Axad, 02 Feb 2025{HMC} Maxeey ka tiri Ilhaan Cumar duqeyntii Mareynkan ka uu La beegsaday Daacishta Soomaaliya?.
{DAAWO MUQAALKA} Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 02-02-2025.
Axad, 02 Feb 2025{HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka Ugu Waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 01-02-2025.
HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN
Sideey u Arkaan Israa’iiliyiinta Sii Deeynta Falastiiniyiinta?
Axad 02, Feb 2025 {HMC} Heshiiskan marna kama marna cambaareyn iyo muran, gaar ahaan xibiga midig fog ee Israa’iil. Waxaa ku jirtay in boqollaal maxaabiis Falastiiniyiin ah la sii daayay laguna beddeshay tiro aad u yar oo Israa’iiliyiin ah.
Itamar Ben-Gvir ayaa iska casilay xilka Wasiirka Amniga Qaranka sababo la xiriira heshiiska, isagoo sheegay inuu ka xumaaday dii deynta “argagixisada xabsi daa’imka ku xukuman”.
Waxaa laga yaabaa inuu dib usoo celiyo xusuusta askarigii Israa’iil ee Gilad Shalit ee lagu beddeshay 1,027 maxaabiis Falastiiniyiin ah. Kuwii lagu sii daayay heshiiskii 2011 waxaa ka mid ahaa Yahya Sinwar, oo qeyb ka ahaa weerarradii 7dii October.
Dabcan, qaar ka mid ah kuwa la sii daayay waxaa lagu helay dembiyo khatar ah, inkastoo midkoodna aan lagu eedeyn inuu ku lug lahaa weerarkii 7 October. Ururka Maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa sheegay in 18 ka mid ah ay xabsi daa’im ku xukunnaayeen halka 54 kalena ay xabsiyo dhaadheer wajahayeen.
Puntland oo War Kasoo Saartay Duqeynta Cirka uu Mareykanka Ka Geystay Puntland
Axad 02, Feb 2025 {HMC} Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland oo lasoo dhigay barta Facebook ayaa lagu sheegay in Puntland ay uga mahad-celineyso saaxiibbada adduunka ee ka caawiyay howlgalka kooxda Daacish ee ku sugan qeybo ka mid ah maamulka.
Qoraalka ayaa gaar ahaan loogu mahad-celiyay dowladda Mareykanka oo sheegtay inay duqeymo cirka ah la beegsatay kooxda Daacish.
Puntland ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay wadday howlgal ballaaran oo kooxdan looga saarayo halkaas.
“Iyadoo maanta oo u danbeysay duqeyntii dhacday lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish) Howlgalka oo hadda galay wejigiisa labaad, ayaa Ciidanka Dowladda Puntland wejigii koowaad ka gaareen guulo badan, waxaana ka go’an Dowladda Puntland in Argagixisada Daacish laga sifeeyo deegaannada ay ku dhuummanayaan.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu bixiyay amarka cirka looga duqeeyay sarkaal weerarada qorsheeya iyo kuwa kale oo ka tirsan kooxda IS ee Soomaaliya.
“Kuwan dadka dila, ee aan ka helnay godad ay isku qarinayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo isbahaysigiisa”, ayuu yiri Madaxweyne Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
“Weerarka waxaa lagu burburiyay gododkii ay ku noolaayeen, waxaana la dilay argagixiso badan kuwaas oo aan marna dhibaateyn doonin shacabka.”
Ilhaan Omar oo Madaxweeynha Mareeykanka ku Amaantay Duqeeynta Daacish
Axad 02, Feb 2025 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa soo dhoweysay hadalka madaxweynaha dalkaa, Donald Trump, ee ah inuu amray duqeynta cirka ee loo geystay Daacishta Soomaaliya.
Qoraal ay xalay soo dhigtay barteeda X ayay ku sheegtay inay rajeyneyso in kooxda laga guuleysto.
“Haa, waa sida ay tahay inaan sameyno. Waa rajadeyda daacadda ah in Isis iyo Alshabab laga guuleysan doono dadka Soomaaliyana ay arki doonaan dhammaadka argagixisada.” Ayay ku tiri qoraalkeeda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu bixiyay amarka cirka looga duqeeyay sarkaal weerarada qorsheeya iyo kuwa kale oo ka tirsan kooxda IS ee Soomaaliya.
“Kuwan dadka dila, ee aan ka helnay godad ay isku qarinayeen, waxay khatar ku ahaayeen Mareykanka iyo isbahaysigiisa”, ayuu yiri Madaxweyne Trump oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
“Weerarka waxaa lagu burburiyay gododkii ay ku noolaayeen, waxaana la dilay argagixiso badan kuwaas oo aan marna dhibaateyn doonin shacabka.”
Cudur aad looga walaacsanyahay oo Lagu Arkay Dal African Ah
Axad 02, Feb 2025 {HMC} Wasaaradda Caafimaadka Kenya ayaa digniin dadweyne soo saartay kaddib markii cudurka Ebola nooca loo yaqaaan (Sudan Ebola Virus Disease) laga xaqiijiyay dalka deriska la ah ee Uganda.
Sida ay qortay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) fayraskaan Sudan waxuu lamid yahay lana bahyahay fayraska Ebola, waana xanuun darran oo cadadka dadka uu ku dhaco dhimashoodoodu badantahay qiyaastiina gaadhayso sida ay sheegtay hay’addu 40% Illaa 70% marka la eego safmareenadiisii hore.
Waxayna sidoo kale Hay’adda Caafimaadku Adduunku xustay in maqnaanshaha dawadiisa iyo hababkiisa ka hortag ay keenayso saamayn ba’an uu yeelan karo xanuunkani.
Xoghayaha Guud ee Caafimaadka Dadweynaha dalka Kenya, Mary Muthoni, ayaa bayaan ay soo saartay Jimcahii ku sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay badbaadinta muwaadiniinta maadaama xadka Kenya iyo Uganda uu yahay mid furan. Waxay xustay in la xoojin doono kormeerka dhammaan goobaha laga soo galo dalka.
“Marka la eego xaaladdan, waxaan dooneynaa inaan bulshada u xaqiijinno in Wasaaradda Caafimaadka ay ka go’an tahay ilaalinta caafimaadka iyo badbaadada dhammaan dadka Kenyaanka,” ayay tidhi Muthoni.
“Sidoo kale, qiimeyn degdeg ah oo lagu sameynayo awoodda dalka ee ka jawaabista cudurka ayaa socota, kadibna waxaa la diyaarin doonaa qorshe dhammeystiran oo hagaya diyaargarowga iyo ka-hortagga Ebola. Dadaal ahaan, waxaa la xoojiyay nidaamka dabagalka cudurrada ee dhammaan gobollada iyo goobaha laga soo galo dalka.”
Xoghaye Muthoni waxay muwaadiniinta siisay talooyin badbaado noqon kara si looga hortago faafitaanka fayraska halista badan
Sida ay qortay Hay’adda Caafimaadka Adduunka Cudurka fayraska Sudan waxaa markii ugu horreysay laga helay koonfurta Sudan bishii Juun 1976. Tan iyo markaas, fayrasku wuxuu soo laba kacleeyay waqtiyo kala duwan, waxaana ilaa hadda – ka hor faafitaanka hadda jira – la diiwaangeliyay siddeed safmareen (outbreak) oo uu keenay Fayraska Suudaan shan jeer oo Uganda ah iyo saddex jeer oo Sudan ah.
Si looga fogaado faafitaanka cudurka, dadweynaha waxaa lagu dhiirrigeliyay in ay ka fogaadaan xiriir toos ah oo ay la yeeshaan dadka cudurka qaba, xoolaha cudurka qaba ama waxyaabaha laga helo.
Sababta oo ah fayrasku wuxuu ku faafi karaa dareerayaasha jirka ama taabashada tooska ah ee qof qaba fayraska Ebola ama xoolaha iyo waxyaabaha laga helo xoolaha cudurka qaba.
“Cudurkan wuxuu ku faafo dadka dhexdiisa marka ay jirto taabasho toos ah (marinada jidhka ee jaban ama xuubabka jilicsan), dhiigga, dheecaanka, xubnaha ama dareeraha kale ee jirka ee qofka cudurka qaba, iyo walxaha ay ka mid yihiin gogosha iyo dharka uu taabtay qof cudurka qaba,” ayay tidhi xoghaye Muthoni.
Calaamadaha ugu horreeya ee cudurka Ebola waa qandho, madax xanuun, shuban, matag iyo dareemid daal xoogan. Marxaladaha dambe ee cudurka waxaa lagu gartaa dhiigbax ka yimaada daloollada jirka.
Qof kasta oo muujinaya astaamaha cudurka waxaa lagula taliyay inuu si degdeg ah uga raadsado daryeel caafimaad xarumaha caafimaadka, islamarkaana laga fogaado in bukaanka lagu daaweeyo guryaha.
Qoysaska ay ka dhinteen dad qaba cudurka Ebola waxaa loo digay in aysan taaban ama mayrin meydka, maadaama ay tahay in si nabadgalyo leh loo aaso.
“Fayrasku wuxuu si fudud ugu gudbi karaa xubnaha qoyska ama shaqaalaha caafimaadka haddii aysan wadan qalabka ilaalinta shakhsi ahaaneed (PPE) xilliga ay daryeelayaan qof cudurka qaba ama marka la maamulayo meydka qof cudurka u dhintay,” ayay sheegtay Muthoni.
Sidoo kale, dadweynaha waxaa lagula taliyay in ay ka fogaadaan xiriirka tooska ah ee xayawaanka duurjoogta ah ee nool iyo kuwa dhintay, hilibkooda, saxaradooda iyo dareerahooda.
Dalka Uganda ayaa xaqiijiyay in cudurka Ebola laga helay caasimadda Kampala, iyadoo qofkii ugu horreeyay ee cudurka qaba uu u dhintay Arbacadii lasoo dhaafay
Hay’adda Caafimaadka Adduunkuna waxay soo jeedisay wada-shaqeynta dalalka deriska ah in la xoojiyo si loo isku waafajiyo hababka warbixinta, loo sameeyo baadhitaanno wadajir ah, loona wadaago xog muhiim ah wakhtiga dhabta ah. Iyo in sidoo kale dalalka ku hareeraysan [Uganda] ay xoojiyaan hawlaha diyaar-garowga si loo fududeeyo ogaanshaha kiisaska hore, go’doominta, iyo daaweynta.
Dowladaha Carabta oo kahor yimid go’aankii Trump ee ka dhanka ahaa Falastiin.
Axad 02, Feb 2025 {HMC} Dowlado badan oo ah kuwa Carabta ayaa si toos ah uga hor yimid hadal dhowaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ahaa in Shacabka Falastiin ee laga raro Magaalada Gaza kaddib markii ay iska caabiyeen Yuhuudda iyo xulufadii garab taagnayd.
Donald Trump ayaa si aan ka gambasho lahayn u sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii Falastiin looga rari lahaa Magaalada Gaza iyaga oo dejinaya Dalalka Carbeed ee Masar iyo Urdun sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Maraykanka.
Qorshahaan oo kale ayaa horay u socon waayay si ay Yuhuuddu u hesho dhul horleh oo Falastiin ka xoogto iyada oo garb ka heleysa Maraykanka & Dalal kale oo reer Galbeedka ah, Trump ayaa xusay in qorshahaas uu yahay mid muhiim ah.
Israa’iil oo awoodi waysay in ay awood kusoo furato Maxaabiista Xamaas gacanta ku heyso tan iyo Oktoobar 2023, waxa ay ku qasbanaadeen in ay wadahadal la galaan si maxaabiista labada dhinac la isku dhaafsado, kaddib markii cadaadista uu ku kordhay Benjamin Netanyahu.
Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta, Urdun, Qatar, Falastiin & Guddoomiyaha Jaamacadda Carabta oo kulan uga socda Magaalada Qaahira ayaa go’aan ku gaaray in laga hortago qorshaha lagu salkicinayo Shacabka dulman ee iska dhiciyay Israa’iil iyo xulufadeeda.
RW Xamsa oo Kulan la Qaatay Guddi Hoosaadka Golaha Wasiirrada
Axad 02, Feb 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda loo dhanyahay, waxaa kulankaan diiradda lagu saaray dardargelinta taageeridda Doorashada & dhammeystirka Dastuurka Dalka.
Xamsa Cabdi Barre ayaa warbixin ka dhageystay guddigaan oo soo bandhigay dedallada lagu hirgelinayo doorashooyinka Dalka si loo saldhigo Doorasho qof iyo cod ah oo dhammaan dhinacyada daneynaya uwada furan.
Waxa uu faray Xubnaha Golaha Wasiirrada ee ku jira Guddi Hoosaadka siyaasadda loo dhanyahay in ay dardargeliyaan kaalintooda ku aaddan hirgelinta iyo fududeynta waxyaabaha loo baahan yahay si ay u hirgasho Doorashada.
“Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS), waxa uu u madax-bannaan yahay qabashada dhammaan doorashooyinka heer walba, iyada oo Xukuumadda waajib ka saaran yahay taageeridda guddiga, si uu dalka uga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.” Ayuu yiri RW Xamsa Cabdi Barre
“Dhammaan hay’addaha dowladda ee ku shaqada leh taageeridda guddiga waxaan farayaa in ay dardargeliyaan mas’uuliyadaha kaga soo aaday hawlaha doorashada.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre
Waxaa socda qorshaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu horgeynayo cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka Dalka, marka uu furmo fadhiga Baarlamaanka 11aad Maalmaha soo socda ayaa laga shaqeyn doonnaa cutubyadaas sida qorshaha uu yahay.
{DAAWO MUQAALKA} Dowladaha Carabta oo kahor yimid go’aankii Trump ee ka dhanka ahaa Falastiin.
Axad, 02 Feb 2025{HMC} Dowladaha Carabta oo kahor yimid go’aankii Trump ee ka dhanka ahaa Falastiin.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Aqalka Cad oo Ansaxiyay Canshuur Kordhinta lagu soo Rogay Dalka Canada.
Axad, 02 Feb 2025{HMC} Aqalka Cad oo Ansaxiyay Canshuur Kordhinta lagu soo Rogay Dalka Canada.



