Home Blog Page 1277

Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed meets UN envoy to discuss electoral impasse.

0

Friday 31 Jan , 2025 {HMC} Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed met with James Swan, the Acting Special Representative of the United Nations Secretary-General for Somalia, in Mogadishu on Thursday to discuss Somalia’s ongoing political challenges, particularly those linked to the upcoming elections.

The meeting focused on the electoral process, which has been a source of tension between the opposition coalition, including Sheikh Sharif’s political party, Himilo Qaran, and the current federal government leaders.

Both the UN envoy and Sheikh Sharif emphasized the importance of reaching a consensus on the electoral framework to ensure the legitimacy and public acceptance of the process.

“Today, I had a meeting with James Swan, the Acting Special Representative of the Secretary-General for Somalia. We discussed a broad range of issues, particularly politics, the contested electoral model, and the need for a consensual, credible, and legally compliant election to happen in the upcoming elections,” Sheikh Sharif said.

The discussion comes as Somalia gears up for Local Council Elections, scheduled to begin in June 2025. According to the National Independent Electoral Commission (NIEC), the elections will be held in Mogadishu, Hirshabelle, Galmudug, Jubaland (including Gedo), Southwest State, and the interim SSC Khaatumo administration.

SOURCE

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {31-01-2025}

Jimco  31, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiraxmaan Macalin

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

Dagaal Culus oo Ciidamada isbahaysanaya iyo AS ku dhexmaraya gobolka Hiiraan

Jimco 31 Jun 2025 {HMC}  Dagaal culus ayaa maalintii labaad oo xiriirra ku dhexmaraya gobolka Hiiraan ciidamada dawladda oo ay taagerayaan kuwa midowga afrika iyo Macawisleyda oo isku dhinac ah iyo Ururka As.

Dagaalka maanta ayaa u badan duqeyn loo adeegsanayo diyaarado iyo madaafiicda goobta oo lagu garaacayo difaacyada AS ee tuulada Jiciboow oo ku taala webiga dhiniciisa bari una dhaxaysa magaalooyinka Halgan iyo Buulo Burdo.

Dagaalkii shalay oo bilowday barqadii ayaa soo gaaray xalay fiidkii, waxa uuna markale bilowday saaka.

Ciidamada Jabuuti ee kamidka ah hawgalka AUSSOM ayaa adeegsanaya qoriga BM-ka iyagoo duqeynaya dhufeyso adag oo kooxda AS ay ka sameysteen aagagga hore ee Jiciboow.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyay dagaalka socda, waloow todobaadkan bartamihiisii dagaaladdii dhacay ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof.

Saraakiisha dawladda oo la hadlay warbaahinta ayaa guullo ka sheegtay dagaalka, waxaase muuqata in dagaalka la isku mari la’yahay gaar ahaan kan ka socda Jiciboow.

Dawladda iyo AS midba midka kale waxa uu sheegayaa in uu ka dilay tobannaan askari, laakiin ma jirto cid madaxbannaan oo xaqiijinaysa sheegashada labada dhinac maadaama dadka rayidka ah ay muddo hore isaga qaxeen deegaanka lagu dagaalamayo.

Congo oo ku baaqday in Rwanda tallaabo laga qaado

Jimco 31 Jun 2025 {HMC}  Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, ayaa sheegay in dalka ay si sharci darro ah u heystaan Rwanda.

Arintan ayaa timid kadib markii falaagada M23 ee ay Ruwanda taageerto ay qabsadeen bariga magaalada Goma, waxayna ku hanjabeen inay sii wadi doonaan duullaanka caasimada Kinshasa.

Therese Kayikwamba Wagner, ayaa Kigali ku eedaysay in ay isku dayday in ay carqaladeyso nidaamka dowladda

Wagner ayaa sheegtay in beesha caalamka looga baahan yahay inay qaado tillaabo ay kamid tahay cunaqabatayn, si ay gacan uga geysato joojinta colaadda ku sii fideysa gobolka, loona badbaadiyo nolosha dadka.

Afhayeenka xukumadda Rwanda, Yolande Makolo, ayaa difaacday tallaabada ay qaaday, iyadoo sheegtay in ciidamadooda loo daabulay halkaas, si ay uga hortagaan colaadda soo gaarta dhulkooda.

Chad officials say French troops have finally left after 70 years’ presence.

0

Friday 31 Jan , 2025 {HMC} Chadian President Mahamat Idriss Deby said Chad’s military is ready to protect the country from any destabilization attempt as a January 31 deadline loomed for France to withdraw its troops. The last French troops left the N’djamena military base they occupied for about 70 years this week, continuing France’s reduced military presence in West Africa.

Chad’s President Field Marshal Mahamat Idriss Deby says this week’s departure of the last French troops from the central African state signals a new dawn for Chad.

Deby spoke at the Sergeant Adji Kossei Military Base in Chad’s capital, N’djamena, Friday, during a ceremony to mark the complete withdrawal of French troops before the January 31 deadline he gave Paris to pull out its troops.

The event, broadcast on state radio and TV, was attended by top military officials, government ministers, traditional rulers, diplomats and huge crowds of onlookers.

Twenty-six-year-old teacher Balkange Jean spoke to VOA via a messaging app from N’djamena Friday. He said he was delighted to see French troops leaving.

He said he does not understand why it took a long time for Chad’s government officials to order French troops out. He says French troops were only useful in Chad from June 1983 to December 1984, when France sent close to 4,000 troops to stop an invasion by Libyan military and Chad rebels.

French troops officially arrived in N’djamena to train the country’s young military during independence in 1960.

Deby said the forces remained, claiming France wanted to support Chad’s air force against rebels. It stationed troops in N’djamena claiming it was helping Mali, Burkina Faso and Niger to fight militant groups and terrorists operating within Sahel states.

State TV reports that the last French military planes and fighter aircraft left Chad Friday after handing over France’s last military base in a military ceremony in N’Djamena Thursday.

Chad announced an end to military cooperation with France November 28. On December 10, several hundred of the more than 1,000 French troops began leaving, but on December 31, Deby ordered the troops to leave his country by January 31.

General Pascal Ianni, the commander of French forces in Africa, speaking on Chad state TV on Friday, said the withdrawal of French troops from several African countries, including Chad, enables France to adapt itself to a revolution that Africa and the world is facing. He said France has to reinvent its military ties in Africa, where dynamic and younger leaders are affecting several changes and bringing hope to their citizens.

French troops were also ordered out of the West African nations of Niger, Burkina Faso and Mali following coups in the countries.

Last year, Senegal said it was negotiating the withdrawal of French forces before December of this year.

Djelassem Maïbé Adolphe is a former member of Chad’s Movement for Peace, Reconstruction and Development, a former rebel group. He was granted amnesty and freed from prison by Deby in August.

He said French-speaking African states with young leaders tend to turn to Russia for military assistance because of growing anti-French sentiments. He said African countries should make sure they individually and collectively have strong militaries to protect their territories instead of thinking that they can always count on external support.

Chad, Mali, Burkina Faso and Niger have shifted toward Russia by signing military deals and inviting Russian troops to train Africa militaries.

Chad says it is within its sovereign powers to negotiate military cooperation with any country of its choice, and that its troops are well trained to protect Chadians and their territory.

SOURCE VOA

Dagaal Cusub oo Dib U Qarxay Waqooyiga Darfur ee Sudan

Jimco 31 Jun 2025 {HMC} Dagaal cusub ayaa ka qarxay deegaanka El-Fasher ee Waqooyiga gobolka Darfur, halkaasoo u dhaxeeya ciidamada dowladda Sudan iyo xoogaga taageerada degdega ah ee RSF (Rapid Support Forces). Xogta laga helayo goobta ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay si xooggan uga hortageen weerar ka yimid RSF, iyagoo gaarsiiya khasaare weyn dhinacyada dagaalka.

Dagaalkan ayaa noqonaya midkii ugu dambeeyay ee ka dhaca gobolka Darfur tan iyo markii khilaafkii siyaasadeed ee gudaha Sudan uu ka dhacay bishii April 2023, taasoo horseedday dagaallo ba’an oo ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo RSF. Waqooyiga Darfur, oo horey u soo martay xaalado dagaal iyo dhibaatooyin bani’aadam, ayaa ka mid ah goobaha ugu daran ee saameynta dagaal ee ka jira Sudan.

Dagaalka soo cusboonaaday ayaa sabab u noqday xasilooni darro sii kordhaysa oo ka jirta gobolka, iyadoo dad badan ay ka barakaceen guryahooda iyo deegaanka. Xog uruurinta ayaa muujinaysa in dadka rayidka ah ay sidoo kale ka mid noqdeen dhibanayaasha dagaalka, iyadoo la sheegayo in ay jiraan khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Ciidamada Sudan ayaa ku tilmaamay weerarka RSF in uu yahay mid cusub oo isku dayaya in ay sii dheeraystaan kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah dowladda. Inkastoo ay jiraan dadaallo nabadeed, haddana waxaa muuqata in xasilooni darro laga yaabo in ay sii socoto gobolka Darfur.

Waalidiin iyo bulshooyinka deegaanka ayaa ka cabanaya xaaladda nololeed ee ka taagan gobolka, waxaana la xusay in caawimaad bani’aadamnimo ay aad u yar tahay.

Isbeddelada siyaasadeed ee dalka iyo dagaallada socda ayaa weli halis ku ah amniga iyo xasiloonida guud ee Sudan. Wararka dheeraad ah ayaa sugaya in ay iftiimiyaan xaaladda iyo tallaabooyinka ay dowladda iyo RSF qaadi doonaan.

Ururka Xamaas oo ugu dambeyn shaaciyay inuu Geeriyooday Mohamed Deif

Khamiis 30, Jan 2025 {HMC} Xamaas, ayaa si rasmi ah u shaacisay inuu geeriyooday taliyihii guud ee guutooyinka hubaysan ee Qasaam, Maxamed Dayf ( Abu Khalid).

Ku dhawaaqistan, waxaa kalo uu ku shaaciyay afhayeenka Qasaam, Abu Cubayda inay sidoo kale geeriyoodeen inta dagaalka lagu jiray ; Marwaan Ciise oo ahaa taliye ku-xigeenkii ciidanka Qasaam, taliyihii garabka ciidanka qalabka sida ee Qasaaam, Ghazi Abu Tama’a, taliyaha guutooyinka gargaarka deg deg ah, Raed Thabet, iyo taliyihii guutada Qasaam ee Khan Yunis, Rafi’ Salama.

Israel ayaa horey u sheegtay iney ka taqalustay Maxamed Deyf hase ahaatee Xamaas ayaa xiligaas beenisay sheegashada Israel inkastoo ugu dambeyn ay maanta qireen geerida hogaamiyahaas.

Dhinaca kale, Israa’iil ayaa maanta sii deysay mid ka mid ah maxaabiista ugu caansan Falastiiniyiinta ee ku xirnaa xabsiyada israa’iil, Sakariye Zubeydi oo tan iyo 2001 fuliyay howlgallo badan oo lagu dilay askar Israa’iil ah, wuxuu hoggaaminayay muddadaa garabka Al Quds ee Daanta Galbeed.

Zubeydi ,wuxuu diiwaanka ku galay inuu ka baxsaday xabsiga ugu adag Israa’iil ee sida weyn amnigiisa loo ilaaliyo ee Gilboa, taa oo ku noqotay filan-waa Israa’iil , isaga iyo shan xubnood oo ka mid ahayd askartiisa ayaa waqtiga god dhulka hoostiisa ah oo ay qodeen xabsigan uga soo baxday, howlgal aan horey loo arag oo muddo toddobaad ah lagu baadi-goobayay ayaa markii dambe lagu soo qabtay oo lagu celiyay xabsiga sannadkii 2021.

Looma oggolaan doono inuu tago xerada Jenin oo ah halka uu ka dhisay dagaalyahanno illaa hadda Israa’iil u diidday inay xeradaa gudaha u gasho.

 

Nin dhowr jeer Qur’aanka ku gubay Sweden oo la dilay

Khamiis 30, Jan 2025 {HMC} – Nin si isdaba-joog ah ugu gubay kitaabka Quraanka Kariimka gudaha dalka Sweden 2023-kii, arrintaas oo dhalisay caro xooggan oo kaga timid dalalka Muslimka, ayaa lagu toogtay koonfurta magaalada Stockholm, sida ay sheegeen baarayaasha, iyagoo intaa ku daray in shan qof loo xiray falka dilkaas.

Dacwad-ooge Rasmus Oman ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP in baaritaan lagu furay dilka 38-jirka lagu magacaabo Salwan Momika.

“Waxaan ku jirnaa marxalad aad u horreysa… waxaa socota xog uruurin aad u ballaaran. Shan qof ayaa loo xiray iyagoo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falkan dambi,” ayuu yiri.

Maxkamad ku taal Stockholm ayaa la filayay inay go’aan ka gaarto Khamiista maanta ah in Momika, oo ahaa Masiixi u dhashay Ciraaq, uu ku kacay kicinta nacayb qowmiyadeed, balse waxay dib u dhigtay xukunkeeda ilaa 3-da Febraayo sababo la xiriira geeridiisa.

Booliisku ayaa fiidkii Arbacada ka jawaabay dhawaaqa rasaas laga maqlay dhisme ku yaalla magaalada Sodertalje, halkaas oo uu deganaa Momika.

Waxay heleen nin “ay xabbado haleeleen, ninkaasna waxaa loola cararay isbitaalka,” sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay booliska, iyadoo lagu daray inuu markii dambe uu dhaawicii u geeriyooday.

Warbaahino dhowr ah ayaa sheegay in laga yaabo in toogashada si toos ah looga baahiyay baraha bulshada.
Wargeyska Aftonbladet ayaa sheegay in qofka weerarka fuliyay uu awooday inuu dhismaha uga soo galo saqafka sare.

Bishii Agoosto, Momika iyo nin kale oo lagu magacaabo Salwan Najem, ayaa lagu soo oogay dacwad ah “kicin ka dhan ah qowmiyad gaar ah” afar jeer xagaagii 2023-kii.

Sida ku cad warqadda dacwadda, labadan qof ayaa aflagaadeeyay Quraanka Kariimka, oo ay ku jirto inay gubeen, iyagoo hadallo meel-ka-dhac ah ka sheegay Muslimiinta – iyagoo falkaas mar ku fuliyay bannaanka hore ee masaajid ku yaalla Stockholm.

Xiriirka u dhexeeya Sweden iyo dhowr dal oo Bariga Dhexe ah ayaa waxaa xumeeyay ficillada labadan qof.

Dibad-baxayaal Ciraaqiyiin ah ayaa laba jeer xoog ku galay safaaradda Sweden ee Baqdaad bishii Luulyo 2023, iyagoo dab qabadsiiyay gudaha dhismaha markii labaad.

Bishii Agoosto ee isla sanadkaas, hay’adda sirdoonka Sweden ee Sapo ayaa sare ugu qaadday heerka halista afraad oo gaarsiisay ilaa heerka shanaad ka dib markii gubidda Quraanka ay dalka ka dhigtay “bartilmaameed mudnaan gaar ah leh.”

Dowladda Sweden ayaa cambaaraysay aflagaaddada ka dhanka ah Quraanka, iyadoo xustay in dastuurka dalku uu ilaalinayo xorriyatul qowlka iyo isu imaatinka.

‘Ma doonayo inaan waxyeelleeyo Sweden’
Isagoo la hadlayay wargeyska Aftonbladet bishii April 2023, Momika wuxuu ku adkeystay inuusan marnaba ula jeedin in gubidda Quraanka ay dhibaato u keento Sweden.

“Ma doonayo inaan waxyeelleeyo dalkan i soo dhoweeyay, ilaaliyayna sharaftayda,” ayuu yiri.

Momika wuxuu deganaa Sweden ilaa 2018-kii.

Bishii Oktoobar 2023, Hay’adda Socdaalka Sweden ayaa kala laabatay sharcigiisa deganaanshaha, iyadoo sabab uga dhigtay macluumaad been abuur ah oo ku jiray codsigiisii hore, laakiin waxaa la siiyay mid ku meel gaar ah, iyadoo sheegtay inay jirto “caqabad hortaagan fulinta” dib u celintiisa Ciraaq.

Bil ka hor xilligaas, Dowladda Ciraaq ayaa codsatay in loo soo gacan geliyo sababo la xiriira mid ka mid ah falalkii gubidda Quraanka.

Bishii Maarso 2024, Momika wuxuu ka tagay Sweden si uu magangelyo uga raadsado Norway, isagoo u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in xorriyatul qowlka iyo ilaalinta xuquuqul insaanka ee Sweden ay tahay “been weyn.”

Norway ayaa dib ugu celisay Sweden dhowr toddobaad ka dib.

Kahor inta uusan imaan Sweden sanadkii 2018-kii, boggaga baraha bulshada ee Momika ayaa ka sheekaynaya taariikh nololeedkiisa siyaasadeed ee is-bedbeddelka badan ee dalka Ciraaq.

Waxaa ka mid ahaa inuu xiriir la lahaa koox hubaysan oo Kirishtan ah intii lagu jiray dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Daacish, inuu aasaasay xisbi siyaasadeed oo Syriac ah oo aan la aqoon, inuu loolan la galay kooxo Masiixi ah oo saameyn leh, iyo in muddo kooban la xiray.

Wuxuu sidoo kale ka qayb qaatay dibad-baxyadii ballaarnaa ee looga soo horjeeday musuq-maasuqa ee ka dhacay Ciraaq dabayaaqadii 2019-kii, kuwaas oo lagu wajahay caburin ay ku dhinteen in ka badan 600 oo qof oo dalka oo dhan ah.

Bishii Oktoobar 2023, maxkamad Swedish ah ayaa nin kale ku xukuntay kicinta nacayb qowmiyad ka dib markii uu gubay Quraanka sanadkii 2020-kii, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee nidaamka maxkamadeed ee dalku uu tijaabiyo dacwad la xiriirta aflagaaddada kitaabka barakaysan ee Islaamka.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxay horay u sheegeen in sharciga Sweden uu dhigayo in gubidda Quraanka loo arki karo mid dhaleeceyn ah oo ka dhan ah kitaabka iyo diinta, sidaas darteedna lagu ilaaliyo xorriyatul qowlka.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo ku xiran hadba xaaladda iyo hadallada la jeediyay waqtigaas, waxaa sidoo kale loo fasiran karaa “kicin ka dhan ah qowmiyad gaar ah.”

Madaxweynaha Rwanda oo si kulul ugu jawaabay Dhigiisa Koonfur Afrika

Khamiis 30, Jan 2025 {HMC} Kigali — Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa fiidnimadii Arbacada baraha bulshada, gaar ahaan X, uga falceliyay hadallo uu jeediyay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, kaasoo toddobaadkan la xiriiray hoggaamiyaha Rwanda si uu uga dhex-dhexaadiyo colaadda ka taagan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Kagame ayaa ku eedeeyay Ramaphosa in uu faafinayo “been” la xiriirta doorka Kigali ee dagaalka ka socda magaalada Goma.
Kagame ayaa sheegay in uu toddobaadkan labo jeer la hadlay Ramaphosa.

“Waxa laga sheegay wada-hadalladii aan la yeeshay Ramaphosa ee lagu faafiyay warbaahinta, gaar ahaan kuwa ay shaaciyeen mas’uuliyiinta Koonfur Afrika iyo Ramaphosa laftiisu, waxa ay ka kooban yihiin marin-habaabin badan, weerarro ula kac ah, xitaa been,” ayuu yiri madaxweynaha Rwanda.

Kagame ayaa markaas kadib bixiyay sharaxaad dheeraad ah oo ku saabsan bayaan uu Ramaphosa ku daabacay X, kaasoo uu ciidanka Rwanda ugu yeeray “maleeshiyo.”

“Haddii Koonfur Afrika dooneyso in ay ka shaqeyso xal nabadeed, taasi waa wax wanaagsan, laakiin Koonfur Afrika maaha waddan u qalma doorka dhex-dhexaadinta ama nabadeynta,” ayuu yiri Kagame, isaga oo intaa raaciyay, “Haddii Koonfur Afrika door-bideyso isku dhac, Rwanda waxay arrintaas ula macaamili doontaa sida ay tahay mar kasta.”

Hadallada Kagame ayaa jawaab u ahaa farriin uu Ramaphosa hore ugu daabacay X, taasoo uu ku shaaciyay geerida 13 askari oo Koonfur Afrikaan ah, kuwaasoo qeyb ka ahaa hawlgalka ay urur-goboleedka SADC ka wado bariga DRC si loo soo celiyo nabadda.

Ramaphosa ayaa sheegay in Koonfur Afrika ay soo dhoweyneyso go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku baaqaya xabbad-joojin iyo “dib u celinta dhulkii ay qabsadeen M23 ee bariga DRC,” isaga oo intaa ku daray in “madax-bannaanida dhuleed ee DRC la dhowro.”

Khubarada ayaa sheegaya in khilaafka u dhexeeya labada hoggaamiye uu cirka isku shareeray kaddib markii Madaxweynaha DRC, Félix Tshisekedi, uu khudbad jeediyay, isagoo ballan qaaday in dowladdiisu ay dib u soo ceshan doonto dhulkii ay ka qabsadeen kooxda fallaagada M23.

Tshisekedi ayaa markale ku celiyay eedeymaha dowladdiisa ee ah in Rwanda ay taageereyso M23, wuxuuna digniin ka bixiyay in “joogitaanka kumannaan askari oo Rwandan ah gudaha dalkayaga… ay horseedi karto koror colaadeed oo aan la saadaalin karin.”

Si kastaba ha ahaatee, Kagame wuxuu ku adkeysanayaa in Rwanda aysan taageerin M23.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaaShii Ugu Badnaa.

0

Khamiis 30, jun 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub oo ku soo biiray diblumaasiyiinta ka howlgala dalkeenna.

Danjireyaasha uu Madaxweynuhu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:

1. Amb. Abdirahman Khalil Ahmed – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Sudan
2. Amb. Rowaid Adil Mohamed – Danjiraha cusub ee Falastiin
3. Amb. Morakot Janemathukorn – Danjiraha cusub ee Thailand
4. Amb. Bernard Yohana Kibesse – Danjiraha cusub ee Tanzania
5. Amb. Ana Filomena da Costa Rocha – Danjiraha cusub ee Portugal
6. Amb. Martin K. NGOGA – Danjiraha cusub ee Rwanda
7. Amb. Mahi Boumediene – Danjiraha cusub ee Algeria
8. Amb. Matsuura Hiroshi – Danjiraha cusub ee Japan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee Soomaaliya la leedahay dalalka ay danjireyaashani ka socdaan, si loo adkeeyo iskaashiga diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo amniga.

Danjireyaasha warqadaha laga guddoomay ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in ay dadaal ku bixiyaan horumarinta xiriirka ay dalalkoodu la leeyihiin Soomaaliya.