{DAAWO MUQAALKA} Laba todobaad ka dib isbraayinkii laga qaaday gobalka Hiiraan Maxaa iska badalay Xaalada Baladweyne?
Axad 26 Jun 2025 {HMC} Laba todobaad ka dib isbraayinkii laga qaaday gobalka Hiiraan Maxaa iska badalay Xaalada Baladweyne?
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA
{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.01.2025}
Axad 26 Jun 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Mustaf Ali Addow
Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO
Nabdoon Faarax Cabdi Waare oo xalay Geeriyooday.
Axad 26 Jun 2025 {HMC} Allaha unaxariistee waxaa xalay magaalada muqdisho ku geeriyooday Nabadoon Daarax Abdi Waare oo kamid ah nabadoonada ugu wa wayn Gobolka Hiiraan.
Nabadoonka ayaa si gaar ah ugu geeriyooday isbitaalka Soomaali suudaanays halkaas oo lagula tacalayay xaaladiisa Caafimaad.
Nabadoon Faarax Cabdi Waare ayaa lagu xasuustaa inuu qayb wayn ka qaatay halgankii dib xuraynta dalka kaasi oo inta badan lagu xureeyay Bariga Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxa uu kaalin wayn ka qaatay xalinta dhacdadii 26-kii December ka dhacday deegaanka ceelbaraf ee lagu laayay Ciidankii qaran isagoo Lafdhabar u ahaa daminta Xiisadaas Gilgishay Gayiga Soomaaliyeed.
Nabdoonka oo ay tiisa ku ekeed xalay ayaa ugu dambayn ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Abdimaalin Abdalla oo kamid ah golaha Shacabka Soomaliya yaa ka tacsiyey geerida nabadoonka.
”INAA LILAAHI WA INAA ILAAHI RAAJICUUN. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan iyo beelweynta Xawaadle, geerida ku timid Ilaahay ha u naxariistee Caaqilkii Guud Caaqil Farah Abdi Waare. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistiisa janno fardawsana ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaanka.
Sidoo kale waxaa isne ka tacsiyeey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabelle
”Alle ha u naxariisto Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo Mogadishu ku geeriyooday. Nabadoon faarah wuxuu ahaa oday Soomaliyeed oo dalka iyo dadka u sooshaqeeyay isagoo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska dalka” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir karoore.
اللهم اجعله مع الصديقين والشهداء والصالحين وحسن أولئك رفيقا
PUNTLAND oo soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah dadka Ajaaniibta
Axad 26 Jun 2025 {HMC} Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamul goboleedka Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa go’aanno culus dul-dhigtay dadka ajaaniibta ah ee ku sugan deegaannada maamulkaasi iyo kuwa imaanaya, xilli haatan uu dardar xoogleh ku socdo dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo ay ku jiraan ajaaniib badan.
Puntland ayaa gebi ahaan mamnuucday in qof ajnabi ah oo sharci darro ku jooga deegaannadeeda in aan guri laga kireyn karin maanta kadib, sidoo kalena aan la shaqaaleysiin karin.
Sidoo kale waxaa laga mamnuucay tuugsiga goobaha dadweynaha, iyada oo dhanka kale shirkadaha la faray in qof ajnabi ah oo aan haysan sharci aanay u furin karin Sim-Card.
Waxaa kale oo la joojiyay ganacsiyada yaryar ee lala wareego waddooyinka iyo xaafadaha, sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay warsaaradda arrimaha gudaha Puntland.
Hoose ka akhriso:-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo xeerinaysa nabaddgelyada iyo badqabka dadka iyo hantidooda waxay soo saartay qodobada hoos ku xusan:-
1:Iyada oo laga duulayo khataraha amni ee jira waxaa reeban inay ajaaniibtu Puntland ku soo gasho sifo aan sharci ahayn.
2:waxaa la mamnuucay dhammaan tuugsiga waraaqaha lambaradu ku qoranyihiin in lala istaago goobaha dadweynaha sida masaajidada, waddooyinka iyo goobaha ganacsiga hortooda.
3:waxaa la mamnuucay in shirkadaha isgaarsiinta ay Telefoono u furaan ajaaniibta aan haysan aqoonsi rasmi ah iyo damiin la yaqaan. Waxaa la farayaa shirkadaha isgaarsiinta in ay si deg deg ah u xiraan akoonada iyo Lambarada lagu tuugsado hadda shaqeeya.
4:Laga bilaabo maanta oo taariikdu tahay 25 Janaayo 2025, qof aan si sharci ah ku joogin Puntland, guri lagama kirayn karo, Lambar looma furi karo, lamana shaqaalaysiin karo.
Cidkasta oo hawlahaas fududaysana waxaa loo aqoonsanayaa inay faldambiyeed gacanta kula jirto.
5:Waxaa la mamnuucay ganacsiyada yar yar ee aan sharciyeysnayn ee suuqa lala wareego.



