Home Blog Page 1280

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {30.01.2025}

0

Khamiis 30, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Cabdi Raxmaan Macalin Muuse

Farsamadii ::Muuse Cali Xerow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay shir deg deg ah oo looga hadlay xaaladda dalka Congo

Khamiis 30, Jan 2025 {HMC} – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Shir madaxeedka 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Shirkaas ayaa caawa looga hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) oo xubin ka ah dalalka ururkaas.

Shirkan oo ay Madaxdu ku yeesheen habka fogaan aragga ah ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxa uu la wadaagay hoggaamiyeyaasha kale ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, sida dowladda Soomaaliya ay uga walaacsan tahay xaaladda dalka Congo (DRC).

Xasan Sheekh ayaa dhinacyada is haya ugu baaqay in ay si shuruud la’aan ah u joojiyaan colaadda sokeeye, ayna dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul istaagay waayo aragnimada Soomaaliya ee colaadaha sokeeye iyo cawaaqib xumada ka dhalata.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa usoo jeediyay dhinacyada dagaallamaya inay ilaaliyaan goobaha rayidka iyo xarumaha diblomaasiyadda, si waafaqsan xeerarka caalamiga ah iyo xaquuqda Aadanaha.

Ugu dambayn, Madaxda dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee shirkan ka qayb galay ayaa isla qaatay in la qabto shir degdeg ah oo ay madaxda EAC iyo Urur Goboleedka Horumarinta Koonfurta Afrika (SADC) ay kaga wada hadlayaan colaadda sokeeye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo DRC.

Dalalka Niger, Mali iyo Burkina Faso oo ka baxay ururka ECOWAS

Khamiis 30, Jan 2025 {HMC} – Abuja — Urur goboleedka Galbeedka Africa ee loo soo gaabsho ECOWAS ayaa si rasmi ah u aqoonsaday ka bixisti ay ururka isaga baxeen dowladaha Niger, Mali, iyo Burkina Faso, kaddib muddo sannad ah oo qalalaaso diblamaasiyeed ah.

Bayaan Arbacadi kasoo baxay Ururka Bulshada Dhaqaalaha ee ECOWAS ayaa lagu xaqiijiyay tallaabadan, waxana tani ay muujineysa in isbaddal weyni ku dhacay diblamaasiyadda mandiqadda galbeedka Africa.

Hase yeeshee ECOWAS ayaa ku borrisay 12-ka dowladdood ee hadda ururka ku haray, in ay sii wadaan aqoonsiga baasaboorrada dowladaha isaga baxay ururka iyo in aysan jarin calaaqadooda wax is weydaarsiga ganacsi ee dalalkaasi, ilaa amar danbe.

Bayaan ayaa sidoo kale lagu sheegay, in guddigu uu dalalka Mali, Niger iyo Burkina Faso ku casuumay kulan farsamo, isla markaana ay mar walba soo dhaweynayaan dib ugu soo laabashada ururka.

Xiriirka ECOWAS iyo saddaxda dal ayaa xumaaday, kaddib marki afganbi xakunka looga tuuray madaxweynihi hore ee Niger Maxamed Baazuum bishii July ee sannadki 2023. Ururka ayaa markaas dalbaday in Baazuum talada dib loogu soo celiyay haddii kalana ay sameyn doonaan fara-gelin millatari.

Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa arrintaasi uga jawaabay ka bixisti ay isaga baxeen urur goboleedka ECOWAS. Waxay taasi baddalkeeda ku dhawaaqeen gaashaanbuur ay ugu magac-dareen Isbaheysiga Saaxil, iyaga oo xiriir dhow la sameystay dowladaha Ruushka, Turkiga iyo Iran.

Xamaas iyo Isra’il oo is weydaaranaya maxaabiis kale

Khamiis 30, Jan 2025 {HMC} –  CAIRO — Isra’il iyo Xamaas ayaa Arbacadi shalay sheegay, in la heystayaasha ay Khamiista maanta ah sii deyn doonto Xamaas ay isugu jiraan 3 qof oo Isra’iiliyiin rayid ah iyo 5 muwaadin oo u dhashay Thailand.

Isra’iiliyiinta laga soo fasaxayo Gaza ayaa kala ah lava dumar ah iyo oday 80 jir ah. Isla Khamiista maanta ah, Isra’il ayaa dhankeeda sii deyn doonta, tobnaan Falasyiiniyiin ah oo ku jira xabsiyadeeda.

Maxaabiis is weydaarsigan ayaa qeyb ka ah, heshiis ay dhexdhexaadiyiin dowladaha Mareykanka, Masar iyo Qatar. Heshiiska ayaa isugu jira xabbad joojin ka dhaqan gashay Gaza, dib ugu laabashada Falastiiniyiinta ee Waqooyiga Gaza, iyo is weydaarsiga dadka lakala hayo.

Maanta ilaa Sabtida, saraakiishu waxay sheegeen in la sii deyn doono la heystayaal reer Isra’il ah, iyo Falastiiniyiin muddo ku xirnaa xabsiyada Isra’il.

Maxaabiista Falastiiniyiinta ee la filayo in maanta lasoo daayo waxaa ka mid ah, Zakariya Zubeydi, oo horay uga tirsanaa dagaalyahannada Falastiiniyiinta.
Sannadki 2021-ki ayuu si la yaab leh uga baxsaday xabsiga, arrintaasi oo ka farxisay Falastiiniyiinta, aadna uga yaabisay ciidanka amniga Isra’il.

Wajiga koowaad ee heshiiska Xamas iyo Isra’il ayaa la filayaa in lagu sii daayo ilaa 2,000 oo Falastiiniyiinah, halka Xamas ay sii deyn doonto 33 ka mid ah la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee lagu hayo Gaza.

One survivor as 20 killed in South Sudan plane crash.

0

Only one person has survived a plane crash in South Sudan, which killed 20 oil workers who were on board, the government said.

The plane, which was heading to the capital, Juba, crashed three minutes after take-near the oil fields in Unity State on Wednesday morning, said Petroleum Minister Puot Kang Chol.

Among the victims are five foreign nationals: two Chinese, one Indian, and two Ugandan crew members. The 15 other victims were all South Sudanese.

The cause of the crash has not been determined, but authorities said they are investigating.

“Our thoughts and condolences go out to the families and loved ones of those on board during this incredibly difficult time,” said Chol.

The oil workers, who were all men, worked for the Greater Pioneer Company (GPOC) and the plane was operated by Light Air Services Aviation Company.

GPOC is a joint venture that includes state-owned oil companies from India, China, Malaysia, and South Sudan.

It was meant to be a routine exploration mission.

South Sudan’s aviation infrastructure is not well developed and the country has a poor safety record.

Air accidents are common, and frequently blamed on overloading of the aircraft or the weather conditions.

In 2021, five people were killed after a cargo plane carrying fuel for the UN’s World Food Programme (WFP) crashed near Juba.

SOURCE BBC

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 29-01-2025.

0

Arbaco 29-Jun 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY 

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Caawa lagu dilay Baladweyne.

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} – Dilka askariga ayaa ka dhacay Xaafada Kooshin ee Magaalada Baladweyne sida ay goobjoogayaal Hiiraanweyn u sheegeen.

Allaha u naxariistee Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan baroow, waxaana dil ka dib meydkiisa la geeyay isbitaalka guud ee Baladweyne.

Lama oga cida ka danbeysay dilka Askariga waloow ay warar kala duwan ka soo baxayaan, mana jirto wax faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxay laamaha Amniga Baladweyne.

Dilalka ay geystaan kooxaha hubeysan ayaa mesha ka baxay intii ay Baladweyne maamulayeen Ciidamada Deegaanka ama Macwisley.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.01.2025}

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Cabdi Raxmaan Axmed Maaskro

Farsamadii ::Abdirahman Mo,alim Muse 

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo si adag uga Hadashay Go’aanada Trump ee Qasa

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa tan iyo markii uu xilka la wareegay waxa uu saxiixay amarro fulineed oo la xiriira socdaalka iyo muhaajiriinta, kuwaas oo shacabka Mareykanka ay ku kala aragti duwan yihiin.

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali Mareykan ah oo ka tirsan Aqalka Kongareeska Mareykanka ayaa wareysi ay siisay BBC waxay ku dhaliishay arrimaha la xiriira musaafurinta muhaajiriinta ee Trump uu bilaabay.

“Sidii uu Trump u soo laabtay dhaawac weyn ayaa soo gaaray dadka, argagax ayuu abuuray, waan ka xunahay in la kala geeyo carruurta dalkaan ku dhalatay iyo waalidkood, dhibaatooyinka uu Trump geysanayo waa ay ka badan yihiin kuwii uu geystay afartii sano ee horay uu u soo xukumay dalkaan,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan waxay quus ka muujisay ka hortaggeeda go’aanada uu Trump dalka Mareykanka uga tarxiilayo dadka soo galootiga ah.

“Awoodda maamulka dalka waxaa hadda heysta xisbiga Trump, anaga waa nagu adagtahay in go’aanadooda aan ka dagaalano, laakiin waan caawi doonaa dadkeena, intii aan karno,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Sidoo kale Xildhibaan Ilhaan waxay talooyin siisay Soomaalida soo galootiga ku ah dalka Mareykanka ee halista ugu jira in lasoo tarxiilo, waxayna ku dhiirigelisay in aysan is dhigan sharciyadoodana aysan si sahlan u tusin kooxaha musaafurinta.

“Waxaan kula talinayaa dadka Soomaalida ah, hadii ay ku su’aalaan si sax ah ha kugu jawaabin, u sheeg in looyar aad ku xiran tahay oo masuul lagaa yahay, ha tusin sharciyadaada iyo sida aad ku imaatay, isku diyaari oo baro sharciyada dalkaan,” ayey tiri Ilhaan.

Ilhaan Cumar waxaa la weydiiyey qorshaha Trump ee lagu rarayo dadka Qasa degan, waxayna sheegtay in arrintaas ay ka soo horjeedaan, isla markaana ay rajeyneyso in dalalka Carabta ee Masar iyo Joordan aysan Trump ka ogolaa doonin waxa uu wado.

“Dadka muslimiinta ah ee reer Falastiin waxaan taageersanahay inay dalkooda joogaan oo aan laga rarin,” ayey tiri.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey qorshaha Trump uu deeqihii uga jartay qaar kamid ah dalalka caalamka oo Soomaaliya ay ku jirto, “Waxaas kama yeeleyno Aqalka Kongareeska ayaan u fadhinaa cod ayaana u qaadi doonaa,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Ilhaan.

Dhanka kale, Ilhaan Cumar waxay sheegtay inay diyaar u tahay la shaqeynta Madaxweyne Trump, haddii uu ka shaqeynayo danaha shacabka.

Madaxweyne Felix Tshisekedi oo Diiday ka qeyb galka kulan uu la yeelan lahaa dhiggiisa Rwanda, Paul Kagame

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Warbaahinta dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Felix Tshisekedi uusan ka qeybgalin kulan lagu qaban lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kaas oo ay isugu imaan lahaayeen madaxda DRC iyo Rwanda si ay uga wada hadlaan xaalada colaadeed ee ka jirta bariga Congo.

Kulankaasi waxaa marti-geliyay Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyadoo uu qorshuhu ahaa in labada madaxweyne ay si toos ah uga wada hadlaan colaadda ay fallaagada M23 ee taageertay Rwanda ay ka wado bariga Congo.

Xaaladda bariga Congo ayaa sii xumaaneysa iyadoo fallaagada M23 ay qabsatay magaalada Goma oo ah magaalo muhiim ah oo ku taalla bariga Congo, iyagoo sidoo kale gacanta ku haya qeybo badan oo ka mid ah gobolka North Kivu, taasoo sababtay in boqollaal kun oo qof ay ka barakacaan guryahooda.

M23, oo sheegta inay dagaal ka hortag ah kula jirto dowlada Congo, ayaa waxaa loo arkaa inay taageero ka hesho dowladda Rwanda, inkasta oo Rwanda ay si cad u diiddo arrintaas.

Colaadda ayaa keentay in cadaadis caalami ah uu si aad ah u kordho, iyadoo ururada caalamiga ah iyo dalalka ka tirsan Midowga Afrika ay ugu baaqeen in si degdeg ah loo helo xabbad joojin.

Warbaahinta Rwanda ayaa sheegtay in sidoo kale ay jirto tirada calooshood u shaqeystayaal reer Yurub ah oo taageeraya ciidamada Congo, kuwaasoo dhawaan la sheegay inay ka gaareen dalka Rwanda, iyadoo la filayo inay dib ugu laabtaan dalalkooda si ay uga baxaan xaaladda.

Xaaladda colaadeed ee bariga Congo ayaa sidoo kale dhalisay muran iyo xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyadoo labada dal ee Congo iyo Rwanda ay ku loollamayaan saamaynta gobolka iyo danta siyaasadeed ee ka dhashay colaadda M23.

Waxaa weli socda dadaallo kala duwan oo lagu doonayo in la helo xabbad joojin iyo xal waara oo lagu soo afjaro dhibaatada bariga Congo.

Isu soo wada duuboo, xaaladda colaadeed ee ka taagan bariga Congo, gaar ahaan magaalada Goma, ayaa sii hurisay khilaafyo siyaasadeed iyo saameyn ballaaran oo ku saabsan nabadgelyada iyo barakaca dadka, iyadoo labada dal ee Congo iyo Rwanda ay isku dhex jiraan isqab-qabsi dheeri ah.