Home Blog Page 1298

Qalliinka wadnaha furan oo marki ugu horreysay laga sameeyay Soomaaliya.

0

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Isbitaal Kalkaal ee magaalada Muqdisho ayaa Markii ugu horeeysay shalay laga fuliyay qalliinka wadnaha furan, kaas oo ay dadka Soomaalida intooda awoodda ay u aadi jireen dibadda gaar ahaan wadamo ay kamid ahaayeen India iyo Turkiga.

Qalliinnadi u horreeyay ayaa waxaa lagu sameeyay laba canug oo yar yar oo Soomaali ah, Waxaana fuliyay dhaqtar u dhashay dalka Talyaaniga, Dhaqtarka Qalliinkaan sameeyay ayaa sanadkii 2023 u yimid magaalada Muqdisho inuu baaritaano caafimaad u sameeyo caruur la daalaadhaceysay xanuunka dhinaca wadnaha ah.

Mashruucan ayaa waxaa fulintiisa iska kaashaday hay’adda samafalka ee Hormuud Salaam Fundation iyo Isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho, Cabdulaahi Nuur Cusmaan oo ah gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation ayaa sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin inay arkaan in Soomaaliya gudaheedi lagu sameenayo qalliinadii loo aadi jiray wadanka Dibadiisa.

Madaxa Xarunaha isbitaalkaasi Kalkaal Dr. Gallad Shiil Ducaale ayaa sheegay in howsha ay bilaabeen ay tahay mid ay Soomaalida uga maarmi doonaan safaradii lacagaha badan ee Dibadda uga bixi jiray sida Visa soo saarka iyo Ticket yada, waxaana uu carabka ku dhuftay in laga yaabay in muwaadinka Soomaaliyeed ay Kharash ahaan ka gasho Lix Kun ilaa Todoba Kun ee Doolarka Mareykanka balse iyagu ay lacag intaasi ka yar ay ku sameeyn donaan qalliinada dhanka wadnaha ah.

Wadnuhu waa mid ka mida xubnaha ugu muhiimsan jirka bini’aadanka ee qabta shaqo la’aanteed uusan qofku noolaan karin. Si la mida xubnaha kale ee jirka waxaa jira xanuuno ku dhaca wadnaha.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Axad 26 Jun 2025 {HMC} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN.

 

{DAAWO MUQAALKA} Laamaha Amniga Boosaaso oo gacanta ku dhigay Ajaanib katirsan kooxda Daacish.

0

Axad 26 Jun 2025 {HMC} Laamaha Amniga Boosaaso oo gacanta ku dhigay Ajaanib katirsan kooxda Daacish.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Cismaan oo sheegay halka lagu aasi doono AUN Nabadoon Faarax Cabdi Waare.

0

Axad 26 Jun 2025 {HMC} Nabadoon Cismaan oo sheegay halka lagu aasi doono AUN Nabadoon Faarax Cabdi Waare.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA

DR Congo oo xiriirka u jartay Dowladda Rwanda.

0

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Rwanda, kaddib ayada oo dagaallo culus oo u dhexeeya fallaagada ay Rwanda taageerto iyo ciidamada dowladda ay ka qarxeen hareeraha magaalada istiraatiijiga ah ee Goma ee bariga dalkaas.

Ugu yaraan 13 ka tirsan ciidamada nabad-ilaalinta iyo askar shisheeye ayaa ku naf-waayay dagaalka, halka kumanaan rayid ahna ay ku barakaceen.

Kooxda fallaagada ee M23 ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dhul muhiim ah ka qabsatay soohdinta ay la wadaagaan Rwanda, iyagoo ku sii siqaya Goma oo ah xarunta gobolka, hoyna u ah ku dhowaad 2 milyan oo qof, isla markaana ah isha amniga iyo howlaha gargaarka bani’aadamnimo ee gobolka.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Mareykanka iyo khubaro ka socota Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay Rwanda inay taageerto kooxda M23, kuwaas oo u badan qowmiyadda Tutsi-ga ee ka go’day ciidanka Congo wax ka badan toban sano ka hor.

M23 waa mid ka mid ah boqol kooxood oo hubeysan oo ku loollamaya sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen gobolka hodanka ku ah macdanta, halkaas oo colaad daba-dheeraatay ay ka abuurtay mid ka mid ah masiibooyinka bani’aadamnimo ee ugu daran caalamka.

Dowladda Rwanda ayaa beenisay inay taageerto fallaagada, hase yeeshee, sannadkii tegay ayay qiratay inay ciidamo iyo gantaallo ku leedahay bariga Congo si ay u ilaaliso ammaankeeda, iyadoo farta ku fiiqday ciidamo badan oo Congo ah oo la geeyay meel u dhow xadka.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasay in ay jiraan ilaa 4,000 oo ciidamo Rwanda ah oo ku sugan gudaha Congo.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Congo ayaa Sabtidii shaaca ka qaadday in ay si rasmi ah xiriirkii diblomaasiyadeed ugu jartay Rwanda, ayna dhammaan diblomaasiyiinteedii kala baxday dalkaas si degdeg ah. Rwanda ayaan weli si degdeg ah uga hadlin arrintan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo hor-mariyay kulan degdeg ah oo ku saabsanaa xiisadaha sii kordhaya ee bariga Congo, kaasi oo qabsoomaya Axadda. Congo ayaa codsatay kulanka, kaasoo markii hore qorshuhu ahaa inuu qabsoomo Isniinta.

Subaxnimadii Axadda, ayaa rasaas culus laga maqlay gudaha magaalada Goma oo dhowr kiilomitir u jirta jiidda hore ee dagaalka, xilli tiro badan oo carruur iyo dad waaweyn oo barakacayaal ah ay ka qaxayeen xeryaha ku yaalla duleedka magaalada, kuna sii qulqulayaan bartamaha magaalada.

Horraantii toddobaadka, ayaa fallaagadu la wareegeen gacan ku haynta degmada Sake oo 27 kiilomitir (16 mayl) u jirta Goma, taasoo sii xoojisay walaaca laga qabo in magaaladu ay dhowaan gacanta u gasho kooxda.

Ciidanka Congo ayaa Sabtidii sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay soo qaadeen kooxda M23, iyagoo gacan ka helaya ciidamada isbahaysiga, oo ay ku jiraan ciidamada Qaramada Midoobay iyo askar ka tirsan Howlgalka Bulshada Horumarinta Koonfurta Afrika (SAMIDRC).

Laba askari oo nabad-ilaalin ah oo ka socday Koonfur Afrika ayaa lagu dilay Jimcihii, halka askari u dhashay Uruguay la dilay Sabtidii, sida uu sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay u xaqiijiyay Wakaaladda Wararka ee Associated Press, isagoo codsaday inaan magaciisa la shaacin maadaama aan loo oggolayn inuu arrintan kala hadlo warbaahinta.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in saddex askari oo nabad-ilaalin ah oo ka socday Malawi lagu dilay bariga Congo, sida xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Malawi uu shaaciyay Sabtidii.

Toddobo askari oo kale oo Koonfur Afrikaan ah oo ka tirsanaa SAMIDRC ayaa iyaguna ku dhintay iska hor-imaadyo ay la galeen kooxda M23 labadii maalmood ee la soo dhaafay, sida ay Wasaaradda Difaaca ee Koonfur Afrika xaqiijisay.

Tan iyo 2021, dowladda Congo iyo ciidamada isbahaysiga, oo ay ku jiraan SAMIDRC iyo ciidamada Qaramada Midoobay, ayaa kooxda M23 ka celinayay inay soo galaan magaalada Goma.

Ciidanka nabad-ilaalinta ee Qaramada Midoobay, oo loo yaqaanno MONUSCO, ayaa soo galay Congo in ka badan labaatan sano ka hor, waxayna hadda ku leeyihiin dalkaas ku dhawaad 14,000 oo askari oo nabad-ilaalin ah.

XIGASHO VOA

In ka badan 13,000 oo carruur ah oo lagu dilay dagaalka Gaza.

0

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in carruurta lagu dilay dagaalka Gaza 15-ki bil ee lasoo dhaafay ay gaarayaan in ka badan 13,000, halka ay qiyaasta carruurta dhaawacmay ay gaartay 25,000.

Xafiiska Iskuduwidda Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii sheegay, in tirada meydadka ilaa iyo hadda la aqoonsaday gudaha Gaza ay taarayaan 40,717 oo Falastiiniyiin ah. Saddex meelood hal meel ayay hey’addu sheegtay in ay carruur yihiin.

OCHA ayaa Jimcihi sheegtay in tirada khasaaraha rasmiga ah ay kasoo xigatay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Laanta Carruurta ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo UNICEF ayaa iyaduna sheegtay, in qiyaasta dhaawacyada carruurta Gaza o ah 25,000 oo canug ay ka kusaleeyeen xogo ay isla ururiyeen iyaga iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza.

Ku xigeenka danjiraha Britain ee Qaramada Midoobay James Kariuki, ayaa dhawaan u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, in Gaza ay noqotay goobta ugu halisan guud ahaan dunida ee ay carruuri ku nooshay.

Ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Aamina Maxamed ayaa sheegtay in ku dhawaad 19,000 oo carruur ah loo dhigay cusbitaallada Gaza nafaqo-xumo ba’an afartii bilood ee ka horreysay Disembar.

Xaaladda Gaza ayaa maalmahan xasilloon, kaddib heshiis xabbad-joojin ah oo ku meel gaar ah oo ay kala saxiixdeen Isra’il iyo Xamaas.

XIGASHO VOA

kulamo looga Hadlayo Doorashada Dadweyne oo Baydhabo Ka Bilaawday

0

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha xubno katirsan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si ay halkaas uga billaabaan wadatashiyo la xiriira doorashadaas.

Labada Xubnood ee Magaalada Baydhabo gaaray ayaa kala ah Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed & Cabdiraxiin Cabdullaahi Shaafici, waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si ay uga wadahadlaan arrinta doorashada.

Soomaaliya ayaa u geedi xiratay doorasho qof iyo cod ah, guddiga ka shaqeynaya doorashadaas ayaa billaabay kulamo la xiriira qaabka loo sameyn karo wajiga koowaad ee doorashada uu dhowaan soo bandhigay in la qabanayo.

Puntland oo Guulo Cusub Ka Sheegtay Dagaalka Daacish

0

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Ciidamada Puntland ayaa shaaciyay in ay kooxda Daacish ka qabsadeen Saldhigii Warisoor oo u dhaw degaanka Turmasaale.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Ciribtirka Kooxaha Argagixisada ee Puntland ayaa lagu xaqiijiyay in Daacish laga saaray Saldhigii Warisoor ee nawaaxiga Turmasaale oo ka tirsan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

“Ciidanku waxay la wareegeen Taliskii Argagixisada Daacish ku laheyd deegaanka Warisoor, aaga Turmasaale ee Calmiskaad” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Hawlgalka.

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale maalin ka hor Daacish ka qabsaday Taliskii weynaa ee degaanka Turmasaale kaasoo la rumaysan yahay inuu sannadihii danbe xarun u ahaa hoggaamiyaha kooxdaasi Cabdiqaadir Muumin.

Howlgalka la dagaalanka Daacish ayaa weli ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari halkaasoo ay fariisimo waaweyn ku leeyihin kooxda Daacish waxaana weli kooxdaasa ay difaac kaga jiraan dhul balkaaran marka lafa reebo goobaha laga saaray.

 

Maxaa ka Jiro in Israel aay raadineysa marmarsiyo ay kaga baxdo Xabad joojinta

0

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Israa’iil ayaa u muuqata inay raadinayso marmarsiyo lagu burburin karo heshiiska xabbad-joojinta ee ay la gashay kooxda Xamaas

Tel aviv ay madax wareer ka qaaday hababka argagaxa leh ee Xamaas ay uga faa’iideysanayso waqtiga ay wareejinayso maxaabiista oo lagu soo bandhigayo ficillo fadeexad, fashil amni iyo sirdoon ku caddeynaya Israa’iil

RW Israa’iil ay sheegay inaysan oggolaan doonin dadka rayidka ah ee Qasa inay ku laabtaan waqooyiga, iyagoo ku andacoonaya inaysan Xamaas fulin qaab dhismeedka heshiiska iyo inay ahayd in la soo hormariyo sii deynta gabadh lagu magacaabo Arbel Yahud oo ay Israa’iil ku sheegtay qof rayid ah, balse Xamaas ayaa aaminsan inay tahay fallanqeeye iyo xubin amni oo muhiim ah oo ka tirsan wasaaradda difaac Israa’iil.

Xamaas, waxay xaqiijiyeen inay gabadhan nooshahay oo ay sii deyn doonaan toddobaadka dambe, balse Netanyahu ayaa shuruud ka dhigay illaa la sii daayo Arbel, inaysan oggolaan doonin inay dadka rayidka ah ku laabtaan waqooyiga Qasa.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {26-01-2025}

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Cali Cadoow & Sahro Gabre

Farsamadii ::Abdiqani Osoble