Home Blog Page 126

New Army, New Command: Ibrahim Mohamed Mahmoud Takes Office.

0

Wed 4 Feb 2026 {HMC} Somalia’s new army chief, Lieutenant General Ibrahim Mohamed Mahmoud, has officially started his role, succeeding Major General Odawa Yusuf Rage in a handover ceremony in the capital, Mogadishu, on Wednesday.

Prime Minister Hamza Abdi Barre, who oversaw the handing-over event, praised the outgoing head of the Somali National Army for his dedicated service and achievements, while urging the new commander to continue ”modernising and strengthening” the army.

PM Barre congratulated the armed forces on their successes in the ongoing fight against armed groups, including terrorists, noting that territories previously held by terrorists have been reclaimed by the military.

The ceremony was attended by senior security officials, including Defence Minister Ahmed Moallim Fiqi, Internal Security Minister Abdullahi Sheikh, and a delegation of ambassadors, led by Turkish Ambassador to Somalia Alper Aktas.

Madaxweyne Xasan oo Faray Hay’adda Dowladda in ay shaqada u weeciyaan Gurmadka dadka ay Saameysay Abaarta.

0

Arbaco 4 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday Xarunta gurmadka deg deg ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, halkaasi oo uu ugu kuur galay hawlaha gurmadka degdega ah ayaa faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay mudnaanta koowaad siiyaan gurmadka abaaraha.

Madaxweynaha ayaa warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta dalka ka dhageystay howl-wadeenada Hay’adda, kuwaasi oo soo bandhigay deegaanada ugu daran ee abaartu saamaysay, barakaca, nabaad guurka deeegaanka iyo qasaaraha nafeed ee ka dhashay, iyaga oo tilmaamay in abaartu gaartay heer halis ah oo laga cabsi qabo in ay isku beddesho macluul.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay dhammaan mas’uuliyiinta, ganacsatada Soomaaliyeed, hay’adaha samafalka iyo saaxiibada caalamiga ah in loo midoobo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee wajahaya duruufaha nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ku dhufatay, si looga hortago saamaynta Beni-aadannimo ee ka dhalankarta.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray hay’adaha Maaliyadda dalka in canshuuraha laga dhaafo, deeqaha iyo dhammaan adeegyada loogu talagalay gurmadka abaaraha ee dalka soo galaya, si loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo shacabka tabaalaysan.

{DAAWO MUUQAALKA} Ehlada Marxuumad Saabiriin oo Xaqiijiyey in la Qisaasay Hodan.

0

Arbaco 4 Feb 2026 {HMC} Ehlada Marxuumad Saabiriin oo Xaqiijiyey in la Qisaasay Hodan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Soomaaliya oo Xaqiijisay in loo keenay diyaaradaha F16.

0

Arbaco 4 Feb 2026 {HMC}   Soomaaliya oo Xaqiijisay in loo keenay diyaaradaha F16.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Yaa ku Guuleeystay Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul iinsaanka.?

0

Arbaco 4 Feb 2026 {HMC Yaa ku Guuleeystay Gudoomiyaha Gudiga Xuquuqul iinsaanka.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka oo si rasmi ah xilka ula Wareegay.

0

Arbaco 4 Feb 2026 {HMC} Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Taliyaha CXDS, kaddib munaasabad xil wareejin ah oo ka dhacday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Xil wareejinta ayaa u dhexeysay Taliyihii hore Janaraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha cusub Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u kala wareejiyay xilka labada taliye, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay hoggaan milatari oo mideysan, firfircoon, kana go’an ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Taliyaha cusub uu yahay sarkaal waayo-aragnimo dheer u leh Ciidanka Xoogga Dalka, kana soo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah, taas oo la filayo inay horseeddo dardar cusub oo ku aaddan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Munaasabadda xil wareejinta waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, saraakiil ciidan oo sare, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Dhanka amniga, waxaa si weyn loo adkeeyay sugidda amniga xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo waddooyinka soo gala, iyadoo ciidamo badan lagu daadiyay goobaha muhiimka ah si loo xaqiijiyo badqabka masuuliyiinta ka qeyb galeysay munaasabadda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 29-kii Janaayo 2026 si rasmi ah u magacowday Janaraal Ibraahim Maxamed Maxamuud inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, halka xilka laga qaaday Janaraal Odowaa Yuusuf Raage.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo hoggaanka ciidanka, looguna diyaar garoobayo wejiyada cusub ee dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Oo markii ugu horeysay u jawaabay Trump.

0

Arbaco 4 Feb 2026 {HMC} Abiy Axmed wuxuu mar kale ka hadlay arrinta biyo xireenka weyn ee Itoobiya, wuxuuna ku celiyey in aysan jirin wax deyn ah ama kaalmo ah oo ay ka heleen dhinacna intuu lagu guda jiray dhismaha biyo xireenka.

“Waa mashruuc ku suuragalay go’aankii geesiyaasha Itoobiyaanka ahaa, iyo dadaalka ay muujiyeen dadka reer Itoobiya gudaha iyo dibaddaba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo carrabka ku dhuftay in aan wax deyn ah ama gargaar ah lagu qaadan dhismaha biyo xireenka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku celceliyay dhawaan in dalkiisu uu maalgeliyey dhismaha biyo xireenka Grand Renaissance Dam (GERD), jawaabta Ra’iisul Wasaare Abiy-na waxay daba socotaa arrintaas.

“Itoobiya ma aysan amaahan xitaa hal doollar si ay u dhisto biyo-xireenka,” ayuu yiri Abiy.

Marka la eego biyo-xireenka Nile ee 14-sano jirka ah oo Itoobiya ay xarigga ka jartay sannadkii hore, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa marar badan sheegay in Itoobiya ay ku dhistay lacag Mareykanku leeyahay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay Xildhibaanada Baarlamaanka in aysan joogsan ka shaqeynta Mashaariicda waaweyn ee Itoobiya; Waxa uu sidoo kale sheegay in la bilaabay dhismaha mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee ugu waaweyn Afrika.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo maanta la hadlayey baarlamaanka dalkiisa ayaa mar kale meel adag iska taagay doonista dalkiisa inuu boos ku yeesho badda cas.

Wuxuu yiri “Waa arrin ka soo horjeedda xeerarka dabiiciga ah in loo maleeyo in Itoobiya aysan bad rabin”, wuxuuna intaa ku daray in badda cas ay muhiim u tahay Itoobiya.

“Itoobiya iyo badda cas lama kala reebi karo” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in Itoobiya aysan doonayn inay xoog ku hesho marin ay u marto badda cas.

Dhanka kale, wuxuu arrinta badda cas la barbar dhigay sida ay Israa’iil u koontaroosho guuraleyda Golan Heights oo ay u aragto arrin amnigeeda ku xiran.

Wuxuu sheegay in Israa’iil ay Golan Heights u qabsatay sababo la xiriira walaac xagga amniga ah, Itoobiyana ay danteeda qaranka ku xiran tahay badda cas. “Itoobiya ma doonayso inay xaabbad riddo si ay taas u gaarto” ayuu yiri.

 

Maryan Qaasin oo ku guuleysatay guddoonka Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

0

Arbaco 4 Feb 2026 {HMC} War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Dr. Maryan Qaasin Axmed loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Tirada codadka guud ee la dhiibtay ayaa ahaa 9 xubnood oo codeeyay. Waxaa ay Maryam heshay codad dhan shan cod.

Cumar Cabdalle Calasoow oo isna la tartamayay ayaa waxaa uu helay afar cod.

Sidaas awgeed ayay Maryan ugu guuleystay guddoonka guddoonka Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

“Waa howl culus oo la ii saarayaxaan, waxaan Ilaahay ka codsanayaa inuu ii fududeeyo xilkan culus”, ayay tiri Maryan

“Xataa ma garanayo dadka ii codeeyay oo wax olole ah ma seyn”, ayay intaas raacisay.

Faahfaahin ka soo baxaysa tahriibayaal ku dhintay badda Giriigga.

0

Arbaco 4 Feb 2026 {HMC} Ilaalada xeebaha Giriiga ayaa sheegaya in ugu yaraan afar iyo toban muhaajiriin ah ay ku dhinteen shil ka dhacay jasiiradda Chios ee Badda Aegean-ka. Ugu yaraan laba sarkaal oo ilaalada xeebaha ah iyo labaatan iyo shan muhaajiriin ah ayaa dhaawacmay.

Waxaa loo wareejiyay isbitaal ku yaal Chios. Ilaalada xeebaha ayaa sheegaya in doontii muhaajiriinta ay ku dhacday markabkooda iyadoo lagu amray inay dib u laabtaan.

Ilaalada xeebaha Giriiga iyo ciidamada cirka ayaa raadinaya muhaajiriin loo malaynayo inay maqan yihiin. Dhalashadooda lama caddeyn laakiin Giriiggu waa albaab ay jecel yihiin muhaajiriinta iyo qaxootiga ka imanaya Bariga Dhexe, Afrika iyo Aasiya si ay u gaaraan dalalka Yurub.