Home Blog Page 132

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Soomaaliya, oo Gaaray Dalka Konfur Africa,

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Abdi Cali (Abdisalaan Dhaay) Ayaa soo Gaaray Dalka Konfur Africa Gaara ahaan magaalada Pretoria Wafiga Wasiirka ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah Ee (Or-TAMBO)Ku Soodhaweeyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalkan Koonfur Afrika, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq Iyo Xubno kamid ah Diplomaasiyiinta Safarada Soomaaliya ee dalka Konfur Africa.

Inta uu Wasiirku ku sugan yahay dalkan Koonfur Afrika, waxaa Uu kulamo rasmi ah la yeelan doonaa dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika iyo mas’uuliyiin kale oo Sare kana Tirsan Dowlada Kulamadaas oo diiradda lagu saari doonaa xoojinta xiriirka labada dowladood, ballaarinta iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, amniga, iyo horumarinta, iyo sidoo kale dardargelinta fursadaha wada-shaqeyn ee mustaqbalka Labbada dowladood.

Imaatinka Wasiirka ayaa ka tarjumeysa xiriirka qotada dheer iyo iskaashiga sii xoogeysanaya ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdall Koonfur Afrika, iyadoo Safaaradda Soomaaliya ay mudnaan siinayso xoojinta wada-shaqeynta diblomaasiyadeed iyo tan istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika waxay mar walba ka shaqeyneysaa adkeynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda danaha Qaranka Soomaaliyeed, iyo taageeridda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Jamhuuriyadda Koonfur Afrika.

{DAAWO MUUQAALKA} Falanqeyn:- Ciidanka loo ogolaaday Mw Deni & A-Madoobe iyo buuqii maanta ee golaha shacabka

0

Isniin 2  Feb 2026 {HMC} Falanqeyn:- Ciidanka loo ogolaaday Mw Deni & A-Madoobe iyo buuqii maanta ee golaha shacabka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA FALANQEYNTA 

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soamaali iyo Caalamka 2/2/2026.

0

Isniin 2  Feb 2026 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Madaxweynaha Turkiga oo booqasho rasmi ah ku tago Sacuudi Carabiya, una sii gudbi doono dalka Masar.

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa lagu wadaa inuu berri booqasho rasmi ah ku tago Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halka 4-ta Febraayo uu u gudbi doono dalka Masar, booqashooyinkan oo lagu tilmaamay kuwo muhiim u ah xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo amni ee dalalka gobolka.

Dowladaha Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Masar ayaa haatan u muuqda kuwo isku aragti ka ah arrimo dhowr ah oo quseeya danahooda istiraatiijiyadeed ee dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen.

Saddexdan dal ayaa si gaar ah walaac uga muujinaya dhaq-dhaqaaqyada iyo saamaynta taban ee Imaaraadka Carabta ee gobolka, kuwaas oo ay u arkaan kuwo halis ku ah dheelitirka amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa isaguna qorsheynaya safarro diblomaasiyadeed oo uu dhawaan ku tagi doono dalalka Masar iyo Sacuudi Carabiya, kuwaas oo la filayo in ay diiradda saaraan xoojinta xiriirka labo geesoodka ah, taageerada amniga, iyo iskaashiga dhaqaale ee Soomaaliya la wadaagto dalalkaas.

Sucuudiga iyo Masar ayaa walwal ka qaba qadiyada Badacas halkaas oo ay ka jirto xiisad sii kordhaysa.

Trump oo dhawaaqay in uu Mareykanka heshiis ganacsi la galay Dalka Hindiya.

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay inuu Mareykanku heshiis ganacsi la galay Wadanka

Hindiya , kaddib wadahadal uu telefoonka kula yeeshay Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, iyadoo wadahadalkan uu sheegay inay Hindiya oggolaatay joojinta shidaalka ay ka iibsato Ruushka , taa beddelkeedana waxay Hindiya iibsan doontaa shidaalka uu gacanta ku dhigay Mareykanka ee dalka Venezuela, tallaabo uu Trump ku sheegay inay meesha ka saarayso dhaqaalaha uu Ruushka ku maalgeliyo dagaalka Ukraine.

Sidoo kale , wuxuu Trump , shaaca ka qaaday in hoos loo dhigay canshuurta la saaray badeecadaha Hindiya oo 25% markii hore ahaa oo hoos loo dhigay heer 18%, halka Hindiya ay meesha ka saartay canshuurtii ay saartay badeecadaha Mareykanka.

Dowladda Masar oo u oggolaatay Turkiga in uu adeegsado garoonka diyaaradaha Al-Uwaynaat.

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Wargeyska New York Times ayaa daaha ka rogay in Masar ay u oggolaatay Turkiga inuu adeegsado garoonka diyaaradaha Al-Uwaynaat Bariga, oo ku yaalla koonfurta Masar, si saldhiggaasi u noqdo meel laga fuliyo howlgallo ay adeegsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Weerarradaas ayaa lagu beegsanayaa xarumaha ciidamada RSF ee ku sugan gudaha Suudaan, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay taageero toos ah oo la siinayo ciidamada qalabka sida ee Suudaan, kuwaas oo dagaal kula jira RSF.

Wargeysku waxa uu sidoo kale soo bandhigay sawirro dayax-gacmeed oo tayo sare leh, kuwaas oo muujinaya joogitaanka diyaarado xamuul milatari ee Turkiga ah, iyo sidoo kale noocyo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkigu sameeyo.

Markii ay soo baxeen warbixinnadan, saraakiil ka tirsan Israa’iil ayaa ku fasiray inay tani tahay tusaale cad oo muujinaya hirgelinta dhabta ah ee isbahaysi Sunni ah, kaas oo ay ka mid yihiin Masar, Turkiga, Sacuudiga, Pakistan iyo Qatar—isbahaysi ay Israa’iil u aragto halis amni oo isa soo taraysa.

Sidee Ayuu uga Hortagay iskuday Lagu Aqoonsanaayay Somaliland Sanadkii 2012 Axmet Daa’uud Ooglu.?

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Ra’iisul wasaarihii hore ee Turkiga , Axmet Daa’uud Ooglu ayaa daaha kaqaaday iskuday uu Ingiriiska ,sannadkii 2012 ku doonayay in Somaliland loo aqoonsado dal ka madax bannaan Soomaaliya.

markaa oo Ingiriiska uu sheegay inay bixiyeen dadaal lagu qancinayo diblomaasiyiin reer Yurub iyo Afrikaan ah inay aqoonsadaan Somaliland, balse wuxuu sheegay inuu iskudaygaa si shaqsi ah uga hortagay.

Ooglu, ayaa intaa ku daray intii uu socday shirkii London ka dhacay sannadkii 2012,inuu si toos ah ugu sheegay xog-hayihii arrimaha dibadda Ingiriiska , William Hague; “ Annagu waxaan Soomaaliya u keeneynaa xasillooni, idinkuna waxaad isku dayaysaan inaad kala qeybisaaan.”

Wuxuu intaas ku daray in haddii Ingiriiska uu aad ugu adkeysanayso aqoonsiga dal, “marka hore aqoonsada Jamhuuriyadda Turkiga ee Qubruska Waqooyi, kaddib ayaana ka wada hadli karnaa Somaliland.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu markii dambe isku keenay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland magaalada Ankara, si loo xoojiyo wada hadal iyo midnimo, taasoo uu ku adkeeyay in doorka Turkiga ee Soomaaliya uu mar walba ku saleysnaa ilaalinta wadajirka iyo midnimada dalka.

Itoobiya iyo Sacuudi Carabiya oo Yeeshay wadahadallo heer sare ah.

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Itoobiya iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyay in ay xoojiyaan xiriirkooda laba geesoodka ah, ka dib wadahadallo heer sare ah oo dhexmaray Wasiirrada Arrimaha-dibedda labada sal.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale looga hadlay nabadda iyo amniga gobolka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray horumarinta xasilloonida Geeska Afrika,

Waxaana gabagabadii kulank la isla meel-dhigey in ay si dhow uga wada shaqeeyaan taageeridda nbadda iyo xasilloonida gobolka, sida ay werisey wakaaladsa ENA.

Mareykanka oo 70 milyan oo dollar ku maalgelinaya saldhigga milatari oo ku yaalo dalka Kenya.

0

Isniin 2 Feb 2026 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa 70 milyan oo dollar ku maalgelinaya saldhigga milatari ee Manda Bay ee dalka Kenya , kaasoo ku yaalla meel aan ka fogeyn xadka Soomaaliya iyo badweynta Hindiya, iyadoo la sheegay maalgelintan in loo adeegsanayo sidii saldhiggan u noqon lahaa mid ay si buuxda ugu tiirsanaan karaan ciidanka Mareykanka , oo la sheegay inay ballaarinayaan howlgallada ay ka fuliyaan Soomaaliya ee lagula dagaallamayo AS.

Saldhigan waxaa wadajir ah u adeegsada ciidanka Kenya iyo Mareykanka , halkaa oo 2020 ay weerarreen AS , balse istaraatiji ahaan waxaa la sheegay ballaarinta saldhigan oo lagu daray iskudayga uu Mareykanka ku xoojinayo joogitaankiisa magaalada istaraatijiga ah ee Berbera inay la xiriirto yareynta ku tiirsanaanta saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Jabuuti iyo xaqiijinta inuu Mareykanka joogitaan ku leeyahay labada cirif ee badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Somali military operation kills Al Shabaab terrorist leaders during attack-planning meeting.

0

Monday 2 Feb 2026 {HMC} Somalia’s National Intelligence and Security Agency (NISA) said Sunday that it had carried out an operation against the Al Qaeda-affiliated terrorist group Al Shabaab, killing 13 members, including five of its so-called leaders.

The operation took place in the vicinity of Maha Saed in the Middle Shabelle, targeting an Al Shabaab leaders’ meeting.

“The targeted bloodthirsty leaders were holding a meeting where they intended to plot terrorist conspiracies and pressure local communities into giving forced support. However, intelligence forces foiled their scheme after their activities were brought to an end at the scene,” NISA said in a statement.

The agency identified the slain leaders as Moalim Aseyr, Moalim Muhumed Ahmed Hassan, Sheikh Ali Guuraale, Abdirahman Sheikh Ali Dhegey, and Moalim Adey.

Targeted operation

It said they were responsible for terrorist operations carried out by the group in the regions of Middle Shabelle, Galgaduud, and Bay.

“Up to eight conspirators, including three leaders, were also seriously injured in the operation,” the agency said.

The operation disrupted planned terrorist activities in three provinces, according to Somali Information Minister Daud Aweis.

The Al Qaeda-affiliated terrorist group has been fighting the Somali government for more than 16 years, frequently targeting security forces, officials, and civilians.

Since July last year, the Somali army, with the support of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) and other international partners, has stepped up operations against Al Shabaab.

The AU mission’s mandate was renewed by the UN Security Council in December for another year, with a resolution extending its authorisation until Dec. 31.

SOURCE:AA,TRT Africa.