Home Blog Page 1257

Federal government accuses Jubbaland leader Ahmed Madobe of instigating conflict in Bardhere.

0

Thursday 6,Febr, 2025 {HMC} Somali federal government has blamed Jubbaland President Ahmed Madobe for the heavy fighting that occurred in Bardhere district, Gedo region, on Wednesday, which led to multiple casualties, including the death of the district commissioner Mohamed Ilyas Caagane.

In a statement released by the Ministry of Internal Security, the federal government accused Madobe of organizing the forces responsible for the violent confrontation.

“Earlier this morning, security forces succeeded in preventing a group of troublemakers organized by Ahmed Madobe who were planning to carry out insecurity activities in the district of Bardhere,” the ministry said.

The statement further accused Madobe of engaging in illegal activities that threaten national stability and disrupt regional peace.
“Jubbaland President Ahmed Madobe is busy organizing illegal activities and harassing the Somali people. We remain committed to combating groups that we consider spoilers and are responsible for undermining peace and development,” the ministry added.

The deadly clash erupted at the district headquarters and other key administrative buildings after Jubbaland forces had peacefully taken control of the area on Tuesday, following the withdrawal of federal forces.

The battle resulted in multiple casualties among officers and soldiers, though the exact death toll remains unknown, according to local residents. The conflict underscores the ongoing power struggle between the federal government and the Jubbaland administration over control of Gedo, a region that has long been a flashpoint for political disputes.

Source Hiiraan online 

Maxeey Yihiin Waxa uu Sameeyay Madaxweeynaha kenya oo aay Ku Farxeen Soomaalida?

0

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto , ayaa sameeyay ballanqaad aad ugu farxeen Soomaalida kunool dalka Kenya, kaddib hadal uu Madaxweynaha ka jeediyay magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya.

William Ruto ayaa sheegay in xukuumadiisu ay joojin doonto baaritaanka adag ee lagu sameeyo dadka doonaya inay qaataan kaarka aqoonsiga muwaadinnimada Kenya, taa oo dhibaato badan ku qabeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kenyaka ah.

Madaxweynaha dalka Kenya ,ayaa sidoo kale ballanqaaday in shucuubta Soomaaliyeed ee ku nool agagaarka Xuduuddaha Kenya ay hadda ka dib si fudud u heli doonaan adeegyada dawladda muhiimka ah ee dowladda bixiso.

Dadka doonaya in ay qaataan kaarka aqoonsiga ee muwaadinnimada Kenya ayaa mara nidaamka baaritaanka dadka, waxa uuna nidaamkan jiray muddo 60 sanno gaaraysa, arrintaasoo Soomaalida Kenya iyo xildhibaannada ay aad u dhaliili jireen, ayadoo doonayey in wax laga beddelo.

Golaha Wasiirada oo Bogaadiyay Ciidamada Puntland ee Dagaalka lagalay Daacish

0

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC}  Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda  Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Golaha ayaa go’aamiyey in hey’addaha dowladda ay mid walba qaadato doorkeeda waxtarka ah ee kaga aaddan garab istaagga ciidamada iyo shacabka Puntland ee dagaalka kula jira cadowga.

Ciidamada Puntland ayaa guulo wax ku ool ah ka gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish , waxa ayna Puntland la wareegeen dhul buuraley ah oo horey kooxda Daacish saldhigyo uga dhigteen.

Hadalkan kasoo yeeray Xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli uusan wax xiriir ah ka dhaxeyn dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, lamana oga sida Puntland u aqbali doonto taageerada dowladda u fidineyso.

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Dagaalada ka socda Puntland?.

0

Khamiis, 06 Feb 2025{HMC} Maxaa kasoo kordhay Dagaalada ka socda Puntland?.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Dagaalada ka socda Puntland?.

0

Khamiis, 06 Feb 2025{HMC} Maxaa kasoo kordhay Dagaalada ka socda Puntland?.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maamulka Jubbaland oo Dowladda Ku Eedeyay Dagaalka Baardheere

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Jubbaland ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo kooxdiisa ay mas’uul ka yihiin dagaalkii lagu Soo qaaday 5-tii February 2025 Maamulka iyo Shacabka Degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkaas ayaa sababay khasaare nafeed, dhaawacyo, iyo burbur hantiyeed, iyadoo maamulka Jubbaland ay ku Canbaareysay kooxdaas inay maslaxadooda siyaasadeed ku xalaaleeyeen dhiigga shacabka.

Wasaaradda ayaa sido kale ka digtay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay rabaa in markale ay dhiig ku daadiyaan dagmooyinka Belad-xaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.

{DAAWO MUUQAALKA} Kenya oo dagaal ka dhan ah AS ku dhawaaqday.

0

Khamiis, 06 Feb 2025{HMC} Kenya oo dagaal ka dhan ah AS kaga dhawaaqday gobalka Waqooyi Baria

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.02.2025}

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Falcelino Calami ah oo Ka Dhalatay Soo jeedinti Trump ee Gaza

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} WASHINGTON — Xulafada Mareykanka iyo kuwa ka soo horjeeda ayaa Arbacadii si isku mid ah u cambaareeyay soo jeedinta Madaxweyne Donald Trump ee ah in Mareykanka uu la wareego lahaanshaha Marinka Gaza.

Trump ayaa sidoo kale Talaadadi soo jeediyay in dad ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin ah loo raro qaar ka mid ah dalalka Carabta, kaddibna Gaza loo rogo magaalo xeebeed ku taalla Bariga Dhexe oo loo tamashla tago.

Britain, Shiinaha, Jarmalka, Ireland, Ruushka iyo Spain ayaa dhamaantood sheegay inay sii wadayaan taageerada ay u hayaan xal laba dawladood ah, oo micnaheedu yahay in la abuuro dowlad madax bannaan oo ay leeyihiin dadka reer Falastiin oo ay ku jiraan Gaza iyo dhulka ay Isra’il heysato ee Daanta Galbeed.

Hindisaha laba dowladood oo deris ah, Isra’il iyo Falastiin ayaa looga danleeyahay in lagu soo dhameeyo colaadda u dhaxeysa Isra’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ee soo socotay tobannaanka sanno. Soo jeedintaasi ayaana muddo dheer gundhig u ahayd siyaasadda Maraykanka ee gobolka, in kasta oo xukuumadda Netanyahu ay ka soo horjeedo.

Sacuudiga oo ka mid ah saaxibbada ugu muhiimsan Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa si cad u sheegay, in aysan marnaba ka leexaneyn mowqfikooda iyo baaqoodii ahaa helitaanka dowlad madax bannaan oo Falastiin ay leedahay.

Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa isna yiri “Mowqifka Australia waa sidii uu ahaa saaka, sidii uu ahaa sanadkii hore, iyo sidii uu ahaa 10 sano ka hor.

Maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, Xamaas, Masar, Turkeye iyo Qaramada Midoobay ayaa iyaguna diiday soo jeedinta Trump ee Gaza.

Gudaha Mareykanka siyaasiyiinta, labada xisbi ayaa qaarna kasoo horjeestay qaar kalana fikirkaan ku taageeray madaxweyne Donald Trump.

QM: Ku dhawaad 3,000 oo meydad ah ayaa laga helay Goma

Khamiis 6, Feb 2025 {HMC} GOMA — Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ee Congo ayaa Arbacadi shalay sheegay, in ku dhawaad 3,000 oo qof lagu dilay dagaalki dhawaan ka dhacay magaalada Goma ee bariga dalkaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay fallaagada ay taageerto Rwanda ee M23 iyo ciidanka millatariga Congo. Waxana uu marki hore ka billowday hareeraha Goma oo ku taalla gobolka macdanta hodonka ka ah ee Kivu.

Vivian van de Perre, ku xigeenka madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Goma, ayaa iyada oo wariyaasha kula hadleysa muuqaalka tooska ah ee fogaan aragga sheegtay, in xubnaha Qaramada Midoobay ee Goma ay si firfircoon uga caawinayaan M23, soo ururinta meydadka wali yaalla waddooyinka.

Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la helay ilaa 2,000 halka meydadka 900 oo kale ay ku jiraan filinjeerrada isbitaallada.

Dowladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa ku eedeysay Rwanda in ay tageero buuxdo siiso jabhadda M23 , hase yeeshee Rwanda ayaa ku gacan seyrtay arrintaasi.