Home Blog Page 1258

Clash Between FGS and Jubaland Forces in Baardheere

Wednesday, 05-02-2025 {HMC} A clash in the city of Baardheere earlier today resulted in the deaths of two people and left 16 others injured. The situation has led to a sense of calm in the city this evening.

The conflict is between forces loyal to the Federal Government of Somalia and those supporting the Jubaland administration. According to the Somali government, they have seized weapons and prisoners of war from the battle and currently control the city.

This fighting comes at a time when Baardheere is already facing significant hardship. The city has been struggling with a major infrastructure issue, as the main bridge, which serves as the vital link for people, vehicles, and livestock, has been out of service for more than a year. This has severely impacted the daily lives and economy of the residents.

Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorrax, the Mayor of Baardheere from the government’s side, to inquire about the situation in the city following the conflict. Ismaaciil confirmed that the situation in the city has now stabilized, despite the previous challenges.

The conflict and the ongoing issues in Baardheere highlight broader security and economic problems faced in some parts of Somalia, particularly with the political tensions between the Federal Government and regional states.

The situation in Baardheere remains tense, and there is potential for further clashes, depending on the political climate in Somalia.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05.02.2025}

Arbaco 4, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Zahro Gabre 

Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Dowladda Federaalka iyo Jubaland oo isku haya gacan ku haynta Maamulka Baardheere

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Ugu yaraan labo qof ayaa ku dhintay dhawr iyo toban kalena way ku dhaawacmeen dagaal saaka ku dhexmaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ciidamada dawladda federaalka iyo ciidamo taabacsan dawlad goboleedka Jubbaland.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii shalay ciidamada Jubaland ay qabsadeen xarunta maamulka degmada taas oo ka caraysiisay maamulka degmada ee Dawladda Federaalka.

Ciidamada Dawladda Federaalka iyo maamulka degmada ee ay aqoonsantahay ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya magaalada iyo xarumaha maamulka sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Baardheere ee Dawladda Federaalka Ismaaciil sheekh Cabdi Qorax (Koofi).

Boqorka Urdun oo si adag u diiday isku day kasta oo lagu barakicinayo Falastiiniyiinta Qaza

0

Arbaco 05-02-2025 {HMC} Iyadoo falcelinta caalamiga ah ee hadalkii Trump ee ku saabsan la wareegidda Marinka Gaza ay sii socoto, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Boqorka Jordan, Boqor Abudullaha lI.

Bayaan ay soo saartay Maxkamadda Hashimiye ee boqortooyada Urdun, isla markaana dusha kala socota howlaha rasmiga ah ee Boqor Abudullah II, ayaa lagu sheegay in taleefoonka ay kuwada hadleen Boqorka iyo Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

“Boqorka ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la joojiyo hawlaha deegaameeynta, isagoo muujiyay sida uu diidanyahay isku day kasta oo lagula wareegayo dhulka iyo barakicintaFalastiiniyiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Boqorka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in la kordhiyo dadaallada caalamiga ah ee lagu ilaalinayo xabad joojinta lana kordhiyo gurmadka bini’aadantinimo ee deegaanka.

Dalka Nigeria 17 arday oo ku dhintay Dab ka kacay iskuul

0

Arbaco 05-02-2025 {HMC} — Ugu yaraan 17 caruur ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen dab ka kacay iskuul ku yaala waqooyi galbeed dalka Nigeria.

Dabka ayaa xalay fiidkii ka kacay Iskuul Islaami ah oo ku yaala Kauran Namoda, waxaana dabku uu qabsaday ardaydii joogtay gudaha iskuulka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhowr qof oo kale ay soo gaareen dhaawacyo waxaana loo qaaday xarumaha caafimaadka ee deegaanka si loogu daweeyo.

Waxaa la rumeysan yahay in dabku uu ka kacay guri u dhowaa habeenimadii Talaadada, uuna ku fiday iskuulka xilli ay hurdayeen caruurta oo la rumeysan yahay in ay ahaayeen dhalinyaro.

Maamulka deegaanka iyo kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa loo diray goobta uu dabku ka kacay, balse dabka ayaa durba dhaliyay qasaare lixaad leh.

Mannir Haidara oo ah sarkaal maxalli ah ayaa sheegay in la baari doono dugsiyada kale ee Islaamiga ah si loo hubiyo in aysan ka jirin khatar dabka ah.

{DAAWO SAWIRADA} Puntland oo Sheegtay in ay Dileen 57 Xubnood oo ka tirsanaa Daacish.

0

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Ciidamada Puntland ayaa soo bandhigay meydadka 57 xubnood, oo ka tirsan kooxda Daacish, kuwaas oo badankoodu yihiin ajaanib lagu dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Calmiskaad, gaar ahaan aagga Togajaceel.

Xubnaha ayaa la dilay kadib howlgallo dhulka iyo cirka ah oo dhacay Maanta, iyadoo sidoo kale la qabtay hub iyo qalab kale oo muhiim ah, oo ay kooxda Daacish lahayd, waxaana Ciidamada ay kusii siqayaan goobihii ugu dambeeyay ee Cal-Miskaad.

wararka lagahelaayo deegaanada laga sameeyay Howlgalada ayaa waxaa  ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhul muhiim ah oo horey ugu sugnayd kooxda Daacish.

Dagaalka ayaa waxaa ku jira Argagaxiso ajaaniib ah, oo ka kala yimid dalal kala duwan, taasoo muujinaysa in kooxda Daacish ay u doonaysay inay gabaad ka dhigato Puntland, maadama Bariga Dhexe looga soo adkaadey.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah. Guulahaas ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallada amni ee Puntland.

Talaabooyinka ciidamada Puntland ee ka dhanka ah Daacish ayaa ah kuwo lagu xaqiijinayo amniga iyo ilaalinta nabadgalyada deegaanada Puntland.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhiira Galiyey Asad Xaajiyoow.

0

Arbaco, 05 Feb 2025{HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhiira Galiyey Asad Xaajiyoow.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow.

Muqdisho,05 Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan soo dhaweyn ah ugu fidiyey Madaxtooyada Qaranka Hal-abuure Asad Xaajiyow ayaa ku dhiirri geliyey go’aanka geesinimada leh ee uu ku wajahay dhibaatada ay u geysteen argagixisada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Asad Xaajiyow uu tusaale u yahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee adkaysiga iyo geesinimada kaga gudbay dhibaatada iyo waxyeellada ay argagixisada u geysteen dadka Soomaaliyeed.

“Asad kuma niyad jabin weerarkii naxariis darrada ahaa ee argagixisada Al-Shabaab ay dhowr iyo toban sano ka hor isku dayeen in ay ku dilaan, kaas oo keenay in uu naafo noqdo. Inkastoo uu la kulmay dhaawac halis ah oo naafo ka dhigay haddana maanta waxa uu dalkiisa ku soo laabtay isagoo xambaarsan himilo iyo hiigsi ku aaddan horomurka dalkiisa iyo dadkiisa”.

Munaasabadda kaddib, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf ayaa guddoonsiiyey Asad Xaajiyow Billadda Adkaysiga Soomaaliyeed, taas oo ah abaalmarin la siinayo muwaadiniinta muujiyey geesinimo, dulqaad, iyo adeeg bulsho oo qiimo leh.


DHAMMAAD

{DAAWO MUQAALKA} Turkiga oo sanad ku kordhiyay howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya

0

Arbaco, 05 Feb 2025{HMC} Turkiga oo sanad ku kordhiyay howlgalka ciidamada Turkiga ee gacanka Cadan iyo Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxay yahiin Labada qodob ee dhibaatada ku hayso Bulshada ku Nool Biyo quron ee Gobolka Hiiraan.?

0

Arbaco, 05 Feb 2025{HMC} Maxay yahiin Labada qodob ee dhibaatada ku hayso Bulshada ku Nool Biyo quron ee Gobolka Hiiraan.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA