Home Blog Page 1306

Ilhaan Cumar oo weerarkii ugu horreeyay ee siyaadeed ku qaaday Donald Trump.

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Ilhaan Cumar oo laga so doortay gobolka Minnesota ayaa markale dib u bilowday mucaaradnimo ka dhan ah madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump, iyada oo ku qaaday weerarkii ugu horreeyay ee siyaadeed.

Ilhaan Cumar oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si adag u dhalleeceysay siyaasadaha uu la yimid Trump, oo dhowaan uun xafiiska la wareegay, iyada oo si weyn uga hortimid

Gabadhaan oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu qaaday madaxweynaha cusub kadib markii uu xilka la wareegay ay muujinayaan aragti naceyb iyo dib u dhac, sida ay ku sheegtay qoraalkeeda.

Sidoo kale waxay saluug wayn iyo quus wayn ka muujisay qorshaha Trump uu ku doonayo in dhalashada Mareykanka lagala laabto dadka ku dhasha Maraykanka, joojinta barnaamijyada dib u dejinta qaxootiga, kuwaas oo ay sheegtay in ay uga sii darayaan dhibaatada isbeddelka cimilada adduunka.

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in tallaabooyinka noocan ah ay ka dhigan yihiin dib u dhac ku yimid dadaallada horumarka iyo sinnaanta, iyada oo caddeysay in ay ka go’an tahay inay si adag uga hortagto siyaasadahaas, isla markaana ay sii wadi doonto u doodista maamul caddaalad ah oo waara.

“Ma cabsan doono, waxaan difaaci doonaa bulshooyinkayada kala duwan ee soo galootiga ah,” ayey tiri Ilhaan Cumar oo ballan-qaaday in ay ku adkeysan doonto difaaca xuquuqda dadka ay matasho.

Tani ayaa muujineyso in mar kale ay is wajihi doonaan Trump iyo Ilhaan oo muddo xileedkii hore la xasuustaa meesha uu gaaray dagaalkooda siyaasadeed, welina waxa ay u muuqataa in arrintu sideedii tahay, labada mas’uulna ay mar kale ka dhex-tafatay.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay sababta Kenya u Diiday in dadka soomaaliyed ay Viisa la’aan ku tagaan Wadankasi..?

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Maxay tahay sababta Kenya u Diiday in dadka soomaaliyed ay Viisa la’aan ku tagaan Wadankasi..?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay Dowladda Shiinaha ku xukuntay nin geeystay weerar Khasaare dhaliyay?

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Maxay Dowladda Shiinaha ku xukuntay nin geeystay weerar Khasaare dhaliyay?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {25.01.2025}

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Howlgalka Hiiraan Bari iyo Oraxsin ayaa Lagu xoreeyna.”Gudoomiye Muuse Salaad.”

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Howlgalka Hiiraan Bari iyo Oraxsin ayaa Lagu xoreeyna.”Gudoomiye Muuse Salaad.”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Saciid DENI oo booqday saraakiishi ku dhaawacantay dagaalka buuraha calmiskaat.

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa tegay garoonka magaaladaasi, isaga oo u tegay saraakiil iyo askar kusoo dhaawacantay dagaalka Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah.

Deni ayaa booqday dhaawacyada Jenaraal Fu’aad Xanaano iyo Dabale Jaamac Nuur oo kusoo dhaawacmay howl-galka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, kuwaasi oo diyaarad lagu geeyay Boosaaso, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Madaxweynaha Puntland ayaa garab istaag u muujiyey saraakiisha iyo askarta dhaawacyada ah, isaga oo u kuurgalay xaaladdooda caafimaad, si uu qiimeeyo daryeelkooda.

Sidoo kale wuxuu faray guddiga taakuleynta ciidanka in xaaladda caafimaad ee saraakiishan dhakhso looga howlgalo, si ay u helaan daryeel caafimaad oo dhammeystiran oo dalka iyo dibadda ah.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in howlgalladu u socdaan sidii loogu talagalay, isla markaana ay guullo waa wayn kasoo hoyeen ciidamada.

Ciidanka ayaa la wareegay talisyo muhiim ah, waxayna Puntland sheegtay inay sii firxanayaan xubnaha kooxda Daacish

“Ciidanka Dowladda Puntland ee ku jira Hawlgalada ciribtirka Argagixisada, ayaa guulo waaweyn ka gaaray hawlgalka buuralayda Calmiskaad, taasi oo siweyn ay usoo dhoweeyeen dadka reer Puntland oo isku duuban Dowlad iyo Shacaba. Waxaana inta badan Ciidanku la wareegay meelaha ay talisyada waaweyn ka sameysatay Argagixisada Daacish oo hadda firxad ah” ayaa lagu yiri qoraalka ay shaacisay madaxtooyada Puntland.

Si kastaba, Puntland ayaa xooggeeda isugu geysay dagaalkan, waxaana qorshaheeda uu yahay in maleeshiyaadka kooxda Daacish ay ka tirtirto dhulka buuraha ee maamulkaasi.

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Ciidamada Puntland Oo Boosaaso ku dilay Nin Aasayay Miino.

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Ciidamada Puntland Oo Boosaaso ku dilay Nin Aasayay Miino.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Guluf ka dhan ah kooxda AS oo markale dib ugu biloday Gobolka Hiiraan.

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Dagaalka lagula jiro kooxda AS ayaa markale dib ugu bilwday gobolka Hiiraan iyadoo markaan loo gudbi doono galbeedka Gobolka oo ay kooxda wali ku xoogantahay.

Taliyaha Hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa isku dabaridaya dagaalkaan la doonaayo in kooxda looga Cirib tiro guud ahaan Gobolka Hiiraan oo inta badan bariga gobolka laga saaray.

Taliyaha NISA Sanbaloolshe, uqaybsanaha Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidanka Deegaanka Cali jayte Cismaaan, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, Taliyaha qaybta 27-aad ee Ciidanka xoogga Dalka, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraaan Muuse Saalaad Wehliye iyo saraakiil kale ayaaa si wadajir ah ugu sugan furinta hore ee dagaalka kuwaasi oo hogaamin doono guluf kale oo kooxda looga saaro deegaanada ay wali ugu harsanyihiin Gobolka Hiiraan.

Agaasimaha NISA ayaa Faray saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanada furimaha ah ee gobolka Hiiraan in aay heegan buuxa galaan si cagta loo mariyo kooxda AS oo wali ku dhuumaalaysanaya qaybo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan oo markii hore ka bilowday dagaalka kooxda AS yaa marklae waxa uu marti galin doonaa wajiga labaad ee Dagaalka Kooxda AS.

Dowllada Somaliya oo ka jawaabtay walaaca laga qabo in Trump uu aqoonsado Somaliland.

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Soomaaliya kama walaacsana mustaqbalka madaxbanaanida dhulkeeda, waxaa sidaas sheegay la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada, iyadoo maamulka Trump la hadal hayo in laga yaabo inuu diyaar u yahay inuu aqoonsado gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Isagoo ka hadlayay kulan-dhinacmeedka Madasha Dhaqaalaha Adduunka, Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in Mareykanka iyo Soomaaliya ay weli yihiin xulafo isku dhow oo ka wada shaqeeya arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo amniga.

“Wax iska beddelay ma jiraan tan iyo muddo xileedkii koowaad ee Trump,” ayuu yiri. “Ma garan karno sababta qof u doonayo inuu arrintan ka hadlo, gaar ahaan marka la eego dalkeenna.”

J. Peter Pham, oo ahaa ergey hore oo gaar ah oo Mareykanka u qaabilsanaa gobollada Sahel iyo Harooyinka Waaweyn intii lagu jiray muddo xileedkii koowaad ee madaxweyne Trump, ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo kooxda cusub ee Afrika ee Madaxweynaha.

