Home Blog Page 1307

Guluf ka dhan ah kooxda AS oo markale dib ugu biloday Gobolka Hiiraan.

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Dagaalka lagula jiro kooxda AS ayaa markale dib ugu bilwday gobolka Hiiraan iyadoo markaan loo gudbi doono galbeedka Gobolka oo ay kooxda wali ku xoogantahay.

Taliyaha Hay’adda NISA Cabdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa isku dabaridaya dagaalkaan la doonaayo in kooxda looga Cirib tiro guud ahaan Gobolka Hiiraan oo inta badan bariga gobolka laga saaray.

Taliyaha NISA Sanbaloolshe, uqaybsanaha Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya ee arrimaha ciidanka Deegaanka Cali jayte Cismaaan, Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka, Taliyaha qaybta 27-aad ee Ciidanka xoogga Dalka, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraaan Muuse Saalaad Wehliye iyo saraakiil kale ayaaa si wadajir ah ugu sugan furinta hore ee dagaalka kuwaasi oo hogaamin doono guluf kale oo kooxda looga saaro deegaanada ay wali ugu harsanyihiin Gobolka Hiiraan.

Agaasimaha NISA ayaa Faray saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanada furimaha ah ee gobolka Hiiraan in aay heegan buuxa galaan si cagta loo mariyo kooxda AS oo wali ku dhuumaalaysanaya qaybo kamid ah Gobolka Hiiraan.

Gobolka Hiiraan oo markii hore ka bilowday dagaalka kooxda AS yaa marklae waxa uu marti galin doonaa wajiga labaad ee Dagaalka Kooxda AS.

Dowllada Somaliya oo ka jawaabtay walaaca laga qabo in Trump uu aqoonsado Somaliland.

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Soomaaliya kama walaacsana mustaqbalka madaxbanaanida dhulkeeda, waxaa sidaas sheegay la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada, iyadoo maamulka Trump la hadal hayo in laga yaabo inuu diyaar u yahay inuu aqoonsado gobolka gooni-u-goosadka ah ee Somaliland.

Isagoo ka hadlayay kulan-dhinacmeedka Madasha Dhaqaalaha Adduunka, Yuusuf Xuseen ayaa sheegay in Mareykanka iyo Soomaaliya ay weli yihiin xulafo isku dhow oo ka wada shaqeeya arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha iyo amniga.

“Wax iska beddelay ma jiraan tan iyo muddo xileedkii koowaad ee Trump,” ayuu yiri. “Ma garan karno sababta qof u doonayo inuu arrintan ka hadlo, gaar ahaan marka la eego dalkeenna.”

J. Peter Pham, oo ahaa ergey hore oo gaar ah oo Mareykanka u qaabilsanaa gobollada Sahel iyo Harooyinka Waaweyn intii lagu jiray muddo xileedkii koowaad ee madaxweyne Trump, ayaa la filayaa inuu hoggaamiyo kooxda cusub ee Afrika ee Madaxweynaha.

Pham ayaa si weyn u taageeri jiray waxa loogu yeero horumarka dhanka dimoqraadiyadda ee Somaliland iyo dadaallada ay ugu jirto in Mareykanku aqoonsado qaranimadeeda. Pham waxa uu sidoo kale si adag u dhaliili jiray siyaasadda aan rasmiga ahayn ee Aqalka Cad ee Biden ee ku aaddan “Hal Soomaaliya”.

Somaliland ayaa dhaqaale badan ku bixisay shirkado ololeeyayaal ah ama lobbies oo Jamhuuri ah, si ay ugu dhaadhaaciyaan qaar ka mid ah xubnaha Congress-ka in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Dib ugu soo laabashada Aqalka Cad ee Trump ayaa rajo gelisay Somaliland, ayada oo Trump marar badan uu horey u weeraray Soomaaliya, isaga oo ay is-hayaan Ilhaan Cumar.

Si kastaba, arrinta Somaliland ayaa la rumeysan yahay in aysan wax ahmiyad ah u lahayn madaxweynaha cusub ee Mareykanka, islamarkaana aanay xitaa maankiisa ku soo dhicin, ayada oo ay horyaallaan arrimo boqolaal jeer uga muhiimsan.

Mareykanka: Laba Soomaali ah oo xukun adag lagu riday

Sabti 25-jun 2025 {HMC} Laba nin oo Soomaali ah oo ku nool magaalada Tucson ee gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa xukun lagu riday kaddib markii lagu helay dambi ah inay maleegeen qorshe ay dibadda ugu safrayaan si ay ugu biiraan koox argagixiso Islaami ah, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.

Axmed Mahad Maxamed, oo 26 jir ah, iyo Cabdi Yamani Xuseen, oo 25 jir ah, ayaa qirtay dambiga ah inay maleegeen qorshe ay ku taageerayaan Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam (ISIS) bishii Agoosto ee sanadkan 2024-ka.

Toddobaadkii hore, xaakim ka tirsan maxkamad degmo oo Mareykan ah ayaa xukun ku riday Maxamed iyo Xuseen, sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka ee Gobolka Arizona.

Maxamed ayaa lagu xukumay 11 sano oo xarig ah, halka Xuseen lagu riday xukun ah siddeed sano ah oo ay ku xigi doonto sii-dayn ay la socon doonto kormeer inta noloshiisa ka dhiman, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu sheegeen.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay intaa ku dareen in labada nin laga tarxiili doono dalka Mareykanka dibna loogu celin doono Soomaaliya marka ay dhammeystaan muddada xukunkooda.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay sheegeen in Maxamed uu ugu yaraan tan iyo bishii Agoosto 2018-kii internetka ka raadinayay shaqsiyaad kale oo taageersan Daacish. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu damacsanaa inuu dadka kale qoor-gooyo, oo is-miidaamiyo.

Xeer-ilaaliyeyaashu waxa ay tilmaameen in riyada keliya ee Maxamed ay ahayd inuu aado Suuriya, kuna biiro Daacish, ugana barbar-dagaallamo.

Isaga iyo Xuseen ayaa kulmay sannadkii 2019-kii si ay uga wada hadlaan qorshahooda. Xilligaas, Xuseen ayaa sheegay inay tahay inay weeraraan Aqalka Cad haddii mas’uuliyiinta Mareykanka ay ka hor istaagaan inay u safraan dibadda si ay u geystaan falal argagixiso ah, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu iftiimiyeen.

Labada nin ayaa billaabay diyaarinta safarkooda ay ugu biirayaan Daacish bishii Juun ee 2019-kii, iyagoo iibiyay baabuurtooda, kana goostay tikidhada diyaaradda ee ka duulaysay magaalada Tucson kuna sii jeeday Qaahira. Waxay qorsheeyeen inay si tahriib ah uga gudbaan una galaan qaybta Jasiiradda Siinaay.

Hase yeeshee, hay’adda dambi-baadhista ee FBI-da ayaa ku qabatay gudaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Tucson ka hor intaysan raacin diyaaraddii ay ku bixi lahaayeen.

Maxamed ayaa haystay lacag dhan $10,000 oo ay labada nin damacsanaayeen inay u adeegsadaan kharashaadka safarka iyo soo iibsashada hub, sida ay xeer-ilaaliyeyaashu caddeeyeen.

{DAAWO MUQAALKA} Shacabka Baladweyne Oo Si Adag ugu Hadlay Maandooriyaha Magaalada kusoo batay.

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Shacabka Baladweyne Oo Si Adag ugu Hadlay Maandooriyaha Magaalada kusoo batay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne sheegay in uu xukunka ku wareejinayo wiilkiisa

0

Sabti 25, Jan, 2025 {HMC} Madaxweyne sheegay in uu xukunka ku wareejinayo wiilkiisa

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {24-01-2025}

Jimco 24-jun 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Macalin Muse

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA HABEEMIMO

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku jooga Masar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta.

0
Qaahira, Jannaayo 24, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Guddoomiye Al-Yamaaxi sida Soomaaliya ay u qadarinayso doorka Baarlamaanka Carabta ee taageerada iyo garab istaagga dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo Baarlamaanka Carabtu ay ku soo bandhigaan fagaarayaasha heer gobol iyo heer caalami.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay in la xoojiyo wada-shaqeynta ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Baarlamaanka Carabta, isdhaafsiga khibradaha iyo mideynta go’aammada heer Carbeed ee arrimaha caalamka.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Maxamed Axmed Al-Yamaahi ayaa bogaadiyey wada-shaqeynta Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee ku aaddan taageerada qadiyadaha Carabta.
Sidoo kale, wuxuu amaanay aragtida istiraatiijiga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriirta doorashooyinka soo socda, la dagaallanka argagixisada, iyo xoreynta deegaannada ay ku hareen argagixisadu.
DHAMMAAD

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 24-01-2025.

0

Jimco 24-jun 2025 {HMC} Waxaan halkan idin kugu soo gudbin doonaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Cilmi shooke oo la Sarafyooday Ciil uu u Qabo AS.

0

Jimco 24-jun 2025 {HMC} Cilmi shooke oo kamid ah Odayaasha deegaanka ayaa ku dhaxsarafyoo goob ay ku sugnaayeen Ciidamo farabadan oo ah kuwa deegaanka iyo Saraakiil ka socoto Dowladda Federaalka Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA ODAYGA SARAFYOODAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo faah faahisay Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii ay maanta la galeen Daacish.

0

Jimco 24, Jan, 2025 {HMC} Puntland oo faah faahisay Khasaaraha ka dhashay Dagaalkii ay maanta la galeen Daacish.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.