Home Blog Page 1285

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {29.01.2025}

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadow

Farsamadii ::Muuse Cali Xerow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Dagaal-yahanno ajnabi ah oo ka kala yimid lix dal oo ku soo qul-qulaya Soomaaliya”

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Laanta yar balse saamaynta leh ee kooxda argagixisada Daacish ee Soomaaliya ayaa sii xoogaysanaysa, arrintaas oo qayb ahaan ay sabab u tahay, sida Qaramada Midoobe ay ku tilmaantay, “qulqulka dagaalyahannada shisheeye.”

Warbixin cusub oo toddobaadkan ay soo saartay Kooxda La-Socodka Cunaqabataynta ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka digtay in dagaalyahanno, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dalalka Bariga Dhexe, ay gacan ka geysteen in laanta Daacish ee Soomaaliya, oo sidoo kale loo yaqaanno IS-Somalia, ay tiradoodu laba laabanto, iyagoo hadda gaaraya inta u dhaxaysa 600 iyo 700 oo dagaalyahan.

“Dagaalyahannada shisheeyaha waxay Puntland [Soomaaliya] soo galeen iyagoo isticmaalaya marinno badeed iyo kuwo dhulka ah,” sida lagu sheegay warbixinta oo ku salaysan qiyaasaha sirdoonka ee dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Dagaalyahannada shisheeyaha “waxay ballaariyeen oo ay kobciyeen awoodda kooxda,” ayaa lagu yiri warbixinta, iyagoo xoojinaya joogitaanka Daacish ee gobolka Puntland ee Soomaaliya, isla markaana gacan ka geysanaya inay dhul ka qabsadaan kooxda ay xafiiltamaan ee al-Qaacida xiriirka la leh ee al-Shabaab.

Ilaha sirdoonku waxay horumarka Daacishta Soomaaliya, gaar ahaan buuraha Cal Miskaad ee Puntland, ku tilmaameen “isbeddel laxaad leh,” iyagoo u sababeeyey dagaalyahannada shisheeyaha isbeddelka ku yimid awoodda Daacishta Soomaaliya.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalyahannada shisheeyaha ee Daacish ay ka yimaadeen ugu yaraan lix dal oo kala ah: Suuriya, Yemen, Itoobiya, Suudaan, Marrocco, iyo Tanzania.

Waxay sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah dagaalyahannada shisheeyaha ee la qabtay ay sheegeen inay la shaqeynayeen tababarayaal ka yimid qaybo ka mid ah Bariga Dhexe.

Warbixintan cusub ayaa sii xoojinaysa digniino hore oo ka soo baxay saraakiisha Mareykanka iyo Soomaaliya, oo uu ku jiro taliyaha Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika, kaasoo bishii hore u sheegay VOA in Daacishta Soomaaliya ay “laba laabantay” sanadkii la soo dhaafay.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa iyaguna ka digay boqollaal dagaalyahanno shisheeye ah oo u soo qulqulaya Soomaaliya si ay ugu biiraan safafka Daacish.

“Warbixintan ku saabsan qulqulka dagaalyahannada argagixisada shisheeyaha ee Afrika waa mid walaac leh,” ayuu yiri Austin Doctor, oo ah agaasimaha hindisayaasha cilmi-baarista la-dagaallanka argagixisada ee Xarunta Qaranka ee Hal-abuurka, Tiknoolajiyadda, iyo Waxbarashada La-dagaallanka Argagixisada.

Iyadoo qulqulka dagaalyahannada shisheeyaha ee Soomaaliya uu aad uga yar yahay tobanaan kun oo dagaalyahanno ah oo u soo qulqulay inay ku biiraan Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq intii lagu jiray xilligii ugu sarreeyay ee kooxda argagixisada ay sheegatay khilaafada, Doctor ayaa sheegay in isbeddelkani uu u badan yahay inuu sii socdo.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Sababta Shiikh Maxamed U Raali Galiyay Booliska Soomaaliya?

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Maxay tahay Sababta Shiikh Maxamed U Raali Galiyay Booliska Soomaaliya?

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Faransiiska oo Awood millatari ku joojineeyso Damaca Mareeykan.

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Dowladda Faransiiska oo Awood millatari ku joojineeyso Damaca Mareeykan.

Soomaaliya oo $600,000 ku kireysatay shirkad xiriir la leh Donald Trump

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis la gashay shirkadda BGR Group, oo ah shirkad caan ah oo ku taalla Washington una ololeysa danaha dowladaha, si ay ugu ol’oleyso sii socoshada taageerada milateri ee Mareykanka ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah, oo ay ku jirto Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa muujineysa walaaca sii kordhaya ee la xiriira isbeddellada iman kara ee siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaalmada Mareykanka ka qaadato dadaallada la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya.

Heshiiskan oo socon doona muddo hal sano ah, isla markaana ku kacaya $600,000, ayaa bishii December 2024 waxaa si wadajir ah u kala saxiixday Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Xasan Carab, iyo shirkadda BGR Group, oo xiriir dhow la leh hoggaanka xisbiga Jamhuuriga iyo saraakiil hore oo ka tirsanaa dowladda Mareykanka.

Shirkadda BGR Group, oo uu si wadajir ah u aas-aasay Guddoomiyihii hore ee gobolka Mississippi, Haley Barbour, oo ah shaqsi caan ah oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, ayaa waxaa ka howlgala la-taliyeyaal caan ah, oo uu ku jiro Tom Locke, oo horey u soo noqday ku-xigeenka kaaliyaha Agaasimaha hay’adda FBI-da.

Khibradda ay shirkaddu u leedahay la macaamilka dhinacyada siyaasadeed ee Mareykanka ayaa la filayaa inay kor u qaaddo dadaallada ol’oleyn ee Soomaaliya ay ka waddo Aqalka Koongareeska iyo maamulka Trump.

Ku tiirsanaanta Soomaaliya ee taageerada milateri ee Mareykanka ayaa si aad ah u korortay waayadii dambe, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Kooxdan mintidka ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa in ka badan toban sano ka wadday gudaha Soomaaliya kacdoon arxan-darro ah.

Hase yeeshee, Madaxweyne Joe Biden ayaa go’aankaas buriyay sanadkii 2021-kii, wuxuuna dib ugu soo celiyay dalka boqolaal askari si ay u gacan siiyaan ciidamada Soomaaliya ee howl-galladooda la-dagaallanka argagixisada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka cabsi qabta in dib u soo laabashada maamulka Trump ama isbeddel ku yimaada siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay khatar gelin karaan taageeradan muhiimka ah.

Shaqaaleysiinta shirkadda BGR Group ayaa loo arkaa tallaabo ka-hortag ah oo lagu xaqiijinayo sii socoshada kaalmada milateri ee Mareykanka, taas oo ay mas’uuliyiinta Soomaalidu ku tilmaameen “udub-dhexaadka” dadaalladooda ku aaddan xasilinta dalka.

Waajibaadka shirkadda BGR Group waxaa ka mid ah u doodista sii socoshada kaalmada milateri ee Mareykanka, helidda dhaqaale lagu taageero ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyo xoojinta taageerada labada xisbi ee Mareykanka ee dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Xiriirka ay shirkaddu la leedahay hoggaamiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa ah mid istaraatiiji ah, marka la eego suurtagalnimada in xisbiga Jamhuuriga uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sanadka 2024.

 

{DAAWO MUQAALKA} Ajaanib ka tirsan As Oo Lagu dilay Dagaaladii Hiiraan ka dhacay.

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Ajaanib ka tirsan As Oo Lagu dilay Dagaaladii Hiiraan ka dhacay.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Falcelinta ka dhalatay tallaalka xoolaha iyo afuufka lo’da ee Kenya.?

0

Arbaco 29, Jan 2025 {HMC} Maxay tahay Falcelinta ka dhalatay tallaalka xoolaha iyo afuufka lo’da ee Kenya.?

President Hassan Sheikh addresses the Africa Energy Summit in Tanzania.

0

Tuesday 28, Jun 2025 {HMC} The President of the Federal Republic of Somalia, H.E Hassan Sheikh Mohamud, delivered a keynote speech at the Africa Energy Summit, outlining Somalia’s plans to enhance energy capacity and quality as a foundation for the country’s modernization and development.

The President highlighted Somalia’s vast renewable energy potential, particularly solar and wind resources, which he described as future key sources for environmentally friendly energy production.

“The progress Somalia aspires to achieve requires affordable and accessible energy. Currently, 50% of our population lacks sufficient electricity. Therefore, we are prioritizing investments in the energy sector to enable the establishment of industries, modernization of infrastructure, and improvement of public services,” he stated.

Accompanied by Minister of Energy and Water Resources Abdullahi Bidhan Warsame and Minister of Finance Biixi Imaan Egeh, President Hassan Sheikh invited international stakeholders to invest in Somalia’s energy projects, emphasizing the country’s untapped potential as a significant and promising market.

The Africa Energy Summit, attended by leaders from across the continent, concluded with the “Dar es Salaam Declaration,” a commitment to ensuring access to sufficient electricity for 300 million Africans by 2030.

National Electoral and Boundaries Commission announces Local Council Election locations.

0

Tuesday 28, Jun 2025 {HMC} The Chairperson of the National Independent Electoral and Boundaries Commission, Abdikarin Ahmed Hassan, has announced the regions where the upcoming local council elections will be held.

In an exclusive interview with National Media, the Chairperson confirmed that the commission is fully prepared to conduct the local council elections, which are set to take place across various administrative regions of the country.

“We will hold the local council elections in Jubbaland, specifically in the Gedo region, SSC-Khaatumo, Galmudug, Hirshabeelle, South West State, and the Banadir region,” said Abdikarin Ahmed Hassan.

The Chairperson also revealed that the commission’s headquarters in Mogadishu is currently facilitating the registration of new political parties and renewing the licenses of existing ones. He noted that the number of registered political parties has surpassed 100, reflecting significant political engagement.

Meanwhile, the Governor of Banadir Region and Mayor of Mogadishu, Mohamed Ahmed Amir, emphasized the administration’s commitment to ensuring security during the elections, paving the way for a historic one-person-one-vote process.

The Banadir region is making extensive preparations for the elections, with regional and district leaders working tirelessly to organize the event, which will mark the first local council elections in the capital.

SNA kills 16 Al-Shabaab militants in Hiiraan region.

0

Tuesday 28, Jun 2025 {HMC} The Somali National Army (SNA), alongside local forces are intensifying a large-scale operation in the eastern part of Hiiraan region aimed at eliminating extremist groups.

The operation, primarily conducted in the Beera Yabaal area, resulted in the elimination of 16 Al-Shabaab militants. On the previous day, forces successfully captured several strategic locations, including Beera Yabaal, Buur Abooto, Eega Galmaay, Jidcilaan, and Cadow Gureey.

The operation is being led by General Khalid Abdullahi Omar, Commander of the Somali National Army’s Ground Forces, with support from the President’s Special Envoy for Regional Forces, Ali Jeite Osman, and Colonel Abdullahi Omar, Commander of the 27th Division of the SNA.

The campaign aims to fully liberate the country from extremist groups and ensure lasting peace and security for Somali citizens.

Officials have confirmed that the operation will continue until all regions are cleared of militant threats, reaffirming their dedication to stability in Somalia.