Home Blog Page 1320

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN:. Kharaaso ka dhashay Rasaas Lagu Furay Dad Qodanayay Macdan.

0

Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} FAAH FAAHIN:. Kharaaso ka dhashay Rasaas Lagu Furay Dad Qodanayay Macdan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Mid kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed oo ku Geeriyooday Muqdisho.

0

Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} Mid kamid ah Abwaanada Soomaaliyeed oo ku Geeriyooday Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxay tahay Billada Xalay la Gudoonsiiyey Madaxweyne Xasan sheekh.?

0

Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} Maxay tahay Billada Xalay la Gudoonsiiyey Madaxweyne Xasan sheekh.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Hay’adda WHO oo war kasoo saartay hadalkii madaxweynaha Mareeykan.

0

Arbaco 22, Jan, 2025 {HMC} Hay’adda WHO oo war kasoo saartay hadalkii madaxweynaha Mareeykan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Guuleystay Abaal-marin Heer Caalami ah

Arbaco 22, jun 2025 {HMC} – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la guddoonsiiyey Abaalmarinta Hoggaaminta Afrika (Africa Leadership Award), taas oo ay bixisay Africa House munaasabad lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland.

Abaalmarintan ayaa lagu maamuusay dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee horumarinta dowlad-dhiska, dib u xoreynta dhaqaalaha, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta ee Soomaaliya.

Sida ay sheegtay Villa Somalia, abaalmarintan waxay muujinaysaa sida ay Africa House ugu qanacday horumarka ay Soomaaliya ku gaartay dib u dhiska hay’adaha, xasiloonida, iyo hirgelinta qorshaha dayn-cafinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa ka jeediyey munaasabadda ayaa u mahadnaqay Africa House tixgelinta iyo qiimeynta ay ku sameeyeen horumarka ay ku tallaabsadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Abaalmarintan waa aqoonsi ku aaddan adkaysiga, geesinnimada, iyo go’aan-qaadashada shacabka Soomaaliyeed. Aad baan ugu faraxsanahay oo sharaf weyn bay ii tahay inaan guddoomo abaalmarintan, aniga oo u hibeynaya shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Guulaha dowladda iyo dadaalka madaxweynaha

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay guulihii ay gaartay dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Tani waxaa ka mid ah:

  1. Dayn-cafinta iyo HIPC Initiative: Soomaaliya waxay gaartay heerka dhammaadka (Completion Point) ee qorshaha dayn-cafinta ee HIPC Initiative bishii December 2023, taas oo fursad u siisay dowladda in ay maalgashi ku sameeyo mashruucyo horumarineed oo muhiim ah.
  2. Dib u dhiska ciidamada iyo xasiloonida: Dowladda waxay dib u dhisay ciidamada qalabka sida iyo hirgelisay qorshe lagu qaado cunaqabateynta hubka, taas oo ka caawisay xasiloonida gobollada.
  3. Ku biiritaanka Bulshada Bariga Afrika (EAC): Soomaaliya waxay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) sanadkan, taas oo furanaysa fursado cusub oo ganacsi iyo iskaashi dhaqaale.

Caqabadaha iyo Fursadaha Soomaaliya

Inkastoo Soomaaliya ay horumar badan ku gaartay, haddana waxaa jira caqabado muhiim ah oo wajiga u tahay, sida colaadda, kala qaybsanaanta siyaasadeed, iyo saamaynta cimilada oo keentay abaaro iyo daadad.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa munaasabadda ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay taageerada caalamka si loo xoojiyo xasiloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu saamaynta cimilada ugu badan, waxaana aan u baahanahay taageerada caalamka si aan u dhisno mustaqbal waara,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Kooxda fallaagada ee Rwanda taageerto oo qabsaday magaalo muhiim ah oo ku taal bariga DR Congo

Arbaco 22, jun 2025 {HMC} Fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa la wareegay magaalada muhiimka ah ee ganacsiga bari ee Minova, sida laga soo xigtay ilo kala duwan.

Qabsashadii magaalada Minova ayaa fallaagada M23 ka dhigaysa in ay afartan kilomitir u jiraan magaalada muhiimka ah ee Goma oo ku dhow xadka Rwanda taas oo lagu qiyaasay in ay ku nool yihiin inta u dhaxaysa hal ilaa laba milyan oo qof.

Xeryaha barakaca ee ku dhow magaalada ayaa sii kordhayay iyadoo boqolaal kun oo qof ay ka carararayaan dagaalka loogu jiro gacan ku haynta iyo maamulka magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Dagaalo xooggan ayaa bilihii lasoo dhaafay ku dhexmarayay jabhadaha iyo ciidamada dowladda gobolka qaniga ku ah macdanta, ayaa in ka badan 200,000 oo ay ka qaxeen guryahoodii.

Waa kuma hoggaamiyaha cusub ee ay Xamaas magacowday?

Arbaco 22, jun 2025 {HMC} Xamaas ayaa shaacisay magaca hoggaamiyahooda cusub ee Qasa markii ugu horreysay tan iyo markii la dilay Yahya Sinwar bishii October ee lasoo dhaafay.

Khalil al-Xayya, ayay xamaas sheegeen in uu noqon doono hoggaamiyahooda cusub ee Qasa.

Al-Xayya, oo fadhigiisu yahay dalka Qadar, ayaa hadda hoggaaminaya wafdiga Xamaas ee wada-hadallada xabbad-joojinta ah ee u dhexeeya kooxda iyo Israa’iil, wuxuuna aqoon, xiriir iyo faham qoto dheer u leeyahay xaaladda Qasa.

Ku xigeenkii hore ee madaxa xafiiska siyaasada ee kooxda ayaa door muhiim ah ka ciyaaray wadahadalladii xabbad-joojinta ee lala galay Israa’iil.

Dukumenti saxiixiisa ka muuqdo oo uu ku qoray website-ka Xamaas, ayuu al-Xayya ku sheegay in Qasa ay hadda gashay waji cusub oo udub-dhexaad u ah dib u dhiska goobihii burburay.

Waa kuma Khalil al-Xayya?
Khalil al-Hayya waxa uu dhashay 5 November 1960 waa siyaasi falastiini ah oo soo noqday gudoomiye ku xigeenka Xafiiska Siyaasada ee Xamaas ilaa August 2024.

Al-Hayya waxa uu shahaadada koowaad ka qaatay Jaamacadda Islamic University of Gaza, halka heerka labaad ee jaamacadana uu uga baxay Jaamacadda Urdun.

Shahaadada PhD waxa uu kaqaatay ka qaatay Jaamacadda Qur’aanka Kariimka iyo Culuumta Islaamka. Waxa uu ku biiray Xamaas ka dib markii uu dhammaystay heerka koowaad ee jaamacadda. Xiligaas waxa uu ku shaqayn jiray macalinimo.

Al-Xayya waxa uu tobanaan sano ahaa sarkaal ka tirsan Xamaas. Waxaa loo arkay inuu ahaa nin si aad ah ugu dhaw hogaamiyihii hore ee Xamaas Yahya Sinwar, waxaana lagu tilmaamay “mid ka mid ah dadka tirada yar ee Sinwar uu dareemay inuu isku haleyn karo.”

Bishii November 2019, al-xayya iyo Rouhi Mushtaha waxay hogaaminayeen wafdi ka ambabaxay Marinka Qaza iyagoo booqday dhowr wadan oo ay ku jiraan Turkiga iyo Lubnaan.

Safarkan ka hor waxa la sheegay in wefdigu ay Qaahira kula kulmeen saraakiisha sirdoonka Masar.

Al-Xayya waxa uu sidoo kale hoggaamiyay wadahadallo dib u heshiisiin ah oo ay yeesheen kooxda Fatah. Bishii Janaayo 2022, wuxuu booqday Algeria, ka dib martiqaad uu ka helay madaxweynaha Algeria.

Bishii October2022, al-Xayya wuxuu ku dhawaaqay in isaga iyo wakiillo ka socda kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ay kulan “taarikhi ah” magaalada Dimishiq kula yeesheen madaxweynahii Suuriya Bashar al-Assad. Al-Xaya ayaa waxa uu markaasi sheegay in ay isku afgarteen in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeya Xamaas iyo Suuriya, kaas oo soo bilowday markii Xamaas ay diiday in ay taageerto Nidaamka Bashaar Al-Asad, intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Al-Xayya waxa uu u matalayay Xamaas intii lagu jiray gorgortanka dadban ee lala galay Israa’iil kaas oo looga hadlayay sii deyntii dadkii ay Xamaas Israa’iil ka soo qafaalatay iyo xabbad-joojinta. Ka dib dilkii Yahya Sinwar ee bishii October 2024, al-Xayya waxaa loo arkayay musharrax suuragalka ah ee badali kara Sinwaar.

Toddobo ilaa siddeed ka mid ah qaraabada al-Hayya, oo ay ku jiraan laba walaalihiis ah, ayaa lagu dilay weerarro ay Israa’iil ku qaadday gurigiisa 2007.

Waxaa fashilmay isku dayo dil oo lagu doonayay in isaga lagu khaarajiyo. Sanadkii 2008 ayaa sidoo kale mid ka mid ah wiilashiisa lagu dilay duqayn dhanka cirka.

Wiil kale, gabadh uu soddog u ahaa, iyo wiil uu awoowe u ahaa ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo lagu qaaday gurigiisa bishii July 2014 intii lagu jiray dagaalkii Gaza ee sanadkaas.

Dalka Turkey: 66 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Arbaco 22, jun 2025 {HMC}  Ankara — Dab ayaa qabsaday hotel ku yaalla goobta loo dalxiis tago ee Kartalkaya ee waqooyi-galbeed ee Turkiga subaxnimadii hore ee Talaadadan, waxaana ku dhintay 66 qof, 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Dabka ka kacay hotelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq, kaas oo ka samaysan alwaax, ayaa bilowday 3:27 subaxnimo ee saacadda gudaha, ayuu Cali Yerlikaya ku yirri barta X.

Telefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen kadib markii ay ka boodeen daaqadaha hoteelka.

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

Dabka oo la rumeysan yahay inuu ka kacay maqaayadda hoteelka saqdii dhexe ee xalay ayaa si degdeg ah u fiday. Ilaa hadda ma cadda waxa sababay.

Muuqaalo laga soo duubay oo uu baahiyay telefiishanka NTV ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo cirka isku shareeray oo daboolay buur baraf oo hoteelka gadaashiisa ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in 237 qof ay ku sugnaayeen hoteelka.

Kuwa la daadgureeyay ayaa dib loo dajiyay hoteello u dhowaa.

Wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc ayaa sheegay in lix xeer ilaaliye loo qoondeeyay inay baaraan dabka.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in ay halkaasi tagaan Wasiirrada Caafimaadka, Arrimaha Gudaha iyo Dhaqanka.

Puntland oo ka hadashay dagaaladii Ugu Dambeeyay iyo khasaaraha dhankooda soo gaaray.

0

Talaado 21, jun 2025 {HMC} Iyadoo buuraha Cal-miskaas ee ee gobolka Bari ee Puntland uu ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kooxda Daacish ayaa saraakiisha maamulku waxay sheegeen inay guulo ka gaareen dagaalada isla markaana dhul ballaaran ay ka qabsadeen kooxdaasi.

Deegaan lagu magacaabo Tasjiic oo ku yaalla buuraha Cal-miskaad ayuu shalay ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada iyo dagaalamayaal ka tirsan kooxda Daacish.

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamuud Maxamed Axmed oo loo yaqaan Faadhigo, afhayeenka ciidamka howlgalka ka wada buuraha, ayaa sheegay in ciidamadu weerareen fariisimo ay Daacish lahaayeen.

“Annaga muhiimadeenu waxa weeye maxaa dhul laga qabsaday, maxaase khasaare la gaarsiiyey, annaga lix nin ayaa miino la kacday intaas ayaa khasaare naga soo gaartay laakiin iyaga dhowr iyo tobban qof meeshii ayaa lagaga dilay, halkii ay fadhiyeenna ciidanka ayaa ka qabsaday”.

Wuxuu sheegay in kooxdaasi ay miino adeegsanayaan ayna hadda inta ugu badan ay miinooyinkaas adeegsadaan.

Faadhigo, wuxu xusay in dagaalkii shalay ay kooxda Daacish ka qabsadeen fariisin ay ku lahayeen deegaanka Xaglay oo ku yaalla buuraha dagaaladu ka socdaan.

“Marka laga bilaabo Il iyo Camayra ilaa 250km ayaa laga qabtay, saldhigyo ilaa afartan ah ayaa laga qabtay, marka dagaalku waa socda, aaga shalay dagaalku ka dhacay waa aag uu hadda ka bilowday laakiin aagagii hore guulo badan ayaa laga gaaray khasaare badana waa la gaarsiiyey” ayuu BBC-da u sheegay Jeneraal Faadhigo.

Afhayeenka howlgalka la dagaalanka Daacish ee ciidamada Puntland Jeneral Maxamuud Maxamed Axmed ayaa sheegay in kooxda Daacish ay la dagaalamayaan ay u badan ajaaniib.

“Cadow caama oo caalamiya ayaa nagu soo duulay, kuwaasoo adduunka oo dhan dhibatooyin badan ka gaystay, ujeedadayaduna waa inaan dalka ka xorayno” ayuu intaa ku daray Jeneraalka.

Nooca dhulka dagaaladu ka socdaan

Puntland ayaa dhowr toddobaad ka hor ku dhawaaqday dagaal ay ku qaaday Buuraha Calmis-kaad ee gobolka Bari halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin kooxda Daacish.

Sida saraakiisha Puntland sheegeen, dagaalka ayey ciidamadu ka gaareen guulo iyagoo soo bandhigay godad iyo saldhigyo ay ka qabsadeen kooxda Daacish.

Dhulka dagaaladu ka socdaan, waa dhul Juquraafi ahaan buuraley ah oo qarfe ah kuna teedsan dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Bari ee Puntland

Sida uu BBC-da u sheegay taliyihii hore ee Sirdoonka Puntland sidoo kalena soo noqday taliyaha ciidanka Booliska Puntland Jeneraaal Cabdi Xasan Xuseen Cabdi yare dhulku waa dhul buuraley ah oo ku adag dagaalka.

“Juquraafi ahaan dhulka lagu dagaalamayo waa dhul buuraley ah, aad u khatar badan gaadiidku ay yar tahay intuu ka gali karo, iyaguna muddo ayey ku sugnaayeen wadooyin banaysteen miino tiro barina galiyeen” ayuu yiri Jeneraal Cabdi Yare.

“Buurta Cal-miskaad ama Cal Bari waxay ka bilaabataa buuraha dhanka Boosaaso kaga beeran koonfur bari, buurahaasi waxay ku dhammaadaan degmooyinka Caluula, Baargaal iyo Xaabo dhanka badda waxaa ka saaran degmada Qandala, dherer ahaan waa dhul ku dhow dhow 300km, waa dhul qarar, togag, jeexdimo iyo boholo tiro badan leh, buurtaasi Bosaasaa dugsata degmada Qandala Balidhidin baa ku taalla waa dhul intaas ku yaallaan” auu BBC-da u sheegay Jeneraal Cabdi Yare.

Gobolka Bari waxaa haatan si xowli ah uga socda ‘howlgalka Hilaac’ ee Puntland ay kula dagaallamayso kooxda Daacish oo ku dhuumalaysata buuraleyda fog ee Calmiskaad.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay -21 01-2025.

0

Talaado 21, jun 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbin doonaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn. 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY