciidanka xoogga dalka, oo dagaal kula jiray ciidamada RSF ah tan iyo April 2023, ayaa toddobaadyadii u dambeeyay qaaday weerar xooggan oo ay ku doonayaan inay si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta caasimadda.

“Ciidamadeennu waxay ku dhow yihiin inay gaaraan bartamaha Khartoum… ayna ka saaraan maleeshiyada Dagalo,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka oo la hadlay AFP, isagoo tixraacaya taliyaha RSF, Maxamed Xamdaan Dagalo.

“Ciidamadeenna gaashaaman ayaa ka soo socda dhinacyo badan,” ayuu hadalkiisa raaciyay, isagoo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta.

Arbacadii, militariga ayaa sheegay inay “ka sifeeyeen” xaafadaha al-Remila iyo Aagga Warshadaha ee bartamaha Khartoum – kuwaasoo saddex kiiloomitir (1.9 mayl) u jira Qasriga Jamhuuriga oo ay haystaan ciidamada RSF.

Laakiin, goobjoogayaal ayaa Khamiista maanta ah sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku qasbanaadeen inay dhex maraan dableyda wax toogata ee RSF oo ku sugnaa dhismayaasha dhaadheer ee ahaan jiray degmo ganacsi iyo mid dowladeed oo ku yaalla Khartoum.

Ciidamada RSF ayaan ka jawaabin codsi ay AFP u dirtay si ay uga hadlaan arrintan.

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF ay ka dhaceen agagaarka buundada Soba – oo ah marin muhiim ah oo laga soo galo caasimadda dhinaca koonfur-bari.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ciidamada xoogga dalka ayaa ku soo xoogaystay caasimadda, iyagoo jebiyay go’doomin ku dhow labo sano ah oo ay ciidamada RSF ku hayeen xarumahooda, waxaanay ciidamada RSF ku riixeen cirifyada Waqooyiga Khartoum, oo sidoo kale loo yaqaano Bahri.

Horumarka ay ciidamada militariga ka sameeyeen caasimadda ayaa ah guushii ugu weynayd muddo sannad gudihiis ah, tan iyo markii ay dib u qabsadeen Omdurman oo ku taalla dhinaca kale ee webiga Nile, taasoo, ay weheliso Waqooyiga Khartoum iyo bartamaha magaalada oo dhammaantood ka mid aagga ballaaran Khartoum-ta weyn.

Tan iyo markii uu qarxay, dagaalku wuxuu sababay dhimashada tobanaan kun oo qof, wuxuuna barakiciyay 12 milyan oo qof, isagoo dalka ku riixay qarka macluul.

Xigasho VOA

{DAAWO MUUQAALKA} Arday baratay Qur’aanka Kariimka oo Munaasabad Loogu qabtay Magaaladda Baladweyne.

0

Khamiis, 06 Feb 2025{HMC} Arday baratay Qur’aanka Kariimka oo Munaasabad Loogu qabtay Magaaladda Baladweyne.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Hub iyo rag looga Shakiyay AS oo La qabtay.

0

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Bayaan ay soo saareen howlgalka AUSSOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliya ay howlgal qorsheeysan ay ka fuliyeen degaanka Muuri ee degmada Walaweyn oo ay ku dhuumaaleysanayen rag ka tirsan Al shabaab.

 

Howlgalka waxaa ka qeyb qaatay Ciidanka Militariga iyo kuwa Nabad Sugida Soomaaliya oo Jimcihii ka dhacday degaanka Muuri oo dhowr jeer ay dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay ku bartilmaamesadeen ciidamada amaanka kuna dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed sida lagu sheegay bayaanka AUSSOM kasoo baxay.

 

Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay hub lala xiriirinayo weerarro dhowaan deegaanka ka dhacay oo rag Al shabaab ah ay geeysteen, waxaana sidoo kale lagu soo xiray dhowr tuhmanayaal.

 

Ugu dambeeyntii waxaa bayaanka lagu sheegay in Dadaalkan wadajirka ah uu xoojinayo waajibaadka howlgalka AUSSOM, wuxuuna gacan ka gaysanayaa sidii mas’uuliyadaha amniga loogu wareejin lahaa Ciidanka Amniga Soomaaliyeed.

 

Al shabaab meelaha ay wali ku xoogan tahay ayay kamid tahay Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Degaanada kale ee Koofur Galbeed Soomaaliya.

 

Muhaajiriin laga tarxiilay Mareykanka oo la geeyay xabsiga Guantanamo Bay.

0

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Diyaaraddii ugu horeysay oo Mareykan ah oo sidday muhaajiriin laga soo qabtay Mareykanka kuna sii jeeday Cuba ayaa cago dhigatay xabsiga Guantanamo Bay.

Madaxweynaha Cusub ee Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa doonaya in xabsigan lagu hayo in ka badan 30,000 oo muhaajiriin ah, kuwaas si sharci la’aan ah ku jooga dalka Maraykanka.

 

Sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah, Waa tillaabadii ugu horreysay ee la filayo inay sare u qaaddo tirada muhaajiriinta loo dirayo saldhigga ciidamada badda ee Mareykanka ee Cuba, kaasoo muddo tobanaan sano ah loo adeegsan jiray in lagu xiro ajaaniibta lala xiriirinayo weerarradii Sebtembar 11, 2001.

 

Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah ay gaareen xabsiga maalmihii lasoo dhaafay si ay gacan uga geystaan haynta muhaajiriinta laga soo qabanayo gudaha Maraykanka.

 

Amy Fischer, oo ah maamulaha Xuquuqda Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ee hay’adda Amnesty International USA, ayaa diiday in muhaajiriinta ku sugan Maraykanka loo isticmaalo xabsiga Guantanamo.

 

“In muhaajiriinta loo diro Guantanamo waa tallaabo naxariis darro ah. Waxay dadka ka gooyn doontaa qareennada, qoyska iyo nidaamyada taageerada, ku tuuri doontaa god madow si ay dawladda Maraykanku u sii waddo ku xadgudubka xuquuqdooda bini’aadminimo,” Fischer ayaa sidaas ku sheegay bayaan.

 

Todobo duulimaad oo ay la socdeen muhaajiriin Maraykanka laga soo taxriilay ayaa horey loogu diray waddamada Ecuador, Guam, Honduras iyo Peru.

 

DFS oo Sheegtay in Dowladda Mareykanka aysan u qorsheysneeyn in ay Aqoonsato Somaliland.

0

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka aysan u qorsheysnayn inay aqoonsi siiso Somaliland, waxayna xustay in culays weyn uu ka imaan doono haddii tallaabadaas la qaado.

Daahir Xasan Carab, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka oo waraysi siiyay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Mareykanku uu ilaaliyo shuruucda caalamiga ah, isla markaana aysan suurtagal ahayn in uu Somaliland dowlad u aqoonsado.

Waxa uu xusay in masuuliyad culus ay ka dhalan doonto haddii Mareykanku Somaliland aqoonsado. Sidaas darteed, waxa uu sheegay in Mareykanku uusan diyaar u ahayn aqoonsiga Somaliland, isla markaana arrinta aqoonsigu aysan ahayn mid hadda miiska saaran.

Danjire Carab oo la weydiiyay hay’adda sharciyeed ee dhowaan ay kiraysatay dowladda Soomaaliya si ay uga hortagto aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegay in hay’addaasi kala talin doonto shuruucda kasoo baxaysa hay’adaha kala duwan ee Mareykanka iyo sida ay Soomaaliya u saameynayaan.

Dhaq dhaqaaqyada aqoonsi raadinta Somaliland ayaa ka soo xoogaystay Mareykanka labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo ololahan ay safka hore kaga jiraan xildhibaanno ka tirsan golayaasha sharci-dejinta Mareykanka iyo dibulumaasiyiin ka tirsan xisbga Jamhuuriga ee talada haya.

Ololahan ayaa sii xoogaystay kadib markii Trump dib loo doortay, waxaana si weyn u soo dhawaysay xukuumadda Somaliland, oo ku tilmaantay Trump inuu yahay nin go’aan leh oo aqoonsan kara Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa dhankiisa, ayaa xaqiijiyay in ololahani ka socdo Mareykanka, isla markaana uusan hubin tallaabada uu qaadi doono Trump.

{DAAWO MUUQAALKA} Qaliimo bilaash ah oo ka billowday Isbitaalka Hilaal ee Magaaladda Baladweyne

0

Khamiis, 06 Feb 2025{HMC} Qaliimo bilaash ah oo ka billowday Isbitaalka Hilaal ee Magaaladda Baladweyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Muxuu Madaxweyne deni kusoo Arkay isbitaaladda uu Booqday?

0

Khamiis, 06 Feb 2025{HMC} Muxuu Madaxweyne deni kusoo Arkay isbitaaladda uu Booqday?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA