Talaado 21, jun 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo Gudbin doonaa Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Radio Hiiraanweyn {21-01-2025}
Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble
Farsamadii :: Abdirahman Macalin Muse
{DAAWO MUQAALKA} Cali Jeyte “AS meelaha ay joogaan iyo dadka la nool gantaalo ku dhufan doono”
Talaado 21, Jan, 2025 {HMC} Cali Jeyte Cismaan oo horay u soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa shir jaraa’id oo uu Baledweyne ku qabtay ku shaaciyay in ujeedka imaatinkiisa Baledweyne uu la xariiro dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
U qeybsanaha Xafiiska madaxweynaha ee arrimaha ciidanka Difaaca dadweynaha Cali Jeyte ayaa wacad ku maray in gataalo lagu garaaci doono goobaha ay joogaan Al-shabaab iyo dadka la nool, isagoona ugu baaqay in haatan isaga sii fogaadaan.
Hadalkaan kasoo yeeray Cali Jeyte ayaa imaanaya, iyadoo kooxda Al-shabaab ay dib ugu soo xoogeysanayaan qaar ka mid ah deegaanadii laga xureeyay 2 sano ka hor, kuwaas oo ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Buula burte iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA
Maxey ka wada Hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland.
Talaado 21, jun 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso Wasiirka Arrimaha Gudaha Finland, Ms Mari Rantanen, oo maanta soo gaartay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa diirradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal Soomaaliya iyo Finland, gaar ahaan iskaashiga dhinaca amniga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay horumar dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta oo ay ka gaartay guullo waaweyn, iyadoo dhinaca kalena uu xusay in dowladda Soomaaliya ay bishan billowday inay door muhiim ah ka cayaarto amniga dunida kadib markii ay xubin ka noqotay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Xildhibaan Maxamed C,qaadir oo Ka qeyb Galay Soo dhaweyn Ugaas Yuusuf.
Talaado 21, jun 2025 {HMC} Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Muuse Salaad wehliye oo aay wehliyaan Xildhibaan Maxamed cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan Barlamaanka Jamuuriyada Fadaraalka soomaaliya Taliyaha qeybta 27-aad Col Cumar Maxamed iyo masuuliyiin heer gobal iyo heer degmo ayaa ka qeeyb-galay munaasabad lagu soo dhaweeynayay Ugaas Yuusuf ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka Dhacday gudaha Magaalada Buulo-burde.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa qudbad Nabadeed oo dhinacyo badan taabaneeyso ka Jeediyey munaasabadda dhaqan ee ka dhacday Degmada Buulo-burde asigoo u mahadceliyay Beesha gogashaan dhigtay asigoo Xusay muhiimada aay xiligaan leedahay midnimada iyo in laga shaqeeyo wadajirka umadda oo ah Astaan Nabadeed oo dowladnimada kaabeeyso.
“Ugaas waxaan ka codsanayaa inaad Cooladaha Beelaha walaalaha ah aad biyo ku shubto midka ladagaalanka khawaarijta aad baasiin ku shubto”
Gudoomiyaha oo hadalka sii wato ayaa xusay Ahmiyada aay leedahay in laga wada qeeyb galo dagaalka ka socdo gobalka hiiraan oo ah midka ladagaalanka argagaxisada lagana gudbo dagaal qabiil oo dhex maro labo beel oo walaalo ah Looguna duceeyo dadka reer hiiraan guusha.

-DHAMAAD-
{DAAWO SAWIRADA}Muxu RW Ku Xigeenka Kusoo Arkay Wasaaraddaha uu Lama Filaanka Ku Tagay?
Talaado 21,jun 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada, iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryeynta.
Booqashadan ayaa ahayd mid qeyb ka ah hawlgal ballaaran oo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenku ku marayay Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dawladda, si uu ugu kuurgalo shaqada muhiimka ah ee hay’adaha dawladdu u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Intii uu kormeerka ku jiray, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay masuuliyiinta sare ee wasaaradahaas, isagoo warbixinno ka dhageystay ku saabsan howlaha ay Wasaaraduhu ka wadaan dalka, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada shacabka.
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku boorriyay hay’adaha dawladdu inay sii xoojiyaan isla xisaabtanka, daahfurnaanta, iyo hufnaanta shaqada, si loo hubiyo in adeegyada ay si toos ah u gaaraan shacabka. Wuxuu sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha Wasaaraduhu ay waafaqaan Qorshaha Isbedelka Qaranka (NTP), si loo xaqiijiyo horumar waara iyo mid wadajir ah.

Waa Maxay Labada Arin oo aay Dowladda Aljeeriya ku Bogaadisay Soomaaliya?
Talaado 21,jun 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta kula kulmay Magaalada New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Jaaliyadaha Qaran ee Dibadda iyo Arrimaha Afrika ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Shacbiga Aljeeriya, Ahmed Attaf
Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga ee nacfi wadaagga leh.
Mudane Ahmed Attaf, waxaa uu ugu hambalyeeyay Soomaaliya u billaabashada muddo xileedkeeda labada sano ee xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, isagoo ku bogaadiyay ku biiriddeeda Golaha Ammaanka, waxa uu sidoo kale ku ammaanay sii kordhiddeeda kaalinteeda xooggan ee diblomaasiyadda caalamiga.
Kulanka ayaa la iskula soo qaaday dhowr qodob oo ujeedkoodu yahay ballaarinta iskaashi dhinacyo badan leh oo si wacan uga tarjumaya dano wadaagga labada dal iyo adkaynta muhiimadda ay leedahay iskuduwidda mowqifyada fagaarayaasha caalamiga si kor loogu qaado wax wadaagga heer caalami.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo Beenisay in Biri Istaageen Duulimaadyadii Gudaha iyo Dibada
Talaado 21,jun 2025 {HMC} Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) iyada oo ka duulaysa bedqabka, habsami usocodka duulimaadyada iyo ilaalinta xuquuqda shacabka soomaaliyeed ee safraya, ayeey HDRS waxa ay u cadaynaysaa shacabka Soomaaliyeed in howlaha safarada gudaha iyo dibadda ay caadigoodii u socon doonaan beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 22/01/2025.
Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa markasta waajib ka saaranyahay in ay daboosho baahida shacabka safraya dal iyo dibad.
Hadaba, Hay’addu Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) waxa ay ka digaysaa wararka ay shaqsiyaadka ku faafiyeen baraha bulshada kuwaasoo lagu sheegayo inay safarada gudaha carqalad ku imaan doonto berito 22/01/2025, iyada oo go’aankaasi uu yimid kadib markii ay:
1. HDRS iyo Maamulka Garoonka Aadan Cadde soo saareen amar saameeynaya shirkadaha aan diyaaraduhu ujoogin kuwaas oo marka ay rakaab soo xareeyaan ay kadhalatay tacadi baaxad leh oo sababay cabashooyin xad dhaaf ah (fadlan eeg lifaaqa).
2. HDRS waxa ay baaritaan kusameeysay diyaaradaha gudaha kuwaas oo ay ka heshay arimo saamay ku yeelan kara badqabka rakaabka raacaya ayna Hay’addu ku amartay in aanay duulimaad samayn karin inta dayactir rasmi ah oo sharciga waafaqsan looga sameeynayo.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay shirkadaha diyaaradaha ka gacansiiyaan in ay si waafaqsan sharciga u gutaan shaqadooda una adeegaan shacabka.
{DAAWO MUUQAALKA} Abaabul Dagaal oo ka Socda Shabeellaha Hoose.
Talaado 21, Jan 2025 {HMC} Abaabul Dagaal oo ka Socda Shabeellaha Hoose.
HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.
{DAAWO MUUQAALKA} Xawaadlaha Dagaalka ku jirin ee iska fasha beeraha Dagaalka soo galla.”XL mohamed Abdulkadi
Talaado 21, Jan 2025 {HMC} Xawaadlaha Dagaalka ku jirin ee iska fasha beeraha Dagaalka soo galla.”XL mohamed Abdulkadi



