Home Blog Page 1283

Waa Maxay Shardiga aay Finland ku Xirtay Soo Celinta Taageeradii ay Siin jirtay Soomaaliya?

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Dowladda Finland ayaa sheegtay in ay soo celinayso taageeradii ay siin jirtay dowladda Soomaaliya oo hakad gashay, haddii ay dowladda Soomaaliya kala shaqayso qorshe la doonayo in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga haysan dib loogu soo celiyo dalkooda.

Sida ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Finland, Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaas, Mari Rantanen, oo safar ku tagtay Soomaaliya 21-ka bishan, ayaa qorshahan kala hadashay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdillaahi Sh. Ismaaciil.

“Finland waxay rabtaa inay horumariso iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, waana mahadinaynaa xidhiidhka iskaashi ee soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya. Finland waxay danaynaysaa in la sameeyo qorshe wax ku ool ah oo dadka dib loogu soo celinayo, iskaashigana kaas lagu dhiso,” ayay tidhi Wasiir Rantanen.

Waxay sheegtay in Soomaaliya iyo Finland ay hore iskaga kaashan jireen la dagaallanka AS iyo maaraynta dhibaatooyinka, laakiin Finland ay dhawaan joojisay taageerada, soo celinteedana ay shardi u tahay in Soomaaliya ay kala shaqayso barnaamijka lagu soo celinayo dadka sharciga aan haysan ee ku dhaqan Finland.

Dowladda Maraykanka ayaa iyaduna hakad galisay taageero malaayiin dollar ah oo ay Soomaaliya siin jirtay, iyada oo dhanka kale kumanaan Soomaali ah oo sharci darro ku jooga Maraykanka la rajaynayo in dib loo soo celiyo.

 

{DAAWO MUQAALKA} Xagee isku Qarxin Rabeeyn Raga Manta Maxkamad lasoo taagay.?

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Xagee isku Qarxin Rabeeyn Raga Manta Maxkamad lasoo taagay.?

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada amaanka oo Dilay Rag weerar qaadi Rabay.

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Ciidamada amaanka oo Dilay Rag weerar qaadi Rabay.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {29-01-2025}

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiyare & Shugri Baryare

Farsamadii ::Abdiqani Osoble

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu Bilicda ka Badalay dhismaha wadooyinka Caasimada.

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Muxuu Bilicda ka Badalay dhismaha wadooyinka Caasimada.

{DAAWO MUQAALKA} DFS oo Canshuurta ka dhaaftay Adeegyada Caafimaadka Dalka.

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} DFS oo Canshuurta ka dhaaftay Adeegyada Caafimaadka Dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Ra/W Xamse “Ugaas Cabdi Daahir waxa uu kamid ahaa dhaqankii bud-dhigga u ahaa dowlad-dhiska”

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Ra/W Xamse “Ugaas Cabdi Daahir waxa uu kamid ahaa dhaqankii bud-dhigga u ahaa dowlad-dhiska”

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Trump Soomaaliya ma kala Baxayaa Ciidamadiisa?

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Madaxweyne Trump Soomaaliya ma kala Baxayaa Ciidamadiisa?

{DAAWO MUQAALKA} Baaritaan lagu Bilaabay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo Xog Cusub,

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Baaritaan lagu Bilaabay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga iyo Xog Cusub,

Maxaa ka Jiro in uu Qilaaf Sookala Dhaxgalay Daacishta Soomaaliya?

0

Arbaco, 29,Jan- 2025 (HMC)  Ilo wareedyo amni oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in kooxda Daacish laba garab u kala jabtay, tan iyo intii ciidamada Puntland ka qabsadeen difaacii adkaa ee Turmasaale.

Wararka ayaa sheegaya in Taliskii guud ee mileeshiyaadka Daacish uu kala daatay, kaddib markii laga saaray Turmasaale, taasi oo sababtay in ay istiraatiijiyadda dagaalka isku khilaafaan xubnihii kooxda u qaabilsanaa hoggaanka mileeshiyaadka hubaysan.

Saraakiisha ajnabiga ah ee kooxda ayaa soo jeediyay in la sameeyo weerarro habeenkii ah iyo in godadka laga baxo qaraxyo lagu xiro, balse marnaba aan la gelin dagaal toosa oo khasaaro badan kaga imaan karo.

Waxaase si adag uga horyimid xubno Soomaali ah oo intooda badan ka soo jeeda Puntland, waxayna soo jeediyeen in dagaal toosa lala galo ciidamada, taasi oo shaki xooggan ku abuurtay kooxdii ajnabiga ahayd, sida ay tilmaamayaan xogaha amni.

Intaasi kaddib, waxaa la sheegaya in ay laba garab noqdeen hoggaankii dagaalka u qaabilsanaa kooxda, kuwaasi oo u kala baxay Soomaali iyo ajaanib, waxaana labada kooxood badan ajaanibta dibadda ka yimid.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda ajaanibta ah go’aansatay in ay bilaabaan weeraro gaadmo oo habeenkii u badan iyo in ay saldhigyada ay ka baxaan miineeyaan, balse aysan dagaal toosa gelin.