Home Blog Page 1266

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo sharci darrana ku tilmaamtay Lacagta buugga caafimaadka.

0

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} War-saaafadeed kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyey go’aanka Machadka Caafimaadka Qaranka iyo Wasaaradda Caafimaadka, kaas oo la sheegay inuu dhaqan-gali lahaa 03 Febaraayo 2025.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay ku dhawaaqday in khidmadaha la xiriira buugga caafimaadka ee rakaabka ka baxaya iyo kuwa soo galaya dalka ay yihiin waxba kama jiraan, iyadoo xiganaysay sharciga Maamulka Dakhliga 2019 iyo Qaraarka Golaha Wasiirrada ee Maamulka Khasnadda Mideysan.

Waxay fartay dhammaan hay’adaha ay khusayso in si degdeg ah loo joojiyo ururinta khidmadaha noocaas ah.

Si kastaba ha ahaatee, maanta ayay ahayd markii ay wasaaradda caafimaadku ay soo rogtay awaamiirtan, taasoo saamayn ku yeelatay rakaabka dalka ka baxayay iyo kuwa soo galaya, iyadoo abuurtay cabasho badan iyo jahwareer.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA 

Senior Islamic State Somalia commander captured in Puntland.

0

Monday 3, Feb 2025 {HMC} A senior commander of Islamic State’s Somalia wing was captured on Monday, police and state media said, two days after the IS leadership was targeted with U.S. airstrikes and as security forces continue a weeks-long offensive against them.

In the last few years Somalia’s IS franchise has become an increasingly important part of the jihadist group’s worldwide network, growing in strength because of an influx of foreign fighters and improved revenue collection.

During an attack on a military base in December the group claimed to have used two booby-trapped vehicles, which security analysts said implied the adoption of more sophisticated tactics.

Abdirahman Shirwac Aw-Saciid, head of the group’s assassination squad, surrendered to authorities on Monday in the Cal Miskaad mountains, in the northeastern Puntland state, Somalia’s state news agency SONNA reported.

The head of police in Puntland’s Bari region, Abdikadir Jama Dirir, confirmed the capture of the commander, known by the alias “Laahoor”, who was also in charge of extorting local businesses for the group.

Somalia’s northeastern Puntland region announced a major offensive against Islamic State and a rival Islamist group, the al Qaeda-linked al Shabaab, in December and claims to have since captured several IS bases.

An initial assessment of Saturday’s airstrikes by the U.S. indicated many militants were killed, Secretary of Defense Pete Hegseth said on Sunday.

Until recently, Islamic State’s Somalia wing was considered a minor security threat in the Horn of Africa country compared with al Shabaab, which controls swathes of southern Somalia.

Somali authorities are struggling to reassert control following more than three decades of civil war and lawlessness triggered by the overthrow of President Siad Barre.

SOURCE

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 3-02-2025.

0

Isniin 03, Feb , 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Midowga Yurub oo uga digay Donald Trump dagaal ganacsi

0

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub oo Isniinta maanta ah ku kulansan Brussels ayaa uga digay Mareykanka in aysan jirin cid ka faa’iidaysa dagaal ganacsi, iyagoo ku celceliyay in ay qaadi doonaan tallaabooyin aargoosi ah haddii Madaxweyne Donald Trump uu ku soo rogo tacriif ama canshuur.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in Midowga Yurub ay tahay inuu muujiyo cududdiisa haddii Madaxweyne Donald Trump uu fuliyo gooddintiisa ah inuu Midowga Yurub ku beegsado canshuuro isdaba joog ah.

“Haddii weerar nalagu soo qaado dhanka ganacsiga, Yurub – oo ah quwad dhab ah – waa inay is difaacdo,” ayuu yiri Macron.

Hoggaamiyeyaasha 27-ka dal ee xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa kulan gaar ah ku leh caasimadda Belgium, iyagoo ay weheliyeen Ra’iisul Wasaaraha Britain iyo madaxa NATO, si ay uga arrinsadaan dadaallada lagu xoojinayo difaaca Yurub iyadoo ay jirto khatar kaga imaanaysa Ruushka oo muujinaya gardarro aad u badan – isla markaana uu Madaxweyne Trump dalbanayo in xulafada Mareykanka ay kordhiyaan kharashka ay ku bixiyaan dhanka difaaca.

