Isniin, 03 Feb 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn
{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {03-02-2025}
Isniin 03-02-2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali axmed & Shugri Baryare maxamuud
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
Booliiska Soomaaliya Oo Amaro Culus dul dhigay Shirkadaha & Shaqaalaha Ajaanibta ah.
Isniin 3, Feb 2025 {HMC} War kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa Ganacsatada, Shirkadaha aan Dowliga ahayn, Shirkadaha iyo Shaqaalaha ajaanibta lagu faray in ay qaataan Warqadda dambi la’aanta ee waaxda dambiyada u qaabilsan ee C.I.D.
Afhayeenka Booliiska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in xogaha la helay ay muujinayaan in waxa uu ugu yeeray ‘Argagixisada’ ay dhexmarayaan Ganacsatada si looga hortagana loo qaaday tallaabadaan sida uu hadalka u dhigay.
Dhaqangalka amarkaan ayuu sheegay in uu billaaban doonno 10ka Febaraayo 2025 oo ah Isniinta todobaadka dambe, waxa uu tilmaamay in lala xisaabtami doonno cid weliba oo diidda fulinta amarkaan ama u marta sifo qaldan sida uu yiri.
“Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Ajaanibta ah waa in ay qaataan warqadda dambi la’aanta ee C.I.D. sidaas oo kale waxaa Shirkadaha & Ganacsatada la farayaa in ay qaataan warqaddaas, Warqaddaan waxa ay caddeyn u tahay in Ganacsigaas ama shirkaddaas aanay ku lug lahayn kuna jirin maalgelinta Argagixisada, xogaha la helayo ayaa muujinaya in kooxaha Khawaariijta ah lacagihii laga xayiray ay dhexmarsanayaan Shirkado iyo Ururro” Afhayeenka Booliiska Soomaaliya, Gaashaanle Cabdifitaax Aasan Xasan.
Gaashaanle Cabdifitax ayaa sheegay in diiwaangelintaan laga doonayo Shirkadaha Amniga ee gaarka loo leeyahay, Ururrada aan Dowliga ahayn, Ururrada aan faa’iido doonka ahayn, Shirkadaha Isgaarsiinta, kuwa dhismaha, Hoteellada, Duullimaadka, Caafimaadka, guryaha kireeya & kuwo kale.
Wararkii ugu Dambeeyay Buuq ka taagan Garoonka Muqdisho.
Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Buuq muddo kooban taagnaa ayaa maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaddib markii dad safar dibadda u ahaa la isku dayay in lagu qasbo qaadashada tallaalka sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan.
Dadka rakaabka ah ayaa diiday in ay qaataan tallaal aanay horay loogu wargelin, qaar kale ayaa ku dooday in dadka xujeyda oo keliya loogu talagalay in ay qaataan oo ogaalkooda sidaas ahaa halka qaar kale ay sheegeen in aanay awoodin lacagta badan ee laga doonayo.
Ilo xilkas ah ayaa Mustaqbal u sheegay in markii ay is mari waayeen Shaqaalaha wax tallaalaya iyo Dadka rakaabka ah ee damacsanaa in ay dhoofaan ay kusoo baxeen mas’uuliyiin katirsan Dowladad Federaalka oo kolkii dambe fasaxay Dadkaas si ay usii wataan safarkooda.
Maxaa buuqa si gaar ah u dhaliyay?
Shaqaalaha Caafimaadka ee wax tallaalaya ayaa marka ay qofka tallaalaan waxa ay siinayaan buug muujinaya in qofkaas la tallaalay, kaddib waxaa laga doonayaa in uu bixiyo lacag dhan $45, halka qofka horay u tallaalnaa marka la xaqiijiyo laga doonayo $30 sida hadalka loo dhigay.
Dadka qaar ayaa ku dhowaaday in ay ka baaqdaan ama dib uga dhacaan safarkooda maadaama laga hor istaagay in ay ka gudbaan qaybta hubinta ugu dambeysa ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde si ay u raacaan diyaaradda ay ku qornaayeen.
Weli wax war ah kama soo bixin Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan qaybta Caafimaadka ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho si faah-faahin looga helo amarkaas cusub ee saameynta ku yeeshay Dadka rakaabka ah.
La soco wixii kasoo kordha
Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in ay la garab istaagayo Dadkii ku hanti waayay Suuqa Idaacadda
Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo tagay suuqa gobonnimo oo sidoo kale loo garan ogyahay Suuqa Idaacadda oo xalay dab xooggan uu gubay goobo Ganacsi oo suuqaas kamid ah.
Cirro ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin Dadka dhibaatadu kasoo gaartay Dabkaas, waxaana uu la shiray Guddi farsamo oo soo gudbin doonna khasaaraha inta uu gaarsiisan yahay iyo sida lagu gacan qabo Dadkaas si ay uga soo kabtaan.
“Dhibta waxa aan la qaybsaneynaa Dadkii hantidooda ku gubatay Suuqa Gobannimo ee Suuqa Idaacadda, hoos Ayaan u eegi doonnaa dabka soo noqnoqday, waddooyinka & sida uu suuqa u dhisan yahay wax laga baddelo waajib bay nagu tahay” Cabdiraxmaan Cirro, Madaxweynaha Maamulka Somaliland.
