Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} Adeegyadii Caafimaad ee Dalka Dibadiisa loo aadi Jiray Xal ayaan u Helnay “Wasiirka Cali Xaaji.”
{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waaweyn Soomaaliya iyo Caalamka 22/1/2025
Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaan Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiyaha Banka dhaxe oo Faah Faahin ka bixiyay Hanaanka Maaliyada Dalka.
Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} Gudoomiyaha Banka dhaxe oo Faah Faahin ka bixiyay Hanaanka Maaliyada Dalka.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Qaabkee Ugaas Yuusuf Loogu Wareejiyay Lacagta Boqolka Neef ee geella oo Reer Ugaas Gudoonsiiyeen.?
Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} Qaabkee Ugaas Yuusuf Loogu Wareejiyay Lacagta Boqolka Neef ee geella oo Reer Ugaas Gudoonsiiyeen.?
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Kenya oo fiisaha ka dhaaftay dalalka Afrika oo dhan marka laga reebo Soomaaliya iyo Libiya
Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} Kenya oo fiisaha ka dhaaftay dalalka Afrika oo dhan marka laga reebo Soomaaliya iyo Libiya
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO SAWIRADA} RW Xamse oo Xarigga Ka jaray Xarunta Gurmadka Deg dega ee Isbitaalka Martiini.
Arbaco, 22,Jan,2025 (HMC) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Isbitaalka De Martino, oo loo dhisay, loona qalabeeyey qaab casri ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo xarig jarka kaddib kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha, ayaa tilmaamay in xaruntan ay qeyb muhiim ah ka tahay horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda Qatar dhismaha xaruntan oo daboolli doonta baahi weyn oo ay bulshada Soomaaliyeed u qabeen Isbitaal noocan oo kale ah.
Xarunta gurmadka deg-degga ah iyo maareynta dhaawacyada oo loo dhisay hab-casri ah, ayaa loogu tala-galay howlaha gurmadka caafimaadka iyo daryeelka bukaanka, waxaanna u dhammaystiran dhammaan agabka caafimaadka iyo qaliinnada ee loogu shaqayn lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidamada Israa’iil oo is Casilay iyo Sababta oo
Arbaco, 22,Jan,2025 (HMC) – Taliyaha Ciidanka Israa’iil Gen. Herzi Halevi ayaa ku dhawaaqay in uu xilka iska casilayo marka la gaaro Bisha Maarso sabab la xiriirta waji-gabaxii uu kala kulmay weerarkii Xamaas ay ku qaadday 7dii Oktoobar 2023 ee lagu qafaashay Maxaabiista badan.
Herzi Halevi ayaa guuldarro aan la aqbali Karin ku tilmaamay weerarkaas dhacay ee lagu dilay dad gaaraya 1,200 oo ruux inkasta oo ay jiraan warbixinno kordhinaya inta uu khasaaraha gaarsiisan yahay maadaama Israa’iil wax badan ay qarisay.
Taliyahaan ciidanka Difaaca Israa’iil hoggaamiya ayaa sidoo kale ku guuldareystay soo furashada Maxaabiista oo markii labaad lagu soo deynayo wadahadal, taasi waxa ay bannaanka soo dhigtay awoodda liidato ee Yuhuudda.
Isaga oo heysta amarka Ra’iisul Wasaare Netanyahu isla markaana hub culus oo casri ah helay Maraykanka iyo xulufada kale ayuu ku guuldareystay in uu ciidanka ku hoggaamiyo guul uu ku faani karo oo ah soo furashada Maxaabiista maqan.
Saraakiil, Wasiirro & mas’uuliyiin kale ayaa iska casilay xilalkii ay ka hayeen Israa’iil kolkii ay la kulmeen guuldarro xooggan oo uga timid hoggaamintooda howlgallada socda tan iyo bishii Oktoobar sanadkii 2023 balse hadda kusoo biya shubtay wadahadal.
{DAAWO SAWIRKA} RW Xamsa oo Daahfuray Nidaamka Shaqo ee lacag Bixinta Deg-Degga ah ee (SPS)
Arbaco, 22,Jan,2025 (HMC) – Ra’iisul wasaare Xamsa, ayaa sheegay in horumar laga sameeyay nidaamka lacag-bixinta, oo si ammaan ah ay bulshadu u isticmaasho adeegga lacagaha danabeysan taas oo ay fududeeyeen bangiyada Soomaaliyeed, wuxuuna dhiirrigelinayaa isticmaalka teknoolojiyadda lacag-bixinta oo casri ah.
“Si uu dalkeennu u helo dib-u dhis waa in aan taageerno ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo maalgashiga, Xukuummaduna waxay diyaarineysaa sharciyadii lagu ilaalin lahaa dhaqaalaha dadka, waxaan rabnaa in laga hortago maalgalinta argagixisada, si loo ciribtiro Khawaarijta.Waxaa kale oo naga go’an in aan hirgalinno Qorshayaasha Xukuumadda, oo uu qeyb ka yahay amniga, dhaqaalaha iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.
Daah-furka Nidaamka Lacag bixinta deg-degga ah ee (SPS), waa qaab-casri ah oo loo diri doono lacagaha iyadoo la istcimaalayo bangiyada kala duwan ee dalka, wuxuunna qeyb wayn ka qaadan doonaa hufnaanta, mushaar bixinta, sugnaanta adeegga dhaqaalaha ee bulshada iyo maalgashiga dhinacyada kala duwan.

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal Sababay dhimasho iyo dhawac oo Laga Fuliyay Laascaanood.
Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} Howlgal Sababay dhimasho iyo dhawac oo Laga Fuliyay Laascaanood.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
{DAAWO MUQAALKA} Fallaago qabsatay Magaalo Muhiim ah oo ku taallo koongo.
Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} Fallaago qabsatay Magaalo Muhiim ah oo ku taallo koongo.