Hase yeeshee, wadahadallada waxaa hareeyey go’aankii uu hoggaamiyaha Mareykanka uu canshuuro kusoo rogay dalalka Canada, Mexico iyo Shiinaha – iyadoo Trump uu ku hanjabay inuu Midowga Yurub bartilmaameedsan doono mustaqbalka.

Ra’iisul Wasaaraha Poland, Donald Tusk, oo dalkiisu hadda hayo madaxtinimada wareegta ah ee Midowga Yurub, ayaa sheegay in wax walba la sameeyo si looga baaqsado dagaal ganacsi oo “aan loo baahnayn oo nacasnimo ah.”

Trump ma uusan qarsan colaadda uu u qabo Midowga Yurub, wuxuuna ku eedeeyay inay Mareykanka ula dhaqmeen si “aad iyo aad u caddaalad darro ah” dhanka ganacsiga.

Kaddib markii uu canshuuro dheeri ah kusoo rogay dalalka deriska la ah ee Waqooyiga Ameerika iyo Shiinaha, Trump ayaa sii laba-laabay Axaddii, isagoo sheegay inuu “dhab ahaan” qorsheynayo inuu mustaqbalka beegsado Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Olaf Scholz, ayaa sheegay in muran ganacsi uu “u xun yahay Mareykanka, u xun yahay Yurub”, ayna “iskaashiga” ka dhexeeya labada dhinac ee badweynta Atlaantigga uu dan u yahay labada dhinacba.

“Annaguna waa ka jawaabi karnaa,” ayuu raaciyay hadalkiisa, isagoo meesha ka saaray hab-dhaqankii taxaddarka badnaa ee Jarmalka ee ku aaddanaa xiriirka ganacsi ee labada dhinac ee badweynta Atlaantigga.

“Waxaan u baahanahay Mareykanka, Mareykankuna wuu noo baahan yahay,” ayay tiri diblomaasiga ugu sarreysa Midowga Yurub, Kaja Kallas, iyadoo ku dartay “ma jirto cid ku guuleysanaysa dagaallada ganacsiga.”

Axaddii, Guddiga Yurub ayaa sheegay inay “si adag” uga jawaabi doonaan haddii Trump uu beegsado, waxayna cambaareeyeen tallaabooyinkiisa ka dhanka ah Canada, Mexico iyo Shiinaha.

“Canshuuraha waxay abuuraan carqalad dhaqaale oo aan loo baahnayn, waxayna sare u qaadaan sicir bararka. Waxay dhibaato u geystaan dhammaan dhinacyada,” ayuu yiri afhayeen u hadlay guddiga.

Ilaa waqtigaas, Brussels waxay sheegeysay inay rajeyneyso inay ka baaqsan doonto isku dhac dhanka ganacsiga ah oo lala galo Trump iyadoo la adeegsanayo wadahadal.

Kaddib, Madaxa Golaha Yurub, Antonio Costa, ayaa khadka taleefanka habeenkii kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Canada, Justin Trudeau.

“Labada hoggaamiye waxay hoosta ka xarriiqeen muhiimadda uu leeyahay xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Midowga Yurub iyo Canada, waxayna xaqiijiyeen go’aankooda ah inay sii wadaan wada shaqeynta,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Midowga Yurub.

Tan iyo markii Trump dib la doortay bishii November, Brussels waxay ka shaqeyneysay sidii loo kala duwi lahaa iskaashiyada ganacsi, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ku dhawaaqday heshiis ganacsi oo la xoojiyay oo lala galay Mexico iyo dib u bilaabidda wadahadallada ku saabsan heshiis ganacsi xor ah oo lala galayo Malaysia.

Sannadkii 2018-kii, xilligii muddo xileedkiisii hore, Trump wuxuu canshuuro saaray dhoofinta birta iyo aluminiumka ee Yurub – taasoo keentay in Midowga Yurub uu kaga jawaabo canshuuro ka sarreeya.

XIGASHO VOA

Madaxweynaha Dalka Suuruya oo Casuumaad Rasmi ah Ka Helay Dalka Turkiga.

0

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa Talaadada booqan doona Turkiga, taasoo noqon doonta safarkiisii labaad ee caalami ah tan iyo markii Bashaar Al-Asad xilka laga tuuray bishii December, sida ay shaacisay madaxtooyada Turkiga.

Axmed Al-Sharaa ayaa Axaddii booqday Sucuudiga, iyadoo Suuriya oo ay dagaallo ragaadiyeen ay raadineyso maalgelin ay ka hesho dalalka hodanka ah ee Khaliijka si ay dib ugu dhisto dalka looguna soo nooleeyo dhaqaalaha.

