Home Blog Page 1297

Dowladda Talyaaniga oo billaabay in uu muhaajiriinta u tarxiilo Dalka Albania.

0

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Talyaaniga ayaa Axadda maanta ah shaacisay in dalku uu dib u bilaabay ku wareejinta muhaajiriinta xarumo muran badan dhaliyay oo ku yaalla dalka Albania, kadib markii 49 magangalyo-doon ah loo qaaday dalka ay badda jaarka ka yihiin.

“Kaddib markii baaritaan lagu sameeyay xaaladaha dadka la soo qabtay, 49 muwaadin oo ajaanib ah ayaa lagu daabulay doonida Cassiopea, waxaana loo gudbiyay xarumaha ku yaalla Albania. Halkaas waxaa ka bilaaban doona habraacyada soo dhaweynta, xabsi ku haynta, iyo qiimeynta kiisaska shaqsiyaadka,” ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in 53 kale oo muhaajiriin ah ay soo bandhigeen baasaboorradooda, arrintaas oo dedejin doonta habsocodka kiisaskooda, isla markaana kordhin doonta suurtogalnimada in la masaafuriyo “kuwa aan xaqa u lahayn inay sii joogaan Midowga Yurub.”

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa heshiis la saxiixatay dhiggeeda Albania, Edi Rama, bishii November 2023-kii. Heshiiskaas ayaa dhigayay in laba xarumood oo Talyaanigu maamulo laga furo dalka Albania, kuwaas oo lagu deijin doono qaar ka mid ah muhaajiriinta ay mas’uuliyiinta Talyaanigu ka soo badbaadiyaan Badda Mediterranean-ka.

Xarumahaasi waxay howlgalkooda bilaabeen bishii October ee sanadkii tegay. Hase yeeshee, garsoorayaal ayaa diiday go’aan xabsi loogu taxaabay labadii dufcadood ee ugu horreeyay ee rag halkaas la geeyay, kuwaas oo dib loogu celiyay Talyaaniga.

Garsoorayaasha ayaa tixraacay xukun dhawaan kasoo baxay Maxkamadda Caddaaladda ee Midowga Yurub (ECJ), oo hadda lagu wado inay dib u eegis ku sameyso arrintan. Inta ay maxkamaddu go’aan ka gaareyso, waxaa la joojiyay wareejinta muhaajiriinta.

Sida dalal kale oo badan, Talyaanigu wuxuu soo saaraa liis loogu yeero “dalal nabdoon” oo muhaajiriinta ka yimaada si degdeg ah loogu eegi karo codsiyadooda magangalyo.

Kaliya ragga ka soo jeeda dalalkan nabdoon ayaa u qalma in la geeyo xarumaha ku yaalla Albania.

Hase yeeshee, garsoorayaashii hor istaagay wareejintii koowaad ee muhaajiriinta ayaa daliishaday xukun ay soo saartay Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub, kaas oo qeexaya in dalalka Midowga Yurub ay keliya u aqoonsan karaan dalal nabdoon dhammaan dalka, balse aysan aqoonsan karin qaybo ka mid ah waddan in ay nabdoon yihiin.

Liiska Talyaaniga waxaa ku jiray dalal ay ku yaallaan goobo aan ammaan ahayn.

Dowladda Ra’iisul Wasaare Meloni, oo ka jawaabeysa xukunka Maxkamadda, ayaa ansixisay sharci xaddidaya liiskeeda dalalka nabdoon oo ka dhigay 19 dal, halka markii hore uu ka koobnaa 22 dal. Waxa ay dowladdu ku adkaysatay in dhammaan qeybaha waddamadaasi ay yihiin kuwo nabad ah.

Si kastaba ha ahaatee, garsoorayaal ayaa haddana diiday xabsi loo taxaabo dufcad labaad oo muhaajiriin ah – kuwaas oo ka koobnaa toddobo nin oo u kala dhashay dalalka Masar iyo Bangladesh – iyaga oo sheegay inay caddayn dheeraad ah ka sugayaan Maxkamadda Caddaaladda ee Midowga Yurub.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in dhegaysi hordhac ah oo la xiriira kiiskan ay Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub qorsheysay inay qabato bisha Febraayo ee soo socota.

XIGASHO VOA

Hub loo fasaxay Israa’iil Iyo Waxa uu ka kooban Yahay.

0

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Maamulka cusub ee Trump ayaa ballanqaaday “taageero aan kala go’ lahayn” oo uu siinayo Israa’iil, iyadoo aan weli la shaacin faahfaahinta qorshaha maamulkiisa ee ku aaddan siyaasadda Bariga Dhexe.

Trump waxa uu Sabtidii xaqiijiyay inuu faray Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka (Pentagon) inay fasaxdo shixnad hub ah oo ka kooban bambooyin culeyskoodu yahay 2,000-lb oo loogu talagalay Israa’iil, taas oo uu hor istaagay Madaxweynihii isaga ka horreeyay, Biden.

“Waan fasaxnay. Maanta ayaan fasaxnay,” ayuu yiri Trump. “Kharashkooda way bixiyeen, muddo dheerna way sugayeen.”

Duqeymaha aargoosiga ah ee Israa’iil ayaa burbur laxaad leh gaarsiiyay dhulka Falastiin, iyadoo ay burbureen kaabayaashii asaasiga ahaa, waxaana Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in dib-u-dhiska uu qaadan doono sannado badan.

Bishii October, xilligii uu ku guda jiray ololihiisii doorashada madaxtinimada, Trump ayaa sheegay in Gaza oo dagaal uu halakeeyay ay “ka qurux badnaan karto Monaco” haddii “si habboon dib loogu dhiso.”

Wiilka uu soddogga u yahay Trump, isla markaana horey uga soo mid noqday shaqaalaha Aqalka Cad, Jared Kushner, ayaa bishii Febraayo soo jeediyay in Israa’iil ay dadka rayidka ah ka daadgureyso Gaza si looga faa’iideysto fursadaha dhaqaale ee ka jira “dhulka xeebta ku teedsan.”

Dhanka Falastiiniyiinta, isku day kasta oo looga rarayo Gaza wuxuu dib u xusuusin doonaa dhacdooyin murugo leh oo taariikhda ku suntan, kuwaas oo ay Carabtu ugu yeeraan “Nakba” ama masiibo – barakacii ballaarnaa ee Falastiiniyiinta xilligii la dhisayay Israa’iil 75 sano ka hor.

Israa’iil ayaa beenisay inay hayso wax qorshe ah oo ay dadka reer Gaza ugu qasbeyso inay ka baxaan deegaankooda.

Hase yeeshee, qaar ka mid ah xubnaha xag-jirka ah ee ka tirsan dowladda Israa’iil ayaa si cad u taageeray fikradda ah in dadka reer Gaza ay si ballaaran uga baxaan dhulka Falastiin.

XIGASHO VOA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo ilmada ceshan waayay tacsida Nabadoon Faarax kana sheekeeyay qiso dhaxmaray.

0

Donald Trump oo doonaya in dadka Gaza loo raro Dalalka Masar iyo Urdun

0

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Sabtidii soo bandhigay qorshe uu ku tilmaamay mid “lagu nadiifinayo” Gaza, isagoo sheegay inuu doonayo in Masar iyo Urdun ay qaataan dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool deegaankaas, taas oo uu sheegay in ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe.

Trump, oo Gaza ku sifeeyay “goob burbur xooggan uu ka muuqdo” kaddib dagaalkii u dhexeeyay Israa’iil iyo Xamas, ayaa shaaca ka qaaday inuu arrintan kala hadlay Boqorka Urdun, Cabdalla II, isla markaana uu rajeynayo inuu Axadda maanta ah la xiriiro Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi.

“Waxaan jeclaan lahaa in Masar ay qaadato dadka. Sidoo kale, waxaan jeclaan lahaa in Urdun ay dadka qaadato,” ayuu Trump u sheegay weriyayaasha isagoo la socday diyaaradda Air Force One.

