Home Blog Page 16

Diyaarad ku burburtay xadka Peru

0

Talaado  24 March 2026 {HMC}  Mas’uuliyiinta dalka Colombia ayaa sheegay in 66 askari ay dhinteen kadib markii diyaarad ciidan oo nooceedu ahaa C-130 ay ku burburtay meel u dhow xadka Peru

125 askari iyo shaqaale ayaa saarnaa diyaaradda.

Dad badan ayaa ku dhaawacmay shilka, qaar ayaana lagu soo warramayaa in dhaawacoodu uu daranyaha.

Waxaa socda gurmad iyo dadaalo xooggan oo ay wadaan laamaha ammaanka

Dad badan ayaa ku dhaawacmay shilka, qaar ayaana lagu soo warramayaa in dhaawacoodu uu daranyaha.

Waxaa socda gurmad iyo dadaalo xooggan oo ay wadaan laamaha ammaanka.

KGS oo amar culus duldhigtay shirkadaha duulimaadyada

0

Talaado  24 March 2026 {HMC}   Wasaaradda Gaadiidka ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay amar rasmi ah oo lagu sheegay in wax diyaarado ah oo aan ogolaansho ka haysan dowladda Koonfur Galbeed aan lagu soo degi karin garoomada diyaaradaha ee ku yaala deegaanada maamulka.

Amar kan ayaa lagu xaqiijinayaa in dhammaan duulimaadyada diyaaradaha ee ku saabsan Koonfur Galbeed ay u baahan yihiin ogolaansho gaar ah oo ka timaadda Wasaaradda Gaadiidka ee maamulka.

Amarkan ayaa lagu taageerayaa dadaallada amniga iyo xakameynta duulimaadyada si loo hubiyo in garoomada diyaaradaha aysan u noqon kuwo amni darro ah, isla markaana loo ilaaliyo inaysan khatar gelin shacabka ku nool gobolka

Waxaana sidoo kale la sheegay in wasaaradda ay qaadi doonto tallaabooyin sharciyeed haddii ay jiraan diyaarado soo dagay iyagoo aan haysan ogolaansho.

Wasaaradda Gaadiidka ayaa sidoo kale ku baaqday in dhammaan shirkadaha diyaaradaha iyo hay’adaha duulimaadyada ay si toos ah ula xiriiraan maamulka Koonfur Galbeed si ay u helaan ogolaanshaha lagama maarmaanka ah ka hor inta aysan duulin ama aysan soo degin.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda Koonfur Galbeed ee ku aaddan ilaalinta amniga guud ee gobolka iyo xaqiijinta in diyaaradaha ay ku socdaan siyaabo waafaqsan sharciyada dalka.

Taliyaha ciidamada Haramcad & ciidamo oo gaaray Baraawe.

0

Isniin 23 March 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil, ciidamo iyo hub dheeraad ah geysay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellada Hoose, xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka kala dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee booliska Haramcad, Cabdi Xakiin Ceeldheer, iyo saraakiil kale oo ciidan ayaa maanta tagay magaalada Baraawe, kuwaas oo ku biiray cutubyo horey ugu sugnaa magaalada.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ee ciidamada ayaa muujinaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn u xoojinayso joogitaankeeda Baraawe, iyadoo la sheegayo in halkaasi laga wado abaabul ciidan oo ka dhan ah maamulka Koofur Galbeed, kaas oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo dowladda dhexe.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in ciidamada la geeyay ay isugu jiraan kuwa Haramcad iyo cutubyo kale oo ka tirsan booliska iyo militariga, kuwaas oo wata hub kala duwan, iyadoo magaalada laga dareemayo dhaq-dhaqaaq ciidan oo xooggan.

Xiisadda u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmihii dambe sii xoogeysaneysay, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in xaaladdu isu beddesho mid amni oo halis ah.

