Home Blog Page 14

Madaxweynaha Jarmalka oo Si adag u weeraray Mareykanka iyo Israaiil.

0

Talaado 24 March 2026 {HMC} “Dagaalka Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan wuxuu jebinayaa sharciga caalamiga ah.Siyaasadeena dibadda kalsooni ma yeelanayso haddii aanan si cad u oran waxa sharciga jebiya waa jebin,dagaalkan si cad ayuu uga hor imaanayaa sharciga caalamiga ah, shaki kuma jiro.”

Isagoo ka hadlay heshiiskii nukliyeerka ee Trump uu ka baxay sannadkii 2015, wuxuu yiri:

“Waligeen uma aanan dhowaan sida hadda oo kale xaalad Iiraan ay ku yeelan karto awood nukliyeer.Trump ayaa fashiliyey heshiiskaas,wuxuu ka baxay heshiiska sanadkii labaad ee muddo xileedkiisii hore, kadibna muddadiisii labaad ayuu bilaabay dagaalka.”

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Israa’iil oo Sir badan Banaanka Keenay.

0

Talaado 24 March 2026 {HMC} Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Israa’iil, Abraham Burg ayaa markii u horreysay bannaanka soo dhigay macluumaad aan horey loo shaacin oo la xiriira in garabka midigta fog ee Israa’iil oo hadda ku badan maamulka Netanyahu, inay isku dayeen wax ka badan shan jeer inay burburiyaan masjidka Al-Aqsa oo ah goobta saddexaad ee ugu barakada badan Islaamka, balse dhammaan isku dayadaas ay fashilmeen.

Waxaa kaloo uu sheegay in burburinta masjidka Al-Aqsa ay ka halis badnaan lahayd isticmaalka hub nukliyeer ah.

Wuxuu intaas ku daray: “Arrintaas waxay xitaa meesha ka saari kartaa sababta jiritaanka Israa’iil lafteeda.”

Burg wuxuu sidoo kale caddeeyay in arrintu aysan ku koobnaan doonin gudaha oo kaliya, balse ay keeni karto kacdoonno ballaaran oo ka dhaca dunidda Islaamka, isla markaana ay beddeli karto xaaladda guud ee gobolka.

President Hassan gave 90 days amnesty to AS, ISIS Somali members.

0

Tuesday 24 Mar 2026 {HMC} Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud calls Al shabab and ISIS Somali members to renounce terrorist ideologies and rejoin their people peacefully.

I call our yound boys joined terrorists and took the wrong path to defect them and take part their country’s development, said president Hassan Sheikh Mohamud.

An edited video recorded released Somali National TV president ordered Justice and Security institutions to complete the process of the amnesty.

He promised that his government will welcomed every Somali Citizen currently member of the terrorists.

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa.

0

Talaado 24 March 2026 {HMC} Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa lagu Eedeeyay in ay siyaabo kala duwan ugu lug yeesheen Howlo Basaasnimo iyo Gabaadsiinta Xubno ka tirsan Argagixisada.

Eedeysane Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay Tan iyo 2014 Inuu Ka tirsanaa Qeybta Dhagaraha Argagaxisada, Gaar ahaan Basaasida Dilalka gaadmada iyo qeybta Qaraxyada.

Waxa uu qabtay Shaqooyin ay ka mid yihiin Sahminta guryo Saraakiil daganaayen, Indho indheynta xarumaha Degmooyinka Xamar jajab iyo Xamarwayne, Gudbinta Xogo ku saabsan xarumaha lagu bixiyo ID ga NIRA Iyo Bixinta Macluumaadyo lagu beegsan lahaa Feeryahanada Soomaaliyeed ee Caanka ah Ramla Cali oo Dalkeeda soo booqatay.

Eedaysane Cabdulahi Cusmaan Maxamed, ayaa isna Lagu eedeeyay in uu dib ugu Laabtay aragaxisada oo horay uu uga tirsanaa, Islamarkaana Suuqa Bakaaro uu ku lahaa Ganacsi Qudaar oo gabbaad u aheyd, ayna ku kala warqaadan jireen isaga iyo Eedeysane Cabdisalaam.

Cabdullahi Cusmaan ayaa horay usoo dhameystay Xukun ay ku riday Maxkamadda Ciidamada Puntland.

Eedaysane Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr oo Argagixisada kaga biiray Degmadda Qoryooleey 2015, ayaa Muqdisho yimid isagoo aan marin habraaca isa-soo dhiibista ee kuwa ka haray afkaarta Xagjirka.

Eedeysane Faadumo Cismaan Subeyr Cali ayaa loo heystay in Gabaadsiisay Eedeysaneyaasha kala ah Cabdisalaam iyo Cabdinaasir oo labaduba ay Waalid u tahay, ayeeyo korana ugu aadaneyd eedeysane Cabdisalaan, iyadoona maalmo kadib u wareejisay Guri kiro ah oo ay leedahay Saxiibadeed Eedeysane Leylo Seef Faarax Axmed oo ay daris ahaayeen, kuna yaala Degmada Xamar jajab.

Faadumo ayaa iyadana Gurigeeda ka kireysay Eedeysane Cabdisalaam, iyaddoo aan la marin habraaca Kireynta Guryaha ee Hay’adaha amaanka iyo maamulka Gobolka Banadir.

Baaris dheer ka dib xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada, ayaa codsaday Mudeynta Kiiskaan, waana laga aqbalay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala Xukumay.
1- Cabdisalaam Maxamed Xasan (Aamusane) Toban sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

2- Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr Labo sano oo Xabsi Argagaxiso ah.

3- Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo 4- Leylo Seef Faarax Axmed, ayaa Iyagana lagu xukumay Min Hal sano oo Ilku hayn Amni ah.

Halka 5- Cabdulahi Cusmaan Maxamed ay Maxkamadu siisay Xorriyadiisa ka dib markii ay tix galisay Dooda Qareenkiisa oo aheyd in uu soo dhamaystay xukun horay ugu dhacay, Maxkamadduna ay u cadeen u weysay in uu dib ugu laabtay Argagaxisada.

Sida uu warbaahinta u sheegay Abdisalaam Maalin Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

WAR DEG DEG AH: Koonfur Galbeed ayaa beenisay inay la wareegtay diyaarad.

0

Tuesday, 24 March 2026 {HMC} Afhayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabdi Maxamed, ayaa Dawan u xaqiijiyey inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in maamulka uu la wareegay diyaarad ciidan, ama ay jirto diyaarad ku soo dhacday Baydhabo oo ay gacanta ku hayaan.

Beenintan ayaa daba socotay kaddib markii saacadihii u dambeeyey ay jireen warar sheegayay in diyaarad ciidan oo waajid ka soo duushay ay Baydhabo ku degi rabtay, balse la xabbadeeyey, isla markaana ay gacanta u gashay maamulka Koonfur Galbeed.

Somalia declares South West State’s leadership mandate expired amid rising tensions.

0

Tuesday, March 24, 2026 {HMC} Somalia’s central government said late on Sunday that the mandate of South West State’s president and administration had officially expired as tensions between the two sides continue to escalate.

The Interior Ministry said in a statement that the government will no longer recognise any appointments or dismissals by the current administration.

It said local administrations in South West State will continue their duties until new councils are elected, and the government is in consultation with traditional elders to prevent instability.

“The Ministry of Interior, Federal Affairs and Reconciliation of the Federal Government of Somalia, together with traditional elders of South West State, is specifically responsible for managing this process,” the statement said.

Political gridlock

The political gridlock between the central government in Mogadishu and the interim capital of Baidoa in South West State has been growing since both houses of the federal parliament voted to overhaul the national constitution, ending decades of transitional rule earlier this month.

South West State rejected newly approved amendments to the Somali provisional constitution.

Federal officials in Mogadishu argue that the state’s president, Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen, has exceeded his legal term and is governing without legitimacy. Conversely, South West State officials and their supporters view federal intervention as an encroachment of the law.

The South West State on Thursday suspended all commercial and private flights to and from its airports, citing security concerns.

Authorities said only United Nations and African Union flights will be allowed, limited to humanitarian, medical and official purposes and barred from carrying political figures without approval.

SOURCE TRT Africa

Mogadishu Meeting Between Somali Army Chief and U.S. SOCAF Commander.

0

Tuesday, March 24, 2026 {HMC} – The Commander of the Somali National Army, Major General Ibrahim Mohamed Mahmoud, held an important meeting with the Commander of the United States Special Operations Command Africa (SOCAF), Major General Claude K. Tudor.

The meeting focused on strengthening security cooperation, enhancing and developing the capabilities of the Somali National Army, and accelerating operations against terrorism.

Both sides agreed on the importance of increasing training, exchanging expertise, and providing technical support to boost the army’s capacity in order to achieve lasting security in the country.

They also agreed to further strengthen cooperation between the Somali National Army and international partner forces, particularly in operations against extremist groups.

Kulan Muqdisho ku dhaxmaray Taliyaha Ciidanka XDS iyo Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareeykanka.

Talaado  24 March 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareeykanka ee Afrika /Special Operations Command of Africa (SOCAF), Major General Claude K. Tudor.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka amniga, horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo dardargelinta howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo taageerada farsamo ee kor u qaadaysa awoodda ciidanka, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada saaxiibada caalamka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.

Dowladda Soomaaliya majirto diyaarad ay leedahay oo ka degtay Baydhabo.

0

Talaado  24 March 2026 {HMC} Sida ay Hiiraanweyn u xaqiijisay Dowladda Soomaaliya majirto diyaarad ay leedahay oo ka degtay Baydhabo, wararkaasina ay yihiin kuwo been abuur ah oo laga leeyahay ujeedooyin gaar ah.

Xubno ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya oo ay la xiriirtay Shabelle ayaa sheegay in aysan jirin Diyaarad Helicopter ah oo ay Xoogga Dalka leeyihiin oo ay gacanta ku dhigeen Maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur-Galbeed ayaa sheegtay in Diyaarad Helicopter ah oo lagu xabadeeyay Garoonka Waajid ay Markii danbe ka degtay Garoonka Baydhabo.

Muxu kayiri Midowga Yurub xiisadda ka sii daraysa ee udhaxeyso Koonfur Galbeed &DFS ?

0

Talaado  24 March 2026 {HMC} Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay isa soo tarayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee halkaasi ka jira.

Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub si dhow ula socdo xaaladda, isla markaana uu ka walaacsan yahay sida ay wax u socdaan.

Waxay carrabka ku adkeysay in waqtigan ay lagama maarmaan tahay in la helo wada-hadal wax dhisaya oo xal looga gaaro khilaafaadka jira.

“Wada-hadal wax dhisaya ayaa muhiim ah xilligan la joogo; dadaallada dhexdhexaadinta waa in la soo dhaweeyaa lana siiyo fursad ay ku mira dhalaan,” ayay tiri danjire Francesca Di Mauro.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda inay muujiyaan dulqaad iyo masuuliyad, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta isku dhac hor leh oo xaaladda sii murjin kara.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jirto cabsi laga qabo in khilaafaadka ka aloosan Koonfur Galbeed ay u gudubto gacan ka hadal, haddii aan si degdeg ah xal siyaasadeed looga gaarin.