Home Blog Page 15

Kulan Muqdisho ku dhaxmaray Taliyaha Ciidanka XDS iyo Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareeykanka.

Talaado  24 March 2026 {HMC} Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareeykanka ee Afrika /Special Operations Command of Africa (SOCAF), Major General Claude K. Tudor.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhanka amniga, horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo dardargelinta howlgallada lagula dagaallamayo argagixisada.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha, iyo taageerada farsamo ee kor u qaadaysa awoodda ciidanka, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada saaxiibada caalamka, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah.

Dowladda Soomaaliya majirto diyaarad ay leedahay oo ka degtay Baydhabo.

0

Talaado  24 March 2026 {HMC} Sida ay Hiiraanweyn u xaqiijisay Dowladda Soomaaliya majirto diyaarad ay leedahay oo ka degtay Baydhabo, wararkaasina ay yihiin kuwo been abuur ah oo laga leeyahay ujeedooyin gaar ah.

Xubno ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya oo ay la xiriirtay Shabelle ayaa sheegay in aysan jirin Diyaarad Helicopter ah oo ay Xoogga Dalka leeyihiin oo ay gacanta ku dhigeen Maamulka Koonfur Galbeed.

Koonfur-Galbeed ayaa sheegtay in Diyaarad Helicopter ah oo lagu xabadeeyay Garoonka Waajid ay Markii danbe ka degtay Garoonka Baydhabo.

Muxu kayiri Midowga Yurub xiisadda ka sii daraysa ee udhaxeyso Koonfur Galbeed &DFS ?

0

Talaado  24 March 2026 {HMC} Midowga Yurub ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda sii cakirmeysa ee ka taagan deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay isa soo tarayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee halkaasi ka jira.

Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub si dhow ula socdo xaaladda, isla markaana uu ka walaacsan yahay sida ay wax u socdaan.

Waxay carrabka ku adkeysay in waqtigan ay lagama maarmaan tahay in la helo wada-hadal wax dhisaya oo xal looga gaaro khilaafaadka jira.

“Wada-hadal wax dhisaya ayaa muhiim ah xilligan la joogo; dadaallada dhexdhexaadinta waa in la soo dhaweeyaa lana siiyo fursad ay ku mira dhalaan,” ayay tiri danjire Francesca Di Mauro.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda inay muujiyaan dulqaad iyo masuuliyad, isla markaana ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta isku dhac hor leh oo xaaladda sii murjin kara.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay jirto cabsi laga qabo in khilaafaadka ka aloosan Koonfur Galbeed ay u gudubto gacan ka hadal, haddii aan si degdeg ah xal siyaasadeed looga gaarin.

Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay tallaabo degdeg ah qaaddo si loo joojiyo colaadda.

0

Talaado  24 March 2026 {HMC} Maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ka digay in xaalad sii xumaanaysa oo ka taagan deegaankiisa ay halis u tahay in ay isu beddesho dagaal sokeeye iyo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in tallaabooyinka militari ee ay qaadday dowladda federaalka ay si toos ah u hurinayaan xiisad colaadeed, halkii laga xallin lahaa khilaafaadka siyaasadeed ee jira.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamadii ay tababareen Dowladaha Turkiga, Imaaraadka, UK iyo Mareykanka, loo adeegsaday howlgal aan diiradda saarayn la dagaalanka Al-Shabaab balse u janjeera arrimo siyaasadeed oo gudaha ah.

“Xaalad sii xumaanaysa oo ka jirta Koonfur Galbeed ayaa halis u ah inay isu beddesho dagaal sokeeye iyo musiibo bani’aadamnimo oo baahsan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay maamulka.

Maamulka Koonfur Galbeed wuxuu sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka in ciidanka qaranka loo rogay awood ku saleysan qabiil, iyadoo la sheegay in ciidamo badan laga soo xulay beel gaar ah oo loo adeegsaday shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo sare u qaadday cabsi laga qabo dagaal sokeeye.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in hub culus oo hore loogu talagalay dagaalka Al-Shabaab, oo ay bixisay dowladda Masar, lagu arkay dagaallada gudaha, xilli deegaanno badan oo ka tirsan Bakool iyo Shabeellaha Hoose ay weli gacanta ugu jiraan Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in xaaladda Baydhabo iyo magaalooyin kale ay gaartay heer halis ah, iyadoo la sheegay in dad rayid ah ay bilaabeen inay ka barakacaan guryahooda cabsi la xiriirta colaadda sii xoogeysanaysa.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa uga digay beesha caalamka in haddii aan si degdeg ah loo faragelin, ay xaaladdu isu beddeli karto masiibo bani’aadamnimo oo ballaaran, gaar ahaan maaddaama gobolka uu horeyba u saameeyay abaaro daba dheeraaday.

Ugu dambeyn, Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay tallaabo degdeg ah qaaddo si loo joojiyo colaadda, loona ilaaliyo shacabka, iyadoo la xusay in haddii aan wax laga qaban xaaladda, ay halis gelin karto xasilloonida guud ee Soomaaliya.

 

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Daah-furay Mashruuca “Salaam City”.

0

Talaado  24 March 2026 {HMC} Magaalada Jabuuti waxaa laga dhagax-dhigay Magaalo cusub oo leh in ka badan 7,000 oo guri oo si casri ah loo dhisay, waxaana dhagax-dhigay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyada oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiinta Salaam Real Estate, Ganacsato & Qurbajoog doonaysa in ay iibsato guryahaan.

Xaafadda Salaam City waxaa mashruucaan maalgeliyay Salaam Real Estate oo kamid tahay Salaam Group of Companies, Baaxadda dhulkaan waa 2.4 Milyan oo Mitir laba jibbaaran oo isugu jira 7 Dugsi, Isbitaal & Xarumo Caafimaad, Masaajid Dhexe, Goobo Ganacsi & Xaafado, Dukaamo & Adeegyo Xaafadeed, Beero iyo goobo Madadaalo.

Mashruucaan oo laga fuliyay goob istaraatiiji ah oo ah Deegaanka Nagaad, waxaa mashruuca lagu fuliyay lacag dhan $480 Milyan oo u dhiganta (85 Bilyan oo Faran Jabuuti), waa dhul siman oo ku yaalla meel muhiim ah sida ay ku warrameen mas’uuliyiin katirsan Salaam Real Estate.

“Jabuuti si muuqata ayay isu baddeleysaa, Dekedaha ayaa mashquul badan, Waddooyinka ayaa hagaagaya, Salaam City waxaa loo naqshadeeyay in ay ka jawaabto isbaddelkaas iyada oo abuuraysa Bulsho loo dhan yahay oo helaya adeegyo casri ah & deegaan ammaan ah,” Ayuu yiri Maareeyaha guud ee Salaam Real Estate, Mustafe Liibaan.

Image

Mashruuca waxaa loo naqshadeeyay iyada oo la adeegsanayo mabaadi’da qorshaysanta magaalooyinka ee Waara, waxaa la diiwaangeliyay mashaariic kala duwan oo doonaya in ay ka faa’iidaystaan guryahaan sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Salaam Real Estate.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay Mashruucaan waxa uu ku tilmaamay mid qayb wayn ka qaadanaya horumarka Dalkaas, waxa uu dhiirrageliyay mas’uuliyiinta Salaam Real Estate ee ku dhiirraday mashruucaan.

Image

“Horumarka Jabuuti waa in lagu cabbiraa, ma aha oo kaliya baaxadda himilooyinka balse awoodda ay u leedahay in ay hagaajiso nolosha maalinlaha ah ee muwaadiniinteeda, ballaarinta helitaanka guryo tayo leh, abuurista shaqooyin & dhisidda Bulshooyin casri ah,” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

DFS oo maamul cusub u magacawday Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

0

Talaado  24 March 2026 {HMC}  Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maamul cusub u magacawday Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, mas’uuliyiinta cusub ayaa la faray in ay gutaan waajibka ka saaran adkaynta amniga & ka shaqaynta adeegyada Bulshada.

Warqadda Magacaabista ah oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in magacaabistaan ay timid kaddib markii laga maarmi waayay.

Halkaan ka aqriso Magacyada mas’uuliyiinta loo magacaabay Waajid

Colombian military plane crash kills at least 66, wounds dozens.

0

Tuesday 24 March 2026 {HMC} At least 66 people have died and dozens of others have been wounded after a Colombian military plane with 125 people on board crashed after takeoff in the south of the country, officials have said.

The Lockheed Martin-built C-130 Hercules aircraft went down on Monday shortly after it had departed from Puerto Leguizamo, near the southern border with Ecuador and Peru, strewing burning wreckage on the jungle floor.

Minister of Defence Pedro Sanchez said the plane hit the ground just 1.5km (0.9 miles) away from where it took ⁠off, leading to the detonation of ammunition and setting the aircraft ablaze.

There ⁠was no indication of an “attack by illegal actors”, Sanchez said.

General Hugo Alejandro Lopez Barreto, the head of the Colombian armed forces, said four military personnel were missing.

“Sadly, as a consequence of this tragic accident, 66 of our military elements died,” he said.

“At the moment, we have no information or indications that it was an attack by an illegal armed group,” Barreto added.

In a video posted on social media, Deputy Mayor Carlos Claros said the victims’ bodies were taken to the small town’s morgue, and that the only two clinics in town treated the injured before they were flown to larger cities.

The updated death toll came shortly after Claros told RCN television that 33 people had died, and that efforts were being made to treat and evacuate dozens of others injured.

Carlos Fernando Silva, the commander of Colombia’s air force, said earlier that two planes, with 74 beds, had been sent to the area to fly the injured back to hospitals in the capital, Bogota, and elsewhere.

