Home Blog Page 1315

{DAAWO MUUQAAKA} Taliyaha Guutada 23’aad MP XDS ‘isxilqaan ayaa ku dhisnay taliska cusub ee guutada waana….

0

Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Taliyaha Guutada 23’aad MP XDS ‘isxilqaan ayaa ku dhisnay taliska cusub ee guutada waana sii laba jibaareynaa u adeegidda bulshada”.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Ku dhawaad 70 qof oo ku dhintay dab ka kacay goob loo dalxiis tago.

0

Khamiis 23, Jan, 2025 {HMC} Ku dhawaad 70 qof oo ku dhintay dab ka kacay goob loo dalxiis tago.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Masar iyo kulama u la qaadanayo madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi.

0

Khamiis 23,Jan,2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray dalka Masar iyo kulama u la qaadanayo madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {01/23/2025}

Khamiis 23,Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Muse Osman

Farsamadii :: C.Raxmaan Maaskaro

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dalka Masar iyo kulano uu la qaadanayo Dhigiisa Al Siisi

Khamiis , 23,Jan,2025 {HMC}  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga amniga iyo nabadgelyada guud ee gobolka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Cabdulfataax Al-Siisi ayaa xoogga saari doona horumarinta dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaan siinayaan kor u qaadidda fursadaha is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Cabdulfataax Al-Sisi martiqaadka diirran iyo sida ay dowladda Masar mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu salka ku hayo walaaltinimo, iskaashi istiraatiiji ah, iyo danaha guud ee labada shacab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {22-01-2025}

Arbaco  22, Jan 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Ahmed Maskaro

Farsamadii :: Abdirahman Macalin Muse

66 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel goob loo dalxiis tago.

0

Arbaco, 22,Jan,2025 {HMC} Dab ayaa qabsaday hotel ku yaalla goobta loo dalxiis tago ee Kartalkaya ee waqooyi-galbeed ee Turkiga subaxnimadii hore ee Talaadadan, waxaana ku dhintay 66 qof, 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Dabka ka kacay hotelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq, kaas oo ka samaysan alwaax, ayaa bilowday 3:27 subaxnimo ee saacadda gudaha, ayuu Cali Yerlikaya ku yirri barta X.

Telefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen kadib markii ay ka boodeen daaqadaha hoteelka.

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

Dabka oo la rumeysan yahay inuu ka kacay maqaayadda hoteelka saqdii dhexe ee xalay ayaa si degdeg ah u fiday. Ilaa hadda ma cadda waxa sababay.

Muuqaalo laga soo duubay oo uu baahiyay telefiishanka NTV ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo cirka isku shareeray oo daboolay buur baraf oo hoteelka gadaashiisa ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in 237 qof ay ku sugnaayeen hoteelka.

Kuwa la daadgureeyay ayaa dib loo dajiyay hoteello u dhowaa.

Wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc ayaa sheegay in lix xeer ilaaliye loo qoondeeyay inay baaraan dabka.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in ay halkaasi tagaan Wasiirrada Caafimaadka, Arrimaha Gudaha iyo Dhaqanka.

Donald Trump oo u hanjabay Midowga Yurub iyo Shiinaha.

0

Arbaco, 22,Jan,2025 {HMC} Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii sheegay inuu qorsheynayo inuu canshuur dul dhigo Midowga Yurub, oo ku eedeeyey in ganacsi aan caddaalad aheyn uu kala dhaxeeyo Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay ka doodaysay canshuur ciqaab oo dhan 10% oo la saaro alaabaha laga keeno Shiinaha, sababtuna tahay in daroogada fentanyl oo ka timaada Shiinaha loo soo gudbiyo Mareykanka iyada oo lasoo mariyo waddamada Mexico iyo Canada.

Trump ayaa hanjabaadaha cusub ee canshuuraha ku dhowaaqay mar uu Talaadadii ka hadlayay Aqalka Cad, maalin kaddib markii uu xafiiska la wareegay, isagoo aan isla markiiba fulin ballanqaadyadii uu ololaha doorashada ku galay ee ahaa inuu canshuurro soo rogi doono.

Hadalladii ugu dambeeyay ee Trump ayaa hoosta ka xariiqay rabitaankiisa mudada dheer ee ah in la ballaariyo canshuuraha, iyadoo 1-da Febraayo loo qabtay waqti kama dambeys ah si loo soo rogo canshuur 25% ah oo saameyn doonta Canada iyo Mexico, iyo sidoo kale Shiinaha iyo Midowga Yurub.

Trump ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo waddamada kale ay leeyihiin faa’iidooyin ganacsi oo xad-dhaaf ah oo ka dhan ah Mareykanka.

“Midowga Yurub aad iyo aad buu inoo xumeeyaa,” ayuu yiri isagoo ku celinaya hadallo uu Isniintii sheegay. “Markaa waa inay canshuuro wajahaan. Waa habka kaliya … oo aad caddaalad ku heli karto.”

Trump ayaa Isniintii sheegay inuu ka fakarayo inuu canshuur dul dhigo Canada iyo Mexico haddii aysan tallaabo ka qaadin xakameynta tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogada fentanyl, oo ay ku jiraan kiimikooyinka laga soo gudbiyo Shiinaha, ee soo gala Mareykanka.

Trump ayaa horey ugu hanjabay inuu 10% canshuur dul dhigi doono alaabaha laga keeno Shiinaha, balse wuxuu qorshahan dib ugu dhigay illaa waqtiga kama dambaysta ah ee 1-da Febraayo.

China ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay sii waddo wada-hadallada Mareykanka si loo “maareeyo khilaafaadka si habboon loona ballaariyo iskaashiga wadajirka ah ee faa’iidada leh.”

Waxay sidoo kale sheegtay inay dooneyso inay horumariso xiriir xasilloon oo waara oo ay la leedahay Mareykanka, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

“Mar walba waxaan rumeysanahay in aan guuleyste laga noqon karin dagaal ganacsi ama canshuur. Shiinaha had iyo jeer wuxuu si adag u ilaalin doonaa danta qarankiisa,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, Mao Ning, oo la hadlayay warbaahinta Arbacada maanta ah.

La-taliyaha ganacsiga ee Aqalka Cad, Peter Navarro, ayaa Talaadadii u sheegay CNBC in hanjabaadda canshuurta ee Trump ee ku wajahan Canada iyo Mexico ay tahay cadaadis lagu saarayo labada waddan si ay u joojiyaan tahriibka sharci-darrada ah iyo daroogooyinka khatarta ah ee ka soo gudbaya xuduudaha Mareykanka.

XIGASHO VOA

Xuutiyiinta Yemen oo hakinaya weerarada maraakiibta Badda Cas

0

Arbaco, 22,Jan,2025 {HMC} Kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ee Yemen ayaa Talaadadii sheegay in ay xadidayaan weerarrada ay ku qaadaan maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil ee mara Badda Cas, inta lagu guda jiro xabbad joojinta dagaalka Gaza.

Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in dhaqdhaqaaqiisa uu joojin doono weerarada ka dhanka ah maraakiibta xiriirka la leh Israel marka la dhaqangeliyo waji kasta oo ka mid ah heshiiska xabad joojinta ee u dhaxeeya Israel iyo Xamaas.

Xuutiyiinta ayaa weeraro ku qaadayay maraakiibta mara marin biyoodka muhiimka ee Baabal Mandab, iyaga oo sheegay weeraradaasi ay midnimo ugu muujinayaan falastiiniyiinta.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale marar badan weeraro gantaalo ah iyo kuwa diyaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday Israa’iil tan iyo markii dagaalka Gaza uu ka billowday weerarkii Xamaas ee 7-dii October.

Maraakiibta xuutiyiinta ku beegsadeen Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa waxaa ku jiray kuwo laga lahaa dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska.

Ololaha Xuutiyiinta ayaa si weyn u hakiyay wadooyinkii ganacsiga taasoo keentay in Mareykanka iyo xulafadiisa ay qaadaan weeraro ay ku bartilmamedsanayan Xuutiyiinta Yemen.

{DAAWO MUQAALKA} Nidaamka lacag bixinta SIPS ee Somalia laga daahfuray.

0

Arbaco, 22,Jan,2025 {HMC}  Waxaa maanta magaalada Mudishu si rasmi ah looga daahfuray Nidaam casri ah oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay, nidaankaas oo fududeyn doona adeegyada maaliyadeed ee dalka, iyada oo la isticmaalayo taleefonka gacanta.

Nidaamkan oo magiciisu noqon doono SIPS, ayaa sida khubrada ka soo shaqeysay ay sheegeen wuxuu isku xirayaa lacag-bixinta bangiyada kala duwan, iyada oo loo isticmaali doono wax kala iibsiga, lacag-dirista, iwm.

Qoraal lagu faahfaahinayo Nidaamka lacageed oo lagu soo bandhigay daahfurkii Mashruucan ayaa lagu soo koobay faa’idooyinka SIPS, sida

  1. Lacag-bixin degdeg ah, ammaan ah, iyada oo la adeegsanayo taleefonka gacanta.
  2. Isku xirnaanta bangiyada iyo adeega mobile money/mobile wallet.
  3. Fududeynta wax kala iibsiga ganacsatada iyo dadka shacabka ah
  4. Kobcinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo yareynta khatarahamaaliyadeed

Munaasabadda daahfurka SIPS waxaa xarig jaray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, iyadoo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kale ka kala socday Wasaaraddaha Maaliyadda, Isgaarsiinta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.