Home Blog Page 1268

{DAAWO MUQAALKA} Buuq ka taagan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

0

Isniin, 03 Feb 2025{HMC} Buuq ka taagan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN:- Xubno ka tirsan AS oo lagu Dilay Magaalada Kismaayo.

0

Isniin, 03 Feb 2025{HMC} FAAH FAAHIN:- Xubno ka tirsan AS oo lagu Dilay Magaalada Kismaayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Jubaland oo sheegtay in howlgalka qorsheeysan ay ku dishay Dagaalamayaal ka tirsan AS.

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ay u daateen guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen Seddex kamid ah dagaalamayaal Al shabaab ah gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida ay ku warantay warbaahinta Jubaland.

Wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in ciidamadaan ay hayeen xogta dagaalamayaashani, laba kamid ah ayay sheegeen saraakiisha inay howlgalka ku dileen mid kalana ay gacanta kusoo dhigeen.

Saraakiisha Jubaland ayaa laga soo xigtay inay ragaani qorsheenayeen in ay magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ah ee Jubbaland ka fuliyaan dilal qorsheysan, iyo khaarijinta xubno muhiim ah.

Magaalada Kismaayo sidoo kale xalay waxaa ka dhacay howlgal ay ciidamada Booliska ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka koobantahay magaaladaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalladani ay qayb ka yihiin qorshaha joogtada ah ee Ciidanka Booliska Jubbaland ay ku xaqiijinayaan Amniga Magaalada Kismaayo iyo Agagaarkeeda, waxaana ay saraakiisha ku micneeyeem howlgalada noocani oo kale ah in looga hortagayo falalka Amni-darro iyo dhibaatooyinka kale oo ka dhici kara Magaalada.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cirro oo Booqday suuqa Gobanimo oo Dab Xoogan Qabsaday.

0

Isniin, 03 Feb 2025{HMC} Madaxweyne Cirro oo Booqday suuqa Gobanimo oo Dab Xoogan Qabsaday.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Khasaaro Intee la Eg ayaa ka dhashay Dabkii Xalay ka dhacay Suuqa Hargeeysa.?

0

Isniin, 03 Feb 2025{HMC} Khasaaro Intee la Eg ayaa ka dhashay Dabkii Xalay ka dhacay Suuqa Hargeeysa.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dowladda Somaliya oo tallaal qasab ah ku soo rogtay shacabka.

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Dawladda Soomaaliya ayaa tallaal qasab ah ku soo rogtay dhammaan dadka safarka ah ee dalka soo gelaya ama ka baxaya, si loo xakameeyo wax ay ugu yeertay faafitaanka cudurrada faafa, oo ay ka mid yihiin xummadda jaallaha ah (yellow fever), dabaysha (poliomyelitis), iyo qaaxada (meningitis).

Amarkan oo ay Axaddii si rasmi ah ugu dhawaaqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, ayaa isla markiiba dhaqan galay, waxaana lagu qasbay shacabka in ay qaataan 1-da illaa 10-ka Febraayo, 2025.

Hindisahan ayaa waafaqsan Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah (IHR 2005) ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), kuwaas oo dejinaya halbeegyada caalamiga ah ee ka-hortagga cudurrada iyo xakameynta caafimaadka ee xuduudaha.

Mas’uuliyiinta ayaa carrabka ku adkeeyay in siyaasaddani ay lama huraan u tahay ka-hortagga dillaaca cudurrada iyo ilaalinta caafimaadka dadweynaha, xilli ay sii kordhayaan khataraha caalamiga ah ee cudurrada saf-marka ah.

Sida ku cad siyaasaddan cusub, dhammaan dadka safarka ah, iyadoon loo eegin da’dooda ama dhalashadooda, waxaa waajib ku ah inay soo bandhigaan Shahaadada Tallaalka Xummadda Jaallaha ah oo sax ah marka ay soo gelayaan ama ka baxayaan goobaha laga dhoofo ama lagu soo dego ee dalka.

Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday in dadka safarka ah ay tahay in ay qaataan tallaalka ugu yaraan 10 maalmood ka hor safarka si loo xaqiijiyo difaacooda.

Waxaa la asaasay xarumo tallaal oo gaar ah, oo ay ku jiraan goobo ku yaal garoommada diyaaradaha ee caalamiga ah, dekedaha badda, iyo isbitaallada dowladda, si loogu adeego dadka safarka ah. Xarumahan ayaa la rumeysan yahay in ay leeyihiin dad ka tirsan dowladda ama xiriir hoose la leh.

Cafis caafimaad ayaa la siin doonaa shakhsiyaadka aan awoodin inay qaataan tallaalka sababo caafimaad oo gaar ah dartood, iyadoo shardi ay tahay inay soo bandhigaan warqad cafis caafimaad oo rasmi ah.

Dadka safarka ah ee ku guuldareysta inay buuxiyaan shuruudaha tallaalka waxay wajihi doonaan tallaabooyin caafimaad oo dadweyne, oo ay ku jiraan karantiil ama in laga mamnuuco inay dalka soo galaan.

Xummadda jaallaha ah, oo ah caabuq fayras oo ay kaneecadu gudbiso, waxay sababi kartaa xanuun daran iyo dhimasho haddii aan la daaweyn. Sida laga soo xigtay Ururka Caafimaadka Adduunka, tallaalku waa habka ugu waxtarka badan ee lagula dagaallamo cudurka.

Mas’uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasadda tallaalka qasabka ah ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee looga hortagayo gudbinta cudurka ee xuduudaha iyo ilaalinta dadweynaha.

Shuruudda xummadda jaallaha ah ka sokow, dadka safarka ah waa inay soo bandhigaan caddeynta tallaalka ka hortagga dabaysha ee afka laga qaato (oral poliomyelitis) iyo cudurka qoorgooyaha noociisa afar-geesoodka ah ee loo yaqaanno Neisseria meningitis.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ayaa ku boorrisay dadka safarka ah inay u hoggaansamaan amarkan, iyadoo iftiimisay doorkiisa muhiimka ah ee lagu xoojinayo safar caalami ah oo badqab leh.

“Annagoo iskaashaneyna, waxaan ka hortagi karnaa faafitaanka xummadda jaallaha ah iyo cudurrada kale ee faafa,” ayay Wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan soo rogtay tallaalo kala duwan, waxaana loo arkaa hanaan mar kasta lacag looga sameeyo shacabka taagta darran. Tallaalka ayaa qasab laga dhigaa in laga qaato dhowr xarun oo kaliya oo xiriir la leh madaxda dowladda kaliya, kuwaas oo lacagaha laga qabto ay qaataan xubnaha dowladda ee wax ka leh ama ka wakiilka ah.

Suuqa labaad ee ugu weyn Hargeysa oo gubtay

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab wayn oo xalay ka kacay Suuqa Gobonimo, gaar ahaan qaybta xigta deyrka waqooyi ee Idaacada, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka ayaa inta badan baabi’iyay suuqan oo ah kan labaad ee ugu wayn magaalada Hargeysa, wuxuuna ku fiday goobo ganacsi oo ku yaallay gudaha suuqaasi.

Ciidamada dab damiska Somaliland oo goobta gaaray ayaa mar dambe ku guuleystay xakamaynta dabka, waxaana hadda socda tirakoobka inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Sida uu sheegay taliyaha ciidanka dab damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili guud ahaan ciidamada dab damiska degmooyinka caasimada ayaa hawlgalkan ka qayb-galay, sidoo kale 26 gaari dab damis ah ayaa iyaguna ka qayb qaatay howlgalka.

“Alla Mahadii ciidamada ayaa ku guuleystay in dabkaa hareereeyaan, inta aanu ku fidin suuqa intiisa kale oo ah mid cidhiidhi ah ayna adagtahay in gaadiidka Dabdemisku si fudud u galaan. Dabkan ayaa bilaabmay 11:56 pm” ayuu yiri taliye Axmed Sawaaxili.

Sidoo kale wuxuu ka ka hadlay ciriiriga ka jira waddooyinka iyo dadka oo aad u badnaa, isaga oo fariin wacyigelin ah u diray bulshada Somaliland.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyay Wasaarada Arrimaha Gudaha,Badhasaabka, Maayar xigeenka, Xoghayaha dawlada hoose, xildhibaanada, Dawlada hoose Hargeysa, Ciidamada Booliska, Ciidanka Military ga, Wasaarada Warfaafinta, Booyadaha Shacabka iyo dadweynaha oo iyaguna ka qayb qaatay dadaalka daminta dabkaasi.

Horay waxaa sidaan oo kale ugu gubtay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, kaas oo dhaliyay khasaare lixaadleh iyo burbur wayn oo soo gaaray suuqaasi.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {03.02.2025}

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Digniinta uu Mareeykanka u Gudbiyey Madaxda Dalka Panama

0

Isniin, 03 Feb 2025{HMC} Maxay tahay Digniinta uu Mareeykanka u Gudbiyey Madaxda Dalka Panama

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Mucaaradka Puntland oo War-saxaafadeed ka soo saaray Dagaalka Kooxda Daacish.

Isniin 3, Feb 2025 {HMC} Dhammaan xisbiyada siyaasadda ee ka jira Puntland oo warsaxaafadeed wadajir ah soo saaray ayaa mucaarid iyo muxaafidba taageeray dagaalka Argagixisada looga saarayo buuraha Cal-miskaad.

Warsaxaafadeedka Xisbiyada siyaasadda Puntland ee kala ah; Mideeye, Sincad, Kaah, Mustaqbal, Horseed, Ifiye, Shaqaalaha iyo Runcad ayaa lagu taageeray hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish (ISIS) ee ku dhuumalaysanaysa buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Xisbiyada Siyaasadda ayaa sidoo kale bogaadiyay ciidamada Puntland ee guulaha waaweyn ka gaaray dagaalka Argagixisada, islamarkaana ka saaray saldhiyo badan oo ku yaalla buuraha Cal-miskaad, halkaasi oo weli ciidamadu ku raad-joogaan firxadka mileeshiyaadka Daacish.

Xisbiyaddu waxay sidoo kale u mahad celiyeen saaxiibada Caalamiga ah ee Puntland ka caawinaya hawlgalka, gaar ahaan dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka oo ka qeyb qaatay duqeymaha xagga cirka ah ee lagu bartilmaameedsaday Argagixisada Daacish.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen shacabka Puntland iyo taageerayaashooda in ay garab istaagaan ciidanka iyo dowlada Puntland, si loo dhammaystiro guusha laga gaaray kooxaha Daacish oo weli ku dhuumanaya buuraha, inkastoo laga saaray saldhigyo muhiim ah.