Khamiis 23, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed &Sahro Baryare
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
Khamiis 23, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed &Sahro Baryare
Farsamadii ::Abdiqani Osoble
Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlaya iskaashiga amniga
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Madaxweyne Ciro oo xil ka qaadis ku Sameyay Taliyaashii milatariga iyo Booliiska Somaliland
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 23, Jun 2025 {HMC} Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, Madaxweynaha Soomaaliland, ayaa taliyaha millateriga u magacaabay Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug.
Sidoo kale, taliyaha booliiska ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan ‘Cabdi Dheere’.
Taliye Gaaxnuug ayaa noqday taliyihii ugu da’da yaraa ee loo magacaabo hoggaanka ugu sarreeya ee ciidanka millateriga.
Madaxweyne Cirro ayaa xukuumaddiisa ka qaybgeliyay saamigii ugu badnaa ee dhallinyaro ah, isagoo dhallinyaro badan u magacaabay agaasimayaal wasaaradeed iyo hay’ado kala duwan.
Taliyaha cusub ee millateriga waxa uu shahaadadiisa koowaad iyo tan labaad ee cilmiga millateriga ka qaatay jaamacado ku yaalla dalka Itoobiya iyo Ingiriiska oo kuu ku bartay amaanka caalmiga ah iyo hoggaaminta ciidamada.
Sidoo kale, waxa uu shahaadada ugu sarreysa (PhD) ka wada jaamacad ku taalla Taiwan, halkaas oo uu ku baranayo culuumta sare ee ciidanka.
Taliyaha cusub ee booliiska, Cabdi Dheere, ayaa horay u ahaa afhayeenkii ciidanka millateriga, waxa uuna ka mid ahaa saraakiisha ugu darajada saraysa ee ciidanka.
Cabdi Dheere ayaa ah khabiir ciidan oo haysta shahaadooyin sare oo la xidhiidha cilmiga ciidanka, waxa kale oo uu bixiyaa tababarro kala duwan oo la siiyo ciidamada.
Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu taliyihii hore ee booliiska, Maxamed Aadan Saqadhi ‘Dabagale,’ u magacaabay la-taliyaha gaarka ah ee arrimaha booliiska.
Dabagale ayaa ka mid ah saraakiisha aqoonta leh ee ciidanka, waxa uuna shahaadooyin ku saabsan culuumta ciidanka ka qaatay kulliyado ku yaala dalka Ingiriiska.
Nuux Ismaaciil Taani Taliyihii hore ee ciidamada millateriga Soomaaliland ayaa ahaa taliyihii ugu muddada dheer ee soo maamula ciidanka, ayaa isna loo magacaabay la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha ciidanka millateriga.
Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ballanqaaday inuu isbeddel buuxa ku sameyn doono ciidamada kala duwan, isla markaana uu sare u qaadi doono tayada tababaradooda iyo qalabkooda.

Khamiis , 23,Jan,2025 {HMC} Hal askari oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa ku dhintay, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen, kadib markii kooxda Daacish ay ku soo weerartay diyaarad yar oo qarax lagu soo xiray
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Janno Jiifta, oo kamid ah meelaha ay ciidamada Puntland dhowaan ka xoreeyeen kooxda Daacish. Diyaaradda qaraxa lagu soo xiray, oo ahayd nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan drone-ta, ayaa bartilmaameedsatay ciidamo halkaas ku sugnaa
Marka lagasoo tago khasaaraha, Ciidamada Puntland ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan saldhigyo muhiim ah oo kooxda Daacish ku lahaayeen deegaanka Janno Jiifta
Sarkaal ka tirsan ciidanka Puntland ayaa u sheegay HOL in Ciidanka Difaaca Puntland ay hadda wadaan hawlgallo dheeraad ah, iyadoo qorshuhu yahay inay gaaaan Togga-Jeceel, halkaas oo la rumeysan yahay inay kooxda Daacish isku urursadeen
Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Puntland ay gacanta ku dhigeen 8 diyaaradood oo drone ah oo qaraxyo lagu soo xiray, kuwaas oo laga helay saldhigyada laga qabsaday Daacish
Sarkaalka ayaa sheegay in diyaaradaha qaraxyada lagu soo rakibo ay yihiin khatarta ugu weyn ee ay wajahayaan ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira kooxdaan
Hawlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, ayay Puntland ku doonaysaa in lagu burburiyo kooxda Daacish iyo qalabka dagaal ee ay adeegsanayaan.
Khamiis , 23,Jan,2025 {HMC} Hawlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Deegaanka jab xooggana lagu gaarsiiyay Khawaarijta ayaa ka dhacay dagmada Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud.
Hawlgalkan oo lagu beegsaday fariisimo iyo goobo AS joogeen magaalada Ceelgaras ayaa waxaa lagu dilay sedex Xubin oo uu ku jiro Horjooge sare oo lagu magacaabo Mirre Cagdheer halka lagu dhaawacay 6-kale oo ay ku jiraan Horjoogihi degmada Ceelgaras oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Salmaan iyo Madaxii Maaliyadda Kooxad AS ee deegaanka Jabriil kaas oo dhaawiciisa loola cararay magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud madaama dhaawiciisa uu ahaa mid adag sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Maxamed Faarax Geedi oo howlgalkaan hoggaaminayey.
Dhawaan ayey ahayd markii howlgal midkaan la mid ah ciidankaan deegaanka ay ka fuliyeen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud halkaas oo xarun weyn u ah Kooxda AS.
Khamiis , 23,Jan,2025 {HMC} War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayay digniin ugu dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwo ay ku eedeysay in ay la macaamilaan AS.
Qoraalka Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Ganacsadihii isku daya tillaabadaasi iyo inuu la shaqeeyo AS inuusan dib ugu ganacsan doonin Soomaaliya, isla markaasna lala wareegi doono wixii Hanti ah ee uu markaasi heysto

Khamiis , 23,Jan,2025 {HMC} Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ka falcelinayay su’aasha ku saabsan sababta dowladda Xasan Sheekh u taageeri la’ dahay dagaalka Puntland kula jirto Argagixisada Daacish ayaa Villa Somalia ku eedeeyay in ay caqabad ku tahay dagaalkaasi
Madaxweyne Ilyaas Lugatoor ayaa sheegay in Villa Somalia aysan wax taageero ah Puntland ku siin dagaalka Daacish, islamarkaana laga la’ yahay Kaalmadii La-dagaallanka Argagixisada ee Caalamku ku bixiyay magaca Soomaaliya, waxaana uu intaasi ku daray in ay-ba hor istaag ku samaysay qaadista dhaawacyadii dagaalka
“Dowladda Federaalka annagu ka codsan mayno taageero, wayna ku fashilantay in ay gacan siiso dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish. Dhaawacii u dambeeyay ee la qaadi lahaa ayay hor istaagtay ogolaanshihiisa” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Lugatoor oo ka falcelinayay su’aasha ku saabsan sababta dowladda Xasan Sheekh u taageeri la’ dahay dagaalka Puntland kula jirto Daacish
Madaxweyne ku xigeenka Ilyaas Lugatoor ayaa sidoo kale sheegay in aysan Puntland u baahnayn una baahan doonin ciidamo ka baxsan kuwa Puntland oo ka yimaada Federaalka ama meel kale, waxaana uu tilmaamay im ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland si buuxda ugu filan yihiin Ciribtirka Argagixisada oo ay hadda ka saareen 65% dhulkii ay ku jireen.
Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Saraakiisha Macaawisley oo si adag ugu hadlay u diyaar garowga AS
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Maamulka Puntland oo eeda culus u jeediyay dowlada Soomaaliya.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA