Home Blog Page 1305

Puntland oo Soo Riday Diyaarad Dagaal oo aay Lahaayeen Daacish

0

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa ku guuleestay in ay soo ridaan labo diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha laheyn, kuwaa oo kooxda Daacish kusoo xireen qaraxyo kuna soo weerareen ciidamada howlgalka ka wada buuraha gobolka Bari.

War kasoo baxay ciidamada difaaca maamulka Puntland, ayaa lagu sheegay in ciidamada ku guuleesteen in ay soo ridaan labada diyaaradood ee Daacish bambooyinka kusoo xireen, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in Daacish ku fashilantay in diyaaradahasi ku waxyeeleeyaan ciidamada.

Taliska ciidamada Puntland, ayaa sidoo kale sheegay in ay hoos u dhaceen saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee kooxda Daacish kusoo weerareysay ciidamada, waxa ayna sababta ku sheegeen in la wiiqay awoodii kooxda Daacish.

“Ciidanku waxay hada soo rideen 2 drone oo ay argagixisadu isku dayday in ay isticmaasho buuraha – Turmasaale. Tirada Droneska ay soo dirijireen 24kii saac ayaa hoos u dhacday taasi oo muujinaysa awoodoodu in ay laciiftay” ayaa lagu yiri Warka Taliska Ciidamada Puntland.

Ciidamada Puntland, ayaa horey marar badan usoo riday gacanta ku dhigay diyaarado badan oo Daacish qaraxyo bambaano kusoo rareen, waxa ayna Daacish hadda u muuqdaan kuwa ku fashilmaya adeegsiga diyaaradaha ay qaraxyada ku xirayaan.

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Muuse Salaad ”Dagaalka AS aniga ayaa Hogaaminaa”

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Gudoomiye Muuse Salaad ”Dagaalka AS aniga ayaa Hogaaminaa”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Caafimaadka ‘qof walboow ka guur inta aysan Cagaftu kusoo gaarin,

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Wasiirka Caafimaadka ‘qof walboow ka guur inta aysan Cagaftu kusoo gaarin,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 25/1/2025.

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAA WEYN.

{DAAWO MUQAALKA} “Dagaalka Buuraha ka socda waa jihaad ina soo doontay“Nabadoon Ciiro Careef

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} “Dagaalka Buuraha ka socda waa jihaad ina soo doontay“Nabadoon Ciiro Careef

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland Oo sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka uu yahay nin ku dhiiran kara in uu aqoonsi siiyo .

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Somaliland Oo sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka uu yahay nin ku dhiiran kara in uu aqoonsi siiyo .

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Qofkii qof dilo waa loo dilaa Shacab iyo madaxda KGS waa isku raaceeyn.

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Qofkii qof dilo waa loo dilaa Shacab iyo madaxda KGS waa isku raaceeyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Dagaal Culus oo ka socda Gobolka Galgaduud

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Dagaal Culus oo ka socda Gobolka Galgaduud

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ilhaan Cumar oo weerarkii ugu horreeyay ee siyaadeed ku qaaday Donald Trump.

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Ilhaan Cumar oo laga so doortay gobolka Minnesota ayaa markale dib u bilowday mucaaradnimo ka dhan ah madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, iyada oo ku qaaday weerarkii ugu horreeyay ee siyaadeed.

Ilhaan Cumar oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si adag u dhalleeceysay siyaasadaha uu la yimid Trump, oo dhowaan uun xafiiska la wareegay, iyada oo si weyn uga hortimid

Gabadhaan oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu qaaday madaxweynaha cusub kadib markii uu xilka la wareegay ay muujinayaan aragti naceyb iyo dib u dhac, sida ay ku sheegtay qoraalkeeda.

Sidoo kale waxay saluug wayn iyo quus wayn ka muujisay qorshaha Trump uu ku doonayo in dhalashada Mareykanka lagala laabto dadka ku dhasha Maraykanka, joojinta barnaamijyada dib u dejinta qaxootiga, kuwaas oo ay sheegtay in ay uga sii darayaan dhibaatada isbeddelka cimilada adduunka.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in tallaabooyinka noocan ah ay ka dhigan yihiin dib u dhac ku yimid dadaallada horumarka iyo sinnaanta, iyada oo caddeysay in ay ka go’an tahay inay si adag uga hortagto siyaasadahaas, isla markaana ay sii wadi doonto u doodista maamul caddaalad ah oo waara.

“Ma cabsan doono, waxaan difaaci doonaa bulshooyinkayada kala duwan ee soo galootiga ah,” ayey tiri Ilhaan Cumar oo ballan-qaaday in ay ku adkeysan doonto difaaca xuquuqda dadka ay matasho.

Tani ayaa muujineyso in mar kale ay is wajihi doonaan Trump iyo Ilhaan oo muddo xileedkii hore la xasuustaa meesha uu gaaray dagaalkooda siyaasadeed, welina waxa ay u muuqataa in arrintu sideedii tahay, labada mas’uulna ay mar kale ka dhex-tafatay.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay sababta Kenya u Diiday in dadka soomaaliyed ay Viisa la’aan ku tagaan Wadankasi..?

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Maxay tahay sababta Kenya u Diiday in dadka soomaaliyed ay Viisa la’aan ku tagaan Wadankasi..?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA