Home Blog Page 1254

Maxay tahay shaqada caafimaad ee uu qabanayo isbitaalka dhimirka ee Dawlad Deegaanka laga furay?

Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Sida ay hore u shaacisay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO waxaa sare u kacay tirada dadka la nool xanuunnada maskaxda oo sannahihii la soo dhaafay sii badanayey.

Inta badan xannuunada dhimirka waxa ugu badan walbahaarka, niyad-jabka iyo cudurrada kale ee ku dhaca maskaxda bani’aadanka, waxaana qaybta ugu weyn ka qaata mukhaadaraadka, xasillooni darrada amni iyo shaqo la’aanta baahsan.

Deegaanka Soomaalidu waxa uu ka mid yahay meelaha ay muddo ka taagnaayeen dhibaatada ka dhalata xanuunnada maskaxeed, ayadoo tirada dadka la nool xannuunadaasna ay sare u sii kacaysay.

Sida lagu caddeeyay warbxin ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradda caafimaadka Itoobiya iyo Machadka qiimaynta caafimaadka maskaxda oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, boqolkiiba 4 ka mid ah tirada guud ee dadwaynaha ku nool deegaanka Soomaalida ayaa la nool ugu yaraan nooc ka mid ah xanuunada maskaxeed. Halka uu xanuunkan ku jiro kaalinta 9-aad ee liiska cudurrada guud ee dalka Itoobiya, taasi oo ka dhigan in uu jiro sare u kac xooggan.

Dr. Muuse Catoosh agaasimaha waaxda ka hortagga cudurrada ayaa sheegay in 5,000 oo qof oo ka mid boqolkii kun ee qof ee ku nool deegaanka Soomaalida la nool yihiin khalkhal maskaxeed.

“Xannuunada ku dhaca maskaxda waxaa inta badan keena hiddo raac uu qofku ka dhaxlo walaalidiintiisa, waxaase ugu badan midda ay dhaliso baahida qofka la soo darista oo si dadban maskaxdiisa u saamaysa. Takoorka iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa qayb weyn ka qaaata” ayuu yiri Dr Muuse.

Agaasimaha ayaa sheegay in si gaar ah Deegaanka Soomaalida, daraasadaha la sameeyay ay tilmaamayaan noocyada ugu badan ee xanuunnada dhimirku inay yihiin walbahaarka, walaaca iyo isku buuqa oo isu rogi kara waalli maskaxeed.

Xarunta daryeelka dhimirka

Waa isbitaalkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga hirgeliyo bariga Itoobiya, isla markaana ay maalgeliyeen haween qurbajoog ah. Waxaa laga dhisay magaalada Dhagaxbuur ee xarunta gobolka Jarar.

Xaruntan cusub oo dhawaan xadhigga laga jaray ayaa u adeegi doonta dadka qaba xanuunka dhimirka oo laga keenayo qaybaha kala duwan ee Deegaanka Soomaalida.

Haweenka cusbitaalkan hirgaliyay waxaa gudoomiye ah Asli Xasan Cabaade ah gabadhii ugu horeysay ee Soomaaliyeed ee noqota duuliye diyaaradeed, haweenkan waxay sheegeen in ay ka adkaysan waayeen dhibtaada haysata dadkooda maskaxda ka xanuunsan ee aan helin daryeel caaafimaad oo dhanka maskaxda ah.

Muna Muxumad Gaas waa afhayeenka ururka hirgeliyay cusbitaalkan. Waxa ay sheegtay in sababta ka dambaysay dhismaha xaruntani ay tahay baahi weyn oo qabaan dadka daryeelka u baahan ee qaba xauunka dhimirka ee deegaanka.

“Markii aan aragnay baahida jirta ee daryeelka dadka la nool xanuunnada dhimirka, tirada dadkaasi oo aad u badan iyo dhakhaatiirta u diyaarsan oo aan badnayn, waxa aan go’aansannay aasaaska xaruntan. Magaalada Jigjiga dadka waxa la geeyaa goobaha cilaajka oo dadka ku xeraysan ay xanuunnadoodu kala duwan yihiin” ayey tiri Muna.

Muna ayaa sidoo kale xustay in xaruntani ay u adeegi doonto dadka qaba xanuunanada maskaxda, gaar ahaan kuwooda aan haysan wax daryeel ah ama ay hayntoodu liidato ee aan awoodin in ay iska bixiyaan daryeelkooda.

“Waxa muhiim gaar ah aan siinnay dadka ay hayntoodu liidato ee aan awoodin in ay daryeel caafimaad raadsadaan. Dadkaasi waxa aan ka soo ururinnaa meelaha tuullooyinka ah iyo gobollada kale.”

Baahida loo qabo xarun xanuunnada dhimirka lagu daweeyo

Inkasta oo ay jiraan goobo kooban oo bixiya adeegyada la siiyo dadka qaba xanuunka dhimirka, sida kuwa ku hoos jira cusbitaalka guud ee Suldaan Sheekh Xasan Yabar ee magaalada Jigjiga, iyo xarun kale oo ku taalla magaalada Qabridaharre ee gobolka Qorraxay, misna waxa weli muuqata inay jirto baahi xooggan oo loo qabo goobo lagu dabiibo dadka xanuunnadaas qaba.

Cusbitaalkan cusub ee laga hirgeliyay magaalada Dhadaxbuur oo dadka ugu horreeya qaabili doona dhawaan ayaa la rajaynayaa in uu awood u yeesho inuu adeeg caafimaad oo dhanka xanuunnada madaxa ah bixiyo, wuxuuna noqonayaa isbitaalka ugu weyn ee noociisa ah ee laga hirgaliyo bariga Itoobiya, kaas oo gooni u ah dadka qabana xanuunka madaxa.

Deegaanka Soomaalida ayaa muddo ka mid ahaa deegaannada xasillooni darradu ay soo martay ee dalka Itoobiya, taasina waxa ay dad badan u nuglaysay in ay qaadaan xanuuno maskaxeed sida lagu shaaciyay warbxinnada wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha madaxa bannaan.

XIGASHO BBC SOMALI

Xabaal Wadareedyo Laga Helay Liibiya

Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Meydka ugu yaraan 29 tahriibayaal ah ayaa laga helay laba goobood oo kala duwan oo ku yaal Liibiya.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qaar ka mid ah meydadkaas laga helay xabaal wadareed ku taalla meel beer ah, waxaana la tuhun san yahay in dhimashadoodi la xiriirto magafayaashii tahriibanayey.

Dhinaca kale, Hay’adda Bisha Cas ee Libya ayaa sheegtay inay soo saartay Meydadka Toban Tahriibayaal ah, kaddib markii doonidii ay la socdeen ku degtay meel u dhow magaalada Zawiya oo u dhow magaalada Tripoli.

(Kumanaan muhaajiriin ah ayaa sanad walba isku daya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka ee halista ah iyagoo ka soo gudbaya waqooyiga Afrika una socda Yurub).

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Cumar ” AS Gobolka Hiiraan waxaa kaga Dilnay 50 Dagaalame”

0

Jimco, 07 Feb 2025{HMC} Wasiir Cumar ” AS Gobolka Hiiraan waxaa kaga Dilnay 50 Dagaalame”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Yaa ku Gacan sareeyo Dagaalada ka soconaya wadanka Suudaan.?

0

Jimco, 07 Feb 2025{HMC} Yaa ku Gacan sareeyo Dagaalada ka soconaya wadanka Suudaan.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {07.02.2025}

Jinco 7, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUUQAALKA} Halkee laga Dajiyey Muhaajiriintii sharci Darrada ahaa ee ku sugnaa Mareeykanka.?

0

Jimco, 07 Feb 2025{HMC} Halkee laga Dajiyey Muhaajiriintii sharci Darrada ahaa ee ku sugnaa Mareeykanka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Xukuumada Netanyahu oo Xoojisay Qorshaha Shacabka Gaza lagu keenayo Soomaaliya

Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza.

Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah.

Trump ayaa xoojiyay soo-jeedintiisii ahayd in Maraykanku uu qabsado oo dib u dhiso Gaza, inkastoo ay saraakiisha Aqalka Cad isku dayeen inay yareeyaan tallaabadaas.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan loo baahnayn ciidammo Maraykan ah si looga dhigo Gaza “mid ka mid ah horumarrada ugu waaweyn uguna cajiibka badan ee noociisa ah ee adduunka”, halka Falastiiniyiinta loo rari doono “guryo cusub oo casri ah oo ku yaalla gobolka”.

Inkastoo ay jirto iska-caabbin caalami ah oo xooggan, hadallada Trump ayaa kiciyay rajooyin muddo dheer soo jiitamayay oo ay Israa’iil qabtay oo ah in dadka reer Gaza laga saaro dhulka xeebta ah ee ay qarniyo badan deggenaayeen.

Dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun ayaa diiday inay martigeliyaan mid ka mid ah labada milyan ee qof ee ku haray Marinka burburay, iyagoo sheegay in tallaabadaasi ay si xun u wiiqi doonto dhismaha dawlad Falastiiniyiin ah.

Laakiin habeenkii Arbacada, Israel Bachar, qunsulka guud ee Israa’iil u fadhiya Koonfur-galbeed ee Baasifigga, ayaa sheegay in la tixgelinayo meelo kale oo loo raro.

“Sida aan maqlayo, waxaan ka hadlaynaa saddex dawladood oo kala duwan,” ayuu Bachar u sheegay CBS News. “Oo hadda waxaad heli doontaan war muhiim ah.”

“Waxaan ka hadlaynaa mid [oo ku taal] Morocco, laba [oo ku taal] Soomaaliya, Somaliland iyo Puntland, si gaar ah Puntland waa meesha ay fiirinayaan, laga yaabee, inay dadka u raraan saddexdaas meelood.”

Dadka reer Gaza ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph inaysan qorsheyneyn inay ka tagaan guryahooda oo ay aadaan Soomaaliya, ama meel kale, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay isku day lagu doonayo in isir sifeyn lagu sameeyo.

Sarkaal Israa’iili ah, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay inay tahay “mid aad u degdeg ah” in laga hadlo meelaha suurtagalka ah ee loogu talagalay ka-qaxidda ikhtiyaariga ah.

“Haddana, dabcan waxaa jira iskaashi heer sare ah oo u dhexeeya Trump iyo Ra’iisul Wasaaraheena arrinta ku saabsan.”

Amit Segal, oo ah weriye Israa’iili ah oo xog-ogaal ah, laguna tiriyo inuu ku dhow yahay Benjamin Netanyahu, ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay baarayso tallaabooyin ay Falastiiniyiinta ugu dirayso Puntland, Somaliland, iyo Morocco.

“Labada hore waxay raadinayaan aqoonsi caalami ah, tan saddexaad waxay ka walaacsan tahay inay sii haysato aqoonsiga madax-bannaanideeda ee Saxaraha Galbeed, dhammaan saddexduna waa dalal ay ku badan yihiin Muslimiin Sunni ah,” ayuu yiri.

Wiil Soomaali ah oo 4 jir ku waayey xubintiisa taranka, oo lagu Rakibay mid cusub

Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Wiil Soomaali ah, oo afar jir ahaa markii uu xubintiisa taranka ama guskiisa ku waayay caabuq daran oo ka dhashay gudniin, ayaa hadda dib u helay noloshiisii caadiga ahayd, kadib qalliin loogu sameeyey magaalada Hyderabad ee dalka India.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee gobolka Telangana, dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaallada Medicover ay dib u dhiseen xubinta gebi ahaanba go’day, iyagoo soo celiyay dareenkii iyo shaqadii uu lahaa, una suurageliyey 19-jirkan inuu nolol caadi ah ku noolaado.

Kaddib markii xal loogu waayay dalal badan oo uu tagay, bukaanku wuxuu la tashaday dhakhaatiirta qalliinka ee Isbitaallada Medicover. Dr. A.V. Ravikumar, oo ah khabiir sare oo dhinaca kaadi-mareenka iyo cudurrada ragga ah, iyo Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar, oo ah dhakhtar ku takhasusay qalliinka plastic-ga ah, kuwaas oo si wadajir ah u qorsheeyay, uguna guuleystay qalliin aad u adag oo dib-u-dhisid ah.

Qalliinkan oo socday 10 saacadood, laguna sameeyay mikroskoob, ayaa waxaa xubinta lagu dhisay unugyo laga soo qaaday gacanta, taasoo u sahashay bukaanka inuu dib u helo awooddii uu sida caadiga ah ugu kaadin lahaa.

Dr. A.V. Ravikumar ayaa sheegay in bukaanku uu haatan awood u leeyahay inuu si caadi ah u kaadiyo, halka Dr. Dasari Madhu Vinay Kumar uu isna xusay in bukaanku uu si buuxda u soo ceshaday dareenkii xubinta, isla markaana lagu rakibay qalab ka caawiya inuu kaco (penile implant), taasoo u saamaxaysa inuu nolol galmo oo caadi ah ku noolaado.

“Sannado badan, waxaan ahaa qof murugaysan, oo dareemaya inuusan dhammaystirnayn. Maanta, waxaan dib u helay sharaftaydii, kalsoonidaydii, iyo fursad aan nolol caadi ah ku noolaado,” ayuu yiri bukaanka oo magaciisa la qariyey.

Sidee Ayeey Shacabka Gaza uga fal-celiyey qorshaha loogu soo rarayo Soomaaliya?

Jimco 07, Feb 2025 {HMC} – Shacabka Gaza oo ka hadlay isku dayga la doonayo in loogu soo raro Soomaaliya ayaa wargeyska The Telegraph u sheegay in isku dayada lagaga saaraayo Marinka aysan “marnaba guuleysan doonin”.

Israa’iil ayaa xoojineysa qorshe ay dadka reer Gaza ugu dirayso Puntland, oo ah gobol iskiis isku maamula oo ka tirsan Soomaaliya, kaddib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay uu u rari doono goobo “aad uga ammaan badan, uguna qurux badan” Gaza.

Khamiistii, Israel Katz, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil, ayaa faray Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) inay isu diyaariyaan “Haajiridda ikhtiyaariga ah” ee Falastiiniyiinta Marinka Gaza, oo ay ku jiraan “qaban qaabooyin gaar ah” oo dhinaca badda iyo cirka ah.

“Ma garanayo sababta ay Soomaaliya iyo Marocco u doorteen, iyo in dalalkani ay oggolaadeen inaan Gaza ka soo qaxno, laakiin Israa’iil waxay damacsan tahay inay qabsato Gaza, ayna ballaariso, kana dhisto deegaanno ay Yuhuuddu degto,” ayuu yiri Axmed al-Hato, oo 50 jir ah, kuna nool magaalada Gaza.

“Dawlad Falastiiniyiin ah ayaan dhisan doonnaa, marnabana kama qaxayno Gaza.”

“Runtii, waan ka xumahay waxa aan sheegi doono,” ayay tiri Saamiya al-Faqawi, oo 27 jir ah, kuna nool Khaan Yuunis, laakiin “in Soomaaliya loo doorto dal aan dhulkeenna uga soo haajirno, magangalyana ka raadsanno waa wax lagu qoslo”.

Wuxuu Axmed yiri: “Soomaaliya waa dhul aad u sabool ah, waana dhul oomane ah… Waxaan kula talinayaa kuwa ka hadlaya barakicinteena inay fahmaan sida ay nolosheennu tahay, ayna ogaadaan inta aan jecelnahay Gaza, uguna xirannahay.”

Maxamed al-Batniji, oo 55 jir ah, kana soo barakacay magaalada Gaza, ayaa isna taageeray aragtida Trump ee ku saabsan quruxda iyo awoodda horumarineed ee xeebta Gaza.

“Sannad iyo bar ka hor waxaan ku noolaa guri cusub oo ka mid ah dhismayaasha dhaadheer ee casriga ah ee badda dhinaceeda ku yaalla, una dhow Corniche-ka iyo dekedda Gaza. Waa meel aad u qurux badan, degganna,” ayuu yiri. “Saacado badan ayaan badda dhinaceeda fadhiisan jiray, daaqaddaydana waan ka arki karay.”

Isagoo si toos ah ula hadlayay Trump, wuxuu yiri: “Yaan la dhihin waxaad isku dayaysaa inaad Gaza ka dhigto goob dalxiis oo ay dadka dibadda ka yimaadaan u soo dalxiis tagaan. Gaza-dan annagaa leh, cid kalena ugama tagayno.”

Will Brown, oo ah khabiir arrimaha Afrika ka faallooda oo ka tirsan Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda, ayaa sheegay in ka hadalka in boqolaal kun oo reer Gaza ah loo diro Soomaaliya ay tahay “wax aan caqligal ahayn”.

“Soomaaliya waa dawlad fashilantay oo ay aafeeyeen rabshadaha jihaad-doonka. Fikradda ah in dad aad u dhaawacan lagu daadiyo halkaas waa mid naxdin leh,” ayuu yiri.

Trump oo cunaqabatayn ku soo rogay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada

Jimco 07, Feb 2025 {HMC} Donald Trump ayaa eedayn u jeediyey Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), isagoo ku eedeeyay inay tallaabo sharci-darro ah ka oogeen Mareykanka iyo Israa’iil.

Wareegto uu soo saaray ayuu cunaqabateyn ku saaray maxkamadda, isagoo sheegay inay awooddeeda si qaldan u adeegsatay kaddib markii ay soo saartay waaranno lagu soo xidhayo Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, iyo wasiirkiisii hore ee difaaca.

Cunaqabteynta ayaa waxay isugu jirtaa xayiraad dhaqaale iyo fiisooyinka shakhsiyaadka iyo qoysaskooda ee ka caawiya baaritaannada ICC ee ka dhanka ah muwaadiniinta Mareykanka ama xulafadiisa.

Trump ayaa saxiixay tallaabadan xilli uu ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu booqanayay Washington.

Bishii November ee la soo dhaafay, ICC ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo Netanyahu oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ka dhacay Gaza, taasoo Israel ay beenisay. Maxkamada ICC ayaa sidoo kale soo saartay amar lagu dalbanayo soo xiridda taliye ka tirsan Xamaas.

Netherland oo iyadu marti galisay maxkamada ayaa sheegtay in ay ka xuntahay amarka Trump.

“Shaqada maxkamaddu waa lama huraan xagga la dagaalanka isla xisaabtan la’aanta,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Holland Caspar Voldkamp.