Axad 21 March 2026 {HMC} Dan jiree ilyaas “Waxaan Diyaar u nahay walaalkeen lafta gareen inaa Gacanta qabano”
HOOS KA DAAWO MUQAALKA DAGAALKA BARIGA DHAXE
Axad 21 March 2026 {HMC} Dan jiree ilyaas “Waxaan Diyaar u nahay walaalkeen lafta gareen inaa Gacanta qabano”
Isniin 23 March 2026 {HMC} Bahda waxbarashada G/Hiraan oo ka tacsiyadeeyey Geerida AUN Cabdi Salaan oo Baladweyne ku Geriyoday
Isniin 23 March 2026 {HMC} Maxaa kasoo kordhay Xiisada ka taagan Koofur Galbeed.?
Isniin 23 March 2026 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladaha Qatar iyo Jamhuuriyadda Turkiga, kadib burbur naxdin leh oo ku yimid diyaarad helicopter ah oo ka dhacday biyaha dalka Qatar.
War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, laguna taariikheeyay 22 Maarso 2026, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay si qoto dheer uga xun tahay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay shilkaasi, kaas oo ay ku geeriyoodeen toddobo ruux oo gudanayay waajibaadkooda shaqo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi gaar ah u dirtay ehelada iyo qaraabada ay ka baxeen dadkii ku dhintay shilka, iyadoo sidoo kale muujisay garab istaag iyo midnimo ay la wadaagto dowladaha Qatar iyo Turkiga xilligan adag.
Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Alle SWT uga baryeyso in uu u naxariisto dadkii geeriyooday, kana waraabiyo Jannatul Firdowsa, isla markaana uu samir iyo iimaan ka siiyo eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga ay la leedahay dowladaha Qatar iyo Turkiga, gaar ahaan xilliyada musiibooyinka iyo dhibaatooyinka.
Isniin 23 March 2026 {HMC} Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa si rasmi ah u soo saartay digniin cusub oo loo dirayo muwaadiniinteeda caalamka oo dhan, kadib xiisadaha sii socda ee Bariga Dhexe.
Farriin waaxdu ku baahisay barteeda X, ayay ku boorisay muwaadiniinta Maraykanka inay “ka feejignaadaan si gaar ah caalamka oo dhan, gaar ahaan Bariga Dhexe.”
Farriinta ayaa u qornayd: “Xiritaanka hawada mararka qaarkood ayaa sababi kara carqalad safar. Xarumaha diblomaasiyadeed ee Maraykanka, oo ay ku jiraan kuwa ka baxsan Bariga Dhexe, ayaa la beegsaday.”
Sidoo kale waxay sheegtay: “Kooxaha taageersan Iiraan ayaa beegsan kara danaha kale ee Maraykanka dibadda ama goobaha la xiriira Maraykanka iyo/ama muwaadiniinta Maraykanka ee caalamka oo dhan.”
Isniin 23 March 2026 {HMC} Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay inay bilaabayaan weerar cusub oo ka dhan ah caasimadda Iran ee Texran.
Warbaahinta Iran waxay shaaciyeen inay qaraxyo ka dhaceen goobo kala duwan oo caasimadda ah. Horey, Iran waxay gantaallo ku weerartay Israa’iil taas oo keentay in seeriga digniinta laga maqlo dhanka waqooyi iyo bartamaha dalka.
Bambooyinka jalfiska ah (cluster munitions) iyo hubka kale ee la adeegsanayo ayaa waxyeelo u geystay goobo badan oo ku yaala bartamaha Israa’iil, laakiin ma jiraan wax khasaare ah oo la soo sheegay. Dhanka kale, Iran waxay ka digtay inay si buuxda u xiri doonto marinka Hormuz haddii Washington ay la taageerto hanjabaadda Madaxweyne Trump ee ah inuu burburin doono warshadaha tamarta ee Iran.
Madaxweynaha Iran, Mascuud Pezeshkian, ayaa sheegay in hanjabaadaha Mareykanka ee ku aadan ‘inuu weerarayo kaabayaasha tamarta Iiran ay muujinayaan “quus”, isagoo intaas ku daray in marinka Hormuz uu “u furan yahay qof walba marka laga reebo kuwa ku xadgudbay dhulkeena sida uu sheegay,”.
Trump waxaa uu Sabtidii ku dhawaaqay inuu “burburin doono” xarumaha tamarta Iran haddii aan marinka Hormuz la furin muddo 48 saacadood gudahood.
Isniin 23 March 2026 {HMC} Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cali Saciid Fiqi, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay hub dibadda laga keenay u weecisay dagaal siyaasadeed oo sokeeye, beddelkii loo adeegsan lahaa la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Guddoomiye Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in hubka ay dowladda Masar siisay Soomaaliya, kaas oo fagaareyaasha loogu soo bandhigay inuu yahay taageero loogu talagalay amniga qaranka iyo hawlgallada la-dagaallanka argagixisada, lagu wareejiyay maleeshiyooyin ku sugan degmada Buurhakaba, haatanna loo adeegsanayo in lagu dhibaateeyo dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed.
“Hubkan waxaa loogu talagalay in lagu difaaco qaranka, lagulana dagaallamo cadowga, looma keenin in loo adeegsado khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah ama in lagula dagaallamo muwaadiniinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cali Saciid Fiqi.
Wuxuu ka digay in hubka qaranka oo laga dhigo aalad lagu muujiyo cadaadis siyaasadeed ay sii qoto-dheerayn doonto xiisadaha taagan, kordhin doonto kalsooni-darrada, isla markaana ay halis weyn gelin doonto nolosha dadka rayidka ah.
Wuxuu xusay in eedeymahan la xiriira ku-takri-falka hubku ay yihiin kuwo si gaar ah loola yaabo, xilli Soomaaliya ay weli wajaheyso khatar joogto ah oo kaga imaanaysa Al-Shabaab, ayna saaran tahay cadaadis ku aaddan in la xasilliyo deegaannadii dhowaan lala wareegay.
Eedeymahan culus ayaa ku soo beegmaya xilli uu sii fogaanayo khilaafka u dhexeeya Baydhaba iyo Muqdisho, kaas oo salka ku haya muranno la xiriira faragelin siyaasadeed, maamulka doorashooyinka, iyo awood-qaybsiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah. X
iriirka labada dhinac ayaa si weyn u xumaaday toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo madaxda Koonfur Galbeed ay ku eedeynayaan mas’uuliyinta federaalka inay isku dayayaan wiiqida awoodda maamulka iyo faragelinta arrimihiisa gudaha.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii Khamiista ciidamo gaar ah oo boolis ah u daadgureysay deegaannada Koonfur Galbeed, tallaabadaas oo sii xoojisay is-mari-waaga dastuuriga ah, isla markaana dhalisay cabsi cusub oo la xiriirta xasilloonida nidaamka federaalka ee dalka oo markii horeba ahaa mid jilicsan.
Boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa aroornimadii Khamiista ka duulay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyagoo saaran diyaaradaha nooca Fokker 50, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka amniga ah.
Ciidamadan ayaa ka degay magaalada xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo ah caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, in kasta oo xukuumadda maamulkaasi ay si ku-meel gaar ah u degan tahay magaalada Baydhaba.
Ilaa iyo haatan, ma jirto wax jawaab ah oo ay dowladda federaalku fagaare ka bixisay eedeynta gaarka ah ee uu Fiqi soo jeediyay ee ku aaddan adeegsiga hubka Masar ee degmada Buurhakaba. Balse sheegashadan lafteeda ayaa calaamad u ah weji cusub oo halis ah oo uu galay isku-dhaca siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac.
Isniin 23 March 2026 {HMC} Anwar Gargash oo ah siyaasi sare oo Imaaraadka Carabta, ahna La‑taliyaha Dibloomaasiyadeed ee Madaxweynaha UAE, horena u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiru‑dawlaha Arrimaha Dibadda, ayaa hadalkii Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda kabacadi ku sii daray in Iran khatar ku tahay jiritaankooda, aysanna la heshiin doonin, lagamamaarmaana ay tahay in Iran dawlad cusub loo dhiso.
Gargash oo hadalkiisa sii caddeynaya ayaa ku sii daray, ma aqbali doono wax heshiis ah oo Iran inta Iran ay awood u leedahay inay u hanjabto marin-biyoodka Hormuz, tahay dal hubka nukliyeerka qarka u saaran, siina waddo in ay gantaalo nala beegato.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka iyo kii ka horreeyaba waxay maanta toos u caddeeyeen in hadafkoodu yahay Iran oo hubka laga dhigo, lana hoosgeeyo Israal. Waa markii ugu horreysay ee Imaaraadku mowqifka dagaalka bannaanka soo dhigo.
Monday 23 March 2026 {HMC} The Federal Republic of Somalia expresses its deepest condolences and sincere sympathy to the brotherly State of Qatar and the Republic of Turkey, both government and people, on the tragic loss of seven lives following the crash of a helicopter in the territorial waters of the State of Qatar while performing their duty.
Somalia extends its heartfelt condolences to the families and loved ones of the victims in this tragic loss, affirming its full solidarity with Qatar and Turkey during this difficult time. We pray to God Almighty to grant the deceased His mercy and to grant their families and loved ones patience and comfort.

-END-
Axad 22 March 2026 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa 27-kii bishii Sebtembar 2025-kii weerar afka ah ku qaaday aqoonsigii dowlad Falastiin ay yeelato ay xilligaas siiyeen dalal badan oo reer galbeed ah xilli uu khudbad kulul ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Netanyahu ayaa ku tilmaamay aqoonsigaas tallaabo “ceeb ah” oo diraysa farriinta ah in “dilka Yuhuuda uu faa’iido leeyahay”.
Tobaneeyo qof oo isugu jira mas’uuliyiin iyo dublamaasiyiin ayaa bannaanbax sameeyay oo hoolka isaga baxay xilligaas, kaddib markii uu soo koray masraxa khudbadaha laga jeedinayay iyadoo qeybo badan oo ka mid ahaa hoolka shirarka uu ka socday ay faaruqiyeen dadkii.
Banaanka, dibad baxayaasha ka soo horjeeda dagaalka Israa’iil ee Qasa ayaa isugu soo baxay xilligaas si gaar ah fagaaraha Times Square.