Talaado, 04 Feb 2025{HMC} Soomaaliya malaga soo saari karaa bariis ku filan guud ahaan dalka?
Muqdisho diyaar ma u tahay doorasho qof iyo cod ah ?
Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waxa ay waday dadaalo la xiriira sidii guud ahaan dalka looga qaban lahaa doorashooyin qof iyo cod ah.
goobaha loo asteeyey in ay doorashooyinkaasi ka dhacaan ayaa waxaa ka mid ah, Magaalada Muqdisho oo la sheegay in 16 degmo ah oo qeyb ka ah degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Banaadir ay doorashooyinka ka qabsoomaan.
Muqdisho waxaa kunool in kabadan 4 Milyan oo qof waxa ayna doonayaan ineey iyagu gacantooda wax ku doortaan kuna ciil-baxaan codkooda.
Dadka falanqeeya siyaasada ayaa sheegaya in muqdisho ay tahay meesha ugu fudud dalka ee laga hirgalin karo doorasho qof iyo cod ah hadii ay dowllada Qabato doorasho dhaxda taalo oo ka caagan musuq-maasuq iyo wax isdabamarin.
Halka qaar qaar kale ay qabaan in amni ahaan waqtigaan aysan musaasab ahayn in laga doorasho dadwayne laga hirgaliyo magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysa in dalka ay ka qabato doorsaho qof iyo cod ah inkastoo mucaaradka iyo maamulada qaar ay saluugsanyihiin qaabka ay wax ku wado dowlada Dhaxe ee Soomaliya.
Mareykanka oo cadaadis xoogan saaray Masar si uu u fuliyo qorshahiisa.
Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Mareykanka ayaa la sheegay inuu u adeegsaday xiisadda biyaha Masar si uu cadaadis ugu saaro Qaahira inay ogolaato qorshaha barakicinta khasabka ah ee Falastiiniyiinta Gaza, sida uu werinayo wrageyska Al-Arabi Al-Jadeed.
Intii lagu guda jiray booqasho uu toddobaadkii hore ku tagay Qaahira, sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badar Abdelatty iyo Madaxa Sirdoonka Guud Hassan Rashad. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshaha muranka badan dhaliyay ee barakicinta dadka reer Gaza iyo xiisadda ka taagan biyo-xireenka Grand Renaissance ee Itoobiya.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in danjiraha Mareykanka uu soo jeediyay in taageerada Mareykanka ee xallinta xiisadda biyo-xireenka Itoobiya ay ku xirnaan karto sida ay Masar uga shaqeyso qorshaha lagu barakicinayo shacabka Gaza, looguna wareejinayo gudaha Masar iyo Urdun.
Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiinta Masar ayaa si adag u diiday soo jeedinta Madaxweyne Donald Trump, oo ku baaqay in Gaza la “nadiifiyo” isla markaana dadka halkaas ku haray oo tiradoodu gaareyso 2.3 milyan lagu wareejiyo dalalka deriska la ah.
Mas’uuliyiinta Masar ayaa walaac xoogan ka muujiyay qorshaha, iyagoo ka digay caqabadaha iyo cawaaqibka ka dhalan kara, kuna adkeystay in hirgelintiisu ay aad u adag tahay.
Danjiraha Mareykanka ayaa sidoo kale la kulmay shakhsiyaad caan ah iyo laba hoggaamiye xisbi oo siyaasadeed si uu u qiimeeyo mowqifka Masar ee ku aaddan qorshaha barakicinta. Wadahadallada ayaa lagu gorfeeyay in dibadbaxyada ka dhan ah qorshahan ay ka tarjumayaan dareen ballaaran oo ka dhan ah Mareykanka, ama haddii ay si gaar ah ula xiriiraan diidmada qorshaha barakicinta.
Sida laga soo xigtay Al-Arabi Al-Jadeed, danjiraha Mareykanka ayaa si furan uga hadlay bannaanbaxyada, isagoo sheegay in ay si toos ah uga falcelinayeen qorshaha ay wadaan Mareykanka.
Sarkaal sare oo ka tirsan diblomaasiyadda Masar oo xog ogaal u ah kulammadaasi ayaa sheegay in ay adkaan doonto in Qaahira iska caabiso qorshaha Trump haddii aysan helin taageero ballaaran oo ka timaadda dalalka Carabta.
Trump oo ku dheggan qorshihiisa
Sarkaalka ayaa xusay in Trump uu si adag ugu taagan yahay dhaqaajinta qorshahan, inkasta oo Masar si cad uga hortimid.
Mas’uuliyiinta Masar ayaa ku celiyay inay diyaar u yihiin sahminta xalal kale oo xaqiijin kara ammaanka Israa’iil iyada oo aan si khasab ah loo barakicin shacabka Falastiin.
Labo ilo xog ogaal ah – mid diblomaasi ah iyo mid siyaasadeed – ayaa sheegay in booqashada danjiraha Mareykanka ay u badan tahay inay tahay kulankii Trump uu todobaadkii hore sheegay xilli uu la hadlayay saxafiyiinta isaga oo saarnaa diyaaradda Air Force One.
Trump ayaa sheegay inuu qorshaha barakicinta kala hadlay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi, hase yeeshee sarkaal sare oo Masri ah ayaa xilligaas beeniyay in wadahadal noocaas ah uu dhacay.
Sabtidii, madaxtooyada Masar ayaa war rasmi ah ku xaqiijisay in Madaxweyne Sisi uu habeenkii hore taleefoon ka helay Trump.
Afhayeenka Madaxtooyada Masar Mohamed El-Shenawy ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay “wadahadal togan” ka yeesheen hirgelinta wejiyada koowaad iyo labaad ee heshiiska xabbad-joojinta Gaza, kaas oo ay garwadeen ka ahaayeen Masar, Qadar, iyo Mareykanka.
Sidoo kale, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay dedejinta gurmadka bani’aadantinimo ee loo dirayo Gaza.
El-Shenawy ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Sisi uu markale ku celiyay baahida loo qabo in la gaaro nabad waarta oo gobolka laga hirgeliyo.
Wuxuu sidoo kale xusay in beesha caalamka ay Trump u aragto qof muhiim ah oo door ka ciyaari kara xalinta khilaafka muddada dheer taagnaa, isagoo soo xiganaya sheegashada Trump ee ah inuu “u heelan yahay nabadda”.
Trump oo hakiyay canshuurti uu saaray badeecadaha Canada iyo Mexico
Talaado 4, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Isniintii hakiyay canshuur-kodhinti uu saaray badeecadaha ay Canada iyo Mexico u soo dhoofiyaan Mareykanka, canshuurtaas oo gaareysay 25%.
Go’aanka madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid kaddib marki uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Mexico haweeneyda lagu magacaabo Claudia Sheinbaum iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau.
Qoraal uu soo dhigay baraha ay ku xiriirto bulshada ayuu Trump ku sheegay, “in u uku faraxsanyahay natiijada horudhaca ah ee arrintan kasoo baxday, isla markaana muddo 30 maalin ah la hakiyay tacriifta si uu u arko in la gaari karo heshiis dhaqaale oo kama danbeys ah oo uu la galo Canada.
Ra’iisul wasaaraha Canada Trudeau ayaa isna dhankiisa sheegay, in Canada ay geyn doonto xadka ay la wadaagto Mareykanka ciidan iyo qalab cusub oo tiknolooji ah ah, si loo joojiyo qul qulka daroogada fentanyl.
Wuxuu sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxweyne Trump,” “Canshuurta lasoo jeediyay waxaa la hakiyay muddo 30 cisho ah, halka aan sii wadeyno wada shaqeynteenna.” Ayuu yiri.
Madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum ayaa sheegtay in ay xadka Mexico uu la wadaago Mareykanka u direyso ilaa 10,000 oo askari oo ka tirsan millatariga, si ay u xakameeyaan daroogada nuuceeda dilaaga ah ee loo yaqaanno fentanyl, taas oo Mareykanka kasoo gasha dhanka Mexico.
Waxay kaloo sheegtay in dowladda Mareykanka ay u ballan qaadday in ay wax ka qaban doonto joojinta hubka awoodda badan ee loo dusiyo dhinaca Mexico.
Waxay intaasi ku dartay in madaxda labada waddan ay sii wadi doonaan wada hadalladooda ku aaddan dhinacyada ammaanka iyo ganacsiga, isla markaana arrinta canshuurta muddo bil ah la hakinayo.
Inkasta oo la hakiyay tacriifti uu madaxweyne Trump saaray Mexico iyo Canada, haddana waxaanan wali waxba laga baddalin canshuurti uu saaray Trump badeecadaha uu Shiinaha u soo dhoofsho Mareykanka.
{DAAWO MUQAALKA} Canshuur kordhin uu sameeyay Mareykan-ka oo laga bixiyay Jawaab Adag.
Talaado, 04 Feb 2025{HMC} Canshuur kordhin uu sameeyay Mareykan-ka oo laga bixiyay Jawaab Adag.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO SAWIRADA} Sida loo fuliyo duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya.
Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Soomaaliya waxa ay muddo dheer la dagaallameysay kooxo dalalka galbeedku u diwaangaliyeen argagixiso oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab iyo Daacish. Kooxahan ayaa ku lug leh weerarro joogto ah oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada caalamiga ah ee ka howlgala dalka.
Mareykanka ayaa door muhiim ah ka ciyaara dagaalka ka dhanka ah kooxahan, isaga oo duqeymo cirka ah iyo hawlgallo khaas ah ku fuliya kooxahan.
Duqeymuhu waxay ka mid yihiin istiraatiijiyad dagaal oo badanaa Maareykanku ka fuliyo dhulka Soomaaliya, waxaana loogu talagalay in lagu joojiyo awoodda kooxahan iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya weerar toos ah.
Maqaalkan wuxuu diiradda saarayaa habka iyo farsamooyinka loo adeegsado duqeymaha uu Mareykanku fuliyo ee la midka ah tii Daacishta Soomaaliya lagu beegsaday kowdii bishan Febraayo.
Waxaan kaloo ku eegi doonnaa sida duqeymuhu u dhacaan, noocyada ay yihiin, iyo caqabadaha laga yaabo inay ka dhashaan, gaar ahaan marka la eego saameynta ay ku yeelan karaan dadka rayidka ah.
Mareykanku wuxuu duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya u qaybiyaa laba nooc oo waaweyn: duqeymo qorsheysan (deliberate strikes) iyo duqeymo difaac (defensive strikes).
Duqeymaha Qorshaysan: Noocan duqeymaha ah waa kuwo si habeysan loo qorsheeyo ka hor inta aan la fulin. Waxaa la sameeyaa baaritaanno sirdoon oo dhameystiran oo ku saabsan kooxda la beegsanayo, gaar ahaan baaritaanka xogta la xiriirta guutooyinka iyo hoggaamiyeyaasha kooxdaas.
Xogtaas waxaa lagu helaa ilo kala duwan sida baaqyo ay soo diraan ciidanka dhulka jooga, wararka laga helo dad xog keena, sawirro ka imaanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo ilo kale sida dayax-gacmeedyada (sattelites.)
Xogtaas ayaa marka dambe loo isticmaalaa si loo xaqiijiyo in bartilmaameedku uu yahay dagaalyahan sharci ah (la badigoobayo), sida uu dhigayo sharciga dagaalka caalamiga ah. Madaxweynaha ayaa inta badan bixiya amarka ugu dambeeya ee fulinta duqeymahan.

Qareennada militariga ayaa hubiya in bartilmaameedka la beegsanayo uu yahay dagaalyahan sharci ah. Sida xeerka dagaalka calaamiga ah uu dhigayo, dagaalyahan sharci ah waxaa loola jeedaa qof si toos ah uga qayb qaadanaya dagaal ama si rasmi ah uga tirsan koox dagaalamaysa oo xifaaltan kula jirta Mareykanka ama xulafadiisa.
Duqeymo Difaac: Noocan duqeymaha ah waxaa la fuliyaa marka ciidamada Mareykanka ama saaxiibadooda ay la kulmaan khatar degdeg ah oo kaga imaanaysa kooxaha ay dagaalka kula jiraan.
Nidaamka loo raaco waa mid ka fudud nidaamka duqeymaha qorsheysan, wuxuu ku saleysan yahay xog sirdoon oo degdeg ah oo muujinaysa in khatartu ay tahay mid dhab ah.
Taliyayaasha dagaalka ayaa go’aan degdeg ah ka gaaraya, iyagoo ka fiirsanaya xeerarka caalamiga ah ee dagaalka iyo ilaalinta dadka rayidka ah.

Saameynta Rayidka iyo Dhibaatooyinka Ka dhasha Duqeymaha
Inkasta oo ay duqeymuhu yihiin kuwo aad loo qorsheeyo oo habraacyo badan laga maro, haddana mararka qaar waxaa dhici kara khaladaad galaafta nolosha dad kale oo rayid ah.
Khasaaraha rayidka ah ayaa noqday dhibaato weyn oo badanaa laga cabsi qabo in lala kulmo, gaar ahaan marka bartilmaameedyada la beegsanayo ay ku dhex jiraan dad aan hubeysan.
Muddadii u dhaxeysay 2017 ilaa 2019, Mareykanku wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 196 duqeyn oo kala duwan, kuwaas oo loo adeegsaday diyaaradaha drones-ka iyo diyaaradaha duuliyaha leh.

Warbixin Amnesty International soo saartay ayaa sheegtay in duqeymo badan oo Maraykanku fuliyay ay ku dileen dad rayid ah, oo ay ka mid yihiin 21 qof oo dhintay iyo 11 qof ku dhaawacmay.
Duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya waxay noqonayaan marba marka ka danbeysa kuwo aad u qorsheysan oo ka dhan ah kooxaha dagaalka lagu la jiro ee Daacish iyo Al shabaab.
Hay’adaha Amnesty oo kale waxa ay xaqiijinayaan in ay lagama maarmaan tahay in la tixgeliyo xeerarka caalamiga ah ee dagaalka si loo yareeyo khasaaraha iyo in la hubiyo in dadka rayidka ah aan loo geysan dhibaatooyin aan loo baahneyn.
XIGASHO BBC
Jabuuti oo weerar drone ah ku qaaday koox argagixiso.
Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Dawladda Jabuuti ayaa sheegtay in weerar ay diyaarado drones ah u adeegsatay oo ay militarigeedu fuliyeen habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay.
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay ku dishay 8 xubnood oo ka tirsan kooxaha argagixisada ah ee deganaa deegaan ku yaalla xuduudda Jabuuti ay la wadaagto Wadanka Itoobiya.
Weerarkan ayaa waxaa kale oo ku dhintay Dad shacabka waloow aysan Dowladu sheegin tiradooda , dhimashada dadka rayadka ah waxaa lagu sheegay warka ka soo baxay Dowladda Jabuuti.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03.02.2025}
Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Muuse Ali Herow
Farsamadii :::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO
Wafdi ka socda Dowladda Turkiga oo Muqdisho u yimid maalgashi.
Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Axmed Xasan Aden Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey wafdi ka socday Dowladda Turkiga kuwaas oo u yimid dalka sidii ay Maalgashi ugu samayn lahaayeen Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxaana ay dhamaytirayaan heshiis ay horey wasaaradda ay ula gashay Dowladda Turkiga.
Mas’uuliyiinta ayaa diirada ku saaray kulamadoodi hirgelinta heshiiskii difaac iyo iskaashiga dhaqaale oo ay kala sixiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo xoojinayay ka faa’iidaysiga kheyraadka badda.
Wasiirka iyo wafdiga ka socday Dowladda Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah (Fisheries Cooperation Agreement, MoU) kaas oo horseedaya in qeybta Kalluumeysiga ay kasoo xarooto balaayiin doolar, islamarkaana hirgalin doona fursado wax ku ool ah oo lagu horumarinayo Kalluumeysiga guud ahaan dalka.
Wafdigaan ka socday Dowladda Turkiga ayaa dhinaca kale la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, waxaana ay ka mahadnaqeen fursadda loo siiyay inay maalgashi ku sameeyaan Xeebaha dalka.
Soomaaliya Baddeeda waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay biyaha ugu khayraadka badan ee galbeedka badweynta hindiya, sidaa darteed haddii si wanaagsan loo maalgeliyo Soomaaliya waxay kaalinta hore ka gali kartaa wax soosaarka kalluunka caalamka.
Somaliland oo Go’aamo Cusub Kas oo Saartay Xaaladda Ceerigaabo,
Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay go’aamo lagu xoojinayo nabadgelyada magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag.
Wafdi ka kooban xubno ka tirsan goleyaasha sharci-dejinta, oo loo xilsaaray xasilinta Ceerigaabo, ayaa go’aamiyey in ammaanka magaalada ay sugayaan oo kaliya ciidamada booliska, dhammaan ciidamada madaniga ahna laga saaro magaalada.
“Wafdigii arrintan u xil saarnaa waxa uu go’aamiyey in laga bilaabo maanta aan magaalada lagu arki karin cid aan ciidan ahayn oo qori ku dhex sidata. Cid kasta oo lagu arko hub sharci-darro ahna waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay wafdiga.
Sidoo kale, wafdigu waxa uu ugu baaqay dadkii ka qaxay magaalada inay dib ugu soo laabtaan, iyaga oo xusay in magaalada hadda ay nabad tahay, islamarkaana aanay jirin sabab ay uga maqnaadaan guryahooda.
Wafdiga waxaa uu shacabka Ceerigaabo iyo gobolka Sanaag ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo nabadgelyada deegaanka.
Xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Ceerigaabo ayaa gashay xaalad hubanti la’aan ah kaddib markii dagaal uu magaalada ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo kaasi oo sababay barakaca dad lagu qiyaasay 45 kun oo qof.
Sidoo kale, waxaa jira cabsi laga qabo in dagaallo kale ay dib uga qarxaan gobolka, maadaama dhowaan qaar kamid ah beelaha dega gobollada Sanaag iyo Sool ay ku baaqeen colaad hor leh. Dhanka kale, hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa isaguna ku hanjabay in Ceerigaabo la hoos keeni doono maamulkiisa.
Gobolka Sanaag waxa ku wada sugan millateriga Somaliland, iyo ciidamo beeleed taageeraya, iyo ciidamada SSC Khaatumo, iyo ciidamo beeleed la socda. Madaxweynaha Somaliland ayaa dhankiisa sheegay in uu rabo in xiisada lagu dhameeyo wadahadal, dhanka kalena uu diyaar u yahay difaaca Somaliland hadii dagaal dhaco.



