Home Blog Page 1261

Dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo ka qarxay Gobolka GEDO.

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamo kala taabacsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland uu ka socdo degmada Baardheere ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa goordhow ka qarxay bartamaha magaalada, waxaana labada ciidan ay isku hayaan gacan ku heynta degmadaasi.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dhawaqa rasaasta si xooggan looga maqlayo magaalada, isla markaana dagaalka uu yahay mid culus oo ay dhinacyo isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada ciidan iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaartay dagaalka ka qarxay halkaasi.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dhinacyo ay helayaan ciidamo gurmadyo ah, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalkan ayaa ka dhashay muran sababay gacan ku haynta degmada oo ay isku hayaan dowladda dhexe iyo Jubbaland oo maamulo iska soo horjeedo u magacaabay Baardheere.

Shalay ayay ahayd markii ay Jubbaland sheegtay inay la wareegtay gacan ku heynta xarunta degmada Baardheere, laakiin waxaa saaka dib u qarxay dagaal culus oo dhex-maraya Daraawiishta maamulkaasi iyo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi.

Toogashadi ugu khasaaraha badneyd oo shalay ka dhacday Sweden

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Ugu yaraan 10 qof, oo uu ku jiro ninkii weerarka geystay ayaa Talaadadii ku dhintay, kaddib weerar lagu qaaday xarun wax lagu baro dadka waaweyn oo ku taalla magaalada Orebro ee dalka Sweden.

Ra’iisul wasaaraha Sweden ayaa weerarkaasi ku tilmaamay toogashadi ugu khasaaraha badneyd ee abid ka dhacdo dalaasi dhaca waqooyiga Yurub.

Toogashada ayaa ka dhacday dugsi ku yaalla magaalada Orebro oo qiyaasti 200 kiiloomitir dhanka galbeed ka xigta Stockholm, sidaasi waxaa xaqiijiyay Ra’iisulwasaare Ulf Krister-sson.

Dugsiga, oo lagu magacaabo Campus Risbergska, wuxuu u adeegaa ardayda da’doodu ka weyn tahay 20 jir, sida ku cad shabakadiiisa, waxaana laga bixiyaa koorsooyin dugsi hoose iyo sare ah, sidoo kale waxaa la bixiyaa xiisado iswiidhish ah oo loogu talagalay dadka dalka u soo guuray, tababar xirfadeed iyo barnaamijyo loogu talagalay dadka garaadka naafada ka ah.

Wali lama shaacin sababta ka danbeysa weerarka iyo faah-faahin dheeri ah oo ku saabsan qofka weerarka geystay.

Madaxweyne Trump oo soo jeediyay in Mareykanka uu la wareego Gaza

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Madaxweyne Donald Trump ayaa Talaadadi shalay soo jeediyay in Mareykanka inuu “la wareego” marinka Gaza, isla markaana shacabka Gaza dib u dajin loogu raro meel ka baxsan marinka.

Trump ayaa hadalkaan ka jeediyay xilli uu Aqalka Cad shalay ku martigeliyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo noqday hogaamiyihi u horreeyay oo Ajnabi ahi oo uu Trump ku casuumo Washington tan iyo mmarki uu dib ugu soo laabtay xafiiska muddo xileedkiisa labaad.

Trump ayaa sidoo kale laba jibaaray baaqiisii ahaa in Falastiiniyiinta ay ka guuraan dhulka uu dagaalku ka socdo, una gudbaan dalalka Bariga Dhexe, sida Masar iyo Urdun, inkastoo Falastiiniyiinta iyo labada waddanba ay si cad u diideen soo jeedintiisa.

“Waxay ila tahay in ay helaan dhul wanaagsan, cusub oo qurux badan. Waxaan heli doonnaa dad lacago ku bixiya si loo dhiso oo loo quxiyo loogana dhigo meel dagi karo isla markaana guryo ah.” Ayuu Trump u sheegay wariyaasha.

Mar uu ka hadlayay duminta Gaza, ayuu yiri: “Waqtil xaadikaan, ma heystaan ikhtiyaar. Maxay sameyn doonaan? Waxay ku laaban doonaan Gaza, laakin waa tee Gaza? Ma jiro dhisme halkaa ka taagan? ayuu yiri.

Trump wuxuu sheegay in Maraykanku uu ka takhalusi doono bambooyinka an weli qarxin simi doono goobta, dhaqaajin doono dhismayaasha burburay, isla markana abuuri doono horumar dhaqaale oo siin doona shaqooyin iyo guryo aan xadidineyn dadka degaanka

Trump ayaa arrintan markii ugu horeysay soo jeediyay bishii Janaayo, isaga oo sheegay in uu doonayo in Jordan iyo Masar ay qaataan barokacayaal badan oo Falastiiniyiin ah taas oo qayb ka ah dadaalka lagu “nadiifinayo” Gaza.

Hase yeeshee, Masar, Urdun, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Qatar, Maamulka Falastiin iyo Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u soo saaray horraantii bishan bayaan ay ku diidan yihiin qorshe kasta oo Falastiiniyiinta looga raro dhulkooda Gaza iyo Daanta Galbeed ee la haysto.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {05.02.2025}

Arbaco 5, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04.02.2025}

Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble

Farsamadii :::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 4-02-2025.

0

Talaado, 04 Feb 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Maxeey ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS iyo Safiirka Indonesia.?

0

Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Indonesia, isaga oo halkaas ku sagootiyay maadaama muddo xileedkiisa shaqo uu ka idlaaday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Safiirka Indonesia ku bogaadiyay shaqadiisii taas oo ah muddo xileedkiisa shaqo ee loo igmaday uu ka dhammaaday.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Safiirka kaalintiisa xoojinta xiriirka labo geesoodka, isaga oo guul u rajeeyay hiigsigiisa mustaqbaleed, carabaabayna rajadiisa in kobac hor leh uu sameeyo xiriirka labada dal.

Dowlada Soomaaliya iyo Indonesia ayaa leh xiriir wada shaqeyn oo mudda soo jiray, mid Diblumaasiyadeed iyo dhinacyada amniga ee labada dal.

 

MD Xasan Shiiq oo Saxiixay Xeerka Shaqaalaha Soomaaliya

0

Talaado 4, Feb 2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Xeerka Shaqada Soomaaliya oo ay soo gudbisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, kaasoo horey ay usoo ansixiyeen labada Golle ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xeerkani wuxuu muhiim u yahay in la xaqiijiyo xuquuqda shaqaalaha iyo in loo abuuro jawi shaqo oo cadaalad ah, kaas oo ku saleysan mabda’a sinnaanta iyo xorriyadda shaqaalaha.
Waxaa sidoo kale diiradda lagu saarayaa in shaqaalaha Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin goobaha shaqada iyadoo la ilaalinayo danta guud iyo horumarka dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, Mudane Yusuf Mohamed Adan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS saxiixa sharciga xeerka shaqada Soomaaliya, kaas oo markii ugu horreysay 52 sano ka dib wax ka beddel iyo casriyeyn lagu sameeyay.

Xeerkani wuxuu la jaanqaadayaa hannaanka dawlad dhiska, ganacsiga xorta ah ee dalka ka hanaqaaday iyo xaqsiinta shaqaalaha si waafaqsan Diinteena suubban iyo xeerarka caalamiga ah ee shaqaalaha.

Elon Musk oo sheegay in uu Trump kala Hadlay Sidii Hayadda USAID loo Xiri lahaa

0

Talaado 4, Feb 2025 {HMC}  Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in guud ahaanba la xirayo Hayadda USAID oo dalkaas u qaabilsanayd gargaarka Caalamiga ah iyo taakulaynta dadka baahan ee ku nool waddamada soo koraya.

Elon Musk oo ah La taliyaha Trump u qaabilsan arrimaha dib u habaynta Hayaddaha dawladda iyo dabagalka deeqaha uu Maraykanku bixiyo ayaa sheegay in Trump uu kala hadlay sidii Hayaddan loo xiri lahaa taasna uu ka ogolaaday.

Arrinkan ayaa imanaya ka dib markii ay casileen qaar ka mida saraakiishii Hayaddan ugu sarraysay oo dabagal lagu bilaabay, iyadoo dawladdu ku dedaalayso in ay ogaato halka ay ku bixi jireen lacagihii Hayaddani ay maamuuli jirtay.

USAID oo ka hawl gasha in ka badan 100 dal oo daafaha dunida ku yaalla ayaa ka mid ahayd Hayadda sida weyn Soomaalida u caawin jirey muddada dheer. Iyada oo siin jirtay Qamadi, Saliid, Buskut dhiiq iyo taakulooyin kale. Kuwaas oo sida muuqata hadda ka dib la waayi doono

Kenya oo qaadeysa talaabo AS looga soo furanayo Odayaal u Afduuban.

0

Talaado 4, Feb 2025 {HMC}  Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa in odayaal dhaqameed ay u adeegsan doonto wada xaajood lagu sii deynayo shan caaqil oo Isniintii laga afduubtay magaalo ku dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ee Mandheera.

Tani, ayay yiraahdeen, waa habka ugu macquulsan ee lagu xaqiijin karo siideyntooda maadaama ay ku jiraan gacanta dad aan la garaneyn oo ku sugan gudaha Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee kusugan Mandheera.

Saraakiishu waxay sheegeen in odayaashii gacanta lagu dhigay la aqoonsaday maadama ay laamaha amaanka ay kala shaqeenayeen arrimaha amaanka degaanka, taasoo loo arko inay caadi tahay mar kasta oo ay dhacdo noocaan oo kale ah inay odayaasha wada xaajood ka galaan.

“Haddii aan la dilin, waa inaan u dirnaa odayaal si ay ugala xaajoodaan dhiggooda Soomaaliya si loo sii daayo odayaashaasi,” ayuu yiri sarkaal ka warqabay qorshaha Dowladda Kenya.

Illaa hadda lama oga sababta ka dambeysay weerarka afduub ee 5 odey dhaqameed lagula kacay, balse saraakiisha Kenya ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta inay iyagu ka dambeeyeen.

Booliska iyo dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in odayaashani ay la socdeen gaari ku sii jeeday Ceelwaaq, waxaana la weeraray oo laga afduubtay inta u dhaxeysa Bamba Owla iyo Ires Suki.