Home Blog Page 1263

Maxaan ka ognahay odayaasha laga afduubtay Mandheera xilli u madaxweyne Ruto tegayo gobolka.

0

Talaado, 4,Feb-2025 (HMC) Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa sheegaya in deegaankaas laga qafaashay odayaal ka tirsan hogaanka bulshada ee deegaannada hoos yimaada Mandheera, kuwaasoo ahaa caaqillo.

Bishaar Mukhtaar oo ka tirsan golaha deegaanka ee Mandheera, lagana soo doorto deegaanka Wargaduud ayaa afduubka odayaashaas oo tirsadooda lagu sheegay 5 oday u xaqiijiyey BBC.

“Shan oday oo Wargaduud ka soo baxay, una socday meel ay kulan kaga qayb gali lahaayeen oo deegaanka Ceelwaaq ka tirsan ayaa laga afduubay meel u dhaxaysa Wargaduud iyo Ceelwaaq, welina lama oga dadka afduubka sameeyey” ayuu yiri Bishaar Mukhtaar oo waraysi siinayey BBC.

Wuxuu intaa ku daray in odayaashaas loo badinayo in loo gudbiyey dhinaca Soomaaliya.

Taliyaha booliska ee koofurta Mandheera Julius Njeru ayaa isna warbaahinta u xaqiijiyey afduubka odayaashaas.

“Abaarihii 8:30 subaxnimo ayaa mintidiin la tuhunsan yahay inay Al Shabaab ka tirsan yihiin waxay aagga Eres-suki ku afduubteen gaari waday maamulayaashaas oo ku sii jeeday Ceelwaaq. Shan caaqil ayaa la sheegay in la la’ yahay iyo sidoo kale gaarigii” ayuu yiri Njeru.

Wuxuu warbaahinta gudaha u sheegay in hay’adaha amaanka oo ay ku jiraan milateriga in halka la geeyey, ayna baadi goobayaan gaariga. “Weli ma aynaan helin mid ka mid ah 5taas caaqil, kooxdeenna amniga ayaana xuduudda xiray” ayuu sii raaciyey.

Cabdiwahaab Kore oo ah mudane baarlamaan oo laga soo doorto Ceelwaaq ayaa isna dalbaday in degdeg loo sii daayo cuqaasha. “Ma aqbali karno in cuqaasheenna laga afduubto dhulkooda. Waxaan ka dalbanaynaa labada xukuumadood in la dedejiyo soo furashada cuqaasheenna” ayuu yiri Cabdiwahaab.

Qafaalashada odayaasha ayaa imaanaysa in yar ka hor socdaalka madaxweynaha Kenya William Ruto uu ku tagayo Mandheera, halkaasoo ay uga bilaabanayso booqasho 5 maalmood ah oo uu ku marayo gobolka waqooyi bari Kenya.

Sida laga soo xigtay ku xigeenka madaxa xafiis-hoosaadka deegaanka koofurta Mandheera Tobias Otunga, odayaashaas ayaa xilliga la afduubanayey u socday kulan looga hadlayey imaanshaha madaxweynaha Kenya ee gobolka Waqooyi bari.

Madaxweyne Ruto ayaa la filayaa inuu Talaadada gaaro Mandheera, ka hor inta uusan u sii gudbin Wajeer, ka dibna uusan socdaalkiisa ku soo gabagabeyn Magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari.

Ma kala cadda in odayaashaas cuqaasha ah ay qabeen lebiska rasmiga ah ee shaqada iyo in kale.

„Cuqaasha iyo kaaliyeyaashooda ayaa ah kuwo mar walba khatar ku jira. Kooxda al Shabaab ayaa ugaarsada oo afduuba ama dila” ayuu yiri Cumar Cabdullaahi oo ka mid ah dadka deggan Mandheera oo u warramayey wargayska The Daily Nation.

Dalka Kenya, caaqillada ayaa ka tirsan dawladda, waxayna hoos yimaadaan wasaaradda arrimaha gudaha, waana maamulayaal.

Mas’uuliyadooda waxaa ka mid ah ilaalinta sharciga iyo kala dambaynta, isku xirka hawlagallada amniga, iyo in dusha laga eego barnaamijyada dawladda ee heer deegaan.

Afar ka mid ah odayaasha la qafaashay ayaa ah caaqillo sare, ayadoo kan 5aadna uu yahay kaaliye. Magacyada cuqaashaas ayaa lagu sheegay inay kala yihiin Maxamed Caddaawe – magaalada wargaduud, Maxamed Xasan – bariga Wargaduud, Cabdi xasan – Quramadow , Maxamed Nuur Xaashi iyo Ibraahim gaabow oo ah kaaliye.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo qeyb gali doona Shir madaxeed ka dhici doona Tanzania.

0

Talaado, 4,Feb,2025 (HMC) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirka aan caadiga ahayn oo madax badan oo Afrikaan ah ay iskugu tagi doonaan dalka Tanzania gaar ahaan magaalada Daru Salaam halkaas oo ay uga doodi doonaan colaada ka taagan dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto ayaa xaqiijiyay ka qeyb galka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Shirkaasi, waxaana uu barta uu ku leeyahay X uu ku sheegay in madax ka socota Koofurta iyo bartamaha kaga arinsanayaan arrimaha Congo.

William Ruto ayaa qoraalkiisa ku yiri “Nabadda iyo amnigu waa shay muhiim u ah ganacsiga iyo maalgashiga deegaankeena, Waxaan ku faraxsanahay in Hoggaanka Bulshada Horumarinta Koonfurta Afrika iyo Bulshada Bariga Afrika ay isku raaceen in ay si wada jir ah uga doodaan colaadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo”.

Madaxweynaha Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweynayaasha Tanzania Samia Suluhu, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo Felix Tshisekedi, midka Rwanda Paul Kagame, Cyril Ramaphosa Madaxweynaha Koonfur Afrika, Madaxweynaha Uganda Kaguta Museveni iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ay xaqiijiyeen ka qaybgalka shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee Dar es Salaam.

Colaada Congo waxa ay u dhaxeeysa Fallaagada M23 iyo Ciidamada Congo, hadda Fallaagada waxay sheegtay in xababad joojinta maanta oo Talaada ah bilaabanayso ay ku dhawaaqayaan, saacado yar kaddib marki ay Qaramada Midoobay shaacisay in dagaalka todobaadkii hore ee Congo lagu dilay ugu yaraan 900 oo qof.

Jubbaland oo maanta dib ula wareegtay xaruntii maamulka degmada Baardheere.

0

Talaado, 4,Feb-2025 (HMC) – Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay goordhaw dib ula wareegeen xaruntii maamulka ee degmadaas.

Xaruntaan ayaa aheyd mudooyinkii dambe mid ay gacanta ku hayeen ciidamo ka amar qaata dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo Xalay baneeyay xarunta degmada Baardheere.

Ka bixtaanka ciidamada taabacsana dowladda Fedaraalka ay ka baxeen xaruntii degmada Baardheere ayaa la sheegay iney salka ku hayso kala furfur lagu sameeyay ciidamada mudooyinkii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa.

Gudoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Aadan Muxumad Axmed iyo xubanaha kale ee maamulka dib ula wareegay xarunta degmada ayaa halkaasi ku sameeyay kormeer ay ku hubinayeen xaalada xaruntan oo loogu adeegi jiray shacabka ku nool Baardheere.

Guddoomiye Aadan Muxumad ayaa sidoo kale sheegay in hada xarunta degmada Baardheere ay si buuxdo gacanta ugu hayaan, wuxuuna xusay iney diyaar u yihiin ka maamul ahaan in ay ugu adeegaan bulshada ku nool degmada.

Si kastaba ha ahaatee dib ula wareegista xaruntan ee maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii dambe maamulka magaalada ay si weyn ugu loo lamayeen Jubbaland iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

{DAAWO SAWIRADA} Muqdisho oo laga Dhagax Dhigay Beerta Umada ee Gobalka Banaadir

0

Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa dhagax dhigay Beerta Ummadda ee Gobolka Banaadir, oo qeyb ka ah qorshaha horumarinta Caasimadda Muqdisho.

Duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid loogu tala-galay helitaanka goobo nasiino iyo dalxiis oo bulshada ka wada dhaxeeya, taasi oo ardeyda, dalxiisayaasha iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada fursad u siineysa in ay isugu yimaadaan.

Mashruucaan ayaa laga hirgelinaya Degmada Waaberi gaar ahaan meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoona Munaasabadda dhagax dhigga uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mudane Maxamed Sayid Cali, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Xadka u dhaxeeya Uganda & Kenya oo la gaarsiiyay Tallaalka Ebola

0

Talaado 4, Feb 2025 {HMC}  Tallaalka looga hortagayo xannuunka Ebola ayaa ka billowday Degmooyinka Uganda ee dhaca xadka Kenya, mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Caafimaadka Dalkaas ayaa sheegay in kahortaggaan uu yahay xalka lagu badbaadinayo Dad badan oo haatan bad qaba.

Dood xooggan ayaa ka dhalatay tallaalkaas maadaama dadka qaar ee dhinaca xadka Kenya xiga ay diideen in ay qaataan ama la duro, Uganda ayaa ku qasbeysa Dadkaas in ay qaataan kahortagga cudurka Ebola oo halis badan.

Uganda ayaa sheegtay in ay ku qasban tahay in Dadka siiso tallaalka kahortagga ah maadaama socodka dadka u dhashay Dalalka kale uu ku badan yahay sida lagu yiri war kasoo baxay waaxda caafimaadka Dalkaas.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay hoostagta loona soo gaabiyo WHO ayaa sheegtay in ay Uganda ku gacansiineyso sidii ay ugu guuleysan lahayd dagaalka ka dhanka ah Cudurka Ebola si Bulshada looga badbaadiyo.

Dhaqtar Qalliin oo Kufsi Kula Kacay Carruur Bukaannadiisa ka Mid ahaa

0

Talaado 4, Feb 2025 {HMC}  Dhaqtar hore oo qalliinka ah oo lagu eedeeyay inuu tacaddi kula kacay boqollaal carruur bukaan ahaa, aalaaba xilli ay suuxsanaayeen, ayaa lagu wadaa in bishan dhexdeeda maxkamad lasoo taago waana maxkamadeyntii ugu darneyd ee tacaddiga carruurta ee soo marta taariikhda Faransiiska.

Joel Le Scouarnec, oo 73 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu tacaddi u geystay amaba kufsaday 299 carruur ah – oo badankood bukaannadiisa hore ahaa – intii u dhaxeysay sanadihii 1989 iyo 2014, badankoodna uu kula kacay magaalada Brittany.

Wuxuu qirtay qaar ka mid ah eedeymaha, balse maaha dhammaan.

Maxkamadeynta oo ka dhacaysa Vannes, waqooyi-galbeed Faransiiska, ayaa daba socota baaritaan booliis oo dheer oo socday dhowr sano.

Waxay u badan tahay in su’aalo aan la mahdin ay ka yimaadaan in Le Scouarnec ay difaacayeen saaxiibbadiis iyo maamulka isbitaallada ee shaqaaleysiiyay, iyadoo ay jirtay digniin FB-da ah oo dowladda Faransiiska ay uga digeysay in ninkan uu baari jiray baraha internet-ka ee tacaddiga carruurta, kadib markii keliya lagu xukumay xarig dib loo dhigay.

Fursado dhowr ah oo ku saabsan in dhaqtarkan qalliin ee hore laga joojiyo inuu xiriir la yeesho carruurta ayaa u muuqday kuwo la seegay amaba la diiday.

Xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa sidoo kale ogaa xaaladda Le Scouarnec ee tacaddiga carruurta balse way ku guul-darreysteen inay ka joojiyaan.

Le Scouarnec, oo mar ahaa dhaqtar qalliin oo la xushmeeyo magaalo yarna ka howl-geli jiray, ayaa xabsi ku jiray tan iyo sanadkii 2017, markaas oo loo xiray shaki laga qabay inuu kufsaday gabdho uu adeer u yahay, oo haatan da’da 30-meeyada ku jira, iyo sidoo kale gabar lix sano jir ahayd iyo qof bukaan oo da’yar. Sanadkii 2020 waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Kadib markii la xiray, booliiska ayaa baaray gurigiisa waxayna kasoo heleen qalab uu tacaddiyada carruurta ku geysan jiray, in ka badan 300,000 oo sawirrada carruur tacaddi loo geystay ah, iyo kumannaan feyl oo lagu ururiyay taariikhda bukaannada da’da yar ee Le Scouarnec la sheegay inuu tacaddiga kula kacayay in ka badan 25 sano.

Wuu beeniyay inuu tacaddi ama kufsi kula kacay carruur,

{DAAWO MUQAALKA} Itoobiyaankii laga Saaray Puntland oo Laga sagootiyay Jigjiga

0

Talaado, 04 Feb 2025{HMC}   Itoobiyaankii laga Saaray Puntland oo Laga sagootiyay Jigjiga

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Talaado, 04 Feb 2025{HMC}  Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN

{DAAWO MUQAALKA} Faah-Faahin: Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Galgaduud.

0

Talaado, 04 Feb 2025{HMC}  Faah-Faahin: Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Galgaduud.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {04-02-2025}

Talaado 04-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiyare & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble