Sabti 25, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed & Sahro Gabre
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
Sabti 25, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed & Sahro Gabre
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Taliye Sambaloolshe”Waxaan Hubaa in aan ka Guuleeysan Karno Dagaalka AS.”
Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Gudoomiye Nuur dheere”Midnimo aan iskugu imaano Kadibna As Wabiga waan Gooysiin Karnaa.”
Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Cali Jeeyte”Qof walba oo Deegaan As Jooga Iyaga ayuu Lamid yahay.”
Sabti 25-jun 2025 {HMC} Maamulka Puntland oo adeegsanaysa khubaro aqoon durugsan u leh Cilmiga badda iyo Seyniska ayaa baaritaan rasmi ah ku bilowday sababta keentay in Kalluun badan ka soo caariyo xeebta magaalada Boosaaso.
Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo kaashanaysa wasaaradda degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa baaritaan ku bilowday sababta keentay in uu xeebta Boosaaso dibadda uga soo baxo kalluun badan oo nooca Homboborada loo yaqaan ah kaasi oo ay ku jiraan tiro ka badan 100 oo dhintay.
Mas’uuliyiinta wasaaradda Kalluumeysiga Puntland oo ay weheliyaan khubaro ka socda jaamacadaha oo aqoon u leh Culuumta badda ayaa booqday goobtii uu ka soo caariyay kalluunka badan waxaana ay dhecaanno ka soo qaadeen in ka badan 100 Homboro oo dhintay halka ay muunad (Sample) ka soo qaadeen biyihii badda ee soo tufay kalluunkaasi.
Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa sheegtay in baaritaan cilmiyaysan loo dirayo dhecaannada Homborada iyo muunadda laga soo qaaday biyaha badda si loo ogaado sababaha keenay in baddu soo tufto kalluun intaasi tiro le’eg oo dhintay.
Sabti 25-jun 2025 {HMC} Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa ku guuleestay in ay soo ridaan labo diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn, kuwaa oo kooxda Daacish kusoo xireen qaraxyo kuna soo weerareen ciidamada howlgalka ka wada buuraha gobolka Bari.
War kasoo baxay ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa lagu sheegay in ciidamada ku guuleesteen in ay soo ridaan labada diyaaradood ee Daacish bambooyinka kusoo xireen, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in Daacish ku fashilantay in diyaaradahasi ku waxyeeleeyaan ciidamada.
Taliska ciidamada Puntland, ayaa sidoo kale sheegay in ay hoos u dhaceen saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kooxda Daacish kusoo weerareysay ciidamada, waxa ayna sababta ku sheegeen in la wiiqay awoodii kooxda Daacish.
“Ciidanku waxay hada soo rideen 2 drone oo ay argagixisadu isku dayday in ay isticmaasho buuraha – Turmasaale. Tirada Droneska ay soo dirijireen 24kii saac ayaa hoos u dhacday taasi oo muujinaysa awoodoodu in ay laciiftay” ayaa lagu yiri Warka Taliska Ciidamada Puntland.
Ciidamada Puntland, ayaa horey marar badan usoo riday gacanta ku dhigay diyaarado badan oo Daacish qaraxyo bambaano kusoo rareen, waxa ayna Daacish hadda u muuqdaan kuwa ku fashilmaya adeegsiga diyaaradaha ay qaraxyada ku xirayaan.
Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Gudoomiye Muuse Salaad ”Dagaalka AS aniga ayaa Hogaaminaa”
Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Wasiirka Caafimaadka ‘qof walboow ka guur inta aysan Cagaftu kusoo gaarin,
Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} “Dagaalka Buuraha ka socda waa jihaad ina soo doontay“Nabadoon Ciiro Careef