 

Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

0

Isniin 23 March 2026 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay Ciidamada Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen deegaanka Warciise ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in howlgalkan ujeedkiisa ahaa xaqiijinta Amniga gaar ahaan sidii looga hortagi lahaa weerarada iyo dhaqdhaqaaqyada AS.

Taliyaha Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad, Dhamme Maxamed Cumar Dufaan, ayaa sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan inta ay AS ku sugan yihiin qeybo kamid ah gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalladaan ayaa ku soo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka ay la wareegeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH Saraakiil Ciidan oo Gaaray Baraawe iyo dhaq dhaqaaqyo ka socda Koofur Galbeed

0

Axad 21 March 2026 {HMC}  WAR DEG DEG AH Saraakiil Ciidan oo Gaaray Baraawe iyo dhaq dhaqaaqyo ka socda Koofur Galbeed

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE

 

{DAAWO MUQAALKA} Dan jiree ilyaas “Waxaan Diyaar u nahay walaalkeen lafta gareen inaa Gacanta qabano”

0

Axad 21 March 2026 {HMC}  Dan jiree ilyaas “Waxaan Diyaar u nahay walaalkeen lafta gareen inaa Gacanta qabano”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE

 

{DAAWO MUQAALKA} Bahda waxbarashada G/Hiraan oo ka tacsiyadeeyey Geerida AUN Cabdi Salaan oo Baladweyne ku Geriyoday

0

Isniin 23 March 2026 {HMC} Bahda waxbarashada G/Hiraan oo ka tacsiyadeeyey Geerida AUN Cabdi Salaan oo Baladweyne ku Geriyoday

HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo kordhay Xiisada ka taagan Koofur Galbeed.?

0

Isniin 23 March 2026 {HMC} Maxaa kasoo kordhay Xiisada ka taagan Koofur Galbeed.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

DFS oo war ka soo saartay shil diyaarad oo ka dhacay Qatar

0

Isniin 23 March 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladaha Qatar iyo Jamhuuriyadda Turkiga, kadib burbur naxdin leh oo ku yimid diyaarad helicopter ah oo ka dhacday biyaha dalka Qatar.

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, laguna taariikheeyay 22 Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si qoto dheer uga xun tahay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay shilkaasi, kaas oo ay ku geeriyoodeen toddobo ruux oo gudanayay waajibaadkooda shaqo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi gaar ah u dirtay ehelada iyo qaraabada ay ka baxeen dadkii ku dhintay shilka, iyadoo sidoo kale muujisay garab istaag iyo midnimo ay la wadaagto dowladaha Qatar iyo Turkiga xilligan adag.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Alle SWT uga baryeyso in uu u naxariisto dadkii geeriyooday, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa, isla markaana uu samir iyo iimaan ka siiyo eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ay la leedahay dowladaha Qatar iyo Turkiga, gaar ahaan xilliyada musiibooyinka iyo dhibaatooyinka.

Mareykanka oo muwadiniintiisa caalamka oo dhan digniin u diray.

0

Isniin 23 March 2026 {HMC} Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa si rasmi ah u soo saartay digniin cusub oo loo dirayo muwaadiniinteeda caalamka oo dhan, kadib xiisadaha sii socda ee Bariga Dhexe.

Farriin waaxdu ku baahisay barteeda X, ayay ku boorisay muwaadiniinta Maraykanka inay “ka feejignaadaan si gaar ah caalamka oo dhan, gaar ahaan Bariga Dhexe.”

Farriinta ayaa u qornayd: “Xiritaanka hawada mararka qaarkood ayaa sababi kara carqalad safar. Xarumaha diblomaasiyadeed ee Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa ka baxsan Bariga Dhexe, ayaa la beegsaday.”

Sidoo kale waxay sheegtay: “Kooxaha taageersan Iiraan ayaa beegsan kara danaha kale ee Maraykanka dibadda ama goobaha la xiriira Maraykanka iyo/ama muwaadiniinta Maraykanka ee caalamka oo dhan.”