Home Blog Page 1293

Rag aflagaadeeyey diinta Islaamka oo xukun dil ah lagu riday dalka Pakistaan

Isniin 27 Jan 2025 {HMC} Maxkamad ku taalla dalka Pakistan ayaa afar nin ku xukuntay dil, kadib markii ay baraha internet-ka ku faafiyeen qoraallo lagu aflagaadeynayo diinta, sida uu maanta sheegay xubin ka mid ah koox “qareenno gaar ah oo is-abaabulay” oo dacwaddan soo oogay

 

Afarta nin ayaa lagu xukumay magaalada Rawalpindi, oo ah magaalo ciidan oo ku dhow caasimadda Islamabad, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Rao Abdur Raheem, oo ah qareen ka tirsan Guddiga Sharciga ee Kahortagga Aflagaadeynta Diinta ee Pakistan {LCBP}

 

Aflagaadeynta diintu waa eedeyn culus dalka Pakistan oo ay Muslimiintu u badan yihiin, halkaas oo xitaa eedeymo aan la hubin ay kicin karaan caro dadweyne oo sababi karta dilal sharciga baal-marsan

 

Dalka Pakistan ayaa waxaa aad ugu soo badanayay dacwad-oogista kiisaska “aflagaadeynta diinta ee online-ka”, iyadoo kooxo gaar ah ay dacwado ka dhan ah boqollaal dhallinyaro ah ku soo oogayaan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay galeen falal aflagaadeyn diinta ah

 

“Waxaa lagu xukumay dil… Jimcihii, kadib markii lagu helay inay online-ka ku faafiyeen qoraallo aflagaaddo ah oo ka dhan ah Nabiga Muxammad {NNKH }iyo Qur’aanka Kariimka,” ayuu yiri Raheem oo la hadlay AFP Isniinta maanta ah

 

“Dacwaddeenna waxaa lagu xoojiyay caddeymo forensik ah oo laga soo uruuriyey aaladihii loo adeegsaday falkan foosha xun,” ayuu raaciyay isagoo ka hadlayay mid ka mid ah dacwadihii ugu dambeeyay ee kooxda LCBP ay soo oogtay

 

In kasta oo xukunnadan ay dhaceen, haddana dalka Pakistan weli cidna uma dilin aflagaadeynta diinta darteed

 

Xubin ka tirsan koox taageero ah oo ay sameysteen qoysaska eedeysanayaasha ayaa u xaqiijiyay wakaaladda AFP xukunka, wuxuuna sheegay in kooxdu ay racfaan ka qaadan doonto xukunka

 

Warbixin ay soo saartay Guddiga Qaranka ee Xuquuqda Aadanaha ee ay dowladdu maamusho bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa lagu sheegay in ay jiraan 767 qof, oo u badan rag dhallinyaro ah, oo xabsiyada ku jira iyagoo sugaya maxkamadeyn la xiriirta eedeymo aflagaadeyn diinta ah.

{DAAWO MUQAALKA} KIISKA MAXKAMADDA CIIDAMADA Askari Saxiibkiis u dilay maxaad musqusha iiga horgashay

0

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya Shir Tamarta looga hadlayo oo Tanzania ka dhacaya

Isniin 27 Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qayb ka ah Shir madaxeedka looga hadlayo Tamarta Afrika ee ka dhacay Dalka Tanzania gaar ahaan caasimadda Dalkaas ee Daarusalaam

 

Shir madaxeedkaan oo isla maanta furmaya ayaa la dhageysan doonnaa hadal jeedinta Madaxda si Mustaqbalka Qaaradda Afrika ee dhinaca Tamarta loo kordhiyo sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Dowladda Tanzania

 

Soomaaliya ayaa qayb ka ah Dalalka daneynaya ka faa’iideysiga Tamarta, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulamo kala duwan la qaadanayaa madaxda ka qaybgaleysa shirkaan muddada uu socdo sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan

 

Madashaan oo ah mid ballaaran waxa ay hoggaamiyaasha diiradda saarayaan waxyaabaha ay u baahan tahay Afrika si looga hormariyo dhinaca Tamarta, Malaayiin ruux oo ku nool Qaaradda Afrika ayaa u baahan helista Tamarta si gaar ah Korontada.

Ciidamada ammaanka Puntland oo bilaabay xarig ka dhan ah dadka muhaajriinta ee sharci la’aanta ah

Isniin 27 Jan 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa magaalada Garowe ka sameeyay howlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo muhaajiriinta sharci darrada ah, gaar ahaan dadka u badan qowmiyadda Itoobiyaanka, kadib markii maamulka Puntland uu soo saaray amar mamnuucaya dadka aan sharciyeysneyn inay joogaan Puntland

 

Howlgallada hadda socda ayaa keenay in boqolaal muhaajiriin ah oo u badan Itoobiyaan lagu xiray xarumaha ciidamada ammaanka, iyada oo Puntland ay sii xoojineyso tallaabooyinka xakameynta muhaajiriinta sharci darrada ah ee kusoo qulqulaya Puntland

 

Dhinaca kale, dad caraysan oo shacab ah ayaa lagusoo waramayaa inay ku xoomeen goobaha ay degen yihiin dadka Itoobiayanka ah ee Garowe, kuwaas tacaddiyo u geystay tobanaan kamid ah dadkan, inkastoo markii dambe ay ciidamaada ammaanku soo faragaliyeen

 

Kaddib markii uu soo baxay amarka lagu mamnuucayo muhaajriinta ku sugan Puntkand, waxaa magaalooyinka ka bilowday raaf ka dhan ah dadkan. Muuqaallo lasoo dhigay baraha internetka ayaa la arkayay ciidamada ammaanka oo waddooyinka ka qabqabanaya dadkan

 

Dhinaca kale, hay’adda dambi baarista Puntland ayaa sheegtay inay keentay hannaan lagu diiwaan galinayo muhaajirinta lagulana soconayo dhaqdhaqaaqyadooda

 

Waa howlgalkii ugu ballaaran ee ka dhan ah muhaajiriinta ee ka dhaca Puntland. Tallaabadan aaya timid kaddib markii ajaanib badan oo ku sugan Puntland ay ku biireen kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa buuraha Calmiskaad.

{DAAWO SAWIRADA} Hay’adda Socdaalka iyo Interpol oo kala saxiixday Heshiis

Isniin 27 Jan 2025 {HMC} Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliska Caalamiga ah ee (Interpol) ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah. heshiiskan ayaa waxa uu diiradda saari doonaa dhowr arrimood oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

𝟭. 𝗞𝗮-𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗗𝗮𝗺𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗔𝗯𝗮𝗮𝗯𝘂𝗹𝗮𝗻.
𝟮. 𝗞𝗼𝗿 𝘂 𝗤𝗮𝗮𝗱𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮
𝟯. 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 & 𝗜𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗛𝗦𝗝 & 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵.
𝟰. 𝗦𝗮𝗿𝗲 𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗶𝗱𝗱𝗮 𝘅𝗶𝗿𝗳𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗔𝗺𝗻𝗶 𝗲𝗲 𝗦𝗮𝗿𝗮𝗮𝗸𝗶𝗶𝘀𝗵𝗮 𝗛𝗦𝗝.
𝟱. 𝗕𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗟𝘂𝗺𝗮𝘆.

Taliyaha Hoggaanka Booliska Caalamiga ah ee Soomaaliya, Jeneraal Dhoore, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyn ku ammaanay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, mudada kooban ee uu joogo hey’adda. sida uu uga mira dhaliyay dhaqangalka heshiiskaan oo muhiim u ah HSJ, dhanka kale waxa uu Taliyuhu u mahaceliyay Gudigii ka socday dhanka Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda ee sida hagar la’aanta ah kala soo shaqeeyay heshiiskan

 

Agaasimaha Guud, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa dhankiisa u mahadceliyay guddiga HSJ iyo Booliska Caalamiga ah (Interpol), gaar ahaan hogaankooda Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay heshiiskan mid muhiimad gaar ah u leh xoojinta dadaallada la-dagaallanka xagjirka iyo ka hortagga dambiyada socdaalka ee Soomaaliya, tan gobolka, iyo guud ahaan Caalamka

 

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Duhulow ayaa wafdiga Interpol booqasho ku geeyay Xafiiska Ka-hortagga Dambiyada Socdaalka, Fraud Detection Unit (FDU) ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda, halkaas oo ay warbixin kooban kaga dhageysteen saraakiisha ka howlgala xafiiskaan

 

Saraakiisha Xaafiiskan {FDU} ayaa Agaasimaha iyo xubnaha ka socday Interpol la wadaagay qalabka {Forensic Science} ah oo ah qalab casriya oo loogu tala galay inay Saraakiishu uga hortagaan Dembiyada abaabulaan sida: Dukumintiyo wax laga bedelay, kuwa been abuurka ah, & kala saarista document-yada loo isticmaalo hababka isku ekaanshaha

 

Finnish minister’s Somalia visit sparks deportation policy debate.

0

Monday 27, Jan 2025 {HMC} Finnish Minister of the Interior Meri Rantanen visited Somalia on 21 January to discuss cooperation on deporting Somali asylum seekers from Finland, a move critics allege is tied to the Finns Party’s political agenda ahead of the April municipal and county elections.

The visit, which included meetings with Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre and Minister of Internal Security Abdullahi Sheikh Ismail, focused on strengthening bilateral relations in security and readmission arrangements.

According to Rantanen, Finland’s top priority is to establish effective return mechanisms for Somali nationals denied residency in Finland.

“Finland appreciates the long-standing cooperation with Somalia. Establishing return arrangements is essential to the partnership,” Rantanen stated. She also emphasised Somalia’s critical role in counter-terrorism efforts, recognising the work of Somali security authorities in stabilising the region.

Finland has temporarily halted bilateral development aid to Somalia, a program previously vital to supporting Somalia’s recovery. The Finnish government has linked future funding decisions to progress on deportation agreements. Critics argue this conditionality politicises humanitarian aid, leveraging it to secure deportation commitments.

The visit also involved discussions with international representatives, including UN Special Representative James Swan and EU officials in Somalia, highlighting Finland’s efforts to align its deportation policies with broader European frameworks.

The Finns Party, of which Rantanen is a member, has long advocated stricter immigration policies. Finance Minister Riikka Purra, the party’s chairperson, praised the trip as a step toward resolving issues of undocumented migrants. She highlighted the stagnation in deportations and stated that re-establishing development aid should depend on Somalia’s cooperation.

However, critics, including human rights advocates, have accused the Finns Party of exploiting the Somali community for electoral purposes. Analysts note that the number of undocumented Somali nationals in Finland is relatively small—estimated between 100 and 200—raising questions about whether the initiative is more about political signalling than practical necessity.

A Somali asylum seeker in Finland, Ali Hassan, shared his concerns about potential deportation. After eight years in Finland and several rejected asylum applications, Hassan said the uncertainty has been overwhelming. “I’ve built a life here with my family. I fear returning to Somalia, where threats from groups like Al-Shabab could put us in danger,” he said.

Somali authorities have yet to issue an official statement on the visit but have acknowledged their limited resources for reintegrating deportees. Somalia relies heavily on remittances from its diaspora, which contribute an estimated $1.3 billion annually to the economy.

While Somalia understands the need for deportation agreements, officials have cautioned that returning individuals to unstable conditions could exacerbate challenges for deportees and their communities.

The visit comes amid rising scrutiny of deportation policies across Europe, particularly in the context of hybrid threats and strained relations with countries like Russia. Finnish Foreign Minister Elina Valtonen recently highlighted the importance of international cooperation to counter such challenges while maintaining adherence to the rule of law.

SOURCE

Somalia, Egypt agree to cooperate in fight against terrorism.

0

Monday 27,Jan 2025 {HMC} Somalia and Egypt announced Sunday that the two countries have agreed to cooperate in the fight against the al-Shabaab terrorist group.

In a statement, the Somali Defense Ministry said Egypt is committed to supporting the Somali government in the fight against terrorism

It came during final technical discussions on the African nations’ participation in a new African Union peacekeeping mission in Somalia.

The African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) began its five-year tenure in early January.

“The FGS (Federal Government of Somalia) is cognizant of the role Egypt can partake in eliminating the Khawaarij and looks forward to their contribution alongside other Troop Partner Nations,” the Defense Ministry said.

Khawaarij is a term the Somali government uses to describe the al-Qaeda-affiliated al-Shabaab terrorist group.

The latest development comes days after Somali President Hassan Sheikh Mohamud paid an official visit to Egypt and met with his Egyptian counterpart Abdel Fattah El-Sisi, agreeing to upgrade the relationship between the two countries to the level of a strategic partnership.

They also agreed to strengthen and develop the fields of education, justice, politics, security, communications and economy, according to a statement by the Somali presidency.

The two leaders also agreed to accelerate cooperation between their countries’ institutions, especially the judicial and security authorities.

Mohamud and El-Sisi witnessed the signing of an agreement between the foreign ministers of Somalia and Egypt on exempting holders of Somali diplomatic passports from visas in order to enhance diplomatic cooperation between the two governments.

Last August, during Mohamud’s two-day Cairo visit, Egypt and Somalia signed a defense pact to bolster bilateral security cooperation.

During the first half of 2024, the trade volume between the two nations reached $59 million, up from $31 million during the same period of 2023, according to Egypt’s statistics authority.

SOURCE 


Mohamed Dhaysane

{DAAWO MUQAALKA} Masuuliyiin ka tirsan Puntland oo Billaabay dardar galin amni

0

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamadda Ciidamada Jubaland oo lasoo taagay Sargaal la shaqeeynayey AS.

0

{DAAWO MUQAALKA} G/kuxigeenka 1aad ee BJFS XL Sacdiyo ”Haddii la aado doorasho qof iyo cod ah anigaa ugu horeeya”

0