Colombia acquired its first C-130 Hercules in the late 1960s and has more recently modernised some older C-130s with newer models sent from the United States.

Last month, another C-130 belonging to the Bolivian air force crashed in the city of El Alto, barely missing a residential building.

More than 20 people were killed in that crash and 30 were injured.

Source Al Jazeera Logo

Trump says ‘good’ talks ongoing with Iran – but offers few details.

0

Tuesday 24 March 2026 {HMC} US President Donald Trump’s promise of “good” and “productive” talks with Iran are perhaps his most conciliatory remarks since the beginning of Operation Epic Fury, but leave significant unanswered questions.

Early on Monday morning – just hours before markets opened – Trump took to Truth Social, promising to hold off on striking Iranian power plants and energy infrastructure for a five-day period as talks continue, after having previously threatened to “obliterate” these targets unless Iran opens the Strait of Hormuz.

Iran, however, has denied that any contact between its official and the Trump administration has taken place.
This, in turn, immediately prompted questions on what talks Trump was referring to, or whether he was seeking to calm troubled global markets.

Speaking to reporters in Palm Beach, Trump said that both sides are looking to make a deal and that the US maintains a “great relationship” with a lot of potential partners in the Middle East, although he did not identify any.

While Trump said that special envoy Steve Witkoff and Jared Kushner, Trump’s son-in-law, participated in the talks, Trump offered no details on who they were with, or what they were focused on.

Possibilities include opening the Strait of Hormuz, Iran’s ballistic missile programme, the enrichment of uranium, or a simple ceasefire, a possibility which Trump had previously downplayed.

The US president has repeatedly told reporters that multiple tiers of Iranian leadership have been wiped out, and at a Friday event at the White House said that it is “hard to find leaders in Iran to talk to because they keep getting killed”.

In a brief phone interview with CNBC reporter Joe Kernen following Trump’s post on Monday morning, Trump said that Iran has representatives left, contradicting his own previous public statements.

He suggested that they are behaving differently than their predecessors. Kernen said that Trump was “insisting” that the change constitutes a form of regime change.

Iran’s denial that any talks have taken place, however, complicates this narrative for the administration and will likely make for awkward questions.

Already, an unnamed Iranian source quoted by Fars News Agency, affiliated with Iran’s Islamic Revolutionary Guard Corps (IRGC), characterised Trump’s statement as something of a victory for the regime, claiming Trump “backed down” after Iran’s threats to launch retaliatory strikes against energy infrastructure across the region.

The talks could also be something of a ruse – as was the case last summer when talks with the Iranians were reportedly still progressing right up until US bombs struck Iranian nuclear facilities during Operation Midnight Hammer.

Trump, after all, often reminds reporters that his decision-making process or thinking on a particular topic is a mystery to almost everyone.

Even with scant evidence of sustained negotiations, Trump’s post led US stock market futures to rally and global oil prices to drop precipitously.

What was shaping up to be a dismal day for major world economies was left with a glimmer of optimism.

The timing of Trump’s post – just before US markets open – may not have been a coincidence.

The president’s threat to attack Iranian power facilities by Monday evening – after his deadline had passed – had led to widespread fears of an escalation in the war.

His decision to delay any action for five days has, for now, eased those concerns.

If talks did take place, it is not clear how serious any US-Iranian negotiations have been, whether the US and Israel will continue other airstrikes and whether Iran is still restricting access to the Strait of Hormuz – the reason for Trump’s Monday bombing deadline in the first place.

This may be the first indication of a real breakthrough. Or it could be the move of a president who had put himself into a difficult spot looking for a way to buy himself more time.

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka Socda Koofur Galbeed

0

Talaado  24 March 2026 {HMC}  Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka Socda Koofur Galbeed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE

 

Warshad Maraykanka u sifaysa Shidaalka oo gubanaysa

0

Warshadda labaad ee sifaynta Shidaalka Maraykanka ee fadhigeedu tahay Gobolka Texas ayaa gubanaysa kaddib markii la qura la maqlay qarax ka dhacay gudaheeda waxaana xigay olol iyo uuro cirka isku shareertay sida ka muuqata muuqaallo laga soo duubay.

Waxa ay si gaar ah u sifayn jirtay shidaalka culus ee laga keeno Venezuela iyada oo marka la hagaajiyo kaddib la iib gayn jiray, waxaana si hordhac ah loosoo wariyay in khasaara xooggan uu dabkaas gaarsiiyay dhaqaalaha Maraykanka

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dedaallo kala duwan la sameeyay si loo damiyo Dabka balse xaaladdu adkaatay mar haddii waxa gubanayo uu yahay Shidaal ay adag tahay in si fudud loosoo afjaro sida hadalka loo dhigay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in uu socdo baaris ay wadaan mas’uuliyiin isugu jira heer Federaal iyo heer Maamul waa Gobolka Texas si loo ogaado sababta keentay qaraxa xooggan ee la maqlay iyo dabka qabsaday Warshadda sifaysa Shidaalka.