Pham ayaa si weyn u taageeri jiray waxa loogu yeero horumarka dhanka dimoqraadiyadda ee Somaliland iyo dadaallada ay ugu jirto in Mareykanku aqoonsado qaranimadeeda. Pham waxa uu sidoo kale si adag u dhaliili jiray siyaasadda aan rasmiga ahayn ee Aqalka Cad ee Biden ee ku aaddan “Hal Soomaaliya”.

Somaliland ayaa dhaqaale badan ku bixisay shirkado ololeeyayaal ah ama lobbies oo Jamhuuri ah, si ay ugu dhaadhaaciyaan qaar ka mid ah xubnaha Congress-ka in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Dib ugu soo laabashada Aqalka Cad ee Trump ayaa rajo gelisay Somaliland, ayada oo Trump marar badan uu horey u weeraray Soomaaliya, isaga oo ay is-hayaan Ilhaan Cumar.

Si kastaba, arrinta Somaliland ayaa la rumeysan yahay in aysan wax ahmiyad ah u lahayn madaxweynaha cusub ee Mareykanka, islamarkaana aanay xitaa maankiisa ku soo dhicin, ayada oo ay horyaallaan arrimo boqolaal jeer uga muhiimsan.

Mareykanka: Laba Soomaali ah oo xukun adag lagu riday

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Laba nin oo Soomaali ah oo ku nool magaalada Tucson ee gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa xukun lagu riday kaddib markii lagu helay dambi ah inay maleegeen qorshe ay dibadda ugu safrayaan si ay ugu biiraan koox argagixiso Islaami ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Axmed Mahad Maxamed, oo 26 jir ah, iyo Cabdi Yamani Xuseen, oo 25 jir ah, ayaa qirtay dambiga ah inay maleegeen qorshe ay ku taageerayaan Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam (ISIS) bishii Agoosto ee sanadkan 2024-ka.

Toddobaadkii hore, xaakim ka tirsan maxkamad degmo oo Mareykan ah ayaa xukun ku riday Maxamed iyo Xuseen, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka ee Gobolka Arizona.

Maxamed ayaa lagu xukumay 11 sano oo xarig ah, halka Xuseen lagu riday xukun ah siddeed sano ah oo ay ku xigi doonto sii-dayn ay la socon doonto kormeer inta noloshiisa ka dhiman, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu sheegeen.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay intaa ku dareen in labada nin laga tarxiili doono dalka Mareykanka dibna loogu celin doono Soomaaliya marka ay dhammeystaan muddada xukunkooda.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay sheegeen in Maxamed uu ugu yaraan tan iyo bishii Agoosto 2018-kii internetka ka raadinayay shaqsiyaad kale oo taageersan Daacish. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu damacsanaa inuu dadka kale qoor-gooyo, oo is-miidaamiyo.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay tilmaameen in riyada keliya ee Maxamed ay ahayd inuu aado Suuriya, kuna biiro Daacish, ugana barbar-dagaallamo.

Isaga iyo Xuseen ayaa kulmay sannadkii 2019-kii si ay uga wada hadlaan qorshahooda. Xilligaas, Xuseen ayaa sheegay inay tahay inay weeraraan Aqalka Cad haddii mas’uuliyiinta Mareykanka ay ka hor istaagaan inay u safraan dibadda si ay u geystaan falal argagixiso ah, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu iftiimiyeen.

Labada nin ayaa billaabay diyaarinta safarkooda ay ugu biirayaan Daacish bishii Juun ee 2019-kii, iyagoo iibiyay baabuurtooda, kana goostay tikidhada diyaaradda ee ka duulaysay magaalada Tucson kuna sii jeeday Qaahira. Waxay qorsheeyeen inay si tahriib ah uga gudbaan una galaan qaybta Jasiiradda Siinaay.

Hase yeeshee, hay’adda dambi-baadhista ee FBI-da ayaa ku qabatay gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Tucson ka hor intaysan raacin diyaaraddii ay ku bixi lahaayeen.

Maxamed ayaa haystay lacag dhan $10,000 oo ay labada nin damacsanaayeen inay u adeegsadaan kharashaadka safarka iyo soo iibsashada hub, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu caddeeyeen.