“Waxaan ka hadlaynaa qiyaastii hal milyan iyo bar qof, waxaan dooneynaa inaan gebi ahaanba meeshaas ka sifeyno khilaafaadka. Waad ogtihiin, qarniya badan waxaa ka dhacayay iska hor imaadyo isdaba joog ah. Marka, waxaan qabaa in tallaabo degdeg ah loo baahan yahay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Inta badan 2.4 milyan oo qof ee ku nool Gaza ayaa ku barakacay, marar badan, dagaalka oo ka dhashay weerarkii Xamas ay ku qaadday koonfurta Israa’iil 7-dii October, 2023-kii.

Trump waxa uu sheegay in dadka reer Gaza dib u dejin loo sameyn karo “si ku-meel-gaar ah ama mid waqti dheer ah.”

“Xilligan la joogo, waa goob gebi ahaanba burbursan, dhismayaashii way dumeen, dadkuna way ku dhimanayaan,” ayuu yiri. “Marka, waxaan doorbidayaa inaan arrintan kala kaashado qaar ka mid ah dalalka Carabta, isla markaana aan guryo uga dhisno meel kale oo ay nabad gelyo ugu noolaan karaan, si isbeddel loo helo.”

Xabad-joojin iyo heshiis maxaabiis is-dhaafsi ah oo dhex maray Israa’iil iyo Xamas – kaas oo la saxiixay maalintii ugu dambeysay ee maamulkii Madaxweyne Joe Biden, balse uu Trump sheeganayo inuu isagu hormuud ka ahaa – ayaa gashay toddobaadkii labaad.

XIGASHO VOA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay Geeri Nabadoon Farax Cabdi Waare.

0

Axad 26, Jan 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Nabadoonku uu ahaa hormuud dhaqan oo lafdhabar u ahaa nabadda iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isaga oo door muuqda ka soo qaatay dadaalladii geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dib u heshiisiinta bulshada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Nabadoon Faarax Abdi Waare, waxa uu ka mid ahaa hoggaanka nabadda iyo dhaqanka bulshada Soomaaliyeed ee doorka weyn ka soo qaatay dowlad-dhiska, dib-u-heshiisiinta iyo nabadaynta shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

DHAMMAAD

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa Af Soomaali Lagu dhahaa Maalmaha Isbuuca.?

0

{DAAWO MUQAALKA} Madaxda Gudiga Doorashooyinka Oo Gaaray Magaalada Baydhabo

0

{DAAWO MUQAALKA} DFS oo Norway kala hadashay ka faa’ideysiga Kaluunka.

0

{DAAWO MUQAALKA} Nabadoon Cismaan oo sheegay halka lagu aasi doono AUN Nabadoon Faarax Cabdi Waare.

0

Somalia launches major offensive against Al-Shabaab in Hiiraan.

0

Sunday 26, Jan 2025 {HMC} Ali Jeyte Osman, Somalia’s Special Envoy for Community Defense Forces under President Hassan Sheikh Mohamud’s office, has called on government troops and local militias to unite for a major offensive against Al-Shabaab militants in Hiiraan.

Speaking to hundreds of Somali National Army (SNA) soldiers and members of the Macawisley, a grassroots militia, Jeyte described the operation as a crucial step toward restoring peace and stability.

“We must take advantage of this moment,” he said. “Any area we target will be treated as an Al-Shabaab stronghold. The hardships we endure now will lead to a brighter future.

Tribal wars destroy us, but this is a war for justice and unity. Let us march forward together.”

Jeyte, who previously served as governor of Hiiraan, also urged civilians living in areas controlled by Al-Shabaab to evacuate, emphasizing the need to minimize harm to innocent lives during the offensive.

“This is a war we must fight with resolve and purpose. Let us forgive one another and focus on liberating our communities,” he added.

The planned offensive comes as Somali military leaders, including the heads of the intelligence service and land forces, finalize preparations for coordinated strikes.

The operation aims to eradicate Al-Shabaab’s presence in Hiiraan, a region that has endured years of violence and instability under the group’s control.

Hiiraan has been the epicentre of intensified military efforts, with government forces and local militias increasingly working together to reclaim territory.

The Macawisley militia, composed of local volunteers, has played a pivotal role in recent gains against the militants, often fighting alongside the SNA.

SOURCE HIIRAAN