Khasaaraha tira-koob rasmia ah lagama diiwaangelin waxaa socda qiimeyn ay ku howlan yihiin xubno isugu jira Ganacsatada Suuqa Idaacadda, Dowladda Hoose ee Hargeysa & Xafiiska Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro sida ay wararku sheegayaan.
PM Hamza Appoints New Deputy Director of Mogadishu Port.
Monday 3,Feb,2025 {HMC} The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, H.E Hamza Abdi Barre, has appointed Mr. Ismail Said Aw-Musse as the Deputy Director of Mogadishu Port, following a recommendation from the Minister of Ports and Maritime Transport.
This appointment is part of a strategy to accelerate and enhance the country’s port infrastructure, in line with the National Development Plan.
Source SONNA
US president to hold talks with Canada and Mexico, a day after announcing punishing tariffs.
Monday 3,Feb,2025 {HMC} US President Donald Trump says he will speak with his counterparts in Mexico and Canada on Monday, a day after announcing punishing tariffs on the neighbouring countries as well as China.
The Trump administration plans to impose levies of 25 percent on goods from Canada, and 10 percent on energy products from the country starting from Tuesday. Goods from Mexico will be subject to tariffs of 25 percent, while imports from China face 10 percent.
Trump says tariffs on the European Union will also happen “very soon”, but declines to give a specific timeline.
Canadian Prime Minister Justin Trudeau says his country will respond with matching tariffs on up to 155 billion Canadian dollars (roughly $105 bn) in US imports. Mexico’s President Claudia Sheinbaum has also ordered retaliatory tariffs, while China promised “countermeasures”, saying the US tariffs seriously violate World Trade Organization rules.
Trump said the potential domestic “pain” caused by the tariffs and retaliatory measures taken against the US will “be worth the price that must be paid”, also railing against critics of his plan, on his platform Truth Social.
Source: AJ
EU extends anti-piracy, security missions in Somalia until 2027
Monday 3,Feb,2025 {HMC} The European Union has extended the mandates of Operation Atalanta and the EU Training Mission (EUTM) Somalia until February 28, 2027.
Announced in December, the extension also includes the EU Capacity Building Mission (EUCAP Somalia). It follows a review to bolster the EU’s response to emerging security challenges in one of the world’s most geopolitically significant regions.
The EU said that Operation Atalanta will continue its mission to combat piracy and disrupt illicit activities along the Somali coast, the Gulf of Aden, and the Red Sea.
The operation will strengthen collaboration with Operation Aspides, which guards commercial vessels in the Red Sea.
The Maritime Security Centre Horn of Africa (MSC-HOA) coordinates naval operations and will be renamed the Maritime Security Centre Indian Ocean to reflect its expanded role.
Operation Atalanta has been active since 2008.
On land, EUTM Somalia says it will provide strategic advice and training to Somali security forces, while EUCAP Somalia will assist with maritime law enforcement and policing.
Under the European Peace Facility, Somali forces will continue to receive EU-funded equipment and logistical support. The EU’s missions will also collaborate with Djibouti.
The next review of the EU’s presence in the region is expected before the new mandates expire in 2027.
Jubbaland special forces kill two AS operatives, capture another in Kismayo city
Monday 3,Feb,2025 {HMC} Jubbaland special forces killed two Al-Shabaab members and captured another one alive during a targeted operation on a house in Kismayo on Sunday night.
The three militants were identified as being responsible for targeted killings and planned assassinations in the city. Security officials said the operation was conducted based on intelligence reports pinpointing their location.
“The men were planning to carry out targeted killings and assassinations of important individuals in Kismayo city,” the security officers confirmed.
In a related development, Jubbaland Police carried out a large-scale security operation across several neighborhoods in Kismayo on the same night.
Authorities described the operation as part of the police force’s routine security plan to maintain peace and stability within the city and its surrounding areas.
Source Hiiaan online
Hargeisa market fire extinguished, poor access roads hindered response.
Monday 3,Feb,2025 {HMC} A massive fire that broke out at Gobonimo Market in Hargeisa on Sunday night has been fully extinguished, leaving significant destruction and financial losses.
Former Hargeisa Mayor Abdirahman Soltelco praised the efforts of the fire brigade, police force, and military personnel, who worked together to contain the blaze.
“I thank the fire brigade, the police force, and the military who all contributed to putting out the fire. It is now extinguished and under control,” he said.
However, the fire has left many traders devastated. One woman entrepreneur, whose business was completely destroyed, described the emotional impact of the loss.
“I don’t know anything about my business. I arrived at the scene, and it was all gone. I was asleep when the fire started,” she explained.
Traders and witnesses blamed poor road conditions within the market for hampering firefighting efforts, allowing the fire to spread rapidly.
“The main cause of the losses is the lack of proper access. The market has no road for vehicles—not even a cart can pass through,” one witness said.
The cause of the fire remains under investigation, but preliminary reports suggest it may have been caused by electrical faults or the unsafe storage of flammable materials.
Source Hiiraan online.