“Sharaa waxa uu Talaadada safar ku imaan doonaa Ankara kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaheena Recep Tayyip Erdogan,” ayuu yiri Fahrettin Altun, madaxa isgaarsiinta madaxtooyada Turkiga, oo farriin ku daabacay barta X (ee horey loo dhihi jiray Twitter) Isniinta.

Turkiga, oo xiriir dhow la lahaa Sharaa, ayaa dib u furay safaaraddiisa Suuriya, wuxuuna u diray madaxa sirdoonka iyo wasiirka arrimaha dibadda si ay ula kulmaan hoggaamiyaha cusub kaddib markii kooxda Xayaat Tahrir al-Sham (HTS) ee xididada Islaamiga ah leh ay xilka ka tuurtay Bashaar Al-Asad.

Wadahadallada Erdogan iyo Sharaa ee madaxtooyada Ankara ayaa diiradda saari doona “tallaabooyinka wadajirka ah ee lagu horumarinayo dhaqaalaha, xasilloonida waarta iyo ammaanka Suuriya,” sida uu sheegay Altun.

“Waxaan aaminsannahay in xiriirka Turkiga iyo Suuriya, oo dib loo yagleelay kaddib markii Suuriya xorriyaddeeda dib u heshay, uu sii xoogeysan doono islamarkaana yeelan doono wajiyo cusub,” ayuu sii raaciyay.

AS oo shan mas’uul ka afduubtay Magaalada Mandheera.

Isniin 3, Feb 2025 {HMC}   Dabley looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa afduubtay shan madax-xaafadeed (chiefs) kuwaas oo ku socdaalayay inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Mandheera, xilli ay ku guda jireen kormeer howlo ay dowladdu ka fulisay degmooyin ka tirsan Mandheera.

Taliyaha ciidanka booliska degmada dhacda koonfurta Ismaamulka Mandheera, Mudane Julius Njeru, ayaa xaqiijiyay afduubkan.

Saraakiishan ayaa ka soo ambabaxay deegaanka Ceel-Gaduud, kuna sii jeeday magaalada Ceelwaaq ka hor intii aan afduubka loo geysan, sida uu sheegay Mudane Njeru.

Ciidanka amniga ee Ismaamulka Mandheera ayaa la geliyay heegan sare, iyadoo haatan uu socdo baadi goob ballaaran oo loogu jiro samatabixinta saraakiishan ka tirsan wasaaradda amniga Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa warbaahinteeda ku sheegatay afduubka shan mas’uul oo ka tirsan maamulka Mandheera.

Dhacdadan afduubka ah ee ka dhacday Ismaamulka Mandheera ayaa ku soo beegmaysa iyadoo la filayo in maalmaha soo socda uu socdaal ku gaari doono halkaas madaxweynaha Kenya, Dr. William Arap Samoei Ruto.

Guddoomiyaha Ismaamulka Mandheera, Mudane Maxamed Aadan Khaliif, ayaa si kulul u cambaareeyay falkan, wuxuuna ka codsaday saraakiisha ammaanka inay dadaal dheeri ah muujiyaan, si sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo samata bixiyaan madax-xaafadeedka la afduubtay.

XIGASHO VOA

{DAAWO MUQAALKA} xubin sare oo ka tirsan daacish oo isku soo dhiibay ciidanka puntland

0

Isniin, 03 Feb 2025{HMC} xubin sare oo ka tirsan daacish oo isku soo dhiibay ciidanka puntland

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamadda Dowladda Maxay kusoo kordhiyeen Amniga Baladweyne tan iyo markii lagu wareejiyay?

0

Isniin, 03 Feb 2025{HMC} Ciidamadda Dowladda Maxay kusoo kordhiyeen Amniga Baladweyne tan iyo markii lagu wareejiyay?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN:- Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Dalka Suuriya.

0

Isniin, 03 Feb 2025{HMC} FAAH FAAHIN:- Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Dalka Suuriya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Saamayn nuuce ah ayuu Ganacsiga ku yeelan Karaa Canshuurta ay iskugu Jawaabeen Maraykanka iyo kanada

0

Isniin, 03 Feb 2025{HMC} Saamayn nuuce ah ayuu Ganacsiga ku yeelan Karaa Canshuurta ay iskugu Jawaabeen Maraykanka iyo kanada

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA