Home Blog Page 1260

Maxaa Kasoo Kordhay Dagaalka Degmada Baardheere?

0

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC}  Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamo ka ammar qaata dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland , ayaa saakay ka qarxay qeybo kamid ah degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas ay isku hayaan labada dhinac gacan ku heynteeda.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa ka qarxay aagga xarunta degmada Baardheere, waxa ayna labada ciidan oo hubka nuucyadiisa kala duwan adeegsanayay isku hayeen gacan ku heynta xarunta degmada oo labo maalin kahor la wareegeen maamulka Jubbaland.

Dagaalka ka qarxay degmada Baardhaare ayaa dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamay, waxaa sidoo kale lasoo tabinayaa in ay jiraan khasaarooyin dagaalka kasoo gaaray dad shacab ah.

Dadka dagaalka ka socda Baardheere ku dhintay saakay waxaa kamid ah Maxamed Ilyaas Caagane oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ay dhowaan dowladda Soomaaliya u magacowday maamulka degmada Baardheere, waxa uuna ahaa ninkan guddoomiyaha Arrimaha Bulshada ee degmadaasi.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, ayaan wali war rasmi ah kasoo saarin dagaalka saakay ka qarxay degmada Baardhaare, waxaana la filayaa in dhinacyadan hadlaan uuna midbo kan kale ku eedeeyo dagaalka iyo masuuliyadiisa.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee taabacsan iyo kuwa maamulka Jubbaland oo siyaasad ahaan iska soo horjeeda ayaa horey ugu dagaallamay deegaanno katirsan Jubbooyinka iyo sidoo kale degmada Doolow, waxa uuna hadda dagaalka soo gaaray degmada Baardheere.

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Mahdi ” Qaraxyada Muqdisho lasoo galin jiray Ganacsatada ayaa Bixi jiray Lacagta”

0

Arbaco, 05 Feb 2025{HMC} Taliye Mahdi ” Qaraxyada Muqdisho lasoo galin jiray Ganacsatada ayaa Bixi jiray Lacagta”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Faahfaahin ka soo baxaysa toogasho ka dhacday Sweden iyo tirada dhimashada oo korortay

0

Arbaco, 05 Feb 2025{HMC} Faahfaahin ka soo baxaysa toogasho ka dhacday Sweden iyo tirada dhimashada oo korortay

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} WARAYSI Gudoomiyaha Cusub kubada Cagta Gobolka Hiiran oo Ka Hadlay Arrimo Badan oo Ka taagan Gobolka

0

Arbaco, 05 Feb 2025{HMC} WARAYSI Gudoomiyaha Cusub kubada Cagta Gobolka Hiiran oo Ka Hadlay Arrimo Badan oo Ka taagan Gobolka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Mas’uul ay magacowday DF oo lagu dilay dagaalka Baardheere

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo saaka ka qarxay gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo ah mid xoogan uu ka socdo bartamaha magaalada, gaar ahaan xarunta degmada oo ay isku hayaan labada dhinac.

Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa jiro, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dadka dhintay waxaa kamid ah Maxamed Ilyaas Caagane oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ay dhowaan dowladda Soomaaliya u magacowday maamulka degmada Baardheere, wuxuuna ahaa madaxda arrimaha bulshada ee degmadaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhinacyadu ay helayaan ciidamo gurmadyo ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere.

Shalay ayay ahayd markii ay Jubbaland sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta xarunta degmada Baardheere, laakiin waxaa saaka dib u qarxay dagaal culus oo dhex-maraya Daraawiishta maamulkaasi iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Ciidamada Puntland oo saakay afar jiho ka weeraray togga Jaceel

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Ciidamada difaaca Puntland oo sii wada hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar dhawr jiho ah ku qaaday degaannada ay weli kooxda Daacish kaga harsan yihiin togga Jeceel.

Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo ku qalabaysan hubka culus ayaa saaka ilaa afar jiho ka weeraray mileeshiyaadka Daacish oo ku dhuumanaya dusha sare ee togga Jeceel, kaddib markii shalay ciidamadu ka qabsadeen difaacii adkaa ee Dharin.

Dhinaca kale, duqeymo diyaaradeed ayaa xalay laga maqlay dusha sare ee togga Jeceel oo ay ku dhuumanayaan dagaallamayaashii Daacish ee ka firxaday dagaalkii ugu adkaa ee shalay ka dhacay toggaasi, kaasi oo socday tan iyo fiidnimadii xalay, islamarkaana ciidamada dowladdu kula wareegeen dhammaan goobihii lagu dagaallamay.

War kooban oo ka soo baxay ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaanna hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ayaa lagu sheegay in duqeyntii xalay lagu dilay ilaa 15 xubnood oo ajaanib ah, balse lama xusin cidda fulisay.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay Masuuliyiin ku dhintay Dagaalkii Baardheere

0

Arbaco, 05 Feb 2025{HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay Masuuliyiin ku dhintay Dagaalkii Baardheere

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu dambeeyey dagaalo Culus Oo ka socda gobolka Bari.

0

Arbaco, 05 Feb 2025{HMC} Wararkii Ugu dambeeyey dagaalo Culus Oo ka socda gobolka Bari.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal Culus oo ka socda Degmada Baardheere.

0

Arbaco, 05 Feb 2025{HMC} FAAH FAAHIN Dagaal Culus oo ka socda Degmada Baardheere.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Rajada ay qabaan shacabka Gobolka waqooyi Bari kadib Socdaalka Madaxweyne Ruto.?

0

Arbaco, 05 Feb 2025{HMC} Maxay tahay Rajada ay qabaan shacabka Gobolka waqooyi Bari kadib Socdaalka Madaxweyne Ruto.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA