Home Blog Page 13

Israa’iil oo war kasoo saartay in hishiis lala galayo iraan

0

Arbaco 25 March 2026 {HMC} Wasiirka dhaqaalaha Israa’iil ayaa BBC u sheegay in Iiraan ay u badan tahay in aysan oggolaan doonin qorshe nabadeed oo ka kooban 15 qodob oo la sheegay inuu soo jeediyay Maraykanku.

Nir Barkat ayaa ku tilmaamay qorshahaasi in uu yahay mid warqad ahaan u qurux badan, balse u baahan dammaanad haddii la doonayo in la hirgaliyo.

Wasiirka ayaa shaki ka muujiyay in nidaamka Iiraan uu waligiis beddeli doono siyaasaddiisa, isaga oo sheegay in ujeeddooyinka ugu waaweyn ee Israa’iil ee dagaalka ay tahay in Iiraan laga dhigo dal aan lahayn Nukliyeer, gantaallo, isla markaana aan lahayn wax beddel ah.

Waa kee dalka Muslimka ah ee baarlamaanka Israa’iil maanta u codeynayo inuu cadowgooda yahay?

0

Arbaco 25 March 2026 {HMC} Golaha Baarlamaanka Israa’iil ee Knesset ayaa maanta, Arbaco ah, u codeyn doona akhrin hordhac ah oo ku saabsan hindise sharciyeed uu soo gudbiyay hoggaamiyaha mucaaradka Yair Lapid, kaas oo cinwaankiisu yahay: “Ku dhawaaqidda Qatar inay tahay dowlad cadow ah.”

Qoraalka hindisaha, oo ka kooban hal qodob oo keliya, wuxuu qeexayaa Qatar inay tahay “dowlad cadow ah,” wuxuuna dhigaya in dhammaan qodobada sharciga Israa’iil ee khuseeya dowladaha cadowga ah, dhammaan noocyada sharciyada, lagu dabaqi doono.

Xisbiga Yesh Atid ayaa mashruuca ugu yeeraya “Sharciga Urich,” iyagoo u bixiyay la-taliyaha Benjamin Netanyahu, waxaana uu ujeedkiisu yahay in la bixiyo qeexitaan dhammaystiran oo ku saabsan erayga “dowlad cadow ah,” kaas oo hadda ka maqan sharciga Israa’iil.

Mashruuca waxaa ku jira tixraacyo qoraallo hore sida “Amarka Ganacsiga la leh Cadowga ee 1939” iyo qodobo ka tirsan Xeerka Ciqaabta oo qeexaya cadowga isla markaana dhigaya ciqaabo ku saabsan kaalmaynta ama la shaqaynta cadowga. Sidoo kale, waxa ku jira qodob ka hortagaya musharrixiinta Knesset inay taageeraan dowlad cadow ah ama si sharci-darro ah u joogaan dal noocaas ah toddobadii sano ee ka horreeyay musharraxnimadooda.

 

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo wadamada Caalamka ka Codsanaya in lala hishiisiiyo IIRAAN.

0

Arbaco 25 March 2026 {HMC} Mareeykanka oo wadamada Caalamka ka Codsanaya in lala hishiisiiyo IIRAAN.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA 

 

Ciidamada Danab oo Howlgal ku dilay Xubno ka tirsan AS.

0

Arbaco 25 March 2026 {HMC} Ciidamada Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayay bar kontorool sharci-darro ah oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Cali Farxaane, oo 10 km u jira Kuunya Baroow ee gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalkan oo si taxaddar leh loo qorsheeyay ayaa lagu soo khaarijiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaadka ku sugnaa barta kontoroolka.

Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd in la burburiyo goobaha ay maleeshiyaadku canshuuraha sharci-darrada ah kaga qaadaan shacabka iyo gaadiidka mara waddooyinka, gaar ahaan jidka weyn ee isku xira Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose.

Tallaabadan waxay si toos ah u xoojinaysaa xorriyadda isu socodka, ganacsiga, iyo badqabka bulshada ku nool labada gobol.

Suuragal ma tahay in Wada Hadal lagu soo Afjaro Dagaalka Bariga dhaxe.?

0

Arbaco 25 March 2026 {HMC} Donald Trump ayaa Iiraan u soo jeediyay digniin ah inay dib u furto Marinka Hormuz – marinka ciriiriga ah ee xiritaankiisu sababay in qiimaha saliiddu uu kor u kaco adduunka oo dhan, ama ay wajahdo carada Mareykanka oo noqoneysa weerar lagu qaado warshadaheeda korontada.

Saacado ka hor intii aan la gaarin waqtigii hanjabaadaas, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in weerarrada hanjabaadda ah la hakiyay shan maalmood iyadoo Tehran iyo Washington ay sameynayaan horumar “weyn” oo ku aaddan heshiis lagu soo afjarayo in ka badan saddex toddobaad oo duqeymo cirka ah oo Mareykanka iyo Israa’iil ay ku wadaan dalkaas iyo weerarrada aargoosiga ah ee Iiraan.

Saraakiil sare oo Iiraaniyiin ah, sida afhayeenka baarlamaanka Iiraan Maxamed Bagher Ghalibaf, ayaa sheegay inaysan jirin wax wadahadallo ah, dhammaantood waxay ahaayeen “warar been abuur ah”. Si kastaba ha ahaatee, maalin ka dib, Trump wuxuu sheegay in Mareykanku uu la hadlayo “dadka saxda ah” ee Iiraan.

Inkastoo Internedku go’nyahay, haddana dadku habeen walba waxey sameyaan isu soo bax lagu taageerayo dwoladda tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay duqeymaha bilaabeen. Warbaahinta dowladdu waxay xoojineysaa taageeradan oo muujineysa taageerayaal daacad ah, waxeyna ku celcelinayaan aragtida mas’uuliyiinta ee ku saabsan wadahadallada lala galayo Mareykanka, waana kuwo aad u mideysan.

 

Laakiin waxaa sidoo kale jira kuwa doonaya inay arkaan dhammaadka dowladda Islaamiga ah ee Iiraan. Way kala qaybsan yihiin. In kasta oo intooda badan ay soo dhaweynayaan in dagaalka la soo afjaro, haddana qaar badan ayaa ka walaacsan wadahadallada keeni kara heshiis lagu sii hayo hoggaanka hadda jira.

Fiiro gaar ah: Dhammaan magacyada waa la beddelay si loo ilaaliyo xogta dadka aan wareysannay.

Kiana, oo ah haweeney 20 jir ah, waxay ku nooshahay caasimadda Tehran. Laga bilaabo maalintii ugu horreysay ee dagaalka, waxay si isdaba joog ah u sheegeysay inay rabto in dagaalku dhammaado, laakiin hadda oo suurtagalnimada xabbad joojin la hadal hayo ayna keeni karto in xukunka ay sii joogaan hoggaamiyeyaasha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, waxey dareemaysaa jahwareer.

“Ma aqaan sida aan dareemayo. Haddii dagaalku dhammaado, dhawaqa qaraxyada ayaa joogsan doona xaaladduna way fiicnaan doontaa, laakiin isla waqtigaas waxay noqon doontaa annaga iyo nidaam aad u daciif ah,” ayay tiri.

“Laakiin wali waxay awood u leeyihiin dadkooda. Waxayna noqon doonaan kuwo aad u rabshad badan, waxaan u maleynayaa.”

“Waxaan rabaa inaan indhaha ka qarsado oo aan dhammeeyo. Xitaa ma doonayo inaan ka fikiro tallaabooyinka xiga,” ayay tiri Kiana.

Waxay maskaxda ku haysaa tallaabo aan horay loo arag oo ay dowladdu ku qaadday dibadbaxyadii ka dhacay dalka oo dhan bilihii Diseembar iyo Jannaayo.

Ugu yaraan 7,000 oo qof ayaa la dilay intii lagu jiray mowjaddaas, oo ay ku jiraan 6,508 dibadbaxayaal iyo 226 carruur ah, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka ee Dhaqdhaqaaqayaasha Xuquuqda Aadanaha ee fadhigeedu yahay Mareykanka ee Hrana.

Armin, oo ah qof kale oo deggan Tehran oo 20 jir ah, ayaa sheegay inuu doonayo in dagaalku “hadda dhammaado”.

Si kastaba ha ahaatee, isla mar ahaantaana, wuxuu sheegay inuu “ka soo horjeedo wadahadallo kasta” oo lala galo Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

“Laakiin sidoo kale uma maleynayo inaan meelna ku dhammaan doonno dagaalkan hadda socda. Waa inay jiraan taageero loo fidiyo dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah nidaamka gudaha dalka,” ayuu yiri Armin.a

Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu waxay inta badan sheegaan inay abuurayaan fursado ay Iiraaniyiintu ugu kacaan dowladda oo ay is badel ku keenaan.

Ilaa hadda, ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in farriimahooda la dhegaystay.

Tan iyo markii dagaalku bilowday 28-kii Febraayo, mas’uuliyiinta dowladdu waxay uga digeen Iiraaniyiinta, ha ahaato hadallo ama farriimo qoraal ah, inaysan soo bixin waddooyinka si ay u mudaaharaadaan.

Taliyaha booliiska Iiraan, Brig Gen Ahmadreza Radan, ayaa ka digay in ciidamadiisu ay ula dhaqmi doonaan qof kasta oo waddooyinka u soo baxa sida “cadow”.

Xaaladahan oo kale, waxaa jira Iiraaniyiin taageersan sii socoshada dagaalka.

“Waxaan dareemayaa cabsi ku saabsan wadahadallada. Aad ayaan uga walaacsanahay inay sii joogaan,” ayuu yiri Parsa, oo ah nin da’diisu tahay 30 sano jir oo ku nool Karaj, oo ah magaalo u dhow Tehran, isagoo ula jeeda hoggaanka hadda ka jira Iiraan.

“Waxay ku jiraan xaalad daciifnimo ah. Haddii ay sii joogaan, waxay xasuuqi doonaan dadka gudaha. Wali aad bay u xoog badan yihiin, waxay u baahan yihiin in la daciifiyo si dadku uga soo horjeestaan.”

Dadka qaar ayaa ka guuray Tehran una guuray magaalooyin iyo gobollo kale si ay u helaan meelo ammaan ah.

Sadaf, oo ah haweeney 20 jir ah oo hadda ku sugan gobolka waqooyiga Mazandaran, waa mid ka mid ah dadka ka welwelsan sii joogista hoggaanka hadda.

“Ma doonayo wax wadahadal ah haba yaraatee. Waxaan rabaa in dhammaantood la waayo. Laakiin haa, si cad ayaan uga baqayaa korontada iyo biyaha oo go’a.”

Degdeg: Dalal digniin adag u diray Israa’iil

0

Arbaco 25 March 2026 {HMC} Dalalka Faransiiska iyo Canada ayaa cambaareeyay qorshayaasha Israa’iil ay ku qabsanayso koonfurta Lubnaan ilaa Webiga Litani, iyagoo sheegay in aan lagu xadgudbin madaxbannaanida Lubnaan iyo sharafta dhuleed ee dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Noel Barrot, ayaa sheegay in hawlgal noocaas ah uu yeelan doono “cawaaqib xumo bani’aadamnimo oo weyn”. Israa’iil waxay sheegtay in ciidankeedu ay la wareegi doonaan dhulka ilaa laga saaro khatarta Xisbullah oo ay taageerto Iiraan. Boqollaal kun oo qof ayaa durba barakacay.

Wakaaladda Wararka Qaranka ee Lubnaan ayaa werisay in duqeymaha Israa’iil ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof oo ku sugnaa Sidon. Haweeney Israa’iiliyad ah ayaa Talaadadii lagu dilay waqooyiga Israa’iil weerar gantaal oo Xisbullah ah soo ridday.

Faahfaahin ka soo baxeysa weerar lagu qaaday warshad nukliyeer oo ay Iiraan leedahay

0

Arbaco 25 March 2026 {HMC} Hay’adda Caalamiga ah ee Quadda Atoomikada ee magaceeda loo soo gaabiyo IAEA, ayaa sheegtay in Iiraan ay ku wargelisay in gantaal uu ku dhacay warshad koronto oo ku taal magaalada koonfureed ee Bushehr.

Madaxa hay’addaas Rafael Grossi ayaa ku celiyay baaqiisa ku aaddan xakamaynta ugu badan si looga fogaado khataraha badbaadada nukliyeerka.

Waxaa jiray qaraxyo ka dhacay bariga, waqooyiga iyo bartamaha Tehran habeenkii Talaadada iyadoo Israa’iil ay xaqiijisay inay qaadday weerarro cusub.

Wararka ayaa sheegaya in Iiraan ay gantaallo ku dhufatay Israa’iil, Kuwait, Urdun iyo Baxrayn. Hal gantaal ayaa ku dhacay taangi shidaal oo yaal garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kuwait, taasoo keentay inuu dab qabsado.

Hay’adda duulista rayidka ayaa sheegtay in dabka la xakameeyay mana jirin wax khasaare ah

WAR DEG DEG AH Heshiiska uu Mareykanka u gudbiyay Iiraan oo Banaanka la keenay.

0

Telefishinka Israa’iil ka soo baxa ee Channel 12 ayaa baahiyay 15 qodob oo ku jira heshiiska uu Mareykanka u gudbiyay Iiraan si loo joojiyo dagaalka.
Qodobbada Mareykanka uu diyaariyay ee la baahiyay , waxaa ka mid ah;

•In la burburiyo awoodaha nukliyeer ee ay Iiraan hadda leedahay
•In laga mamnuuco Iiraan inay horumariso ama ku hodmiso wax nukliyeer ah gudaha dhulkeeda.
•In yuraaniyaha la hodmiyay lagu wareejiyo Hay’adda Tamarta Nukliyeerka (IAEA)
•In la xiro lana burburiyo xarumaha nukliyeerka ee Natanz, Isfahan iyo Fordow
•In IAEA loo oggolaado inay si buuxda u hesho dhammaan xogta
•In Iiraan ka joojiso taageerrada ay siiso kooxaha ku sugan bariga dhexe.

•In la joojiyo maalgelinta iyo hubeynta kooxaha ay taageerto Iiraan ee gobolka
•In marinka Hormuz uu ahaado mid furan oo aan la xirin

•In dib loo dhigo go’aanka ku saabsan gantaallada ballistic-ka (tan oo la macna ah wada-hadalada laguma soo darayo qodob la xiriira awoodda gantaallada Iiraan).

•In gantaalladaas loo isticmaalo oo keliya difaac
•In la qaado dhammaan cunaqabateynta horey loo saaray Iiraan
•In la taageero barnaamij nukliyeer oo rayid ah oo ka socda xarunta Bushehr
•In la joojiyo hanjabaadda ah in si toos ah mar kale cunaqabateyn loogu soo rogayo Iiraan
Fiiro gaar ah;
Qodobbadan waa soo jeedinta dhinaca Mareykanka wali kama aysan jawaabin Iiraan.

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYNTA DFS oo ciidamo badan ku daabushay KGS & xiisada oo ka sii dartay.

0

Talaado 24 March 2026 {HMC} FALANQEYNTA DFS oo ciidamo badan ku daabushay KGS & xiisada oo ka sii dartay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 24-3-2026.

0
HOOS KA DAAWO MUQAALKA