Home Blog Page 1312

{DAAWO SAWIRADA} Soomaaliya iyo Masar oo Kala saxiixday Heshiis Muhiim ah.

0

Khamiis 23, Jun 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi ayaa kulan muhiim ah ku yeeshay Qasriga Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira.

Kulankan Labada Madaxweyne ayaa la isku afgartey in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer iskaashi-istaraatijiyadeed taas oo ka tarjumaysa xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sidii loo kobcin lahaa dhinacyada waxbarashada, garsoorka, siyaasadda, amniga, isku-socodka iyo dhaqaalaha.

Dhanka waxbarashada, Jaamacadaha Masar, gaar ahaan Jaamacadda Al-Azhar Alshariif ayaa kordhinaya deeqaha waxbarasho iyo tababarrada ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed, si loo kobciyo aqoonta iyo xirfadaha kala duwan.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo wada shaqeynta Hay’adaha Labada dal, gaar ahaan Garsoorka iyo Amniga. Masar ayaa muujisay sida ay u garab taagan tahay dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi ayaa goob-joog u ahaa heshiis ay kala saxiixdeen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Masar oo ku saabsan in dal-ku-galka laga dhaafo Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado iskaashiga dibulasiyadeed, waxayna Labada Dawladood ka wadahadlayaan sidii dhammaan muwaadiniinta Soomaaliya iyo Masar loogu fududeyn lahaa isu-socodka, meeshana looga saari culeyska ka jira dhanka dal-ku-galka.

 

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada iskaashigan lagu hormarinayo xiriirka labada dal, waxayna fareen Guddiyada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Masar ee u xilsaaran dhaqan-gelinta heshiisyadan in ay dedejiyaan dhammaystirka hiigsiga iskaashiga walaalnimo ee labada dal.

DHAMMAAD

{DAAWO MUUQAALKA} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray Waraha iyo Biyo-qabadyada ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir.

0

Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray Waraha iyo Biyo-qabadyada ku yaala Degmooyinka Gobolka Banaadir.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiiradda ee maanta.?

0

Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda guud ee dalka.

Golaha ayaa u cusbooneysiiyay muddada xil-hayntooda Guddiga maamulka hey’adda Naafada Qaranka, si ay usii wadaan howlaha ay u idmanyihiin 4 sano ee soo socota.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Siyaasadda dhijitaalka ah ee loo dhanyahay iyo istaraatiijiyadda nidaamka dowladda ee danabaysan.

Sidoo kale Golaha, ayaa loo soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga dalka, kormeerka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ee wasaaraddaha iyo hey’adaha dalka iyo dhaqaalaha dalka.

Waa Kuma Ninka Israa’iil shaacisay in ay dileen nin khatar ku ahaa Ciidankooda.

0

Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Millatariga Isra’il ayaa Arbacadii sheegay in ciidankoodu ay Gaza ku dileen nin ay ku sheegeen in uu khatar ku ahaa ciidamadooda, xilli xabbad-joojinta Gaza ee Isra’il iyo Xamaas ay gashay maalinti shanaad.

Waa marki ugu horreysay tan iyo marki ay si rasmi ah xabad-joojinta u dhaqan gashay Axadii, oo ay ciidamada Isra’il sheegaan in ay Gaza ku toogteen qof Falastiini ah. Ma cadda in arrintani ay burrin doono xabbad joojinta iyo in kale.

Xabbad-joojinta ayaa dhigeysa in muddo lix todobaad gudahood ah ay Israa’iil ku deyso boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Isra’il, halka Xamas ay sii deyneyso 33 ka mid ah la heystayaasha Isra’il.

Dhanka kale, ciidamada Isra’il ayaa wali ka wada magaalada Jeniin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed howlgal millatari oo ay ku beegsaneyso dadka Falastiiniyiinta. Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka oo socday labadi maalin ee lasoo dhaafay.

{DAAWO MUUQAALKA} Askarigii lagu dhex feeray golaha shacabka oo loo dalacsiiyay derajada laba Xidigle.

0

Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Askarigii lagu dhex feeray golaha shacabka oo loo dalacsiiyay derajada laba Xidigle.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Nuur Dheere “Waxa Bulloburte u tagay dagaalka kooxda AS”.

0

Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Gudoomiye Nuur Dheere “Waxa Bulloburte u tagay dagaalka kooxda AS”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Haween loo Waday Kooxda AS oo la horgeyay Maxkamadda Ciidamada.

0

Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Haween loo Waday Kooxda AS oo la horgeyay Maxkamadda Ciidamada.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dab mar kale ka kacay Mareykanka iyo dadka oo la daad gureynayo.

0

Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Dab mar kale ka kacay Mareykanka iyo dadka oo la daad gureynayo.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka {23- 01- 2025}

0

Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU WAAWEYN.

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn {23-01-2025}

Khamiis 23, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Cali Axmed &Sahro Baryare

Farsamadii ::Abdiqani Osoble